WARARKA

GUJI DHAMMAAN WARARKA DALKA

CLICK NEWS IN ENGLISH

WARARKA MAANTA 14ka Janaayo 2021 Sir 

Su’aalaha Maanta: Iscasil Farmaajo waan fashilantay Madaxweyne Farmaajo! Yaa Madaxweyne noqon doona Dr. Cabdinuur, Danjire Daahir Geele Mise Dr. Baadiyoow Febriary 9, 2021? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Kufi Iyo Kala-Carar” ee Raysal Wasaare Mudane Rooble “Dhiiqo-Raam-Sae/Dhooqo-Raam-Sade”? Maxay ku naceen Ummadda #Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.9% Iyo Argagixiye Maal-Geliye ahna Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasin ‘Daba-Naasle” 99.9%? Meeqo Madaxweyne ayeey yeelan doontaa #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa diiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Beesha Caalamka 14ka Janaayo 2021 Beesha Caalamka ayaa Talaadadii war qoraal ah kasoo saartay arrimaha Soomaaliya, waxeyna walaac ka muujiyeen is-mari-waaga ka jira hirgalinta hanaanka doorashada ee horay loogu heshiiyay.

17-kii September waxaa dhacay heshiis ay wada gaareen dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxaana la isla jiheeyay hannaan doorasho oo lagu wada saxiixan yahay iyadoo laga soo saaray war murtiyeed.

Beesha Caalamka waxey sheegeen in heshiiskii lagu gaaray Muqdisho uu kaliya yahay kan lagu dabaqi karo arrimaha doorashooyinka.

Muddada xil heynta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ka hartay wax ka yar 30 maalmood, walina la iskuma fahimin habka loo bilaabay doorashada, waxaana gaabiska uu ka yimid maadaama wali aan la isku fahmin wadada saxda ah ee loo marayo doorashooyinka.

Jibriil Aw Maxamed oo ah macalin wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Mareykanka ayaa wax laga weydiyay qoraalka beesha caalamka waxa uu ka dhigan yahay.

“Ujeedadu waxey tahay inaan heshiiska dib loo furin oo aan loo noqonin habkii 2016, sidaas ayaa ku cad warqadda, waxaana jirta in maamullada qaar ay doonayaan in hal magaalo wax lagu doorto,” ayuu yiri Jibriil.

Mar wax laga weydiiyay sida la isku waafajin karo dhaqan galinta heshiiska iyo xalinta tabashooyinka hadda jira, wuxuuna yiri: “Waxyaabaha uu heshiiska dhigayo in sidooda loo hayo ayey doonayaan Beesha Caalamka, balse waxyaabaha farsamada ah sida guddiga lagu muransan yahay waa wax la badali karo hadii dood ka timaado, balse arrimaha lagu heshiiyay oo ah magaalooyinka la dhigayo kuraasta ee labada ah waa in la dhaqan galiyo maadaama heshiiska ay ku jirtay”.

Taliska Maraykanka AfrikaMuqdisho 14ka Janaayo 2021 Taliska Mareykanka ee Africa ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradahooda shalay gelinkii dambe ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday xarun ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Buulo-Falaay oo hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Africom ayaa shaacisay in duqeyntan lagu burburiyey dhismaha xarunta Al-Shabaab ee ay beegsadeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Sidoo kale Africom ayaa intaasi ku sii dartay in weerarkan lagu dilay mid ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

“Duqeynta ka dhacday Buulo fuulaay, waxay muujineysaa go’aankeenna waxayna hoos u dhigeysaa awoodda Al-Shabaab ee hanjabaadda Soomaaliya iyo deriskeeda, waxaan qorsheyneynaa in aysan jirin meel ammaan ah oo ay ku dhuuntaan Al-Shabaab,”.

Ugu dambeyn Africom ayaa hoosta ka xariiqday in weerarkaasi dhanka cirka ah ay kala kaashadeen ciidamada Soomaaliya, islamarkaana aanu jirin khasaare soo gaaray rayidka.

Si kastaba maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa kordhoyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan koonfurta dalka.

Maamulka Koonfur Galbeed 14ka Janaayo 2021 Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan & wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Swan iyo wafdigiisa ayaa haatan kulan Albaabada u xiran yihiin la leh madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada-hadlayaan xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Safarka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli halkiisii yahay is mari-waaga doorashada ee u dhexeeya  dowladda & mucaaradka

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada taabacsan dowladda dhexe, iyada oo la filayo inay billowdo doorashada, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana arrimahan ay ku soo beegmayaan, xilli ay dowladdu ku dhowaaqday hirgelinta doorashooyinka dalka.

Kenya 14ka Janaayo 2021 Booliiska Kenya ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen gaari Bas ah oo ka ambabaxay magaalada Mandera, kuna sii jeeday dhinaca magaalada Nairobi ee caasimada wadankaasi.

Weerarka oo ahaa mid dhabagal ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray ciidamada galbinayey gaarigaas iyo raggii weerarka qaaday.

Qoraalka ka soo baxay Booliiska ayaa waxaa lagu sheegay in gaariga ay la socdeen illaa 25 qof, islamarkaana ay dhamaantood nabad qabaan.

Sidoo kale Booliiska ayaa sheegay inay ku raadjoogaan ragga ka dambeeyey oo ay tilmaameen inay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya.

“Dhamaan Ciidamada waa ay nabad qabaan iyo dadkii saarnaa Gaariga baska ah, kuwii na soo weeraray waxaa ay u soo gudbeen dhanka xaduudka Soomaaliya waana ku raad joognaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Kenya.

Sidoo kale ciidamada Booliiska ayaa intaas ku sii daray “Baska wuxuu ku wajahnaa Takaba. Isaga oo 30 KM dhanka Galbeed kaga beegan boosteejada wuxuu arkay laba gaari oo 500 mitiri u jirta wuxuuna hoos u dhigay xawaaraha baabuurka. Kalkii dambe waxaa rasaas lagu soo furay dhanka darawalka gaariga,”.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.

Muqdisho 14ka Janaayo 2021 Jadwalka doorashooyinka, gaar ahaan kan Golaha Aqalka Sare ayaa markale fashilmay, sababo la xiriira khilaafka weli ka jira dalka.

Jadwalkan oo uu soo saaray guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka 2021-ka ayaa markale dhaqan-gelin waayey, iyadoo maanta oo ay tahay 14-ka January la filayey in la soo gaba-gabeeyo doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo jadwalkii ugu dambeeyey lagu caddeeyey inay dhaceyso 7 illaa 14-ka bisha January ee sanadkan 2021-ka.

Waa jadwalkii labaad ee dhaqan-geli waaya, iyada oo sababta ugu weyn ay tahay khilaafka ka taagan guddiga iyo tabashada laga muujinayo hannaanka doorashada.

Is-bedalka ku yimid jadwalkii hore ayaa waxaa sabab looga dhigay, kadib dalab ka yimid madaxweynaha Galmudug, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka dalka.

Dhanka kale illaa iyo hadda guddigu ma sheegin sababta markale dib u dhigtay jadwalkoodii labaad ee fashilmay, iyada oo waqtiguna uu yahay mid gabaabsi ah.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xukuumadda Soomaaliya ay ku dhowaaqday hirgelinta doorashooyinka dalka, waxaana halkeedii ah tabashada ay weli muujinayaan midowga musharraxiinta mucaaradka iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Muqdisho 14ka Janaayo 2021 Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaalad kansanaan ah laga dareemayo magaalada Gelinsoor ee gobolkaasi, kadib markii ay isku fadiyeen ciidamo ka tirsan Galmudug oo gadoodsan.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inay labo jidgooyo ka sameysteen halkaasi, iyaga celinaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan oo dhowaan tababar loogu soo xiray xerada Dhanka-Roone ayaa sheegay inay ka cabanayaan mushaar la’aan heysata.

Sidoo kale ciidamada ayaa ku goodiyey inay magaalada u kala xirnaan doonto, inta ay ka helayaan mushaaraadkooda xuquuqdooda.

Dhaq-dhaqaaqa ay wadaan ciidamada ayaa sidoo kale sameyn ku yeeshay gaadiid fara badan oo haatan ku xayiran gudaha Gelinsoor, kuwaas oo ah kuwa safar ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda Galmudug oo ku aadan xiisada ka taagan magaalada Gelinsoor iyo gadoodka ay ka sameeyeen ciidamada maamulkaasi.

Inta badan ciidamada Galmudug ayaa gadood & dhaq-dhaqaaqyo culus ka sameeya magaalooyinka maamulkaasi, iyaga oo ka cabanaya mushaaraad & daryeel la’aan.

WARARKA MAANTA 13ka Janaayo 2021 Sir 

Su’aalaha Maanta: Yaa Madaxweyne noqon doona Dr. Cabdinuur, Danjire Daahir Geele Mise Dr. Baadiyoow Febriary 9, 2021? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Kufi Iyo Kala-Carar” ee Raysal Wasaare Mudane Rooble “Dhiiqo-Raam-Sae/Dhooqo-Raam-Sade”? Maxay ku naceen Ummadda #Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.9% Iyo Argagixiye Maal-Geliye ahna Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasin ‘Daba-Naasle” 99.9%? Meeqo Madaxweyne ayeey yeelan doontaa #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa diiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Suudaan Iyo Ethiopia  13ka Janaayo 2021 Xuduudda u dhaxeysa dowladaha Itoobiya iyo Sudan ayaa laga soo sheegayaa iney ka jirto saan-saan colaadeed maadaama warbaahinta maxaliga ah ee wadanka Sudan ay baahiyeen in labada dowladood ay ciidamo hor leh halkaas geeyeen.

Mid ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer leh dalka Sudan oo xiganaya ilo wareedyo uu ku kalsoon yahay ayaa sheegay in Itoobiya ay kumanaan askari geysay xuduudka labada dal iyadoo laga cabsi qabo inuu dhaco dagaal labada dowladood u dhaxeeya.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in alfashqah oo ah aag ay dhawaan xoog ku qabsadeen ciidamada Sudan lagu arkay diyaarado dagaal oo ay leeyahiin Itoobiya oo ku gaaf wareegaya.

Gobolka xuduudda dhaca waxaa dagan amxaarada, waxaana la sheegay in shan dumar ah oo reer Sudan ah weerar dhuumasho ah lagu dilay inta lagu jiro bishaan, taasna ay sare u qaadeyso cabsida dagaal ee la filan karo.

Dowladda dhawaan talada la wareegtay ee Sudan ayaa ciidamo badan geysay labada gobol ee xuduudka la leh Eritrea iyo Ethiopia ee Alqadaarif iyo alkasalaha.

Dhulka ay militariga Sudan qabsadeen bishii lasoo dhaafay waa dhul xagga dhaqaalaha kaalin weyn ugu jiray ismaamulka amxaarada waxeyna xukuumadda ku cadaadinayaan in dhulkaas dib loo soo celiyo.

Muqdisho 13ka Janaayo 2021Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannan ee doorashooyinka dalka oo hadal ka jeedisay Shirka Sanadeedka Garsoorka 2021 oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa sheegtay in aysan jirin Hay’addii u xilsaarneed ilaalinta Dastuurka.

Guddoomyea Xaliimo Yarey waxa ay sheegtay in dalka dhibaatooyin kala duwan uu soo maray ilaa markii dambe la diyaariyay dastuus qabyo ah oo u baahan in la dhammeysto, shaqadaasna ay tahay mid ay qabaneyso Hay’adda u xilsaaran oo aan dhisneen.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Yarey waxa ay soo jeedisay in qadarin uu u baahan yahay Dastuurka oo muddo lagu soo meel maray, balse waxa ay farta ku tilmaamtay in aan laga maarmin dhismaha Hay’adda qaadaneysa mas’uuliyadda oo kala qabaneysa marka uu muran yimaado.

“Dastuurka Dalka waa qabyo balse waa in sidaas lagu qadariyaa, haddii aan la ilaalineen waxa uu leeyahay horay uma soconeyno, hay’addii inoo ilaalin lahayd dastuurka ma jirto, Haykalkii kala hagi lahaa ee wax kala qaban lahaa haddii la waayo Soomaaliya meel uma socota, mindi mindi ku taag ayaa lagu jiraa haddii aan heysan wax aan heshiis ku nahay,” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Waa ay sii hadashay Xaliimo Yarey waxa ay tiri “Dowlad Goboleedyada Dastuur ayay heystaan oo ay ku dhaqmayaan waana ku saxan yihiin, waxaa jira Dastuur Qaran ma is leeyihiin labada Dastuur, qoloba meel ayay u socotaa, haddii aan meel wax wada dhigan, meeshaas ciddii inoo ilaalin lahayd aan wada sameysan, waxa aan ku jirnaa waa been, qalad & Dambi, oday in uu wax xulo, anigaa kursigaan iska leh in la ii xiro waaye, waxa loo dagaalaa ee loo socdaa ma ahan in Kursigaas Ummada la dhigo ee waa in gooni la isku lahaysiiyo.”.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey ayaa soo jeedisay in la sameeyo Hay’adda ilaalisa dastuurka si meesha looga saaro is qabqabsiga jira oo aysan jirin meel lala aado & ciddii awoodda u lahayd in ay xaliso.

Ugu dambeyntii Xaliima Yarey ayaa sheegtay in dalkaan uu u baahan yahay dowlad aan Xalane laga xukumin.

Hadalka Guddoomiyaha Guddiiga Guddiga  Madaxa Bannaan ee doorashoyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muran xoogan uu kajiro doorashooyinka dalka oo aan weli heshiis laga gaarin.

Maamulka Koonfur Galbeed 13ka Janaayo 2021 Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa xiriir dhanka telefoonka ah la sameeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, oo si weyn uga soo horjeeda hanaanka doorashada.

Lafta-gareen oo shalay ku laabtay Baydhabo ayaa bilaabay dhex-dhexaadinta dhinacyada isku khilaafsan doorashada, midaasi oo uu hore ugu fashilmay madaxweynaha Galmudug, Qoor-Qoor.

Sida ay ilo xogagaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ka dalbaday  inay soo magacaabaan guddiyada doorashada Hheer dowlad goboleed, kadibna laga wada-hadlo xal u helista khilaafka doorashada.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa durba diiday dalab uu Lafta Gareen usoo gudbiyey oo ahaa inay marka hore soo magacaabaan guddiyada doorashada kadibna la galo xalka khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Dhexe.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad ugu sheegay Lafta Gareen in aysan soo magacabeyn guddiyada doorashada illaa xal laga gaaro muranka Doorashada sidoo kalana ay Dowladda Soomaaliya ciidamada kasoo celiso Gobolka Gedo.

Waxaa xusid mudan in dalabka uu Lafta-gareen u gudbiyay labada madaxweyne uu hore madaxweyne Deni uga diiday ra’iisal wasaare Rooble, xili uu socdaal ku tagay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Waanwaanta Lafta-gareen oo timid markii uu meesha ka baxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa u muuqata mid aan natiijo kasoo bixi doonin, iyadoo ku bilaabatay qodobo hore loogu fashilmay.

Muranka la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa weli taagan, waxaana dhowr jeer fashilmay isku dayo la doonayay in lagu xaliyo,waxaana xubnaha Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay si cad uga soo horjeesteen guddiga doorashooyinka dadbadan oo ay sheegeen  inay kujiraan Xubno ka tirsan NISA & Shaqaalaha dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo mudada xil heyntiisa ay uga dhiman tahay wax ka yar bil ayaa weli ka dhaga adeegaya baaqyada uga imaanayo midowga Musharixiinta oo ah inay dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay

Muqdisho 13ka Janaayo 2021 Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka sanadlaha ah ee Garsoorka dalka, kaasi oo ay ka qeyb galayaan hay’addaha cadaalada heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan ayaa waxa diirada lagu saari doona qodobo ay kamid yihiin xal u helida Musuq-maasuqa, Fulinta xukunada, Been abuurk iyo qoddobo kale, sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka.

Sheekh Saalax Ibraahim Dhiblwaale, oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare, sidoo kalena ah Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka ayaa carabka ku adkeeyay in shirkan uu door muhiim ah ka qaadanayo tayeynta Garsoorka.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ah  Hay’addaha Garsoorka Mas’uuliyiinta qeybta ka ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha maxkamadda sare, Guddiga Cadaaaladda iyo Garsoorka ee Baarlamaanka, Maxkamadaha gobolka Banaadir, Xafiiska Garyaqaanka iyo Xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka.

Muqdisho 13ka Janaayo 2021 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mudane Mohmet Yelmez iyo Mudane Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulanka ayaa arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgalisay dowladda Qatar, isla markaana fulineyso shirkad laga leeyahay Tdalka urkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dhabar adeyga howlwadeennada gacanta ku haya dhismaha waddada, isagoo uga tacsiyeeyay howlwadeennadii Turkida iyo Soomaalida ahaa ee ku geeriyooday falalkii argagixisadu ku doonayeen hakinta dhismaha waddadan muhiimka ah.

“Xilweyn ayay dowladdu iska saareysaa sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya waddadan, si aan loo dhibaateyn, argagixisaduna nagama horjoogsanayaan inaan dhammeystirno dhismaha waddadan halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda iyo gobolka Shabellaha Hoose,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Labada Danjire ee Turkey iyo Qatar ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista dhismaha waddadan iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya

MaamulkaGalmudug 13ka Janaayo 2021 Ciidamada ammaanka Galmudug oo howl-gallo ka sameeyey Dhuusamareeb ayaa fashiliyey qarax la doonayey in laga fuliyo magaaladaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu aasay goob fariisin u ah ciidamada ammaanka oo ku taalla bartamaha Dhuusamareeb, iyada oo laamaha amniga ay soo saareen.

Taliska Booliiska Dhuusamareeb oo ka warbixiyey howl-galladaas ayaa sheegay inay ka war-heleen qaraxa, islamarkaana ay fashiliyeen.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi ku daray in miinadaas la doonayey in lagu waxyeelo dadka shacabka ah.

Muqdisho 13ka Janaayo 2021 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen duleedka degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmadaas, halkaas oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada fuliyey howl-galladaasi uu hoggaaminayey taliyaha ururka 49 aad guutada 10 aad qeybta 43 aad ee Xoogga dalka Gaashaanle dhexe Maxamed Dheere lala eegtay qarax miino, xilli ay ku sii jeedeen deegaanada ay howl-gallada ka sameeyeen.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaariga taliyaha oo uu dhaawac ka soo gaaray miinada qabsatay gaarigiisa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Xoogga ay sii wateen dhaq-dhaqaaqyadooda, iygaga oo burburiyey saldhigyo Al-Shabaab ay ku laheyd halkaasi.

Saraakiisha milatariga ayaa sidookale shaaca ka qaaday in howl-galladaasi ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay meydkiisa soo bandhigeen.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, si deegaanada ay hesyaan looga saaro Al-Shabaab.

Muqdisho 13ka Janaayo 2021  Daahir Maxamuud Geelle oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu si marqaati leh u shaaciyey in uusan dhexdahxaad aheyn, hadda kadibna aan dhexdhaxaad lagu tilmaami karin.

“Runtii Madaxweyne Qoor Qoor waxaan ka rabnay inuu noqdo dhexdhaxaad, laakiin xalay waxa uu noo sheegay in uusan dhexdhaxaad aheyn isagu, marka dhexdhaxaadiye aan dhexdhaxaad aheyn waxaa hareer mari karta guusha, Axmed Qoor Qoor anagoo aad u xurmeyneyna waxa uu si marqaati leh noogu sheegay arrinta socota in uusan dhexdhaxaad ka aheyn, marka dadku waa inay nala fahmaan natiijada ka dhalan karta qof aan dhexdhaxaad aheyn markii uu wax dhexdhaxaadi tago,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Daahir Geelle oo la hadlay BBC ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyada markii ay la kulmeen ay uga jawaabi waayeen su’aal ay qabeen oo aheyd in doorashada bilaabayaan oo go’aankoodii ay ka dhabeynayaan iyo inay raadinayaan xal kale’.

“Waxaan la kulanay madaxweynayaasha seddax maamul goboleed, waxaan u sheegnay in maqnaashaha Jubbaland iyo Puntland ay qad casaana tahay oo lagama gudbaan ah, isla markaana loo baahanyahay in lagu dhaqaaqo tallaabo lagu wada qanacsan yahay,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku wargeliyeen ‘waan ka soconeynaa wax la yiraa in aan la iska yeeli doonin’ iyaguna ay u sheegeen inay xal kale raadinayaan oo go’aankoodii aysan ku dhaqaaqi doonin.

“Aragtiyo waan is dhaafsanay, laakiin isma aanaa qancin ee waxbaan isla soo dhaweynay, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaan ku niri xiriir sameey oo la xariir maamullada maqan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay la kulmeen ay ka balan qaadeen in go’aankoodii ay dib ugu laabanayaan, isla markaana ay la xariirayaan madaxda maamul goboleedyada maqan ee Jubbaland iyo Puntland.

Muqdisho 13ka Janaayo 2021 Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka caafimaadka, Fowsiya Abuubakar Nuur iyo xubno ka tirsan waasaradda caafimaadka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxa diirada lagu saaray sidii gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa gacan ku haynta maamulka caafimaadka, kaasi oo ay hadda gacanta ku hayso Wasiir Fowsiya.

Ujeedka kulankan oo ahaa sidii loo daadejin lahaa adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo ay bixiso Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxay dhiseen guddi labo geesood ah.

Guddiga cusub ee Wasaaradda caafimaadka iyo gobolka Banaadir ay dhiseen ayaa waxay ka wada shaqeyn doona sidii gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa Maamulida Xarumaha Caafimaadka ee ku yaala gobolka Banaadir.

Wasiir Fowsiya oo kulankaas ka hadashay ayaa sheegtay in guddiyada labada dhinac ay xooga saari doonaan sidii bishan gudaheeda xarumaha caafimaad ugu wareejin lahaayeen maamulka gobolka Banaadir, oo uu horkacayo Cumar Filish.

