Wararka

GUJI DHAMMAAN WARARKA DALKA

WARARKA MAANTA 3da Maayl  2021 Sir Culus!  

Su’aallaha Maanta: Maxay soo wadaa #Qatar ma madaxweyne cusub mise Farmaajo? Maxaa ka jira inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillahaai Farmaajo  “Been-Hawaas” ku wareejiyey amniga dalka Raysal Wasaare Mudane Mohamed Xuseen Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade? Yaa kala qeybiyey Ciidanka dalka? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan “Farmaajo Been-Hawaas”? Ma jiraa siyaasi qaban kara xilka madaxweynaha Soomaaliya? Yaa muddan inuu Madaxwweyne ka noqon Soomaaliya? Yaa diidan inay #Soomaaliya noqonto dal soo saara shidaal ma reer Galbeed mise Carab? Yaa diidan inay #Soomaaliya nabad noqoto? Ha wiqleyso!

Yurub 3da Maayl 2021Qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa bilaabay in ay qaadaan ama qafiifiyaan qeybo ka mid ah xayiraada saaran  xanuunka Covid 19 waxaana shalay laga qaaday dalka Portugal xanibaadihii saarnaa.

Qafiifintan xayiraada ayaa laga bilaabi doonaa maqaayadaha wax laga cuno iyo goobaha cabitaanada oo furnaan doona ilaa 10:30 fiidnimo, iyada oo miiskiiba ay fariisan karaan lix qof meherada gudahooda, halka bannaankana ay fariisan karaan ilaa 10 ruux.

Inta badan goobaha Ganacsiga ayaa furnaan doona ilaa Sagaalka fiidnimo maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha halka daba-yaaqada Todobaadkana ay furnaan doonaan ilaa todobada fiidnimo.

Xannuunka Covid 19 ayaa marka laga soo tago dadka uu soo ritay waxaa uu saameyn adag ku yeeshay dhaqdhaqaaqa dadka iyo goobaha ganacsiga oo xayiraad joogta ah lagu soo rogay.

Laakiin go’aankan ay qaateen qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa ugu yaraan soo celin kara rajada dhaqdhaqaaqa dadka  iyo goobaha ganacsiga.

Muqdisho 3da Maayl 2021 Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay amartay in laga joojiyo mushaarka ay qaataan ciidamadii iyo saraakiishii ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya, ee ka midka noqday ciidamada diidan muddo kororsiga, islamarkaana ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho. 

Xogta aan helnay ayaa tilaameysa in amar ka soo baxay Madaxweynaha lagu joojiyay lacagaha ay qaataan ciidanka iyo saraakiisha diidan muddo kororsiga, waxaana sababta lagu sheegay in ay ku biireen mucaaradka. Waxaa sidoo kale la amray in saraakiishan iyo ciidanka laga saaro ciidamada, lana ruqseeyo.

Boqolaal ka mid ah ciidamada dowladda ayaa ka soo baxay furumaha dagaalka, kuwaasoo ku sugan Waqooyiga iyo Koonfurta Muqdisho. 

Ciidamada ayaa isugu jira laba nuuc oo kala ah ciidamo maleeshiyaad ah oo taabacsan mucaaradka iyo ciidamo isugu jira Militeri iyo boolis oo ka gadooday muddo korarsigii ay Sabtidii ka laabteen Golaha Shacabka ee baarlamanka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shalay qoraal ay soo saareen uga digay in laga aarguto ciidamada muddo kororsiga sameeyey.

“Golaha wuxuu ka digayaa in ciidanka diiday muddo kordhinta laga aarguto, xuquuqooda la duudsiiyo ama uu maamulka amniga faraha la soo galo, si muuqata ama si dadban, Madaxweynihii hore iyo xulafadiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka

Inkastoo amarkaan uu ka soo baxay Farmaajo, haddana ma cadda waxa uu ka yeeli doono ra’iisul wasaare Rooble, waxayna tani tusaale u noqon doonta sida uu Rooble u maareeyo xaaladdan cakiran iyo awoodda uu u leeyahay inuu ka horyimaado

Muqdisho 3da Maayl 2021 Iyadoo Sabtidii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hoggaanka doorashada iyo tan amniga doorashooyinka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa durba waxaa soo baxaya culeysyo ka hor imaanaya Rooble. 

Caqabada ugu weyn ee uu wajihi karo Rooble islamarkaana uu durba billawday qeyla dhaantooda ayaa ah wareejinta ammaanka guud ee dalka oo aan wali laga heynin Farmaajo. 

Mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa qaba in Madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo ammaanka guud ee dalka, taasoo haddii aysan dhicin imaan doonin kalsooni amni, sababtoo ah waxaa weli ciidanka hoggaamiya taliyayaal isaga ka amar qaata, mana jirto awood uu Rooble leeyahay marka laga soo tago magac un, sida ay qabaan dhinacyadaas.

Midowga Musharaxiinta iyo Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa Rooble ku cadaadinaya in uu la soo wareego ammaanka guud ee dalka, si xilka looga qaado taliyaasha ciidamada booliska, Milateriga iyo nabad sugidda oo lagu eedeeyay in ay wax ka abaabuleen dagaallo iyo weeraro ka dhacay Muqdisho. 