Sidoo kale guddoomiye Filish oo ka hadlay kulankaas ayaa isaguna sheegay in qorshahan ay kula wareegayaan caafimaadka uu wax badan ka bedeli doono tayada caafimaadka ee gobolka.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in maamulka gobolka Banaadir uu isbedel wax ku ool ah ay ka sameyn doonaan caafimaadka dalka oo wajahaya xaalado kala duwan.

Maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa dhamaadka bishan wada saxiixan doona heshiiskan loogu wareejinayo gobolka maamulka xarumaha caafimaad.

Ethiopia 13ka Janaayo 2021 Ciidamada Ethiopia ayaa goor dhow shaaca ka qaaday in Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda dalkaas Seyoum Mesfin lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.

General Tesfaye Ayalew, oo ah madaxa qeybta daad-gureynta ciidamada Ethiopia ayaa sheegay in Mesfin lala dilay madaxii hore ee abaabulka baarlamanka Ethiopia Asmelash Woldeselassie, iyo wasiirkii hore ee arrimaha federaalka Abay Tsehaye.

Ayalew ayaa sidoo kale sheegay in shan sarkaal oo kale oo rayid ah iyo saraakiil ciidan lagu qabtay howlgal ay ciidamada militariga fuliyeen, sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka Ethiopia.

Mesfin ayaa ahaa wasiirka arrimaha dibedda intii lagu guda jiray howlgalii ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen Soomaaliya 2006, xilligaasi oo ay kula dagaalameen maxkamadaha Islaamiga ah iyo shacabkii muqaawamada. Waxaa uu xilkan hayey 1991-kii illaa 2010-kii

Waxa uu mid ka mid ah xubnaha ugu dhow ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Meles Zenawi, ayada oo lagu sheegi jiray inuu ahaa maskaxda hagta. Labadaba waxay kasoo jeedeen qowmiyadda Tigray-ga.

Muqdisho 13ka Janaayo 2021 Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxayo qarax maanta ka dhacay Suuqaha ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xarun Ganacsi oo lagu magacaabo Waaya Arag Electronics oo ku taalla jidka Shirkadaha ee Suuqa Bakaaraha.

Qaraxa ayaa waxaa kasoo baxayo warar kala duwan oo ku saabsan waxa uu ka dhashay, wararka qaar ayaa sheegaya inuu qaraxa ka dhashay haan Gaas oo taalay iridda hore ee Xarunta, halka warar kalana ay sheegayaan inuu ahaa qarax lasoo dhigay iridda hore ee Waaya Arag Electronics.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goob joogayaal, qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ka tirsan Shaqaalaha Shirkadda Waaya Arag Electronics, sidoo kalana waxaa jiro khasaaro maaliyadeed.

Ciidamada Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu Qaraxa ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan ku aadan waxa uu ahaa qaraxaan inkastoo laamaha ammaanka aysan weli warbixin soo saarin

Maamulka Galmudug 13ka Janaayo 2021 Deegaanka Xersi Lugey oo qiyaastii 7-KM u jira magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud, waxaa galabta hal goob lagu dilay shan qof oo shacab ah, iyadoo laba kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Dadkaas oo ku sugnaa hal guri oo ku yaalla deegaankaas waxaa soo weeraray rag hubeysan, kuwaas rasaas huwiyey guriga ay ku jireen ragaas, waxaana goobta ku geeriyootay shan nin, halka laba kale oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah loola cararay degmada Gurceel.

Magacyada ragga maanta la dilay ayaa kala ah: 1- Gaarane Cawil Samatar, 2- Cabdi Xirsi Carab Kaahiye, 3- Cabdiyare Maxamed Ow Faarax, 4- Cadaawe Xirsi Lugey, 5- Ibnu Calidhere Xirsi Cawaale.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo falkan ka hadlay ayaa sheegay in dhacdadaan ay daba joogto tii bishii hore lagu laayey saraakiishii ciidanka xoogga dalka.

9-kii bishii hore December ayaa meel aan ka dheereyn goobta maanta lagu dilay dadkan waxaa lagu weeraray saraakiil ka baxday Gurceel oo u socotay Balambal, kuwaas oo laga dilay lix nin, waxaana weerarkaas ka badbaaday seddax kale.

Wasiir Falagle oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku bexeen goobtii maanta lagu dilay dadkaas, isla markaana ay xooga saarayaan sidii loo soo qaban lahaa raggii geystay falkaas.

Degmada Balambal ee gobolka Galgaduud waxaa ka taagan dagaal beeleed bada dheeraaday, kaas oo u dhaxeeya beelo asal ahaan ka soo kala jeeda magaalooyinka Gurceel iyo Caabudwaaq, kuwaas oo ay ka soo kala jeedeen saraakiishii la laayey bishii hore iyo ragga maanta la dilay.

Maamulka #Somaliland 13ka Janaayo 2021 Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood.

Weerarka oo lagu qaaday goob ay ka socotay diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha Somaliland ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 3 qof oo isugu jiro askar & shacab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland oo xalay howl-gallo ka sameeyey gudaha magaaladaasi ay xireen dad dhowr ah oo looga shakisan yahay weerarkaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dadka la soo qabtay ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan ku lug-lahaanshaha qaraxaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyada oo uu si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, dadka iyo gaadiidka.

Laascaanood ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan, iyada oo ay howl-gallo ka bilaabeen ciidanka Somaliland.

WARARKA MAANTA 12ka Janaayo 2021 Sir 

Su’aalaha Maanta: Yaa Madaxweyne noqon doona Dr. Cabdinuur, Danjire Daahir Geele Mise Dr. Baadiyoow Febriary 9, 2021? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Kufi Iyo Kala-Carar” ee Raysal Wasaare Mudane Rooble “Dhiiqo-Raam-Sae/Dhooqo-Raam-Sade”? Maxay ku naceen Shacabka #Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 97.9% Iyo Argagixiye Maal-Geliye ahna Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasin ‘Daba-Naasle” 99.9%? Meeqo Madaxweyne ayeey yeelan doontaa #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa diiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 12ka Janaayo 2021 Sida aan ka ogaanay xubna sare oo ka tirsan Mucaaradka, gaar ahaan Golaha Midowga Musharaxiinta, waxaa jirta hal tallaabo oo ay ku heshiiyeen mucaaradka haddii ay xukuumadda ay qabato doorashada, sida ay sheegtay.

Xubnaha la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qodobka ay isku afgarteen Mucaaradku uu yahay in aysan dowladdu doorasho ka qaban lix magaalo oo kala ah Muqdisho, Jowhar, Beladweyne, Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellada Hoose, kuwaasi oo ay rumeysan yihiin in shacabka ku nool ay raacsan yihiin.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa sheegay in guud ahaan dhulka Hawiyaha iyo qeybo ka mid ah Koonfur Galbeed aysan xukuumadu wax tallaabo ah ka qaadi karin, islamarkaana ay sababi doonto qalalaase haddii lagu dhiirado fulinta go’aankii shalay.

Shacabka Muqdisho badankood ayaa aragti ahaan raacsan mucaaradka, Beledweyne waxaa hadda ka taagan qalaalse, kadib markii beesha ku xooggan ay dowladda isku qabteen doorashadii HirShabelle, Jowhar waxaa ku xoogan beesha Abgaal, lagamana sameyn karo wax aysan raali ka aheyn Xasan Sheekh iyo Shariif. Dhuusamareeb waxaa weli ku xoogan taageerayaasha Ahlu-Sunna nabadna kuma seexdo Qoor Qoor, Gaalkacyo lagama taageersana dowladda, halka Baraawe amnigeeda aan la isku haleyn karin.

“Sidee ayaa loo fulinayaa go’aanka xukuumada, ma xoog mise xeelad, taas ayaa u baahan in laga jawaabo sababtoo ah Madaxweyne Farmaajo cidna ka ogolaan meyso doorasho ka qaban maayo Garoowe iyo Kismaayo oo saami ahaan siyaasada ku matalo degaanada kalana waa ka qabanaa waana soo laabanaa,” ayuu yiri Prof. Cali Dhuux oo ka mid ah aqoonyahaanka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale hore u sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo caddeeyey in dowladda aysan doorasho ka qaban karin Muqdisho, oo taasi ay tahay riyo, waxaana hadda aad la isu weydiinayaa sida loo qaban doono doorashada Soomaaliya ee dowladdu ku dhowaaqday.

Muqdisho 12ka Janaayo 2021 Senetor Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo ka hadalay khilaafka ka taagan doorashada dalka iyo go’aanka ay ku dhawaaqday xukuumaddu ayaa ka digay dagaal iyo khalalaase in dalka dib loogu celiyo.

Muuse Suudi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas uu ka soo yeeray laba nin oo sida uu sheegay isku beel ah, kuwaas oo kala ah Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Qoor Qoor.

“Doorasho Puntland iyo Jubbaland laga tegay, waqooyina qof ka wakiil ah uusan u taagneyn ayey ku dhawaaqday beesha Hawiye inay qabaneyso, afka in laga dhowro maaha, warkaas waxaan ka maqalnay Rooble iyo Qoor Qoor oo dadkii uu ka soo tegay ay ka soo daba qeyliyeen, oo yiraahdeen been ayuu naga sheegay,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Isaga oo sii hadlaayey ayuu yiri, “Ra’iisul wasaareheena anagu u maleyn meyn inuu Hiraab kaliya Ra’iisul wasaare u yahay, waxaan u maleyneynay Ra’iisul wasaare Soomaaliyeed, waa lagu ceymanaa ayaan is laheyn, balse laguma ceyman.”

Senetor Muuse ayaa ciidamada qaranka ugu baaqay in aysan iska burburin dalka, balse ay xisaabta ku darsadaan in Farmaajo uu mar un ka hor tegi doono.

“Ciidamow dalka ha iska burburinina oo dadkiina ha dilinina, anagu Fahad oo qori sita filan meyno, ee dadka qoriga qaadi karow qorigiina hoos u raaraciya, ogaadana amarka mid aan la qaadanbaa jira,” ayuu yiri Senetor Muuse Suudi Yalaxow.

Muqdisho 12ka Janaayo 2021 Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ciidamo abaabulan oo la sheegay inay ka hor tegayaan in doorasho aan loo dhameyn lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo soo saaray war qoraal ah ayaa ka hadlay arrimaha ciidamadaas oo si aad ah muuqaalladooda lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka

Al-Cadaala ayaa ugu horreyn sheegay in ciidamadaasi aysan aheyn kuwo ka soo horjeeda doorashooyinka dalka, isaga oona been abuur ku tilmaamay arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in muuqaalka la soo bandhigay aan hadda la duubin, islamarkaana ciidamada ka soo muuqday aysan aheyn kuwo falaago ah.

“Muuqaalka maalmahaan la wareejinayay ee lagu sheegay Ciidamo kasoo horjeeda Doorashada waa been abuur aan Sal iyo raad lahayn. Muuqaalka la isticmaalay ma aha mid hadda laduubay Ciidamada ka muuqdana ma aha falaago” ayuu yiri Al-Cadaala.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay warbaahinta iyo dadka kale ee wax faafiya in ay ka fiirsadaan farriimaha ay la wadaagayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda been abuurka ah.

“Waxaan ugu naseexaynayaa Warbaahinta iyo Dadka wax faafiya in laga dhawrsado been abuurka nuucaan oo kale ah,” ayuu mar kale yiri wasiir ku xigeenku.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in muuqaalka la baahiyey uu gaf weyn ku yahay ciidamada iyo shacabka, islamarkaana loo baahan yahay in aan la hurin colaad aan jirin.

“Waa ku gaf Qaranka, waa ku gaf Ciidamada, waana ku gaf Shacabka Soomaaliyeed. Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo saacadihii u dambeeyey muqaalka ciidamo abaabulan lagu baahiyey Internet-ka, kuwaas oo saraakiisha hoggaamineysa ay ku goodiyeen inay tallaabo qaadi doonaa haddii la qabto doorashooyin hal dhinac ah.

Sacuudiga 12ka Janaayo 2021  Xarun gargaar oo ay leeyahiin qoyska ka taliya boqortooyada Sacuudiga ayaa gar-gaar soo gaarsiiyay gobolo ka tirsan Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalkaas.

Hay’adda KSRelief ayaa soo gaarsiisay Soomaaliya 75 tan oo timir ah oo ay ugu talagaleen iney ka faa’iideystaan 56,250, waxeyna kaashadeen Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soogaabiyo OIC.

Gar-gaarkaan ka yimid boqortooyada sacuudiga ayaa la gaarsiiyay qeybo ka mid ah Jubbaland, halkaas oo ay ku sugan yahiin dad danyar ah oo u baahan in wakhtigaan oo kale la gaarsiiyo kaalmo beni’aadanimo.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawirada muujinaya gar-gaarkaan iyo sida looga fuliyay qeybo ka mid ah Jubbaland, waxaana ka faa’iideystay dadka danyarta ah oo isugu jira haween iyo caruur.

Boqortooyada Sacuudiga waxey ka mid tahay tiro dowlado ah oo deeqaha gar-gaar soo gaarsiinayay Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe.

Muqdisho 12ka Janaayo 2021 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad kooban oo xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku dhex-maray ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysan.

Iska hor imaadka oo muddo kooban socday ayaa ka dhacay xaafadda Soos ee degmada Heliwaa, kadib markii ay rag hubeysan weerareen bar koontarool oo ku taalla halkaasi.

Weerarka kadib ayaa waxaa igay is-rasaaseyn dhex-martay labada dhinac, waxaana lagu soo warramayaa in khasaaraha uu ku kooban yahay dhinacyada diriray oo kaliya.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weerarka kaddib sameeyey baaritaano dheeraad ah oo ku aadan raggii ka dambeeyey falkaasi, balse ma jirto wax faah faahin oo illaa haatan ay ka bixiyeen laamaha ammaanka dhacdadaasi iyo howl-gallada ka dambeeyey.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socdka dadka iyo gaadiidka wadada isku xirta isgoysyada Ex-koontarool Balcad, Soos, ilaa Suuqa Xoolaha.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah oo ka dhan ah askarta dowladda ee ku sugan caasimada.

Maamulka Jubbaland 12ka Janaayo 2021 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar markale ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa fiidkii hore ee xalay lagu qaaday fariin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin xaafadda Farjanno ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey weerarkaasi ee bambada ku tuuray ciidamada inay goobta isaga baxsadeen falka kadib.

Ugu yaraan saddex qof oo mid ka mid ah yahay askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, iyada labada kale ay yihiin caruur ka agdhoweyd goobta uu weerarku ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weerarka kaddib howl-gallo kooban ka sameeyey xaafadda Farjanno, bals ma jiro weli wax faah faahin ah oo laga bixiyey howl-galladaas.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa magaallo xeebeedka Kismaayo ka dhacayey weeraro iyo dilal qorsheysan, waxaana weerarkii ugu dambeeyey oo ay sheegatay Al-Shabaab lagu dilay xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo ka tirsanaa baarlamaanka Jubaland.

Maamulka Koonfur Galbeed 12ka Janaayo 2021 Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, kadib kulamo uu uga qeyb-galay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Lafta Gareen, kadib laabashadiisa Baydhabo uu si rasmi ah u guda-geli doono maamulkiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa horey loogu qorsheeyey inay noqoto maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada dalka, gaar ahaan tan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qeyb ka ahaa qorshaha ku dhawaaqista ee hirgelinta doorashooyinka ee looga dhowaaqay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, xilli uu weli jiro khilaafka ka taagan hanaanka doorashooyinka ay wado dowladda dhexe.

Sidoo kale Lafta Gareen ayaa qaatay door dhex dhexaadin ah, isaga oo la xiriiray hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland, balse weli ma jirto arrin la’isla meel dhigay.

Villa Soomaaliya ayaa isku dayeysa sidii doorashada dalka ee 2021-ka looga bilaabi lahaa saddexda maamul goboleed ee Koonfur Galbeed, HirShabelle & Galmudug.

Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli walaac muujinaya midowga musharraxiinta ee ka qeyb-galaya doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo

Muqdisho 12ka Janaayo 2021 Sida aan ka ogaanay xubna sare oo ka tirsan Mucaaradka, gaar ahaan Golaha Midowga Musharaxiinta, waxaa jirta hal tallaabo oo ay ku heshiiyeen mucaaradka haddii ay xukuumadda ay qabato doorashada, sida ay sheegtay.

Xubnaha la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qodobka ay isku afgarteen Mucaaradku uu yahay in aysan dowladdu doorasho ka qaban lix magaalo oo kala ah Muqdisho, Jowhar, Beladweyne, Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellada Hoose, kuwaasi oo ay rumeysan yihiin in shacabka ku nool ay raacsan yihiin.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa sheegay in guud ahaan dhulka Hawiyaha iyo qeybo ka mid ah Koonfur Galbeed aysan xukuumadu wax tallaabo ah ka qaadi karin, islamarkaana ay sababi doonto qalalaase haddii lagu dhiirado fulinta go’aankii shalay.

Shacabka Muqdisho badankood ayaa aragti ahaan raacsan mucaaradka, Beledweyne waxaa hadda ka taagan qalaalse, kadib markii beesha ku xooggan ay dowladda isku qabteen doorashadii HirShabelle, Jowhar waxaa ku xoogan beesha Abgaal, lagamana sameyn karo wax aysan raali ka aheyn Xasan Sheekh iyo Shariif. Dhuusamareeb waxaa weli ku xoogan taageerayaasha Ahlu-Sunna nabadna kuma seexdo Qoor Qoor, Gaalkacyo lagama taageersana dowladda, halka Baraawe amnigeeda aan la isku haleyn karin.

“Sidee ayaa loo fulinayaa go’aanka xukuumada, ma xoog mise xeelad, taas ayaa u baahan in laga jawaabo sababtoo ah Madaxweyne Farmaajo cidna ka ogolaan meyso doorasho ka qaban maayo Garoowe iyo Kismaayo oo saami ahaan siyaasada ku matalo degaanada kalana waa ka qabanaa waana soo laabanaa,” ayuu yiri Prof. Cali Dhuux oo ka mid ah aqoonyahaanka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale hore u sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo caddeeyey in dowladda aysan doorasho ka qaban karin Muqdisho, oo taasi ay tahay riyo, waxaana hadda aad la isu weydiinayaa sida loo qaban doono doorashada Soomaaliya ee dowladdu ku dhowaaqday.

WARARKA MAANTA 6ta Janaayo 2021 Sir Culu

Su’aalaha Maanta: Yaa Madaxweyne noqon doona Dr. Cabdinuur Mise Dr. Baadiyoow Febriary 9, 2021? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Kufi Iyo Kala-Carar” ee Raysal Wasaare Mudane Rooble “Dhiiqo-Raam-Sae/Dhooqo-Raam-Sade”? Maxay ku naceen Shacabka #Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 97.9% Iyo Argagixiye Maal-Geliye ahna Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasin ‘Daba-Naasle” 99.9%? Meeqo Madaxweyne ayeey yeelan doontaa #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa diiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Turkey 6ta Janaayo 2021 Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa la kulmay milkiilaha shirkaddaTurkiga ee lagu bartilmaameedsaday weerar dhowaan ka dhacay Muqdisho, sida ayqortay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Cavusoglu ayaa u gudbiyay tacsi dadkii ku dhintay, wuxuuna u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay.

Wuxuu sheegay in dhowr weerar lagu qaaday shirkado iyo shaqaale Turki ah oo ka howlgalayay Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay.

Laba muwaadin oo Turki ah oo lagu kala magacaabo Selami Aydogdu iyo Erdinc Genc ayaa ka mid ahaa shan qof oo lagu dilay qarax ismidaamin ah oo ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ugu yaraan 14 qof oo kale, oo ay ku jiraan saddex u dhalatay Turkiga, ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Uganda 6ta Janaayo 2021 Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in ciidamo heer sare ah la geeyay magaalada caasimada ah ee Kambala si ay meesha uga saaraan dambiyada ka hor doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka oo dhici doonta 14-ka Janaayo. Musaveni ayaa khudbadiisa ku sheegay in cutubyo ka tirsan militariga oo si heer sare ah loo tababaray oo howlo nabad ilaalin ah ka waday Soomaaliya ay sugi doonaan amniga ka hor doorashooyinka.

Museveni wuxuu sheegay in arimahan ay ku qasbeen inuu dib ugu yeero ciidamada ka joogay Soomaaliya si ay gacan uga geystaan adkaynta nabada Kampala.

“Mucaaradka waxay ku hanjabeen inay gubayaan kaalimaha shidaalka ee Kampala. Waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaysan jirin cid gubaysa Kampala, ”ayuu yiri Museveni.

Museveni wuxuu ku kalsoon yahay in dadku si nabad ah u dhiiban karaan codkooda marka la gaaro Janaayo 14.

Arrintan ayaa daba socota iska horimaadyo maalmo socday oo u dhaxeeyay taageerayaasha mucaaradka iyo booliska kadib markii Robert Kyagulanyi, oo ah muusikiiste isla markaana ah musharax madaxweyne, lagu xiray magaalada bariga ee Luuka sababo la xiriira ku xadgudubkiisa nidaamka ka hortagga COVID-19.

Muqdisho 6ta Janaayo 2021 Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen waxgaradka beelaha Hawiye oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku taliyey in Soomaaliya hoggaanka loogu dhiibo beelweynta Hawiye, isagoo shaaciyey sababta uu u yiri sidaas.

Waxa uu sheegay in beelweynta Hawiye ay ugu dad badantahay qoymiyadda Soomaaliyeed, isla markaana ay haatan ku haboonaa laheyd in hoggaaminta Soomaaliya looga dambeeyo Hawiye, sida uu hadalka u dhigay.

“Markii tira koob la sameeyey waxaa la ogaaday in dadka Soomaaliyeed 38% ay yihiin Hawiye, waxaa ku xiga Isaaqa oo 25% ah, waxaa ku sii xiga Daaroodka oo 18% ka ah Soomaalida,” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Waxaad fiirisaan 38 iyo 18 tirada u dhaxeysa, marka dadka ugu badan waa Hawiyaha, sharciguna waxa uu qabaa in tirada badan ay wax hoggaamiso, marka waa in Hawiyuhu hoggaamiyaa Soomaalida.”

Waxa uu sheegay in Beesha Hawiye la yiraahdo ay tiro iyo tayaba leedahay, balse waayihii dambe ay wax ka jireen dhanka talada, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Inaan hormuud noqono Soomaaliweyn oo xuquuqdeenii raadsano, tii dadka kalena raadino, wax ka yari nama deeqaane, waxaan soo jeedinayaa inaan Soomaaliweyn ku raadino tiradeena iyo tayadeena intaba,” ayuu Jeneraal Galaal hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo adkeysi badan oo soo marti gelisay dhibaatooyin lixaad leh, isagoo soo jeediyey in Muqdisho loo aqoonsado inay tahay ‘magaaladii geesinimada’.

Maraykanka  6ta Janaayo 2021 Dowladda Mareykanka ayaa isbedel deg-deg ah ku sameysay go’aanka uu Markabka Mareykanka ee lagu magacaabo USS Nimitz uu kusii joogi lahaa meelo kamid ah biyaha Soomaaliya, xili uu Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo dalka.

USS Nimitz ayaa waxa dib looga celinaya biyaha Soomaaliya, sida lagu sheegay amar kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga dowladda Mareykanka oo markii hore usoo fasaxday imaanshaha Soomaaliya.

Markabka oo ah nooca diyaaradaha qaada ayaa markii hore waxa uu qorshuhu ahaa inuu gacan weyn ka geysto howl-galka Bariga dhexe ee Mareykanka, si uu caawimaad dhanka Hawada ah u siiyo ciidamada Mareykanka ee howl-galada wada.

Amarkan cusub ayaa lagu tilmaamay inuu qeyb ka yahay oo uu ku yimid daabulitaanka Ciidamada Mareykanka iyo cabsi la xiriirta in xukuumadda Iiraan ay fuliso weerar aargoosi ah oo la xiriira dilkii uu Mareykanka u geystey hoogaamiyaheedii Qaasim Suleymaani.

Madaxweynaha kasii dagaya xilka Mareykanka, Donald Trump ayaa hore u amray in ciidamada Mareykanka ee ka jooga Soomaaliya laga soo saaro, kuwaasi oo loo daabuli doono dalalka Kenya iyo Jabuuti, oo ay ka fulin doonaan howl-galadooda qaarada Afrika.

Ciidamada laga saarayo Soomaaliya ayaa waxay kor u dhaafayaan ku dhawaan 700 Askari, kuwaasi oo badanaa dowladda iyo ciidamada Soomaaliya ka caawin jirey dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Maamulka Puntland 6ta Janaayo 2021 Wasiirka wasaaradda amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee marxuumad Nadiiro Faysal Shire oo dhowaan lagu dilay magaalada Garoowe.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay bixineyso magta gabadhaasi yar oo 15 sano jir aheyd, islamarkaana u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ciidamada ammaanka Puntland dhowaan ku fureen dad dibad-baxaal ah oo ku sugnaa Garoowe.

Warqaddan ayaa lagu socod-siiyay wasaaradda Maaliyadda Puntland, islamarkaana la ogeysiiyay qoyska marxuumadda oo horey u dalbaday inay helaan cadaalad.

Sidoo kale waxaa qoraalka loogu caddeeyey ehellada marxuumadda in mas’uuliyadda ay la waregtay dowlad goboleedka Puntland.

Shalay ayey aheyd markii warsaaxafadeed ka soo baxay xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland, si adag looga hadlay dhacdadaasi dilka ah.

Muqdisho 6ta Janaayo 2021 Xog ay heshay Wabaahinta ayaa sheegeysa in Madaxweynayaasha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed  Lafta Gareen iyo kan Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ay maanta kulamo gaar gaar ah Muqdisho kula yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Kulanka koowaad ayaa ka dhacay xarunta Taliska Nabad sugidda ee Habar-Khadiijo, waxuuna dhex-maray Qoor Qoor, Lafta Gareen iyo Fahad Yaasiin.

Dhinacyada ayaa kulankaas uga wadahadlay caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo iyo doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland.

Labadaas qodob ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn ee hor taagan in la guda galo hir-gelinta hanaanka doorashada dalka.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa markii uu soo dhamaaday kulankaas ay la yeesheen Fahad Yaasiin kadib, waxay si wadajir ah ugu tageen Madaxweyne Farmaajo, iyagoo kala hadlay isla arrinta doorashada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu dadaal ugu jiro, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka doorashada, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo iyo kuraasta xildhibaanada metelaya Somaliland.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan inay jirto raja ah, in madaxdu isugu yimaadaan kulan kale, si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafkan ragaadiyey doorashada dalka

Muqdisho 6ta Janaayo 2021 Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare ee Ciidanka qalabka sida, Maxamuud Axmed Xasan Dalab oo maanta xilka la wareegay, ayaa markii u horeysay digniin culus u direy ciidanka dowladda.

Digniinta guddoomiyaha cusub oo si toos ah ugu socotay ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka howl-gala Saldhigyada, ayaa waxa uu faray inay marka hore hubin iyo sugid soo mariyaan dadka ay soo qabtaan ka hor inta aysan usoo gudbin maxkamadda.

“Talisyada Saldhigyada waxaa looga baahan yahay hubin iyo sugida dadka ay soo qabtaan ka hor inta aysan u soo gudbin Maxkamada Ciidanka Qalabka sida” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sarre ee ciidanka qalabka sida.

Sidoo kale waxa uu xusay in looga baahan yahay talisyada saldhigyada booliska inay hubiyaan oo eegaan galka iyo marqaatiyada dadka lasoo qabtay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in hanaanka dacwd gudbinta ay usoo maraan nidaam waafaqsan sharciga dalka u yaalla.

Guddoomiyaha cusub ayaa ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo heli lahaa adeeg cadaaladeed oo siman, isla markaana ay ku qancaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyo bahda ciidanka qalabka sida.

Dalab ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha maxkamadda sarre ee ciidanka qalabka sida, wuxuuna sheegay inuu  isbedelo tayeysan ku sameyn doono hanaanka cadaalada.

Si kastaba, dhawaan unbey aheyd markii xilkaan loo magacaabay guddoomiye Dalab, kaasi oo uu hore u hayn jirey Liibaan Cali Yarow.Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sarre oo digniin hor leh direy

Galmudug 6ta Janaayo 2021 Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe qaraxyo xoogan laga maqlay deegaanka Bacaadweyne ee gobolkaasi.

Qaraxyada oo ahaa labo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu burburiyey Ceel Biyood ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in falkaasi ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo la sheegay inay qaraxyo ku xireen Ceel Biyoodkaasi.

Ceel-ka la qarxiyey ayaa muhiim u ahaa qoysas badan oo ku nool deegaankaasi iyo tuulooyinka u dhow, maadaama ay yihiin xoolo dhaqato.

Bacaadweyne ayaa waxaa marar badan ka dhacay dagaallo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyaga oo beegsada xarumaha ciidamada huwanta ah.

Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe qaraxyo xoogan laga maqlay deegaanka Bacaadweyne ee gobolkaasi.

Qaraxyada oo ahaa labo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu burburiyey Ceel Biyood ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in falkaasi ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo la sheegay inay qaraxyo ku xireen Ceel Biyoodkaasi.

Ceel-ka la qarxiyey ayaa muhiim u ahaa qoysas badan oo ku nool deegaankaasi iyo tuulooyinka u dhow, maadaama ay yihiin xoolo dhaqato.

Bacaadweyne ayaa waxaa marar badan ka dhacay dagaallo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyaga oo beegsada xarumaha ciidamada huwanta ah.

Muqdisho 6ta Janaayo 2021 Kulan looga hadlay sida laga yeelayo weerarada lagu bartilmaameedsado Muwaadiniinta Turkida ah ee Soomaaliya ku sugan gaar ahaan Howlwadeennada ku howlan dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye oo dhowr jeer lagu qarxiyay.

Diblumaasiga ugu sareeya Turkiga ayaa Talaadadii la kulmay Milkiilaha shirkada En-Ez ee qaadatay mashruuca ay bixisay Dowladda Qadar ee dib loogu dhisayo laamiga 30-ka KM ah ee ka baxa Caasimadda Dalka kuna xira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mevlut Cavusoglu ayaa fadhiga uu la yeeshay Hidayet Zorlu oo ah Milkiilaha Shirkadda Turkiga ee ku guuleysatay Tartanka loo galay cidda qaadaneysa dib u dhiska wadadaan oo ah qayb kamid ah kaalmada taageeraha ah ee Xukuumadda Dooxa ay siisay dhiggeeda Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa dalbatay in uusan joogsan mashruuca lagu dhisayo laamiga xiriiriya Muqdisho & Afgooye oo laga dhisay ku dhawaad 20 KM, waxaana xusid mudan in Xukuumadda Ankara ay ku waysay Injineero & howlwadeenno kale oo la shaqeyneysay, halka kuwo kale ay dhaawacmeen.

Xukuumadaha Muqdisho & Ankara ayaa cambaareeyay qaraxii ugu dambeeyay oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa Sabtidii 2-da Janaayo 2021 ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ku dhintay kuna dhaawacmay Howlwadeenno & askar ilaalo u ahayd, mas’uuliyadda waxaa dusha saaratay Al-Shabaab.

Kanada 6ta Janaayo 2021 Sharmaake Dubow oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Victoria ee dalka Canada ayaa raaligelin ka bixiyay booqasho uu fasaxiisa sanadkii tagay ee 2020 ku tagay Soomaaliya.

Bartiisa bulshada ayuu soo dhigay bayaan ka turjumaya raaligelintiisa, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu u hogaansamayo habraaca caafimaad ee maxaliga ah, wuxuuna hadalkiisa gadaal ka raaciyay inuu dhawr jeer maray tijaabooyin caafimaad.

Inkastoo baaritaanno kale la marin doono xildhibaanka hadda wuxuu ku sugan yahay magaalada Vancouver oo uu karantiil ku yahay, muddo laba todobaad ayuuna halkaas baaqi kusii ahaan doona.

Sharmaake Duubow wuxuu ka mid yahay dhawr siyaasi oo jabiyay xeerka xayiraadaha safarka ee loogu talagalay in looga fogaado xanuunka dunida dhibaateeyay ee Covid19, sida ay warbaahinta gudaha baahiyeen badankood siyaasiyiinta wey iska casileen xilka ay hayeen walow Sharmaake uu raaligelin bixiyay.

Sharmaake si toos ah ayuu u sheegay inuusan dooneyn inuu iska casilo xilka, isla markaana uu sii wadi doono adeegga uu u hayo deegaanka uu matalo, wuxuuna sheegay in markii ugu horreysay muddo ku dhaw 30 sanadood uu tagay Soomaaliya.

Sharmaake isagoo dareensan inuu qaatay go’aan aan fiicneyn ayuu hadana ku adkeystay inuu xilkiisa sii haayo, waxaana cajiib ah inuu kursigaan ku guuleystay sanadkii 2018 isagoo kaliya muwaadin Canadian ah noqday sanadkii 2017.

WARARKA MAANTA 5ta Janaayo 2021 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa xilligan raba inuu xaraasho keydadka shidaaka #Soomaaliya? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Kufi Iyo Kala-Carar” ee Raysal Wasaare Mudane Rooble “Dhiiqo-Raam-Sae/Dhooqo-Raam-Sade”? Maxay ku naceen Shacabka #Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 97.9% Iyo Argagixiye Maal-Geliye ahna Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasin ‘Daba-Naasle” 99.9%? Meeqo Madaxweyne ayeey yeelan doontaa #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa diiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 5ta Janaayo 2021 Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, Maxamed Xasan Cirro, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xiisada ka taagan gobolka Gedo iyo mowqifka uu guddiga doorashadu ka taagan yahay cidda maamulaysa doorashada lagu qabanayo garbahaareey. Guddoomiyaha guddiga doorashada Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in arrinta ka taagan Gedo ay tahay khilaaf siyaasadeed oo iyaga ka sarreeya loona baahan yahay in dowladda federalka iyo maamulka Jubbaland ay xal buuxda ka gaaraan ka hor doorashada.

“Anaga guddi ahaan waxaan soo dhoweynaynaa tallooyinka Axmed Madoobe, laakiin arrinta Gedo, waxaan kuu sheegi karaa in ay tahay arrin guddigeena ka sareysa oo la rabo in ay iyagu ka heshiiyaan oo noo sheegeen meesha doorashadu ka dhacayso” ayuu yiri guddoomiye Cirro.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in guddi ahaan ay diyaar u yihiin in ay dhegaystaan cabashada madaxweyne Axmed Madoobe uu ka qabo guddigooda islamarkaana ay tixgalindoonaan talooyinkiisa odeytinimo.

“Heshiiska doorashada ee aan hayno wuuxu sheegayaa in Axmed Madoobe uu masuul ka yahay doorashada ka dhacayso Gedo iyo guud ahaan Jubbaland, laakiin awood uma lihin in aan xal ka gaarno khilaafka siyaasadeed ee hadda ka taagan Gedo.

Gobolka Gedo ayaa haatan waxaa gacanta ku haya dowladda federalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jubbaland ayaa dalbanaya in dib gacantiisa loogusoo celiyo si uu u maamulo doorashada xildhibaanada.

Muqdisho 5ta Janaayo 2021 Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa sanadkii dhamaaday ee 2020-kii ku bixisay baraha bulshada lacag dhan 70-kun oo dollar-ka Mareykanka, kaasi oo lagu fulinayo ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha bulshada’, sida uu shaaciyay wargeyska Somaliland Chronicle.

Warbixinta ay daabacday waraabinta Somaliland Chronicle ayaa lagu sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay sanadkii tagay dad gaar ah ku naas-nuujisay difaacida baraha bulshada, taasi oo qeyb weyn ka qaadatay aamusinta qaar kamid ah warbaahinta gudaha.

“Sannadkii dhamaaday Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland waxay lacag gaareysa 70,000 dollar ku bixisay ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha Bulshada,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale waxay shaacisay in lacagtaas qeybteeda u badan la siiyey warbaahino internet, si aan loo daabicin wax lidi ku ah Somaliland, halka lacagta inteeda kalena la siiyey shaqsiyaad faro ku tiris ah oo baraha bulshada ka difaaca xukuumadda.

“Arrintani maaha dedaalka kaliya ee ay xukuumada Somaliland iyo wasiir Koore ay ku doonayaan inay saxaafadda ku hoos keenaan gacanta dowlada,” ayaa ugu dambeyntii lagu yiri warbixinta Somaliland Chronicle oo soo xiganeysa ilo-wareedyo muhiim ah.

Xukuumadda Somaliland ayaa sanadihii dambe ku howlaneyd sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd warbaahinta madax-banaan, kuwaasi oo ay u adeegsaneyso danaheeda gaarka ah iyo qadiyada ay ku doodo ee madax-banaanida.

Muqdisho 5ta Janaayo 2021 Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa saacadihii lasoo dhaafay xaaladda cakiran ee gobolka Hiiraan kala hadlay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Jeneral Mukhtaar iyo madaxweynaha cusub ee HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Danjire James Swan ayaa mas’uuliyiintaas kula xariiray qadka Internet-ka, waxayna ka wadahadleen xal u helidda khilaafka hareeyey maamulka cusub HirShabeelle, gaar ahaan xiisadda ka jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Kulamada uu James Swan la qaatay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sida la sheegay aad loogu gorfeeyey tallaada ugu haboon ee lagu soo afjari karo xiisadda salka kuheysa diidmada madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle ee ka taagan gobolka Hiiraan.

Intii ay socdeen kulamadaas James Swan ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada uu leeyahay wadahadal dhex-mara dhammaan daneeyayaasha siyaasadda HirShabeelle, si loo helo dib u heshiisiin dhab ah.

Sidoo kale James Swan ayaa madaxweynaha iyo wasiirka u balan qaaday in Qaramada Midoobey ay diyaar u tahay inay taageerto dadaalladaas lagu xalinayo khilaafka ka jira HirShabeelle.

Tan iyo markii maamulka HirShabeelle loo doortay madaxweyne Cali Guudlaawe waxaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ka socday dhaq-dhaqaaqyo lagu diidanyahay maamulkaas, iyadoo mararka qaar ay magaalada ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay.

Go’aanka ugu adag oo ay qaateen reer Beledweyne ayaa ahaa in Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe uusan tegin magaaladaas, halka isaguna uu doonayo in lagu caleemo saaro.

Doorashadii Cali Guudlaawe ee HirShabeelle kadib, waxaa Hiiraan laga aas-aasay jahbad hubeysan oo saldhigeeda ugu weyn uu yahay deegaanka Ceel-Jaalle, waxaana hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Abuukar Xuud oo aad u diidan madaxda cusub ee maamulkaas.

Muqdisho 5ta Janaayo 2021 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xal u raadinayo muranka ka taagan doorashooyinka ayaa bilaabayo kulamo xal raadin ah oo uu la qaadanayo musharaxiinta.

Rooble ayaa lagu wadaa in maanta kulan gaara oo qado ah la yeesho  siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah midowga musharraxiinta ee sida weyn uga soo horjeedo hannaanka ay dowladda federaalka ku wajaheyso doorashada.

Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa kulankan intiisa badan diirada lagu saarayaa tabashada ay qabaan bahda musharraxiinta mucaaradka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa kulanka dalbaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo doonayo in xal mideysan laga gaaro doorashooyinka dalka ee 2021

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey cadaadis kala kulmeysay beesha caalamka oo dalbatay in heshiis dhab ah laga gaaro doorashada.

Si kastaba musharraxiinta mucaaradka oo hadda intooda ku badan ku sugan Garoowe ayaa si weyn uga soo horjeedo guddiyada doorashooyinka dalka ee lagu dhowaaqay.

Muqdisho 5ta Janaayo 2021 Waxaa maanta dib u dhac ku yimid munaasabaddii lagu saxiixi lahaa qodista shidaalka Soomaaliya, taasi oo ka dhici laheyd madaxtooyada Soomaaliya, sida ay maanta xog ku heshay Caasimada Online.

Munaasibaddan ayaa waxa lagu saxiixi lahaa xirmooyin shidaalka (Blocks), kuwaas oo ku kala yaala Xeebaha degmooyinka Hobyo iyo Baraawe, ee hoos taga maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed. 

Waxa lagu waday inuu Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed uu heshiiskan u saxiixo labo shirkadood oo lagu kala magacaabo Liberty, iyo Coastline Exploration Petroleum oo horay loo oran jiray Soma Oil and Gas.

Shirkada Coastline ayaa waxaa hadda madax ka ah Cabdullaahi Shiikhey oo ah nin ku xeeldheer arrimaha qandaraasyada shidaalka, islamarkaana ah ninka haya malafka shidaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa goobjoog ka noqon lahaa Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed, hase yeeshe waxay xiligii loo balansanaa ee maanta dib uga dhacday sababo lagu sheegay culeyso dhanka habraacyada loo marayo saxiixa heshiiskaas.

Waxa lagu wadaa in munaasibada lagu saxiixayo xirmooyinkaasi shidaal ay u dhacday maalinta berri ah, kadib markii xalinta caqabadaha ku gadaaman loo saaray Guddi uu hoggaaminayo Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Beyle. 

Arrinta u weyn ee saxiixa maanta dib u dhigtay ayaa la xiriirta qaabka loo waafajinayo heshiiskan arrimaha deyn cafinta ee shuruuda Hey’adda IMF, waxaana arrintaas loo saaray 

Sidoo kale dib u dhacan ayaa imanaya xili ay musharaxiinta mucaaridka ka digeen qatarta ka dhalan karta saxiixa xirmooyinka shidaalka, isla markaana uu gabaabsi yahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Muqdisho 5ta Janaayo 2021 Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa markale looga hadlay arrimo ku aadan xiisada dalalka Khaliijka, gaar ahaan heshiiska horudhaca ah ee ay gaareen dowladaha Sucuudiga iyo Qatar.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu horreyn boggaadisay waan-waanta iyo dadaalka joogtada ah ee ay waddo Kuweyt, ee xalka horudhaca ah looga gaaray xiisadaasi.

Sidoo kale waxa ay Villa Soomaaliya soo dhoweysay bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta boqortooyada Sucuudiga iyo dowladda Qatar.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar,” ayaa lagu yiri warsaaafadeedkan.

Qoraalkan ayey sidoo kale ku sheegtay dowladda Soomaaliya inay muhiim tahay soo celinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah.

Ugu dambeyn Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday inay ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo iypo wax wadaqabsi

“Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah,” ayaa makale lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey go’aan dhex-dhexaadnimo ah uga qaadatay xiisada diblomaasiyaasadeed ee ka dhex aloolsan dalalka Sucuudiga iyo Qatar.

Muqdisho 5ta Janaayo 2021 Waxaa weli muran xoogan iyo is jiid-jiid uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka, iyada oo mar labaad uu fashil ku dhow yahay jadwalkii ay horey u soo saareen guddiga doorashooyinka dalka.

Maanta oo ay ku beegan tahay 5-ta bisha Janaayo sanadka 2021-ka ayaa waaa la filayey in la qabto codsiyada musharraxiinta u taagan Golaha Aqalka Sare, sida ku cad jadwalka doorashooyinka oo sidoo kale 29-kii bishii la soo dhaafay uu is-bedal ballaaran ku yimid.