“Maadaama ay ciidammadii qaranka ku kala qeybsameen diidmada iyo difaaca muddo kororsiga sharci-darrida ah, Goluhu wuxuu soo jeedinayaa si dib loogu mideeyo ciidanka in xukuumaddu magacawdo hoggaan mideyn kara ciidanka, abuuri karana kalsooni dhexdooda ah. Golaha wuxuu ka digayaa in ciidanka diiday muddo kordhinta laga aarguto, xuquuqooda la duudsiiyo ama uu maamulka amniga faraha la soo galo, si muuqata ama si dadban, Madaxweynihii hore iyo xulafadiisa. Goluhu wuxuu ku boorrinaayaa Rai’isal Wasaare Roble in uu qaado tallaabooyin muujinaya in uu amniga dalka u madaxbannaan yahay, si uu u kasbado kalsoonida ciidanka, siyaasiyiinta, shacabka iyo beesha caalamkaba,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-murtiyeed shalay kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta

Dad badan ayaa qaba in Farmaajo uusan weli si rasmi ah u wareejin awoodda maamulka ciidamada, marka laga reebo afka un.

“Haddii weli Fahad, Kulane, Xijaar, Qaroole, Biixi iyo Odowaa ay ka amar qaadanayaan Farmaajo maxay tahay amniga uu Rooble la wareegay ee gacantiisa ku jira, yaan lagu ciyaarin caqliyaddeena,” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah mucaaradka oo la hadlay Caasimada Online.

“Sidee Rooble ku maamuli amaanka doorashada marba haddii aysan hoos imaanin taliyaasha ciidamada qaranka.?”

Muqdisho 3da Maayl 2021 Ergayga gaar ah oo ay dowladda Qatar soo dirtay Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani ayaa xalay Muqdisho kula kulmay xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta, kadib markii uu shalay la shiray mas’uuliyiinya dowladda federaalka.

Hase yeeshee, warka ugu weyn ee safarka wafdiga ayaa noqon kulamadii dhacay balse waa kulanka aan dhicin, ee ah kan wafdiga Qatar iyo Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed. Maxaa keenay in Shariif oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya Midowga Musharaxiinta uu diido la-kulanka wafdiga Qatar?

Marka aad eegto sooyaalka Qatar ee Soomaaliya, gaar ahaan afartii sano ee ugu dambeeyey, Qatar ma sameysan xitaa hal shey oo Shariif uu ku ixtiraami karo, kulana kulmi karo ergeyga ay soo dirtay. Waxaa sidoo kale kale is-weydiin mudan, oo tuhun weyn abuuraya sababta xilligan kusoo beegtay ergeyga ay soo dirtay Qatar. 

Safarka ergeygan ayaa kusoo aaday xilli ururka Midowga Afrika uu doonayo inuu ergey gaar ah usoo diro Soomaaliya, sidoo kalena ururkaas uu qaatay siyaasad aad uga carreysiisay xulafada Qatar ee Villa Somalia, kadib markii uu si xooggan u cambaareeyey muddo kororsigii sharci-darrada ahaa ee madaxweyne Farmaajo. 

Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa qaba in deg degta lagu soo diray ergeygan laga leeyahay laba ujeedo oo kala ah; 1- in la wiiqo qorshaha dhex-dhexaadinta Midowga Afrika iyo 2- In la qaboojiyo carcarta mucaaradka oo taageero shacab iyo mid ciidan ku jebiyey dowladda federaalka toddobaadkii tegay.

Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya ku habsatay afartii sano ee lasoo dhaafay waxay aheyd Qatar, oo xulufo weyn u aheyd Farmaajo. Waxay lacag sharci-darro ah oo ka baxsan nidaamka maaliyadda dalka ku taageereysay Farmaajo, taasi oo loo adeegsaday in lagu caburiyo, lagu weeraro laguna wiiqo siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda iyo suxufiyiinta. Waxaa loo adeegsaday in lagu iibsado xildhibaanada baarlamanka, iyo cid kasta oo loo arko in hadalkeedu saameyn leeyahay oo mushahar laaluush ah oo bille ah loogu qoray. 

Maxay tahay marka xalka ay Qatar raadineyso inay Soomaalida dhex dhigto, mise waxay weji ka sameysaneysa mucaaradka, si lacalla haddii Farmaajo soo noqon waayey aysan ugu soo dhicin meel eber ah.

Xubno ku dhow Shariifka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay inn madaxweynihii hore uu qabo su’aalo ay ka mid yihiin: Xagee jirtay Qatar afartii sano ee tagtay, markii loo qeylinayey kaalmo dibadeed iyo in wax laga qabto xadgudubyada Villa Somalia ay ku kaceysay?

Qatar xitaa kama hadal markii Muqdisho ay ololeysay toddobaadkii tegay ee ciidamada dowladda ay weerareen aqallada Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur taasi oo dagaal gelisay caasimada. Kama hadal markii Farmaajo iyo Mursal ay sameysteen laba sano oo muddo kororsi sharci-darro ah, markaasi oo beesha caalamka oo idil ay soo saareen qoraallo ay ku diideen. 

Waxaa cad oo dood aysan ka taagneyn in Qatar ay la jirto dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, lana jirtay muddo afar sano, ayna aheyd shidaalka hurinayey dhibka ka jira dalka.

Qatar weligeed ma taageerin Soomaaliya iyo shacabkeeda ee waxay taageereysay shaqsi ka shaqeeya danaheeda. Haddii aad dooneyso inaan ogaato sida ay u egtahay taageerada Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaad eegta Turkish-ka. Maxay Qatar u qabatay Soomaaliya oo muuqda?

Waxa hadda kaliya la rajeyn karo ayaa ah in Qatar ay garowsatay qaladkeeda oo ay dhab ka tahay inay dooneyso xal, hase yeeshee diiwaankeeda taariikhda ma muujinayo rajadaas.