Sidoo kale waxaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa looga dalbaday inay soo gudbiyaan liiska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Doorashada Aqalka Sare ayaa ugu dambeyn loo asteeyey inay dhacdo 7-14 Janaayo, balse weli uma muuqato in la qaban karo, maadaama ay ka harsan tahay labo cisho, islamarkaana aan la diiwaan-gelin musharraxiinta u taagaan xubinimada Aqalka Sare.

Dhinaca kal Villa Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu dadajinayo qabashada doorashadan, si loo dhaqan-geliyo jadwalka ka soo baxay guddiga weli lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka, waxaana haatan gudaha magaalada Muqdisho ku sugan madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo taageersan dowladda dhexe.

Si kastaba waxaa weli halkeedii ah cabashada ay musharraxiinta mucaaradka ka muujinayaan hannaanka doorashooyinka iyo guddiyada ka shaqeynaya intaba

WARARKA MAANTA 4ta Janaayo 2021 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa Madaxweyne cusub noqonaya 2021? Iscasil Mudane Madaxweyne Farmaajo, 4 sanno waa soo dhammaatay ee dalka wax lacag Soomaali ah kama shaqayso, amni ma jiro adiga iyo Maal-Geliye Argagixiye Fahad “Daba-Naasle” maxkamad ayaa la idin soo taagi doonaa Insha Allah! Yaa noqon doona Madxeynaha #Somaaliya 2021? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Kufi Iyo Kala-Carar” ee Raysal Wasaare Mudane Rooble “Dhiiqo-Raam-Sae/Dhooqo-Raam-Sade”? Maxay ku naceen Shacabka #Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 97.9% Iyo Argagixiye Maal-Geliye ahna Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasin ‘Daba-Naasle” 99.9%? Meeqo Madaxweyne ayeey yeelan doontaa #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa diiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Beledweyne 4ta Janaayo 2021 Generaal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo hogaamiya Jabhda kasoo horjeeda maamulka cusub ee HirShabeelle ayaa markale weerar xoogan oo afka ah ku qaaday madaxweynaha cusub ee maamulkaas, Cali Guudlaawe oo ku tilmaamay shaqsi lasoo dirsaday.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in Cali Guudlaawe uu soo dirtay madaxweyne Farmaajo, isla markaana uusan aheyn shaqsi qiimo leh oo hankiisa ku koray kursiga u sareeya ee maamulka HirShabeelle.

“Cali Guudlaawe waa cunug uu soo dirsaday Farmaajo oo nin qiimo leh maaha, waxaan arrinta HirShabeelle kala hadlaya dowladda federaalka oo asaga keensatay,” ayuu yiri Jeneraal Xuud oo wareysi ku bixiyey duleedka Beledweyne.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Cali Guudlaawe ku sifeeyay cunug lasoo dirtay oo ay ka dambeeyso dowladda federaalka, isla markaana uusan u aqoonsaneyn madaxweynaha HirShabeelle.

Muqdisho 4ta Janaayo 2021 Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inuu ciidankeeda ka tirsan yahay nin toddobaadkii hore bastoolad ula baxay islamarkaana rasaaseeyey shacab Muqdisho ka dhigayey dibadbax ka dhan ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale, oo wareysi siiyey VOA ayaa xaqiijiyey in ninkaas uu ka tirsan yahay ciidamada booliska, islamarkaana uu ahaa ahaa dharcad.

Xundubey ayaa intaas ku daray in falkaas uu ahaa qalad dhacay, isla maalinkii ay dhacdadaas dhacdayna lasoo xiray ninka falkan ka dambeeyey, ayada oo uu hadda sugayo in la marsiiyo sharciga, sida uu hadalka u dhigay.

“Horta ogow ninka hadda aad ka warrameysaan islamarkii waa lasoo xiray, waa nin la yaqaan booliska ayuu ka tirsanaa, dharcad ayuuna xirnaa. Sharciga ayaa la marsiinayaa, sharcigana cid ka weyn ma lahan, qaladkana waa dhacayaa, cid kasta ayuu ka dhacayaa. Ninkaas waxaa laga qaatay go’aankii ku habboonaa,” ayuu yiri Xundubey.

Shacabka uu rasaaseeyey ninkan ayaa ahaa taageerayaasha xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna u badnaayeeen gabdho.

Dhinaca kale, Xundubey ayaa sheegay in dowladda aysan diidaneyn in dadka ay ra’yigooda cabiraan, balse ay doonayaan inay sugaan amniga, sababtuna ay tahay in dadka dibad-baxaya ay kusoo dhuuman karaan dad kale oo rabshado wada, sida uu hadalka u dhigay.

Hase yeeshee, waxaa taas beeninaya xaqiiqda ah in dowladda aysan marnaba beegsan shacabka dhigaya dibad-baxyada lagu taageerayo madaxweyne Farmaajo.

Muqdisho 4ta Janaayo 2021 Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay madaweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Madaweyne Farmaajo iyo Lafta Gareen ayaa yeeshay wada-hadallo gaar ah oo saacado badan qaatay, kuwaas oo looga hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu kala hadlay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed sidii deg deg loo qaban lahaa doorashada aqalka sare, si loo dhaqan-geliyo jadwalkii dhowaan ka soo baxay guddiga weli lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa intaasi ku sii daraya in kulamadan uu ku soo biiri doono madaxweynaha Galmudug oo maanta ku soo jeeda magaalada Muqdisho.

Koonfur Galbeed ayaa qorshuhu yahay inay noqoto maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada aqalka sare, si loo dadajiyo doorashada oo uu weli muran ka taagan yahay.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu weli halkiisii yahay khilaafkaka taagan doorashada oo ay walaac xoogan ka muujinayaan midowga musharraxiinta.

Muqdisho 4ta Janaayo 2021 Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay oo ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Caasimada Online u sheegay in laga joojiyay shir ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen ganacsatada, kuwaas oo damacsanaa in ay soo dhaweeyaan kala diristii Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Shirkan ayaa 29-kii bishii hada dhamaatay ee December la damacsanaa in lagu qabto hoteelka Seytuun ee Suuqa Bakaaraha, waxaana sidoo kale la diiday inta badan hoteellada Muqdisho in ay mart-geliyaan.

Si rasmi ah looma oga sababta ay Al-Shabaab ugu diideen ganacsatada Muqdisho in ay taageeraan kala dirista Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, hase waxaa la sheegayaa in Al-Shabaab ay si weyn u taageersanayaaneen Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo 28-kii isla bishaas la-kala diray.

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inaysan dooneyn inu dhaqan galo amarka dowladda, ayada oo isku aragta inay ka awood iyo saameyn badan tahay dowladda, marka ay noqoto ganacsiyada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Rugta Ganacsiga kala dirtay islamarkaana ay ujeedka tahay in dib u habeen ballaaran lagu sameeyo Rugta oo sanadihii ugu dambeeyay khilaaf culus ka dhax jiray.

Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa hore u xiray masuuliyiin sare oo ka tirsan Rugta Ganacsiga Gobalka Banaadir. kuwaas oo la sheegay in ay Al-Shabaab ku taliyeen in loo magacaabo xilalka ay hayaan.

Argagixisada Al- Shabaab 4ta Janaayo 2021 Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay magacyada iyo muuqaallada raggii fuliyey weerarkii 5-tii Janaayo 2020 lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee deegaanka Manda Bay ee dalka Kenya.

Ragga ay magacyadooda iyo muuqaalladooda baahiyeen Shabaabka ayaa kala:-

1 – Moulana Faruq Moulana (Ahmed Al-Muhajir), hoggaamiyihii kooxda una dhashay dalka Yeman.

2 – Abubakar Al-Muhajir, oo u dhashay dalka Tanzania.

3 – Cali Maxamed Cali (Qudama Al-Muhajir), oo kasoo jeeda dalka Ethiopia, kana soo jeeda qabiilka Burj, balse ku dhahsay kuna barbaaray magaalada Nairobi.

4 – Cabdilwali Muhammad Ibrahim (Moallim Omar) iyo , oo kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool, islamarkaana ahaa taliye ku-xigeenkii kooxda weerarka fulisay.

5 – Adam Iman Yusuf (Abdulkariim Alansari), oo kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale baahisay codka amiirka xarakada Al-Shabaab Axmad Cumar Abu Cubayda oo uu kaga hadlay weerarkaas. Lama shaacin taariikhda la duubay codkaas.

Abu Cubayda ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeeyay dhalinyarradan weerarka ku qaaday saldhigga Manda Bay, isagoo ku maanay inay tusaale yihiin dhalinyarrada kale, sida uu hadalka u dhigay.

Weerark Manda Bay ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, oo isugu jiray laba qandaraasle iyo askari ka tirsan ciidamada Mareykanka. Waxaa sidoo kale lagu dhaawacay askari kale oo Mareykan ah.

Kadib weeerarka dowladda Kenya ayaa sheegtay in la dilay shan dagaal-yahan oo ka tirsanaa kuwii weerarka soo qaaday islamarkaana la qabtay shan kale.

Puntland Garoowe 4ta Janaayo 2021 Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa faah faahin ka bixiyey howl-gallo ay labadii maalin ee la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaarn ee PSF-ta maamulkaasi ka sameeyeen dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay ciidamadu ka hortegeen weeraro ay damacsaneyd in kooxda Daacish ay ka fuliso deegaanada Cal Miskaat, Timirshe, Tuurmasaale, Il, Camayra & Legunle oo ay ku sugan yihiin ciidanka Puntland.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Daacish ay cabsi gelin joogto ku heyso dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi, balse ciidamadu ay soo dhoweeyeen dadkaasi.

“Dadka degaanka iyo reer guuraaga aaggaas oo ay Daacish cabsi iyo culays ku hayaan ayaa uga mahadceliyey ciidamada PSF hawlgallada Daacish ka dhanka ah ee ay sida joogta ah uga fuliyaan aaggaas si ay dadka degaanku ugu noolaadaan xorriyad amni,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dagaalyahanada kooxda Daacish ay isku uruursanayeen deegaanada ay ciidamadu howl-galka ka sameeyeen, balse ay fashiliyeen weeraro ay damacsanayeen, kadib markii ay macluumaad ka heleen dadka deegaanka.

Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari, iyaga oo ka soo abaabula weerar ka dhaca deegaanada maamulka Puntland

Garoowe 4ta Janaayo 2021 Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kulan gaar ah kula yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

Labada mas’uul oo uu kulankooda qaatay saacad badan ayaa iska xog wareystay xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Sidoo kale waxa ay si gaar ah diirada u saareen sidii xal waara looga gaari muranka ka taagan guddiyada doorashooyinka iyo hannaanka loo wajahayo.

Khayre oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey madaxweyne Qoor Qoor dadaallada uu wado ee ku aadan xal ka gaarista arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoor Qoor iyo Khayre ayaa Garoowe u tegay ka qeyb-galka shirkii madasha aragta wadaagga ee lagu soo gaba-gabeeyey gudaha magaaladaasi.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah weli mid cakiran, waxaana meel fog kala joogo dowladda iyo mucaaradka oo isku hayo qabashada doorashada soo socota

WARARKA MAANTA 2da Janaayo 2021 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Iscasil Mudane Madaxweyne Farmaajo, 4 sanno waa soo dhammaatay ee dalka wax lacag Soomaali ah kama shaqayso, amni ma jiro adiga iyo Maal-Geliye Argagixiye Fahad
“Daba-Naasle” maxkamad ayaa la idin soo taagi doonaa Insha Allah! Yaa noqon doona Madxeynaha #Somaaliya 2021? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Kufi Iyo Kala-Carar” ee Raysal Wasaare Mudane Rooble “Dhiiqo-Raam-Sae/Dhooqo-Raam-Sade”? Maxay ku naceen Shacabka #Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 97.9% Iyo Argagixiye Maal-Geliye ahna Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasin ‘Daba-Naasle” 99.9%? Meeqo Madaxweyne ayeey yeelan doontaa #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa diiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 2da Janaayo 2021 Ciidamada xooga dalka ayaa gacanta kusoo dhigay rag lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen dilal loo geystay Saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka.

Howl-gal qorsheysan oo ciidamadu fuliyeen ayaa waxa lagu soo qabtay 2 Nin oo lagu eedeeyey inay bishii December ee sanadkii dhamaaday Saraakiisha ciidanka ku dileen wadada isku xirta Balanballe iyo Guriceel.

Sidoo kale waxa howl-galkaas lagu qab-qabtay dad kale oo tiradooda la shaacin, kuwaasi oo sida la tuhusan yahay gacan ku dhiigleyaasha u fudeydiyay dhuumaaleysigooda, tan iyo markii ay fuliyeen falkaas.

“Howl-galka oo ahaa mid gaadmo ah, laguna baacsanayay raggii falka ka danbeeyey ayaa waxaa loo adeegsaday gawaarida nooca ay shacabku adeegsadaan sida Baroobakas  iyo Nooha-da,” ayuu yiri Sarkaal la hadlay Caasimada Online.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa haatan lagu raad joogaa kuwo kale oo isla goobta hawl-galku ka dhacay ka baxsaday, markii ay ka war heleen howl-galka”.

Howl-galkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamadu heleen xog la xiriirta ragga dilka geystay ee ay soo qabteen, kuwaasi oo muddooyinkii dambe ay ku raad-joogeen.

Ciidamada ayaa ragga ay soo qabteen horgeyn doona maxkamadda, si loogu maxkamadeeyo dilka ay u geysteen Saraakiisha ciidanka.

Saraakiisha ciidanka xooga dalka ayaa hore u balan qaaday inay gacanta kusoo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay falkaas, si cadaalada loo horgeeyo, waxayna u muuqata in howl-galadan ay qeyb ka yihiin balan-qaadyadaas.

Sudane 2da Janaayo 2021 Sudan ayaa Khamiistii sheegtay inay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dhammaan dhulka Sudan ee ku yaalla xuduudda, kaasi oo ay deganaayeen beeraley Ethiopian ah, kadib toddobaadyo isku dhacyo ah.

Ethiopia ayaa dhankeedana ku eedeysay deriskeeda inay ciidamo usoo dirtay dhulkan, si ay weeraro uga fuliyaan.

Xiisaddan ayaa ka dartay wixii ka dambeeyey markii dagaal uu ka qarxay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo horseeday in inka badan 50,000 oo qof oo Tigray ah ay usoo qaxaan Sudan.

Sabtidii, Sudan ayaa sheegtay inay qabsatay inta badan dhulkan, hase yeeshee aysan si buuxda gacanta ugu wada dhigin. Si kastaba, Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibedda Sudan, Omar Gamareldin ayaa shir jaraa’id ku sheegay Khamiistii inay hadda si buuxda u qabsadeen dhulka.

Wada-hadallo u dhaxeeyey labada dal ayaa burburay toddobaadkii tegay.

Saraakiisha Sudan ayaa sheegay in Ethiopia aysan si rasmi ah muran uga keenin dhulkan, hase yeeshee hadallada saraakiisha Addis Ababa ayaa taas burinaya.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti wuxuu ku sheegay in Sudan ay ciidamo usoo dirtay dhulka Ethiopia.

Hase yeeshee waxaa taas ku gacan seeray madaxa golaha madax-banaanida Sudan Jeneral Abdelfattah al-Burhan.

“Sudan kama tallaabin kamana tallaabi doonto xuduudaha caalamiga ah, kumana xadgudbi doonto deriskeena Ethiopia,” ayuu yiri General Abdelfattah al-Burhan oo Khamiistii ka hadlay munasabadda maalinta xoriyadda Sudan.

Garoowe 2da Janaayo 2021 Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo kamid ahaa madaxda ka qeyb gashay shirweynaha Garoowe, ayaa waxa xalay madasha lagu weydiiyay su’aalo la xiriira nidaamka federaalka.

Qoor-Qoor oo ay garab fadhiyaan madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay in meesha laga saaro odhaahda “Madaxweyne” ee loogu yeero madaxda dowlad goboleedyada, si meesha uga baxdo madaxweynaasha badan ee Soomaaliya.

“Aniga waxaan aaminsanahay in laga tanaasulo ereyga “Madaxweyne” iyadoo la dhowrayo sharafta dowladda oo Soomaalida uma qalanto dhowr madaxweyne, taas oo wiiqeysaa qabkeenii iyo dowladnimadeena,” ayuu yiri.

“Waxaan qabaa in madaxweynuhu uu hal noqdo kuwa kalena magac kale loo raadiyo, kaasi oo wada-tashi ku imanaya.”

Qoor-Qoor ayaa tusaale u soo qaatay safar uu dalka dibadiisa ugu baxay, iyada oo madaxdii dalkaas u qaateen in madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ugu tagayo, taasi oo ay keentay wax uu ku sheegay “isgarab yaaca dalka ka jira.”

“Dal ayaan booqday, oo waxaa loo sheegay inuu madaxweynaha Galmudug imaanayo, laakin waxay u qaateen in madaxweynaha Soomaaliya uu imaanayo, markaan tagay ka dib ayaan u sheegay oo aan ku iri arrintu sidaa ma ahan, marka isgarab yaac iyo madaxweyneyaal badan dan nooma ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay inaysan Soomaaliya dan ugu jirin madaxweynayaal badan, isla markaana loo baahan yahay in arrinkaas wax laga bedelo iyada oo dib u sixid lagu sameynayo dastuurka dalka.

“Hadda tan dastuurka ayay ku qorantahay laakin waxaan qabaa in dib loogu noqdo oo wax laga baddelo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ee Soomaaliya ayaa xiligan waxaa loogu yeera madaxweynayaal, taasi oo dad badan su’aal ka keenen sida madaxweyne loo dhihi karo qof gobol xukuma, inkasta oo uu jideynayo Dastuurka dalka ee KMG ah.

Afgooye 2da Janaayo 2021 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax is-miidaamiin ahaa oo maanta ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho & Afgooye, halkaas oo ay dhismo ka wadaan Injineero Turki ah iyo shaqaale kale.

Qaraxa oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Lafoole & Xaawo Cabdi, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada wadadaasi iyo ciidamada Booliiska Haramcad ee ku sugan wadadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ruuxa ay ka shakiyeen ciidamada ammaanka ayna ku fureen rasaas, balse uu qarxay marka uu ku soo dhowaaday.

Ugu yaraan labo ka mid ah ciidamada Haramcad ee ilaalinayey Injineerada ayaa dhintay, halka ay dhaawacmeen 3 ka mid ah shaqaalaha Turkiga iyo 4 ka tirsan askarta Haramcad.

Si kastaba ma’ahan markii ugu horreysay oo qarax lala eegto shaqaaladha iyo Injineerada dhismaha ka wada jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Maamulka Galmudug 2da Janaayo 2021 Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa ganafka ku dhuftay raali-gelintii ay Basma Caamir ka bixisay gefkii ay kula kacday xulka Galmudug.

Fiqi ayaa sheegay in hadalka ay raali-gelinta ka bixisay Basmo uu ahaa mif gef ah, isla markaana lidi ku ahaa ujeedadii tartanka ciyaaraha loo qabtey, taasi oo ku qotontay is-dhexgal bulsho iyo walaaltinimo.

“Hadalka gabadhan (Basmo) waa mid gef ah oo u muuqda inuu liddi ku yahay ujeedadii tartanka cayaaraha loo qabtey oo ah isdhexgal Bulsho iyo walaaltinimo, iyo in 90-ka daqiiqo ee cayaartu socoto loo daayo hadalada taageerada ah ee aan xanafta laheyn,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu yiri “Gobolka Banaadir reer Galmudug cidna kama xigsan karto, xaafadaha ay sheegtey in badan oo kamid ah waxaa deggan dad kasoo jeeda Galmudug. cayaartoyda Galmudugna meesha ay tagayaan ama ay joogayaan ayaga ayaa xor u ah oo ma ahan mid ayada ay go’aankeeda leedahay ama wax laga weydiinayo.”

Waxa uu si kulul u dalbaday in Basmo ay hadalkaas ka bixiso cudur daar u dhigma qaabkii hadalada gefka ahaa ay u tiri, si loogu qanco raali-gelinteeda.

“Anigoo ixtiraamaya Maamo Basmo, haddana waa in ay si lagu qanci karo oo u dhiganta qaabkii hadalada gefka ah ay u tiri uga cudurdaarataa hadalkeedan,” ayuu yiri ugu dambeyntiina Fiqi.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir, Basmo Caamir ayaa raali-gelin ka bixisay hadalkaas oo ay shalay ka sheegtay guusha ay tartanka ciyaaraha ka gaareen xulka gobolka Banaadir.

Basmo ayaa sheegtay inay ka awood badatay xamaasada guusha uu gobolkeedu qaaday, taasina ay keentay inay u gefto ciyaartoydii Galmudug oo rigoore kaga badiyay xulka Banaadir.

“Raali-gelin ayaan ka bixinayaa hadalkii ahaa ‘ciyaartooyda xulka Galmudug waxay ku laabanayaan’ waxaa i qaaday xamaasada Koobka ay hanteen Xulka G.Banaadir, Ma qaldame waa alle,” ayey tiri.

Hadalka Basmo ee ay ku weerartay xulka Galmudug ayaa hadal hayn badan dhaliyey, gaar ahaan baraha bulshada, kaasi oo looga hadlay siyaabo kala duwan

Maamulka Jubbaland 2da Janaayo 2021 Waxay faah-faahin ka soo baxeysaa qarax xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, oo lagu dilay Allaha u naxariistee Khaliif Haashim Nuur Geeddi oo ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland.

Gaari nooca raaxada oo uu lahaa oo qaraxa loogu soo xiray ayuu kula qarxay, xilli uu maraayay xaafadda Farjano, waana daqiiqado yar uun ka dib, markii uu ka soo baxay hoygii uu ka deganaa magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku xirnaa kursigii uu ku fadhiyay Xildhibaanka, oo halkaasi ugu geeriyooday dhaawacyo culus oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Jugta qaraxa oo baqdin geliyay dadka deegaanka ayaa fiidnimadii horeba bilaabay in ay guryahooda ku xaroodaan.

Ciidamada Booliska ayaa baaritaano in doora-qaatay ka sameeyay goobtii uu qaraxu ka dhacay, iyagoona kolkii dambe halkaasi ka jiiday gaariga.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu dilay Mudanaha Baarlamaanka Jubbaland ka tirsanaa. Shabaabku waxay sheegeen in Xildhibaanku uu ka mid ahaa xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Dhanka kale qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam kaga tacsiyadeeyay geerida Xildhibaanka.

Qoraalka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo Ku dhintay qarax ay gaarigiisa ku qarxiyeen kooxda argagixisada Al Shabaab. Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Jubbaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumka, waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay.”

Isniintii ayay ahayd markii Hay’adda Nabad Suggida Jubbaland ay sheegtay in ay fashilisay weerar argagixiso, oo la doonayay in lagu dilo mid ka mida ganacsatada Magaalada Kismaayo, ka dib markii ay ka hortagtay qarax loogu xiray gaarigiisa..

Si kastaba ha-ahaatee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay ee sanadkan ku baxa gacanta kooxaha argagixisada.

Argagixida AL-Shabaab 2da Janaayo 2021 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn cirka ah oo xalay laga fuliyey deegaanka Kuunya-Barrow ee gobolka Sh/Hoose.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliye la’aanta ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday xarun ay Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ku laheyd halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in burbur xoogan uu soo gaaray qalabka iyo dhismaha Idaacacadda, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale saraakiil ciidan ayaa sheegay in illaa afar gantaal lagu dhuftay xaruntaasi xalay fiidkii hore, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo gaaray Al-Shabaab.

Dhinaca kale war qooraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarkaasi, iyada oo lagu sheegay in uusan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay duqeyntan, balse uu burbur xooggan gaaray qalabka Idaacadda Andalus ee xarunteeda Kuunya-Barrow.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda howl-galkan, iyada oo aysan ka hadlin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Muqdisho 2da Janaayo 2021Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa xalay howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay rag hubeysan oo burcad ah, kuwaas oo dhac iyo dhibaatooyin kale ka geysanayey gudaha degmadaasi.

Maamulka degmada Heliwaa oo ka warbixiyey howl-galkan ayaa sheegay in lagu soo qabtay illaa saddex nin oo la sheegay inay dhaawac u geysteen dad shacab ah.

Sidoo kale maamulka ayaa sheegaya in raggaasi oo sidoo kale lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha maanka dooriya lagu xiray saldhigga Booliiska degmada, islamarkaana ay u gudbin doonaan laamaha amniga ee ku shaqada leh, si tallaabo adag looga qaado.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa beryahan dambe xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii sidan oo kale gacanta loogu soo dhigay rag burcad ah oo dhac ka geysanayey qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir

Argagixida AL-Shabaab 2da Janaayo 2021 Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, islamarkaana ay la beegsadeen saraakiil Turki ah & ciidamo.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay sarkaal Turki ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Haramcad, sida ay hadalka u dhigtay.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday saraakiil Turki ah oo ku sugnaa nawaaxiga Lafoole, dhimashu waa sarkaal Turki ah iyo dhaawac soo gaaray laba kale halka laba askari oo katirsan kooxda Ridada ay ku dhinteen camaliyadda” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay kooxda Al Shabaab, laguna baahiyey baraha bulshad Internet-ka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laaamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore qaraxyo khasaare geystay la beegsaday Injineerada iyo shaqaalaha dhismaha ka wada jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

WARARKA MAANTA 31ka Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa xildhibaanno sharci ah maanta? Yaa noqon doona Madxeynaha #Somaaliya 2021? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Kufi Iyo Kala-Carar” ee Raysal Wasaare Mudane Rooble “Dhiiqo-Raam-Sae/Dhooqo-Raam-Sade”? Maxay ku naceen Shacabka #Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 97.9% Iyo Argagixiye Maal-Geliye ahna Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasin ‘Daba-Naasle” 99.9%? Meeqo Madaxweyne ayeey yeelan doontaa #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa diiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Garoowe 31ka Diseembar 2020 Magaalada Garoowe waxaa maalintii labaad ka socda shirka sanadlaha ah ee madasha aragti wadaagga oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaaa soo agaasimay machadka cilmi barista ee Heritage, iyada oo diirada lagu saarayo sida looga gudbi karo KMG-nimada daba dheeraatay sanadka 2025-ka, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka

Waxaa shirka ka qeyb-galaya dowladda federaalka, qaar ka mid ah maamul goboleedyada, musharraxiinta, ururada bulshada rayidka & marti sharaf kale.

Sidoo kale waxa la filayaa in maanta madax kale ay khudbado ka jeediyaan madasha, kuwaas oo ka hadlayo xaaladda cakiran ee dalka iyo horumarrada Soomaaliya.

Dhinacyada kala duwan ee ka qeyb-galaya shirweynaha ayaa sidoo kale yeeshay kulamo duceedyo looga hadlayo marxaladda kala guurka ah ee haatan lagu jiro

Waa sanadkii ugu horreeyey madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee Machadka Hiratage lagu qabanayo gudaha dalka, iyada oo markii hore lagu qaban jiray Jabuuti.

Garoowe 31ka Diseembar 2020 Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo haatan ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2021-ka ayaa khudbad xasaasi ah waxa uu ka jeediyey madasha aragti wadaaga ee Garoowe.

Khayre ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimaha ammaanka, dhammeystirka Dastuurka, doorashooyinka iyo yagleelidda nidaam federaal oo shaqeynaya.

Ugu horreyn wuxuu shaaca ka qaaday in Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyey ay ku tallaabsatay horumarro la taaban karo, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan loo baahan yahay in loo istaago ka gudbista marxalada masiiriga ah ee hadda lagu jiro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la joogo xilli muhiim ah oo u baahan in laga fakiro mustaqbalka Soomaaliya iyo sida ay noqon karto sanadaha soo socda.

“Sida looga gudbo xaalada taagan ayaa waxaa ay ka turjumeysaa halka aan u socono iyo in la helo dowladnimo hana qaado, balse hadii laga gudbi waaya ay dhici karto in 30 sano oo kale la joogo meesha aan hadda joogno,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Musharrax Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yiiin a ka dhabeynta hamigooda dowladnimo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo muranka ka taagan, isaga oo shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in xal mideysan laga gaaro doorashada, si looga baaqsado qalalaase ka dhaca dalka.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha deyn cafinta oo uu tilmaamay in guullo muhiim ah laga gaaray wejigii koowaad, isaga oo xusay inay sababtay in lagu guuleysto dib u so celinta wada shaqeyntii Soomaaliya kala dhaxeysay Hey´adda lacagta aduunka (IMF), Bankiga aduunka(WB), Bangiyada horumarinta, Hey’adda ceymiska maalgashiga dowliga ah (MIGA), Hey´adda maalgashiga caalamka ee IFC iyo Hey´adda horumarinta caamaliga ah ee (IDA).

Beledweyne  31ka Diseembar 2020 Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta markale ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo HirShabelle.

Dibad-baxayaasha oo isugu jiray haween iyo dhalinyaro ayaa isugu soo baxay xaafadda Xaawo-Taako oo ka tirsan magaaladaasi.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ka soo horjeeday xarigga dad taageersan Janaraal Xuud oo maalmo ka hor lagu xir xiray saldhigga Booliiska Beledweyne.

Dadka dhigayey dibad-baxa oo waddooyinka qaar ku gooyey dhagaxaan ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah HirShabelle.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta tagay, kuwaas oo isku dayey inay kala eryaan dibad-baxayaasha, iyadoo markii dambe uu sii xoogeystay banaanbaxa.

Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana meelaha qaar lagu arkayaa ciidamada ammaanka oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii dibad-baxyo rabashado watay ay ka dhaceen Beledweyne, kadib markii ay isku dhaceen shacab careysan iyo ciidamada amniga ee magaaladaasi.

Qaramadda Midooway 31ka Diseembar 2020 Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah inay noqoto ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Ms. Gbeho ayaa xilkan kala wareegeysa Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah oo loo magacaabay kaaliyaha xoghayaha guud iyo isku duwaha howlgalka ee xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Libya (UNSMIL).

António Guterres ayaa uga mahad-celiyey Raisedon shaqadii iyo dadaalkii ee uu ku tabarucay shaqada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Gbeho ayaa leh in ka badan 25 sano oo khibrad ah oo ku saabsan qorshaynta istiraatiijiyadeed, isku dubaridka iyo maaraynta arrimaha siyaasada, horumarka iyo arrimaha bini’aadanimo ee QM.

Shaqooyinka ay horey usoo qabatay waxaa ka mid ah sameynta xiriir siyaasadeed iyo istiraatiijiyad heer sare ah oo lala yeesho mas’uuliyiinta qaranka, hay’adaha gobolka ee dalal ay ka mid yihiin Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Somalia.

Tan iyo bishii May 2018, Ms. Gbeho waxay aheyd ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee howlgalka isku dhafka ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Darfur (UNAMID), halkaas oo ay ku hogaamisay horumarinta iyo hirgelinta istiraatiijiyadda kala guurka.

Ms. Gbeho waxay haysataa shahaadada Bachelor of Arts ee Cilmiga Bulshada iyo Daraasaadka Afrika oo ay ka qaadatay Jaamacadda Gobolka ee New York iyo Master-ka ee Xiriirka Caalamiga ee Jaamacadda Ghana.

Waxay ku dhalatay magaalada Accra ee dalka Ghana, Ms. Gbeho waxay leedahay hal gabar.

Garoowe 31ka Diseembar 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Garowe uga qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee uu soo qaban-qaabiyey Machadka Heritage ayaa si qota dheer uga hadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada.

Axmed Madoobe ayaa shaaciyey ballamo ay uga baxday dowladda federaalka, kuwaas oo ku aadana sidii loo dhisi lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo AMISOM kala wareega ammaaka dalka.

Waxa uu sheegay in shirkii madaxda amiga Qaranka ee Baydhaba ka dhacay sanadkii 2018-kii lagu heshiiyey in deg deg loo dhiso ciidamo Qaran oo ay qeyb ka yihiin18-kun oo askari oo militery tayeysan ah, kuwaas oo amniga dalka kala wareega AMISOM.

“Shirkii Baydhaba ee 2018-kii, waxaan ku heshiinay ciidan amni Qaran oo tiradiisa la cayimay in la dhiso, kuwaas oo loo kala dhigay 32-kun oo boolis iyo daraawiish heer federal iyo heer dowlad goboleed ah, waxaan ku heshiinay dhismaha ciidan xoogga dalka Soomaaliyeed ah oo ka kooban 18-kun oo askari oo tayeysan, hadii balantaas aan fulin laheyn oo ciidankaas aan dhisi laheyn, waan hubaa AMISOM dariiqii ay ku timid ay ku bixi laheyd,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo sii hadalyey ayuu yiri, “Culeyska Shabaab nagu hayo ma ahan mid kartidooda ku yimid ee waa ducfi iyo shaqo xumo anaga naga timid, umana diyaarsanin waxa aan ka hadleyno inaan ka run sheegno.”

“Intii uu xafiiska joogay Xasan Cali Kheyre, waxaan gaarnay heshiis ahaa in ciidamada dowlad goboleedyada loo aqoonsado ciidanka amniga Qaranka, oo daraawiishta maamullada la siiyo mid la mid ah xuquuqda kuwa NSA, sida qalabka iyo hubka.”

Waxuu intaas ku sii daray, “Xiligaas waxaa dowladda u timid 80-kunteenar oo hub ah, oo loogu tala galay in Shabaab lagula dagaalamo, balse taasi ma dhicin ee illaa hadda dalabkii uu ku yimid hubkaas weli xafiiskii Xasan Cali Kheyre ayuu yaallaa, dabcan ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku wareegay, madaxweynahaa la weydiinayaa oo Mahdi Guuleed ayaa la weydiinayaa.”

“Balantii halkaas ayey ku dhamaatay, marka dagaalka Shabaab ma noqon in aan galno ee waxuu noqday mid anaga nagu eg, oo dowladda federaalku ay leedahay halkaan ayaan fadhineynaa ee orda Shabaab iska dhiciya, iyaguna ay ku mashquuleen wax aysan maanta ku jirin maslaxada dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay in Jubbaland aysan dowladda federaalka taakulo ciidan ka helin wixii ka dambeeyey 2016-kii, markaas oo Xasan Sheekh uu qoryo iyo rasaas siiyey, isagoo xusay in ciidamada daraawiishta Jubbaland ay haatan ku suganyihiin in ka badan 42-goobood oo xataa AMISOM aysan la joogin, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda madaxda dowladd federaalka ay Jubbaland ku soo weerareen ciidamo ay u soo tababareen dowlado shisheeye, iyagoo fiirsanaya masaalix u gaar ah.

“Ma waxay naga dhaadhicinayaan 5-KM oo ciidamada dowladda oo dhan la isugu geeyey ayaa xuduuda aan la leenahay Kenya oo dhan 700 KM laga difaacayaa? Markaasbaa shacabka loo sheegayaa waxbaa la xoreynayaa iyo Kenya ayaa loo dhacay,” ayuu yiri.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uusan difaaceyn Kenya, “Waxaan ahay Soomaali, waligeyna jinsiyad kale ma qaadan… anagoo xuduudaas dheer la leh Kenya, waxaan qaadan weynay inaan qunsuliyad ka furano Nairobi… marka dowladdu waxay isku qaladay waxa aan xaqa u leenahay iyo waxa naga reeban, Badda ayaana ka hadlin oo xuduuda ayaana ka hadlin oo ima khuseyso, marka wixii iyaga iyo Kenya ka dhaxeeya inay ka hadlaan iyaga ayey u taalla ee yeysan derbiyo kale ku wareegin” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Garoowe 31ka Diseembar 2020 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  oo ka mid ah xubnaha ugu saameynta badan golaha Midowga Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay furitaanka Shirka Madasha Aragti wadaaga ee Machadka Heritage ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka iyo muranka ka jira doorashooyinka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay muhiim tahay in mar kale ay isugu yimaadaan shir kale si xal looga gaaro khilaafka ragaadiyey heshiiskii horay looga gaaray doorashada.

“Waxaa la isla gaartay in la qaato doorasho ‘dadban’ heshiiskaas caqabado uu ka dhaqan geli waayey ayaa soo wajahay, laakiin weli waxaa furan fursad lagu badbaadi karo doorashada dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Dhaqan gelinta heshiiskii la gaaray September waxa uu u baahan in dib looga wada xaajoodo oo laga toosiyo halka uu ka qaloocday, waa wadada kaliya oo aan maanta doorasho ku gaari karno.”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo isagu shirkaas furay ayaa sheegay in fursadan ay tahay mid muhiim ah, oo madaxdu ay ku yeelan karaan shirar doceedyo, xal looga gaaro wax badan oo hadda laga yaabo inuu madmadow ka jiro.

Shirkan Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage oo markii ugu horeysay sanadkan lagu qabanayo gudaha dalka gudihiisa, gaar ahaan magaalada Garowe, ayaa looga doodi doonaa, xasilinta dalķa, dhameystirka dastuurka, sidii loo gaari ahaa doorasho qof iyo cod ah sanadka 2025-ka iyo yagleelida nidaam federaal oo si rasmi ah dalka uga hir-gala.

Garoowe 31ka Diseembar 2020 Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo khudbad ka jeedinayey shirka madasha aragti wadaaga ee maalintii labaad ka socda Garoowe ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Mahdi Guuleed ayaa marka hore raalli-gelin buuxda ka bixiyey hadalkii uu horey u sheegay ee ahaa inay ku aadkaan doonaan wareega koowaad ee doorashada 2021-ka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in hadalkaasi uu xal ka siinayo musharraxiinta mucaaradka ee ka qeyb-galaya doorashada soo socota.

“Waxaan rabaa in aan shiweynahaan uga faa’iideysto in aan raalligelin ka bixiyo hadal aan horay u iri oo ahaa: wareegga koowaad ayaa lagu kala baxayaa. Arrintaas xaal iyo raalligelin ayaan ka bixinayaa. Musharraxiiney raalli ahaa. Ha baqanina,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tartanka doorashada uu noqon doono mid furan oo ay u sinnaan doonaan dhinacyada ka qeyb-galaya doorashada.

“Wareegii koobaad xaal baa laga bixiyay. Garoonku waa i noo wada furan yahay ee soo diyaargarooba” Mahdi Guuleed,” ayuu sii raaciyey.

Raalli-gelintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo horey midowga musharraxiinta mucaaradka ay uga fal-celiyeen hadalka Mahdi Guuleed oo tusaale u soo qaatay doorashooyinkii qaar ee maamul goboleedyada dalka sida, magaalooyinka Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar.

WARARKA MAANTA 30ka Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa fashilka qarin kara? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Kufi Iyo Kala-Carar” ee Raysal Wasaare Mudane Rooble “Dhiiqo-Raam-Sae/Dhooqo-Raam-Sade”? Maxay ku naceen Shacabka #Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 97.9% Iyo Argagixiye Maal-Geliye ahna Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasin ‘Daba-Naasle” 99.9%? Meeqo Madaxweyne ayeey yeelan doontaa #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa ddiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Addunidda 30ka Diseembar 2020 Cabsi kale oo hor leh ayuu ku abuurayaa dunida noocan cusub ee feyruska Corona oo calaamadihiisa lagu arkay qeybo ka mid ah caalamka.

Kiiskan cusub ee feyruska oo ah mid si deg deg ah u fidiya ayaa durmaba laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah dalalka India iyo Paskistan  oo ay xaqiijiyeen dhakhaatiirtu in ay jiraan dad laga helay.

Sidoo kale dalka Mareykanka ayaa laga soo warinayaa in laga helay isla noocan cusub ee feyruska oo markiisii hore ka soo bilaawday dalka Britain.

Waa nin dhalinyarro ah oo ku jiray da’da labaatameeyada, qofkan dalka Mareykanka laga helay nooca cusub ee Corona.

Dhinaca qaaradda Afrika, waddanka Koonfur Afrika ayaa looga dhawaaqay bandhow dhaqdhaaqaaqa dadweynaha ah kaddib markii la helay kiisas ka mid ah nooca cusub ee fayraska, kuwaasoo si deg deg badan u fidaya.

Ilaa iyo hadda lama oga halka uu feyruskani salka ku hayo, laakiin meelaha qaar waxaa la hadal hayaa tallaalka cusub oo ilaa iyo hadda dad badan lagu muday, inkastoo aan xaqiiq loo heyn in tallaalkan uu watto feyruska cusub

Croatia 30ka Diseembar 2020 Inta la xaqiijinayo ilaa 7 qof ayaa ku dhinatay tiro kala oo ka badan 20 kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray  dhul-gariir Talaadadi ka dhacay bartamaha dalka Croatia ee qaaradda Yurub.

Lixaadka dhulgariirkan ama cabirkiisa oo lagu sheegay 6.4 ayaa  siweyn looga dareemay wadamo dhowr ah oo daris la ah  dakja Croatia

Wararku waxaa intaa ku darrayaan in xadiga dhlgariirkan laga dareemay caasimadda Croatia ee Zagreb iyo caasimadda Austria ee Vienna halka dalka deriska la ah ee Slovenia uu xiray warshadda kaliya ee niyukleerka sameysa, si looga dhowrsado khasaare uu sababo dhulgariirka.

Ilaa iyo hadda waxaa socoanay baadigoobka dadka ku hoos jira burburka guryahay soo dumay sida ay sheegeen kooxaha badbaadada.

Ethiopia 30ka Diseembar 2020 Saraakiisha cidianka difaaca Qaranka dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay helleen ama gacanta ku dhigeen gantaalo lagu qariyay qeybo ka mid ah magaalada Mekelle ee gobolka Ismaamulka Tigreyga.

Gantaalahan oo gaaraya ilaa 13 ayeey saraakiishu sheegeen in ay ahaayeen kuwa ridada dheer oo ay TPLF mar u adeegsatay gobollada Bahar Dar iyo gobolka Amxaaradda intii uu socday dagaalkii Waqooyiga Itoobiya.

”Waxaa sidoo kale aragnay saduuqyo laga isticmaalay gantaalo ilaa 7 xabo ah kuwaa oo loo maleynayo in ay u adeegsadeen dagaalladii dhawaantan ka dhacay gobolka” ayeey sheegeen saraakiishu.

Ciidamada Qaranka Itoobiya ayaa toddobaadyo ka hor la wareegay gacan ku heynta gobolka oo muddo dheer ay ka ariminayeen xoogagga TPLF ee ismaamulka Tigreyga.

Muqdisho 30ka Diseembar 2020 Ayada oo ciidamada Mareykanka ee tababaray ay Soomaaliya ka baxayaan, ayaa sarkiisha Danab ee hadda iyo kuwa hore, waxay cabsi ka muujinayaan in madaxda dowladda Soomaaliya ay u adeegsadaan faro-gelin siyaasadeed.

“Markii hore, haddii dowladda ay isku daydo inay faro-geliso Danab, oo ay u adeegsato siyaasad macno darro ah, Mareykanka ayaa ahaa kuwa dhihi jira ‘Maya ,joojiya,’” waxaa sidaas Washington Post u sheegay Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo ahaa taliyihii Danab ee 2016 illaa 2019.

“Taasi waxay aheyd shuruudda Mareykanka ay ku xireen inay billaabaan tababarkeena, oo aheyd inaan noqon doonin kuwa siyaasadeed. Taas la’aanteed, xitaa ma awoodeen inaan difaacno dowladdeena,” ayuu yiri.

Axmed iyo saraakiisha kale ayaa sheegay in, inkasta oo hadda aysan socon faro-gelin baaxad weyn oo siyaasadeed oo lagu sameynayo ciidankan ka kooban 1,150 askari, haddana ay muuqdaan xaalad taas keeni kara,

Sarkaal ka tirsan Danab, oo fadhiggiisu yahay magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay sumcadda ciidanka, tan iyo markii uu soo baxay warka ah in ciidamada Mareykanka ay baxayaan.

“Cabsideena ugu weyn ayaa ah inaan lumino sumcadeenaa. Aaminaadda ay shacabka nagu qabaan ee ah inaan dalka u dagaalameyno ee aan u dagaalameyn siyaasi, taas oo ah awooddeena ugu weyn. Haddii aan taas lumino, waxba ma dhaanto musiibo,” ayuu yiri sarkaalkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, si aysan u beegsan madaxda dowladda federaalka.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji kama jawaabin codsi la xiriira inuu ka hadlo walaacan.

Taliye Christina Gibson oo ah afahyeenka AFRICOM ayaa sheegtay “in Mareykanka uusan jari doonin xiriirkooda Danab, islamarkaana ay u diyaariyeen qorsheyaal tababar oo kale.”

Cabsida saraakiisha Danab ayaa imaneysa ayada oo xiisadda siyaasadeed ee dalka ay sii kordheyso, islamarkaana ay soo muuqanayaan loolan iyo beegsi qabyaaladeed.

Ayada oo doorashada dalka ay soo dhowdahay, ayaa madaxweyne Farmaajo waxaa lagu eedeeyey inuu beddelay saraakiil sare, oo xitaa uu ku jiro ra’iisul wasaarihiisa, si uu sare ugu qaado qorshihiisa dib u doorashada.

Sarkaal kale oo ka tirsan Danab, oo isna codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheeegay inuu ka cabsi qabo in hoggaanka ciidankan sidoo kale la beddeli karo.

Tan iyo markii xilka laga qaaday Axmed Cabdullaahi Sheekh 2019, waxaa xilka uga dambeeyey saddex taliye oo kale, waxaana uu sheegay in sababta ay tahay dano siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo kuma cusba inuu ciidanka u adeegsado danihiisa siyaasadeed iyo kuwa qabiil. Wuxuu sidan oo kale u adeegsaday ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo Turkiga uu tababaro, kuwaasi oo loo isticmaalay maamullada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Ayada oo Mareykanka ka hortaagnii in sidoo kale uu kuwa Danab u adeegsado ay meesha ka baxayaan, gar ayey u leeyihiin in saraakiisha ay walaac qabaan

Garoowe 30ka Diseembar 2020 Faah faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan xalay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ku dhex-maray xubno ka tirsan Midowga Musharraxiinta, madaxweynaha Jubbaland, guddoomiyaha aqalka sare, xildhibaanno iyo senataro ka soo kala jeeda Jubbaland iyo Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan muranka ka taagan doorashooyinka dalka oo dhinacyadaasi ay ka muujinayaan walaac xoogan, iyaga oo diidan hannaanka ay dowladda ku wajaheyso doorashooyinka.

Afhayeenka midowga musharraxiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey kulankaasi, isaga oo shaaciyey inay dhinacyada kala duwan ee kulanka isugu yimid ay kulmisay duruufta ka dhalatay doorashada dalka ee 2020/2021.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka wada-hadleen labo qodob oo kaliya oo ay horey walaac uga muujiyeen, kuwaas oo kala ah hab maamulka guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi iyo sidoo kale ciidamada dowladda dhexe ay ku heyso gobolka Gedo.

Ugu dambeyn Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay, haddii aan xal mideysan laga gaarin dooda ka taagan doorashada inay meel dheer ku sii dhaceyso rajada ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan in dalkan uu horay u sii socdo, si loo sii hormariyo.

Si kataba mas’uuliyiintan kala duwan ee Garoowe ku shiray ayaa magaaladaasi u tegay ka qeyb-gala madasha aragti wadaaga ee sanadlaha ah oo looga hadlayo xaalada dalka.

Muqdisho 30ka Diseembar 2020 Warbaahinta ayaa ogaatay in bisha Janaayo ee sanadka cusub ay xubnaha guddiga doorashooyinka ee heer dowlad gobaleed dib ugu laabanayaan degaanada amaba maamullada ay ka yimaadeen.

Guddiga heer dowlad gobaleed ee ka kooban min 11-ka xubnood ayaa la filayaa in ay tagaan Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in ay qaban qaabin doonaan doorashada xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee heer dowlad gobaleed ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya la hadleen maamulada qaar islamarkaana lagu wargeliyay in ay shaqo bilaabaan, islamarkaana ay soo bixi doonaan guddiyada.

Si kastaba, waxaan caddeyn sida wax u dhici doonaan marka xubnahan laabtaan,  ayada oo inta badan madax goboleedyada aysan dooneyn inay gudo galaan doorasho aan raali lagu wada aheyn, si gaar ah kuwa Galmudug iyo HirShabelle.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in guddigaan ay wajahayaan dhibaatooyin oo dhanka maamuladooda ah iyo xubnaha mucaaradka ee diidan doorashada Soomaaliya.

Guddiga heer federal ee lagu muransan yahay ayaa mar labaad soo saaray jadwal cusub oo doorasho oo ka billaabanayey 26-kii December, balse durba ku guul-darreystay inuu dhaqan galo.

Qoraal maanta kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in waqtiga la garsiiyey ilaa 5-ta Janbaayo iyadoo toddobaad lagu daray.

“Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5-ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021,” ayaa lagu yiri War-saxaafadedeka Guddiga

Muqdisho 30ka Diseembar 2020Maxamed Ibraahim Macallimuu oo uu shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay afhayeenka xukuumadda federaalka ayaa ka hadlay xilkaasi cusub ee loo magacaabay, kadib war qoraal ah oo uu maanta soo saaray.

Macallimuu oo ka mid ahaa bahda warbaahinta dalka, sidoo kalena ahaa xoghayaha guud ee ururka isutaga Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa soo dhoweeyey xilkaas loo magacaabay, isaga oo marka hore u mahadceliyey R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in saxaafadda iyo siyaasadda aysan kala fogeyn, islamarkaana uu ka shaqeyn doono waajibaadka shaqada loo igmaday.

“Saxaafadda iyo siyaasadda kalama foga oo jaamacadaha qaar sanadaha hore wey isla socdaan, suxufiyiin badan ayaa ugu dambeyn ku dhamaada siyaasadda, aniguna ka mid baan noqday,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan horumarka dalka iyo danta guud ee dadka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka aqriso:-

Alla ayaa mahad leh. Waxa aan halkan si xushmad iyo qaddarin leh ugu mahad celinayaa Reysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble oo ii magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo La Taliye Sare ee Warfaafinta.

Waxa aan Eebe ka baryayaa in uu howshaas ii u fududeeyo ,waxaan sidoo kale u mahad celinayaa dhamaan intii soo dhaweysay.

Tan iyo 1995-kii waxa aan la shaqeynayay hey’ado caalami ah oo isugu jiray kuwa samafal iyo kuwa warbaahineed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ,marka hadii Eebe qaddaro inta ka dhiman waqtigeyga inshallah waxa aan ka shaqeyn doonaa dowladnimada .

Saxaafadda iyo Siyaasadda kalama foga oo jaamacadaha qaar sanadaha hore wey isla socdaan ,suxufiyiin badan ayaa ugu dambeyn ku dhamaada siyaasadda,aniguna ka mid baan noqday.

Alla aan ka barino in dalkeenna uu inoo nabadeeyo .Colaad in ku filan waan soo aragnay .Inshallah aan si wadajir ah uga shaqeyno danta dadkeenna.

Allah ayaa badbaade leh ee haigu shartiro howshan uu RW Rooble ii magacaabay.

WARARKA MAANTA 29ka Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay ku fashilantay Wasaaradda Maalliyadda? Maxay ku fashilantay Wasaaradda Warfaafinta? Meeqo Wasiir ayaa jaajuusiin u shaqeeya dalal kale? Maxay ku naceen Shacabka #Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Argagixiye Maal-Geliye ahna Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasin ‘Daba-Naasle”? Meeqo Madaxweyne ayeey yeelan doontaa #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa ddiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 29ka Diseembar 2020 Qaar ka mid ah xubnaha guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyin Qaranka ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxda Maamul Gobaleedyada aysan ka soo jawaabin fariimo loo diray laba jeer.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in fariimaha loo diray madaxda maamulada ay aheyd in ay guda galaan shaqada iyo in ay la shaqeeyaan guddiga, hase yeeshee labada jeerba wax jawaab ah ma helin.

Guddoomiyaha guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka Maxamed Xasan Maxamed ayaa la sheegay in uu si toos ah ula xariiray madaxweynayaasha qaar ee maamul gobaleedyada balse ay toos ugu sheegeen in uusan mar dambe soo wicin.

Caasimada Online wali ma helin madaxweynayaasha guddoomiyaha ku amray in uusan mar dambe soo wicin hase yeeshee wararku waxey sheegayaan in guddiga uu dhibkaan la wadaagay Madaxda dowladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ay diidan yihiin guddigan, halka Qoor Qoor uu marba mowqif muujiyo, ayada oo aanu caddeyn mowqifka Guudlaawe, hase yeeshee waxaa guddigan si buuxda u taageersan Lafta-gareen.

Wararka aan helnay ayaa sheegayaa in guddiga culees badan uu la kulmayo islamarkaana ay socon la’yihiin jadwaladii ay soo saareen, sidoo kalane ay culeysyo kale la kulmayaan inay wax dhaqaajiyaan.

Waxaa xaaladda kasii daraya in inta badan xubnaha guddiga ay yihiin dhallinyaro daacad u ah dowladda, oo aan wax khibrad iyo saameyn siyaasadeed laheyn, islamarkaana xiriiro aan ku laheyn maamullada.

Muqdisho 29ka Diseembar 2020 Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha ee Internet-ka aad loogu hadal haayaa warar sheegaya in Korneel Saneey Cabdulle uu la heshiiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta oo la hadashay saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in Korneel Saneey uusan baxsad ka aheyn dowladda Soomaaliya, balse uu jiro khilaaf, islamarkaana uu weli taliye ka yahay mid ka mid ah guutooyinka ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in aysan jirin wax heshiis hoose ah oo ciidamo soo wareejin ah oo dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo Korneel Saneey Cabndulle.

Saneey Cabdulle ayaa boqolaal askari, gaadiid dagaal iyo ciidan badan ku heesta duleedka waqooyi ee Muqdisho, waxaana la sheegaa inuu dhowr jeer diiday wareejinta ciidankaas.

Ciidan ka tirsan Gor-Gor ayaa saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa duleedka degmada Kaaraan, waxeyna dadka degaanka iyo Muqdisho ka dhax dhalisay hadal heyn badan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidankii Gor-Gor ee la geeyay duleedka Kaaraan ay hadda fariisin ka sameysteen Xerada Maslax ee duleedka Muqdisho gaar ahaan duleedka degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in aysan ciidankaas weerar ku heyn Saneey Cabdulle balse ay howlgal gaar ah halkaas ku tageen, kadibna dib uga laabteen fariisin kale oo ay ka sameysteen duleedka Muqdisho.

Muqdisho 29ka Diseembar 2020 Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa si kulul uga hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan uu galay xaalad cusub, taasoo uu ku sheegay inay Dowladda Federaalka go’aansatay in ay dadka reer Hiiraan u isticmaasho waxa uu ku sheegay farsamadii uu isticmaarka adeegsan jiray.

“Xaaladda Gobolka Hiiraan waxay gashay marxalad cusub, waxaa muuqata Dowladda Dhexe inay go’aan ku gaartay in ummadda aad loo caburiyo, inay go’aan ku gaareen in la isticmaalo farsamadii uu isticmaarka isticmaali jiray, oo ah bandow hala geliyo, cunnada halaga joojiyo, shaqada halaga joojiyo, dhaqaalaha halaga curyaamiyo. Waa waxa shalay Beledweyne ku bilowday, waa waxa shalay dadku ka mudaaharaaday, waa waxa aakhirka na dhaxalsiin doonto dhibaato intaan ka weyn, haddaan caqligu shaqeynin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay Hiiraan Online.

Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in ay joojiso ciqaab wadareed uu sheegay in ay ku hayso dadka reer Hiiraan, haddii kalana aanay arrintan noqon doonin mid leeskaga haro.

“Xukuumadda Federaalka waxaa looga fadhiyaa in arrintaas ay ka waantowdo. Haddii dad ku dhinto waxaan la yiraahdo ciqaab wadareed ‘Sidee baa xuquuqdiina iyo maskaxdiina uga hadli kartaan, cunnadaa idinka joojinaa, cunaqabateenaa idinku waxaynaa’ haddii ay arrintu noqoto waxaan shaki ku jirin in arrintu aysan ku ekaan doonin Gobolka Hiiraan iyo Magaalada Beledweyne. Dad badanaa loo maxkamadayn doonnaa, dad badan ayay muddo dheer daba taagnaan doontaa waxa meeshaas ka dhacayaa” ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waa cunsuriyad, waa midab takoor in ummadda lagu cadaadiyo raashiinkii oo laga joojiyay, Beledweyne laga dhigo xabsi dusha ka furan, lagu xabadeeyo, dad-na ku dhinto waa waxaan leeskaga hareynin, masuuliyiinta sare ee wadanka iyagaa ka jawaabi doono. Haddii aad is leedihiin maxkamado kama jiraan wadanka gudahiisa waala hurda siiyay, waxaan hareynin ayay noqonaysaa. Wax aan harin oo mar walba lagu xisaabtamo ayay noqonaysaa. Waxaa haboon inta ay goori goor tahay inaad ka waantowdaan arrintaas.”

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Goodax ayaa ku soo aadaya, xilli Beledweyne uu ka socdo hawlgal lagu qabqabanayo dad lagu eedeeyay in ay soo abaabuleen bannaanbaxyadii toddobaadyo ka hor ka dhacay magaaladaasi, ee lagu diidanaa safar uu ku taggi lahaa Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Maamulka 29ka Diseembar 2020 Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta si rasmi ah uga furmi doono shirka madasha aragti wadaagga sanadlaha ee uu soo qaban qaabiyey Machadka Hiratage, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka & doorashada.

Shirweynahan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka, guddoonka labada aqal,xubno ka mid ah musharraxiinta mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka.

Madasha aragti wadaagga oo qaadan doonto saddex cisho ayaa waxaa sanadkan diirada lagu saarayaa sidee 2025 looga bixi karaa Kumeel gaarnimada iska socota?, si dalka u helo Dastuur dhameystiran, doorasho qof iyo cod iyo nidaam federaal oo shaqeynaya.

Sidoo kale madaxda ka qeyb-galeysa shirkan sanadlaha ah oo isugu jiroi mucaarad iyo muxaafad ayaa xalay yeeshay kulamo hordhac ah oo isku wareysteen dhinacyadaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale adkeeyey ammaanka magaalada Garoowe oo la ciir-ciireysa mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeyb-galeysa shirkaasi.

Waa sanadkii ugu horreeyey madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee Machadka Hiratage lagu qabanayo gudaha dalka, iyada oo markii hore lagu qaban jiray Jabuuti.

Muqdisho 29ka Diseembar 2020 Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa faah faahin ka bixiyey shir uu aaladda fogaan aragga kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, kaasi oo ay kaga wada hadleen dardar-gelinta hannaanka doorashooyinka ee dalka ee 2020 illaa 2021-ka.

Beyle ayaa si gaar ah Qaramada Midoobay kala hadlay qarashaadka ku baxaya doorashada dalka oo  intooda ugu badan ay bixineyso beesha caalamka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in laga wada shaqeeyo howlaha hagu Horumarinayo hannaanka dowladnimada.

“Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan Qarashaadka ku baxaya Doorashooyinka Qaranka la yeelanay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, iyadoo ay shirka igu wehlinayeen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dalka, waxaa naga go’an in aan si wadajir ah uga wada shaqeyno howlaha lagu Horumarinayo hannaanka Dowladnimada,”ayuu yiri wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa horey shaaciyy in qiyaas ahaan doorashada dalka ay ku bixeyso lacag dhan $40 Milyan oo 10%, una dhiganta 4 milyan laga rabo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halka inta kalena ay bixineyso beesha caalamka.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho isugu jirto tan baarlamaanka & madaweynaha, taas oo ay weli isku fahmi la’yihiin dowladda iyo mucaaradka dalka.

WARARKA MAANTA 28ka Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Aryaa Madaxweyne Janaraal Jaalle Siyaad “Afweyne” ka xoog badnide iscasil xilligii waa kaa dhammaaday? Maxay ku naceen Shacabka #Soomaaliyeed Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Argagixiye Maal-Geliye ahna Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasin ‘Daba-Naasle”? Meeqo Madaxweyne ayeey yeelan doontaa #Soomaaliya? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa ddiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 28ka Diseembar 2020 Booliiska dalka Mareykanka  oo adeegsanaya maadada DNA  ayaa shaaciyay magaca qof looga shakisan yahay in uu ka danbeeyay qaraxii cuslaa ee maalin ka hor ka dhacay magaalada Nashville. Qofkan ayaa qaraxa u adeegsaday gaari xamuul ah waxaana ay Booliisku sheegeen in ay ku dhaawacmeen ilaa saddex ruux.

Anthony Quinn Warner  oo ah 63 sano jir ayeey sheegeen  Booliisku in uu yahay  qofka la tuhusan yahay, mana sheegin baaritaanku in ay jiraan tuhumanayaal kale oo dheeraad ah oo ku lug lahaa qaraxan

Qaraxa auaa la dhacay ilinka hore xafiiska isgaarsiinta magaalada Nashville waxaana uu qalqal ku keenay  isgaarsiintii ilaa  afar gobol.

Wali waxaa soconaya baaritaan arintan la xiriira inkastoo war bixintan ay soo saareen booliisku tahay mid hor dhac ah.

Muqdisho 28ka Diseembar 2020 Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, doorashooyinka 2021 iyo muddo xileedka baarlamaanka oo shalay ku ekaa.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in 40 cisho oo kaliya ay u hartay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, islamarkaana aanu weli dalka u jiheyn doorasho, wuxuuna weerar ku qaaday xubnaha Hawiye ee taageersan madaxweynaha.

“Maanta ayay ku egtahay muddo xileedka Goleyaasha Barlamaanka. Duqa Farmaajo ahna 40 cisho ayaa ka hartay muddo xileedkiisa. Doorasho la isla ogolyahay iyo daruuftii lagu qaban lahaa ilaa hada midna nooma muuqato,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in Villa Somalia, gaar ahaan madaxweynaha uu  damacsan yahay inuu kaligiis isku caana shubo, dalkana uu geliyo qalalaase xoogan.

Ad by Valueimpression

“Farmaajo wuxuu yaqiinsaday doorasho xor iyo xalaal ah in uusan Madaxweyne mar labaad ku noqon karin. Sidaas daraadeed wuxuu go’aansaday in uu keligiis isku caano shubo ama dalka geliyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray madaxda Villa Somalia, wuxuuna yiri “Lama yaabani Farmaajo oo waa nin garasho siyaasadeed ka arradan, guulwadeyaal sii luminayana ay hareerahiisa buuxaan. Lkn waxan waydiin lahaa NACAMLEYAASHA HAWIYE EE HAREERIHIISA DHOOBAN, ma sidaan ayay dan moodeen mise marka Farmaajo dalka iyo dadka dagaal geliyo, diyaaradna ka raaco ayay rakaabka diyaaradiisa kamid noqon doonaan?!”

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyada oo weli uu is mari-waa u dhexeeyo dowladd  iyo mucaaradka ka taagan yahay doorashooyinka dalka.

Muqdisho 28ka Diseembar 2020 Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa si adag uga hadlay isku dhacyada u dhexeeya ciidamada dowladda & iska hor imaadyadii u dambeeyey ee gudaha degmada Kaaraan.

Ugu horreyn guddoomiyaha oo ka hadlayey kulan lagu qabtay degmada Kaaraan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ciidamo ka wada-tirsan dowladda ay ku dhex dagaalamaan caasimada, isagoo u tacsiyeeyey ehelladii dadkii ku dhintay dagaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay leedahay awood ay uga hortagto iska hor imaadyadaasi, balse wuxuu ugu baaqay waxgaradka Muqdisho, gaar ahaan shacabka Kaaraan inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaasi, si looga baaqsado dagaal kale oo ka dhaca gudaha degmadaasi.

“Dowladdu awood ayay leedahay balse  diyaar uma ahan intay idinka idin jiirto inay u tagto wiilashiinna dambiga sameynaya nooga hormara oo la hadla wiilashiinana celiya si looga baaqsado dhibaato dalka ka dhacda,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xilligan aysan Soomaaliya u baahneyn dagaal iyo in fowdo la geliyo dalka oo haatan ka soo kabanayo burburkii horey u gaaray.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii badanayeen isku dhacyada ciidamada dowladda, iyada oo weli ay xiisad ka taagan tahay Kaaraan.

Muqdisho 28ka Diseembar 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa is-maamulka Canfarta ee dalka Itoobiya, kaas oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ayaa yimid, kadib kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Canfarta ay weerar gaadmo ah ku qaadeen deegaanka Dan-lahelay ee gobolka Siti ee DDS oo ay ku laayeen shacab iyo sidoo kale ciidamo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale weerarka kadib ayaa lagu soo warramayaa inay deegaanka gaareen gaaree ciidamada Liyu-Booliiska ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana halkaas markale ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan geystay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyeen ugu yaraan illaa 50 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmen tiro kale oo intaasi ka badan.

Ma jiro weli wax hadal oo ka soo baxay is-maamulka deegaanka Soomaalida & kuwa Canfarta ee dalka Itoobiya oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana  weli is hor fadhiyaan labada ee ciidan dagaalamay, iyadoo sidoo kale laga cabsi qabo in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Muqdisho 28ka Diseembar 2020 Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeedba inay is dejiyaan, diyaarna uu u yahay inuu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta geedi-socodka arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ra’iisal Wasaaraha oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ayaa yiri “Waxaan diyaar u ah inay yimaadaan qof kasta oo daneynaya ama cabasha qaba, oo aan cabashadooda xaliyo, haddii ay ahaan laheyd doorashada, mid guud iyo mid gaar ahaaneydba.”

Waxa uu intaa ku daray “Sidaa darteed shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa is dejiya, aniga oo masuul ka ah xukuumadda, Ra’iisal Wasaarahana ka ah waxaan idin sheegayaa inaan diyaar u ahay inaan qof kasta qaabilo, kalana hadlo wixii caqabad ah ama cabasho ah ay dareemayaan inay jirto.”

Rooble ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu yeeray inay is dejiyaan, isla-markaana uu xafiiskiisa u furan yahay cid kasta oo tabasho ka qabta arrimaha doorashooyinka.

“Sidoo kale waxaan leeyahay dadka walaalahayaga oo tabaya ama qaba cabasho ku saabsan arrimaha doorashada in uu u furanyahay xafiiskeyga, albaabkeyga iyo wejigeyga, diyaarna aan u ahay inaan idin qaabilo. Anigoo diyaar u ah sidoo kale cabashadiina inaaan tixgeliyo, idinkala fadhiisto oo aan xal waara ka gaarno, waxaan leeyahay is dejiya.” Ayuu yiri Rooble.

Hadalka ka soo yeeray Rooble ayaa ku soo aadaya, xilli Golaha Midowga Musharaxiinta ay Arbacadii si weyn uga horyimaadeen Jadwalka Doorashooyinka Xildhibaanada Labada Aqal, ee ay soo saareen Guddiyada Doorashooyinka ee lagu muransan yahay.

Muqdisho 28ka Diseembar 2020 Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Mudane Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kormeer ku tegay dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tiran gobollada Banaadir & Sh/Hoose.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in haatan uu gaba-gabo uu marayo dhismaha jidkaasi, islamarkaana la soo gaba-gabeyn doono muddo labo toddobaad gudahood ah.

Cumar Filish ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay ilaashadaan laamigaas loo dhisay oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba.

Sidoo kale dhismaha waddan ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyey shacabka, iyadoo laamigana loo dhisay laba qeybood oo ay isku dhaafi karaan gawaarida.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii watay ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan sidoo kale la bilaabi doono dhismaha wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo uu haatan ka muuqdo burbur aad u xoogan.

Si kastaba dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan dadaal badan ku bixineysa dhismaha waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo muddo fog burbursanaa.

Muqdisho 28ka Diseembar 2020 Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa maanta lagu dilay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir, kadib markii ay rasaas xoogan ku fureen kooxo ku hubeysnaa bistoolado oo weerar gaadma ah ku qaaday dadkaasi.

Toogashada ayaa goor dhow ka dhacday agagaarka buundooyinka, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in saddexda qof ee la dilay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidanka nabad sugida, gaar ahaan kuwa dhar-cadda ee loo yaqaano ilaalada shacabka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi, waxaana goor dambe goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii la soio dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.

Muqdisho 28ka Diseembar 2020 Waxaa goordhow si rasmi ah loo kala diray maamulka rugta ganacsiga iyo warashadaha ee hadda jira iyada oo la magacaabay maamul kale oo ku meel gaar ah, sida ku cad go’aan kasoo baxay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Sababta waxaa lagu sheegay xaaladda cakiran ee ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed iyo in dib u habeyn lagu sameeyo rugta ayaa go’aanka la gaaray

Waxaa si ku meel gaar ah loo magacaabay guddoomiye, labo ku xigeen iyo 30 xubnood oo matalaya ganacsatada Soomaaliyeed.

Cabdullahi Nuur Cusmaan oo ka tirsan Hormuud ayaa guddoomiye laga dhigay halka Cabdiweli Maxamuud Warasme iyo Cali Xasan oo ka kala socda Somtel iyo Almoha General Trading sida ay u kala horeeyaan laga dhigay guddoomiye ku xigeenno.

Waxaa goordhow si rasmi ah loo kala diray maamulka rugta ganacsiga iyo warashadaha ee hadda jira iyada oo la magacaabay maamul kale oo ku meel gaar ah, sida ku cad go’aan kasoo baxay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Sababta waxaa lagu sheegay xaaladda cakiran ee ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed iyo in dib u habeyn lagu sameeyo rugta ayaa go’aanka la gaaray

Waxaa si ku meel gaar ah loo magacaabay guddoomiye, labo ku xigeen iyo 30 xubnood oo matalaya ganacsatada Soomaaliyeed.

Cabdullahi Nuur Cusmaan oo ka tirsan Hormuud ayaa guddoomiye laga dhigay halka Cabdiweli Maxamuud Warasme iyo Cali Xasan oo ka kala socda Somtel iyo Almoha General Trading sida ay u kala horeeyaan laga dhigay guddoomiye ku xigeenno.

Maamulka ku meel gaarka ah ayaa waxaa loo qabtay inay muddo 60 cisho ku qabtaan doorasho

Muqdisho 27ka Diseembar 2020 Maanta taariikhdu waa 27-ka Decemer, waxaana soo dhamaaday muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad ee Federaalka Soomaaliya, waana afar sano ka hor maalintii la dhaariyay labada aqal oo wadajir.

27-kii December 2016 ayaa si wadajir ah loo dhaariyay xildhibaanada golaha shacabka iyo kuwa aqalka sare, waxeyna aheyd markii ugu horreysay uu dalka yeeshay laba aqal.

Dalka wuxuu galayaa xaalad cusub maadaama aan wali la isku raacin hanaanka doorasho ee dalka uu galaayo, mana cada xilli la heli doono Baarlamaankii 11-aad ee badali lahaa midka wakhtigiisa dhamaaday.

Iyadoo ay taasi jirto hadana gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa kalfadhigii ugu dambeeyay sheegay in xildhibaanada ay xilka sii heyn doonaan ilaa maalinta la dhaarinaayo midka badalaya ee 11-aad.

Wuxuu intaas ku daray si aysan firaaqo dastuuri ah u dhicin iney kursiga kusii fadhin doonaan waana sida ku qoran dastuuraka.

Muddo xileedka oo ka dhamaado Baarlamaanka labada aqal wuxuu kusoo beegmayaa xilli khilaaf siyaasadeed oo xoogan uu hareeyay doorashooyinka, sidoo kalana wali ma aysan ansixin golaha shacabka miisaaniyadda 2021 oo ay dowladda soo gudbisay.

Dhanka kale Baarlamaanka maanta wakhtigiisa dhamaanayo wuxuu ku fashilmay saddex qodob oo muhiim ah: (Dhameystirka dastuurka si afti dadweyne loogu qaado, la xisaabtanka xukuumadda iyo doorasho qof iyo cod ah).

Muqdisho 27ka Diseembar 2020 Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu amray in la qabto doorashada dalka, ayada oo lagu billaabyo xildhibaanada Aqalka Sare, xilli aan weli xal laga gaarin tabashooyinka ay qabaan maamullada qaar iyo mucaaradka.

Doorashada Aqalka Sare ayaa la sheegay in ay ka billaaban doonto magaalada Baydhaba, kadibna lagu cadaadin doona madaxda Galmudug iyo HirShabelle inay ku xejiyaan Dhuusamareeb iyo Jowhar, waxaana magaalooyinkaas qaarkood la geyn doonaa ciidan kale oo dheeraad ah.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in go’aanka ay laba maalmood kahor qaateen Guddiga doorashada heer federal ee lagu muransan yahay ee ay kusoo saareen jadwal doorasho uu salka ku hayo amarka madaxweynaha, oo inta badan xubnaha guddigan ay yihiin taageerayaashiisa.

Jadwalka doorasho ayaa dhigaya in xildhibaanada Aqalka Sare la doorto 30-ka bishan illaa 6-da Janaayo, waxaana xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa in maamulka Koonfur Galbeed uu billaabi doono.

Sidoo kale, waxa uu jadwalka dhigayaa in doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose lagu soo geba-gebeeyo 9-ka illaa 28-ka Febraayo. Jadwalka kuma qorna xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo ah ninka ugu daacadsan ee ku xiran Villa Somalia, ayaa lagu amray inuu qabto doorashada, si uu waddada ugu furo Qoor Qoor iyoi Cali Guudlaawe oo weli shaki iyo cabsi qabda.

Rajadii ugu dambeysay ee dowladda ay ka qabtay in sida ay wax u rabto u socdaan ayaa ku dhimatay Garoowe, kadib markii Saciid Deni uu diiday inuu soo magacaabo guddiga doorashada ee heer gobol, taasi oo keentay in Farmaajo uu qaato go’aankan.

Qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda iyo dad kale oo xog ogaal ah ayaa arrintaan ku tilmaamay Ismiidaamin siyaasadeed oo weyn, islamarkaana sababi karta halis badan oo dib u dhac ah iyo dagaal.

Nairobi 27ka Diseembar 2020 Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur oo maalmo ka hor ka hadlayey amniga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay ka go’een in salaadda ay ku dukadaan masaajidda, isagoo eedeyn la xariirta amniga u jeediyey culumada magaalada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in culumada masaajidda Gaalkacyo aysan khudbada uga hadlin dhacdooyinka ka jira magaalada.

“Maalintii guddoomiyihii aniga iga horeeyey la qarxiyey oo dad badan oo aniga ehelkeyga ah isku meel lagu laayey, Jimcihii ku xigay waxaan dhageystay khudbadda masaajidkii ii dhawaa, waxuuna Sheekhii uga hadlay ‘Tarabiyatu awlaad,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiladiif Muuse.

Waxa uu sheegay in Sheekh laga rabay todobaadkaas wixii magaalada ka dhacay inuu ku qaato khudbadda.

“Culumada waxaan u sheegayaa masaajidda kaligiin ku dukan meysaan ama waan xireynaa ama Shabaab waan la wada dirireynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale guddoomayaha ayaa sheegay in culumada uu horay ula kulmay, isla markaana uu u sheegay in masaajidku uusan ‘waxaba ugu fadhin oo Adinkiisuna uu dhibo’ sida uu sheegay, isagoo tilmaamay in masaajidda ay xiri doonaan ama si nabad ah ay ugu wada dukan doonaan.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland waxaa ka jawaabay Sheekh Maxamed Cabdi Umal, waxuuna hadalkaas iyo sacabkii shacabka goobtaas fadhiyey ku tilmaamay mid laga naxo.

“Waxaan is iri ninkan ma culumo gooni ah ayuu ka hadlayaa? laakiin markaan dib u sii dhageystay hadalkiisa culumada oo dhan ayuu ka hadlayaa, marka hadalka noocaas ah oo qof muslim ah uu ku dhiiraday oo sidaas baraha bulshada loogu faafiyey oo hadana qof masuul ah uu ka soo yeeray, waa arrin runtii aad iyo aad looga naxo,” ayuu yiri Sheekh Umal.

Sheekh Umal oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in Guddoomiye Cabdiladiif hadii uu awood u leeyahay uu albaabada isugu dhifan lahaa masaajidda magaalada, sida madaxweynaha Faransiiska Macron oo kale.

Maamulka Puntland  27ka Diseembar 2020 Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si caro leh uga hadlay banaanbaxiii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalada Garoowe,  isaga oo sheegay inay ka dambeeyaan dad sano siyaasadeed leh.

Deni waxaa uu sheegay in cabashada bulshada iyo banaanbaxa rabshadaha  watay ee  Garoowe ka dhacay in uusan ahayn mid la xiriira diidmada lacagta iyo sarifka balse uu ahaa mid Puntland lagu sumcad dilayo.

Saciid Deni ayaa arrintaan ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dad ka faa’idaysanaya dareenka bulshada isla markaana dano siyaasadeed iyo arrimo kale ka leh.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu garanayo shakhsiyaadka ka dambeeyo rabshadahaan isla markaasna ay dhawaan is bari doonaan iyaga iyo Shacabka

Wuxuu si cad u sheegay in rabashadahaan lagu soo aadayey shirweynaha ka dhacayo Magaalada Garoowe oo ay ka qeyb galayaan  Madax Soomaaliyeed, Siyaasiyiin, Musharaxiin madaxwayne iyadoo ay xusid mudan tahay in shirkaan laga soo wareejiyey dalka Jabuuti oo markii hore lagu qaban jiray.

Madaxwaynaha Puntland oo wajigiisa laga dheehan karay carro xoogan ayaa inta badan hadalkiisa wuxuu ahaa hanjabaad la xiriirta in uu tallaabo ka qaadayo dadkii ka dambeeyey oo uusan marna bulshada u sheegin cidda ay yihiin iyo wax cadaynaya danaha  Siyaasadeed ee ay ka leeyihiin arrintaan.

Hadalka Saciid Deni ayaa kusoo aadayo xilli Shalay ay banaanbaxyo rabshado wato ka dhaceyn qeybo kamid ah deegaanada maamulka Puntland, waxayna dadkii banaanbaxayey sheegay inay ka xun yihiin amaro kasoo baxay maamulkaas.

Muqdisho 27ka Diseembar 2020 Shalay oo ay taariikhdu aheyd 26-ka December dowladda federaalka Soomaaliya waxay u asteysay inay bilaabato diiwaan-gelinta murashaxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya, sida ku cad jadwalkii dhawaan ka soo baxay guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka.

Guddiga ayaa 23-kii bishan soo saaray jadwalka doorashada soo socota ee 2020-2021-ka, gaar ahaan kan Aqalka Sare iyo golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana jadwalkaas ku xusan in 26-ka ilaa 29-ka December ay is diiwan geliyaan xubnaha u tartamaya golaha Aqalka Sare.

Xubno ka tirsan guddiga doorashada ee heer federaal ayaa sheegay inay madaxda maamul goboleedyada u direen warqadaha diiwaan-gelinta, hab raacyada doorashada iyo hannaanka lacagaha lagu bixinayo.

Sidaas oo tahayna illaa hadda ma muuqato cid iska diiwaan gelisay caasimadaha dawlad goboleedyada dalka oo ah halka ay ka dhici doonaan doorashooyinka xubnaha golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Xubnaha guddiga ee soo saaray jadwalkan shalay dhaqan geli waayey metelaad kuma lahan dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo weli diidan hannaanka ay doorashada u maamuleyso dowladda federaalka.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo wafuud ay hoggaaminayaan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sidoo kale xubno ka socda midowga musharaxiinta mucaaradka ah ayaa gaaray halkaas, waxaana ka bilaabanaya wadahadal ku aadan arrimaha doorashada dalka.

Muqdisho 27ka Diseembar 2020 Guddiga Doorashada Dowladda Soomaaliya ee lagu muransan yahay ayaa shaaciyey inay foomamka Doorashada iyo habraacyada u kala direen maamul Goboleedyada.

Guddigan oo jadwal degdeg dhowaan soo saaray si loo qabto doorashada Aqalka Sare ayaa qoraal kasoo baxay xalay saqdii dhexe kadib ku sheegay inuu dowlad Goboleedyada ka codsaday inay bilaabaan diiwaan gelinta iyo qabashada araajida musharixiinta Aqalka Sare.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21 isagoo tixraacaya faafinta rasmiga ahayd ee dhaqan galinta doorashada isla markaasna ahmiyad wayn siinaya dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka ayuu u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare” Sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.

“Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare. Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah” ayaa lagu sii daray qoraalka Guddiga.

Maamul Goboleedyada taageersan qorshaha Doorashada ee Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa inay ku dhiiradaan oo ay bilaabaan doorashada Aqalka Sare, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed rajo laga qabo inuu bilaabo doorashada Aqalka Sare

Muqdisho 27ka Diseembar 2020 Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta ayaa xaqiijinaya in dowladda Soomaaliya ay amar dul dhigtay shirkadaha daabacaadda ee ka jira magaalada Muqdisho.

Amarkaan la dul dhigay shirkadaha ayaa tilmaamaya in aan la daabici karin boorar ay ku qoranyihiin sawirrada iyo erayo lagu diidan yahay ama lagu beegsanayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haddii ay daabacaanna ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in amarkaan ay bixiyeen mas’uuliyiin kamid ah hay’adaha ammaanka, waxaana looga hortagayaa banaanbaxyada Madaxweynaha Soomaaliya looga soo horjeedo ee ka socda Muqdisho.

Qaar kamid ah dadkii Jimcihii banaanbaxa ka dhigay Muqdisho oo maanta xabsiyo laga sii daayay ayaa warbaahinta u sheegay in shirkadaha boorarka ay u diideen daabacada boorarka ka dhanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaga oo cabsanaya.

Dibad-baxyada looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo ayaa kusii kordhaya Muqdisho, xilli waqtigiisa uu dhammaad yahay, waxaana looga dalbanayaa inuu dalka ka qabto doorasho xalaal ah oo wadar ogol ah.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dibad-baxyada ay sare usii kici doonaan maalmaha soo socda, taasi oo dowladda ku qasabtay inay qaado tallaabo ay ku caburineyso dibad-baxayaasha, ayada oo u adeegsaneysa hab kasta.

Beledweyne 27ka Diseembar 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi oo dhacay bartamaha dalka Soomaaliya.

Dadka magaalada ayaa saaka ku soo waabariistay ciidamo fara badan oo lagu soo daadiyey waddooyinka iyo xaafadaha qaar ee magaaladaasi..

Ciidamada oo isugu jira kuwa dowladda federaalka iyo AMISOM ayaa howl-gallo ballaaran ka bilaabay halkaasi, iyaga oo go’doomiyey magaalada oo dhan.

Sidoo kale ciidamada ayaa xabsiga dhigay in ka badan illaa 50 ruux oo u badan dhalinyaro iyo dad kale oo la shaqeynayey jabhadda uu hoggaamiyo Janaraal Abuukar Xuud, sida afhayeenka jabhaddaasi oo lagu magacaabo, Cabdiraxmaan Xuubey.

Waxaa sidoo kale maanta Beledweyne ka dhacay dibad-bax ay dhigeen qaar ka mid ah dadka deegaanka, kaas oo looga soo horjeedo dowlad goboleedka HirShabelle.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen dadka dhigayey dibad-baxyada, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaaawacyo.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan shaqaaqadaasi.

Xaaladda Beledweyne ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid aad u kacsan, waxaana magaalada ka jiray xiisad u dhexeysa HirShabelle & Janaraal Xuud oo si weyn iga biyo diidan in magaaladaasi uu tego madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullahi Guudlaawe

WARARKA MAANTA 22ka Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay ku fashilantay Wasaaradda Maalliyadda ee Federaalka oo dalka? Maxay shiling #Soomaali u soo daabi weysay? Maxay qandaraasyada u siin la dahay shirkaddaha Somaaliyeed? Yaa #Kenya u shaqeeya oo daba-dhilif u ah? Yaa dowladdo kale oo shisheeye ah ah jaajuus u ah? Yaa #Soomaaliya dhaca? Meeqo shikaddo ayaa dhacay hantida qaranka #Soomaaliya? Maxaad ka ogttihiin inay alaamaha dembi-baarista waddamo farabadan ay daba-gal ku samaynayaa Soomaalida iyo shisheeye ah lacagaha ku dhaca magaca #Soomaaliya? Yaa runta qarin kara? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas”? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa ddiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Muqdishio 22ka Diseembar 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay fiidkii hore ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dhex-maray qeybo ka mid ah magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka, qeybta 14-ka October iyo kuwa NISA ee ka wada howl-gala gudaha magaallo xeebeedkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu yimid, kadib markii uu ciidamadaasi soo kala dhex-galay muran ka dhashay lacago ay isku maan-dhaafeen labada dhinac.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, balse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan is-rasaaseyntaasi.

Maalmihii la soo dhaafay xaaladda ammaan ee Marka ayaa aheyd mid degan, waxaana howl-gallo amni xaqiijin ah ka waday ciidamada ammaanka ee ka howl-galka halkaasi.

Muqdishio 22ka Diseembar 2020 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay marti ku ahaa madal loogu magac-daray Doodsan oo su’aalo lagu weydiiyey ayaa ka hadlay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo tallaabada ay qaaday Kenya ee ku wajahan Somaliland, balse dowladda Soomaaliya ay ku qaldaneed inay xiriirka u jarto dowladda Kenya, oo uu sheegay inay deris muhiim ah u tahay Soomaaliya.

“Waxaa inaan fahano u baahan anagu ma aanaa dooran inaan deris la noqono Kenya, iyaguna ma dooran inay nala dersaan, balse maanta laba arrin ayaa noo furan anaga iyo Kenya, inaan cadaawad iyo lugooyo iskula noolaano oo taasi siyaasad noo ahaato iyo inaan kuwada noolaano nabad, deris wanaag iyo iskaashi, taas dambe ayaana door bidayaa anigu,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Kenya iyo anaga dhaqaaleheena iyo ammaankeena ayaa isku xiran, hal milyan oo qof dad Soomaaliyeed oo ka badan ayaa magan-geliyo u jooga, kumanaan kale oo Soomaali ahna ganacsi ayey u joogaan magaalo kasta oo dalka Kenya ka tirsan, marka anagoo sidaas ugu dhex nool, waxaan cilaaqaad fiican aheyn nagama mudna Kenya.”

Waxa uu sheegay in dhaqaalaha Kenya ay mar burburiyeen dadkii Soomaaliyeed ee dalka ka cararay markii ay colaaduhu ka qarxeen, balse aysan jirin wax saameyn leh oo ay Kenya noo geysatay markii la fiiriyo taan u geysanay.

“Nolol iyo shacab wanaagsan ayaa naga jira, xigmad tilmaameysa in cilaaqaadka anaga iyo Kenya uu xumaado ma jirto, waxyaabo badan waa ku kala ra’yi duwanaa karnaa, tusaale anigu kuma raacsani Kenya sida ay u wajahday arrinta Somaliland, lamana qabo, ilamana qumana, laakiin taas meeshii adduunyadu ku dhamaaneysay maaha, wax kasii weyn oo iyagu ay dhibsanayeen ayaa na dhex maray, cilaaqaadkeenuna ma go’in,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh hadalkiisa ku sii daray, “Kenya waxay ku dacwootaa hadii Soomaaliya ay nooga guuleysato dacwadda badda, khatar ayaan ku jirnaa, iyagoo dareenkaas qaba, hadana dadka Kenyaatiga ah cilaaqaadka nooma jarin ee diblomaasiyadda inay nagula macaamilaan ayey go’aan ku gaareen.”

Muqdishio 22ka Diseembar 2020 Dadka deegaanada Amuma iyo Hemey ee ismaamulka Gaarisa ayaa dareemaya cabsi weyn kadib markii tobaneeyo ka tirsan dagaalyahanadan Al-Shabaab ay kasoo talaabeen xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Dagaalyahanada Al-Shabaab waxey inta badan weeraro ka geysataan gudaha Kenya, waxaana heegan la galiyay Booliska ku shaqada leh xoojinta ammaanka ismaamulka Gaarisa.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw waaxaha ammaanka ayaa wargeyska Daily Star u sheegay in gudaha Kenya uu soo galay Mowliid Cabdi Xuseen oo ka yimid Somaliya, waxaana la sheegay inuu ka khudbeeyay mid ka mid ah masaajidda maxaliga ah ee deegaanka, isagoo sheegay inuu sii wadi doono weerarada ka dhanka ah dadka reer Kenya.

Warbixinada ay booliska baahiyeen ayaa lagu sheegay iney saddex waddo isticmaaleen dagaalyahanada oo tiradooda lagu khiyaasay 40, kuna hubeysnaa qoryaha AK47 iyo PKM.

Booliska waxey fahamsansan yahiin in kooxda gudaha usoo gashay Kenya ay durba qorshe leeyahiin, isla markaana ay calaameysteen bartilmaameedyo ay ka mid yahiin xarumaha anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta Kenya iyo xerooyinka baaritaanada, sidoo kalana cabsi ayaa laga qabaa iney wadooyinka wax ku aasaan.

Rono Buunei oo ah taliyaha booliska ismaamulka Gaarisa ayaa sheegay iney xoojinayaan ammaanka deegaanka, isla markaana ay isku dayi doonaan iney baajiyaan hawlgallada ay damacsan yahiin kooxaha ay ugu yeereen argagixisada.

Al-Shabaab waxey caan ku noqdeen iney weeraro ka geystaan gobolada ismaamulka Somalida, waxeyna bartilmaameedsadaan ciidamada Kenya iyo sidoo kale shirkadaha ay sida gaarka ah u leeyahiin muwaadiniinta Kenya.

Galkacyo 20ka Diseembar 2020 Waxaa koradhay tirada dadkii ku dhintay Qaraxii  Ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Inta la xaqiijinayo tirada dhimashada ayaa gaartay 16 ruux kaddib markii dad u badan oo shacab u geeriyoodeen dhaawacyo culus oo ka soo gaaray weerarka sida ay ilo-wareedyo laamaha Amniga ka tirsan u sheegeen AFP.

Ugu horreyntii, lix qof oo ay ku jiraan saddex sarkaal oo sarsare oo milateri ah ayaa la dilay Jimcihii markii qof isa soo miidaamiyay uu weeraray garoon ku yaal magaalada Gaalkacyo ka hor inta uusan soo gaarin garoonka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo soo dhaweyntiisa lagu howlanaa.

Laakiin sarkaal ka tirsan laamaha amniga  ayaa khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP Sabtidii: “Tirada dadka ku dhintay qaraxa ayaa koradhay oo gaartay 16 qof, oo u badan dad rayid ah”

Sarkaakan Booliiska ah ee lagu magacaabo Ahmed Abdiasiz ayaa yiri: “Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa ay ahayd mid aad cariiri u ah … sidaa darteed dad badan oo dhaawacyo halis ah qabay ayaa markii danbe u dhintay dhaawaca marka laga reebo xubnaha ciidanka ku dhowaad 10 qof oo rayid ah ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxa. ”

Mas’uuliyada Qaraxan ayaa waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee gacanta ka siinaya dhinaca Nabadgalyada.

Muqdishio 22ka Diseembar 2020 Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inuu fashilmay qorshe ay xalay dowladda Soomaaliya kusoo qaban laheyd saraakiil ku lug lahey dagaal shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Isku daygan ayaa yimid kadib markii taliska Militeriga Soomaaliya uu u yeeray saddex ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, iyo sarkaal ka tirsan ciidanka Minishiibiyada ee dowladda Hoose.

Saraakiisha loo yeeray ayaa la aaminsan yahay in ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Kaaraan iyo Cabdicasiis, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo shacab iyo dhinacyadii dagaalamay ah.

Xubnaha loo yeeray ayaa kala ah:- Cusmaan Xaadoole iyo Masdile oo isku dhinac ah, iyo Abuukar Boonow iyo Joorre oo iyagana isku dhinac ah, islamarkaana ka kala tirsan Milateri iyo Minishiibiye.

Si kastaba, Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in saraakiishan ay ogaadeen in qorshaha uu yahay la xiro balse ay diideen amarka taliska xoogga dalka.

Ciidamo isugu jira Nabadsugid, Boolis iyo Millateri ayaa kadib xalay waxay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ka sameeyeen qorshe ay doonayeen inay ku weeraraan saraakiisha, si loo soo xiro, hubkana looga dhigo.

Si kastaba, saraakiisha iyo ciidankii dagaalamay oo laba dhinac kasoo kala jeeday ayaa markii ay ka war-heleeen qorshaha dowladda isku dhinac noqday, waxayna ay u baxsadeen dhanka duleedka bari ee magaalada Muqdisho

Ciidankii dowladda ee hareereeyay xaafadaha Kaaraan ayaa dib isaga soo laabtay, markii ay ku fashilmeen isku daygii la doonayay in lagu soo xiro saraakiishii ciidamadii dagaalamay.

Ma cadda waxa xiga, waxaana hadda saraakiishan iyo ciidankooda ay u muuqataa inaysan dib u aamini doonin dowladda.

Dadka qaar ayaa rumeysan in isku dayga lagu soo xiri lahaa saraakiishan uu ahaa tijaabo qorshe ay dowladda ku ogaaneyso sida ay ula tacaali laheyd saraakiisha iyo ciidamada qaarkood, haddii ay dhacdo inay kasoo horjeestaan dowladda haddii xaaladda siyaasadeed ee dalka ay farah ka baxdo.

Inta badan saraakiisha iyo ciidamada dowladda ayaa u badan beelaha Hawiye, gaar ahaan beesha Abgaal, waxaana jirta cabsi laga qabo in haddii madaxweyne Farmaajo uu xukunka ka dhammaado, iskuna dayo inuu awood kusii joogo, aysan aqbali doonin, ayna ka amar qaadan doonaan Sheekh Shariif.

Garissa 22ka Diseembar 2020 Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya oo laga soo doorto Garissa, Canab Guure ayaa lagala noqday ilaalada kadib markii uu soo shaac baxday inay isku sawirto calanka Soomaaliya, iyo sawirka Farmaajo.

Canab ayaa sheegtay in saraakiil boolis ay sidoo kale hereeyeen gurigeeda kadib markii ilaalada laga qaaday, ayna halis geliyeen nafteeda.

Canab ayaa wacad ku martay inay adkeysan doonto islamarkaana iska caabin doonto dhammaan dhibaateynta iyo cabsi gelinta ay ku hayaan ciidamada amniga.

“Ilaaladii ayaa galabta layga qaaday, oo waxaa dib loogu yeeray sababo aan la caddeyn. Saraakiil boolis ayaa sidoo kale lagu arkay agagaarka gurigeyga. Xitaa haddii aad iga qaadeen ilaalada, Allah ayaa iga ilaalin doono waxyeelo kasta,” ayey Canab ku tiri qoraal ay maanta soo dhigtay facebook.

“Cidna ima cabsi gelin karto, imana qasbi karto. Waa la I heli karaa, waxaana la ii yeeri karaa waqti kasta oo toddobaadka ka mid ah, balse ma ogoli cabsi gelin iyo gacan maroojis. Kuma sugnin dal booliska awood leeyahay, Kenya waa dal madax-banaan.”

Ayada oo ka hadleysay sawirka muranka abuuray, ayey Canab sheegtay inuu ahaa mid sanadii 2018, bishii Ramadan, lagu qaaday safaaradda Soomaaliya ee Kenya, xilligaasi oo uusan jirin khilaaf u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa dhowaan xiriirka u jartay Kenya ayada oo ku eedeysay faro-gelin, hase yeeshee waxaa dadka qaar ay rumeysan yihiin in isku daygan uu yahay mid uu Farmaajo uu ku abuurayo xiisad siyaasadeed oo uu dalka ku geliyo qalalaase, si uu dib ugu dhigo doorashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamo dhoobtay magaalada Beled-Xaawo ee xuduudda labada dal, halka sidoo kalena Kenya ay ciidan gaysay Mandhera.

Muqdishio 22ka Diseembar 2020 Ugu yaraan 8 kamid ah dhalinyaro dhowaan tababar usoo dhamaaday oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in la fasaxay laguna wargeliyay in ay diyaar ahaadaan xiligii loo baahdo.

Dhalinyaradaan ayaa qofkiiba la siiyay lacag dhan $500, waxaana laga reebay hubkii iyagoo loo sheegay in ay magaalada galaan, islamarkaana qofna uusan ka bixin Muqdisho, markii loo wacana ay diyaar ahaadaan.

“Numberkayga, midka waalidkeey iyo xaafadda aan daganahay ayaa layga soo qoray, lacag shan boqolna waa lay siiyay, waxaana laygu amray in aanan ka bixin Muqdisho, Numberkayga uusan marna damin, markii loo wacana tago halkii loogu ballamiyo, saacad kasta diyaar ahaaw ayaa nala dhahay,” ayuu yiri mid ka mid ah ciidankaas oo aan la hadalnay.

Lama oga sababta arrintan ka dambeysay hase yeeshee waxaa la filayaa in ay tahay wax la xariira xasilooni darrada iyo cabsida ka jirta Muqdisho ee la xariirta arrimaha doorashada Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa sheegay inay suurta-gal tahay in ciidanka loo adeegsado in lagu sii dhex daayo shacabka dhigaya dibad-baxyada ka dhanka ah Farmaajo, si ay ugu hanjabaan una joojiyaan.

Waxaa magaalada hadda ka jirta xiisad siyaasadeed oo laga cabsi qabo inay faraha ka baxdo oo ay horseeddo dagaal, xilli ay dowladda isku dayeyso inay awood ku maquuniso mucaaradka.

Muqdishio 22ka Diseembar 2020 Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xundubey Jimcaale oo u warramayey warbaahinta ayaa si adag uga hadlay amniga, kaddib weerarkii ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Xundubey ayaa ka digay isu imaatinada dadweynaha, wuxuuna soo soo jeediyey in la joojiyo, si looga fogaado waxyeelo culus oo ka dhalata weerarada Al-Shabaab.

Sidoo kale wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaluya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in laga fakiro amniga dadweynaha, islamarkaana aan meel la’isugu keenin, haddii aan la damaanad-qaadi karin amnigooda.

“Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan mas’uuliyiinta waxa aan u jeedinayaa in la joojiyo isu keenka Dadka si looga badbaadiyo naftii halige iyo qar iska tuur lagu dhibaateeyo, iyada oo amniga laga fikirayo oo aan la diidaneen isu imaad & in la kulmo in la joojiyo kulamada, haddii aan la hureyn la geeyo meelo ammaankooda la sugay,” ayuu yiri.

Wasiir Xundubey oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale tilmaamay in xilligan oo kale ay haboon tahay in dadweynaha farriinta loo dirayo loo marsiiyo warbaahinta.

“Duruufaha Amni & xaaladda dalka uu ku jiro iyada oo la dhaqangelinayo waxaa habboon in shacabka meeshii kulan la isugu keeni lahaa Warbaahinta in la gala hadlo oo codka lagu gaarsiiyo”. ayuu markale sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalin ka hor weerar is-miidaamin ah oo lagu laayey saraakiil iyo shacab uu ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan goob lagu soo dhoweynayey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

WARARKA MAANTA 11ka Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa #Soomaaliya Madaxweynaha ka noqon doona? Maxay tahay sababta Raysal Wasaarihii hore Mudane Xassan Cali Kheyre “Bakhti-Raam-Sade’ ula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Lavrov? Maxay Shacabka Somaaliyeed 99.8% ku naceen Madaxweyne Farmaajo? Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo siiso #Soomaaliya? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa ddiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso!

Garooowe 11ka Diseembar 2020 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxemed Xuseen Rooble & wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa iney gaaraan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Safarka ra’iisul wasaaraha waxaa lagu qeexay mid la doonayo in lagu xaliyo tabashooyinka ka jira arrimaha doorashooyinka, wuxuuna doonayaa inuu dowlad goboleedka Puntland oo ka mid ah maamullada tabashada ka qaba arrimaha doorashooyinka uu kala hadlo sidii isku aragti looga noqon lahaa hanaanka ay wax u socdaan.

Sidoo kale warar hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in sidoo kale uu Mr. Rooble maamulka Puntland kala hadli doono maxaabiis kasoo jeeda deegaanada Galmudug oo falal burcad-badeednimo iyo arrimo kale ugu xiran deegaanadaas.

Shalay waxaa magaalada Garowe gaaray wafdi hordhac u ah safarka ra’iisul wasaaraha waxaana hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Dood badan ayaa ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka iyadoo Puntland iyo Jubbaland ay yahiin labada maamul ee wali ka biyo diidsan arrimaha socda, ra’iisul wasaraaha ayaana safaradiisa ka dhex sheegay shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka oo dhawaan Muqdisho ka dhacay.

Magaalada Garowe maanta waxey isu diyaarineysaa soo dhaweynta ra’iisul wasaraaha Soomaaliya, amaanka aad ayaa loo adkeeyay, waana markii ugu horreysay uu safar ku aado deegaankaas tan iyo markii la magacaabay.

Qaramadda Midooway 11ka Diseembar 2020 Iyadoo dulucda hal ku dhigga Maalinta Xuquuqul Insaanka sannadkan uu yahay ‘Si Fiican Uga Soo Kabso. U istaag Xuquuqul Insaanka,’ Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay si wadajir ah ugu soo biiraan si COVID-19 ka dib loo dhiso Soomaaliya oo u wanaagsan jiilalka hadda jooga iyo kuwa soo socda mustaqbalka.

“Sida bulshooyinka kale ee adduunka dacalladiisa oo dhan, aafada safmarka ahi waxay sidoo kale ku dhacday bulshada Soomaaliyeed waxayna saameyn ku yeelatay dhinacyada caafimaadka, bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee nolosha dadka Soomaalida ah – taasoo ku biiraysa nuglaanta jirta ee halista weyn ku ah in xitaa dad badan laga tago, ugana sii dareysa xaaladda durbaba ba’an ee haysata dadka ugu nugul ee dalka, ka dib saameynta daadadka iyo weerarka ayaxa” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“In si fiican looga soo kabsado saameynta COVID-19 waxay ka dhigan tahay in la xoojiyo ballanqaadkeenna ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo in la gaaro ujeeddooyinka lagu dejiyay Yoolalka Horumarka Waara,” ayuu raaciyay. “Kuwaas waxaa ka mid ah wax ka qabashada sinaan la’aanta ka dhex jirta bulshooyinka kala duwan, bixinta nidaamyada caafimaadka iyo ilaalinta bulshada, wax ka qabashada nabaad-guurka deegaanka, xoojinta hay’adaha, iyo wax ka qabashada xadgudubyada xuquuqda aadanaha.”

Iyadoo la xusayo 10ka bisha Diseembar, Maalinta Xuquuqul Insaanka ayaa loo dabbaaldegaa maalintii uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay meelmariyey Baaqa Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka sannadkii 1948. Dulucda xuska sannadkan – ‘Si Fiican Uga Soo Kabso. U istaag XuquuqUl Insaanka’- ujeeddadeedu waa in la xaqiijiyo in xuquuqda aadanuhu ay saldhig u yihiin dadaallada soo kabashada iyo in lala dagaallamo saameynta uu cudurka safmarku ku hayo kooxaha nugul iyo kuwa la haybsooco.

Yoolalka Horumarka Waara waa baaq caalami ah oo lagu baaqay wax qabad si loo joojiyo saboolnimada, loo ilaaliyo meeraha dhulka, lana hagaajiyo nolosha iyo rajada mustaqbalka qof kasta, meel kasta. Yoolalka 17-ka ah waxaa meelmariyay oo isla qaatay dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah QM sannadkii 2015-kii, iyadoo qayb ka ah Ajendaha 2030 ee Hormarka Waara oo dejiyay qorshe 15 sanno ah si loogu gaaro Himilooyinka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa weli ka go’an inay taageerto kobcinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha si ay uga faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed iyadoo lagu jiro waqtigan adag.

Muqdisho 11ka Diseembar 2020 Ciidanka ilaalada Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filsh) ayaa dhaawacay askari Boolis ah oo Arbacadii isku dayay inuu rasaaseeyo guddoomiyaha gobalka ahna duqa Muqdisho.

Falkan ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Wadajir oo uu kormeer ku sameynayay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, xilli uu ka soo laabtay dhagax dhigga wado laami ah oo laga dhisayo Kaxda.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in guddoomiyaha gobalka uu kormeer ku tagay jid laga dhisayo Wadajir, kormeerkaas oo ahaa mid aan hore loo shaacin, waxaana markii uu meesha tagay u diiday askari boolis ah oo sheegtay inuu aagaas ka taliyo laguna soo wargelin booqashada guddoomiyaha.

Ciidankii la socday guddoomiyaha ayaa la sheegay in askariga qoriga kula dhageen kadibna ay ka saareen qasnadii ku jirtay balse uu askari ku dhaawacay xabad raacsaneyd qoriga.

Ciidanka ilaalada guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa dhaawac culus u geystay askarigan, iyagoo dhaawaciisa hore usoo qaatay kadibna iska dhigay meel u dhaw xarunta gobalka Banaadir.

“Markii uu billaabay inuu rasaas rido qoriga ayaa kula dhagnay kadibna waxaan gaariga buruufta ah kula cararnay duqa magaalada, nasiib wanaag hal askari ayaa nooga dhaawacmay,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ka tirsan ciidanka ilaalada Cumar Filish.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay guddoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo arrintaan ku saabsan. Xiriiro aan la sameynay maamulka Gobalka wuu ka gaabsaday inuu arintaan ka hadlo.

Muqdisho 11ka Diseembar 2020 Ciidamada Kumandooska xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya taliska ciidamada mareykanka ee qaaradda Africa ayaa duqeyn dhanka cirka ah u geystay warshad ay Al-Shabaab ku farsameyaan qaraxyada.

Warbixino hordhac ah oo weerarka laga soo saaray ayaa lagu sheegay in 10 ka tirsan dagaalyahanada lagu dilay xaruntaas oo ku taalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

War kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu faah-faahiyay xarunta la beegsaday waxa ay aheyd, waxeyna sheegeen in lagu farsameyn jiray qaraxyada ismiidaaminta ah ee shacabka lagu dhibaateeyo.

Bayaanka waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay iney sii wadaan duqeymahaan iyagoo kaashanaya taliska ciidamada mareykanka si ay u badbaadiyaan shacabka Soomaalida ee aan waxba galabsan.

Duqeyntaan waxey kusoo aadeysaa xilli la sheegay horaanta sanadka cusub in ciidamada Mareykanka ee gudaha Soomaaliya jooga la saarayo kadib amar kasoo baxay madaxweynaha xafiiska kasii tagaya ee dalkaas Donald Trump.

Muqdisho 11ka Diseembar 2020 Qaramada Midoobe ayaa dhawaan wafdi u soo direysa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi kala hadli doona xiisada kala dhaxeysa, sida ay xaqiijiyeen ilo diblomaasiyadeed.

Xukuumadda Muuse Biixi ayaa kal hore xayiraad kusoo rogtay hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howl-gala deegaanadaeed, iyada oo gebi ahaanba laashay wada-shaqeyntii kala dhaxeysay, kadib markii ay la xiriirsay dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi aya Qaramada Midoobe ku eedeyay inay ku xad-gudubtay madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, isla markaana ay hoos geysay dowladda federaalka oo uu sheegay inay col-yihiin.

Wafdigan oo ilaa hadda xog faah-faahsan laga hayn cida hogaaminaysa ayaa waxay madaxweyne Biixi kala hadli doona go’aanka ka dhanka ah ee uu qaatay, kaasi oo muddooyinkii u dambeeyay meesha ka saaray wada-shaqeyntii tooska aheyd ee QM iyo Somaliland.

Waxa kale oo ay xukuumadda Biixi kala xaajon doonaan wafdigaas sidii meesha looga saari lahaa xayiraada ay kusoo rogtay Somaliland, taasi oo hakad galisay mashaariicdii iyo howlihii horumarineed ee QM ka waday deegaanada maamulkaas.

Somaliland ayaa hore deegaanadeeda uga mamnuucday dhammaan hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay, iyada oo hakisay wada-shaqeyntii ka dhaxeysa, midaasi oo ku sheegtay inay uga jawaabeyso faro-gelin ka dhan ah madax-banaanida ay ku doodo.

Hay’adaha kala duwan ee QM ayaa howlo horumarineed iyo mid bani-aadanimo oo baaxad leh ka qaban jiray deegaanada Somaliland, kuwaasi oo muddooyinkii dambe uu hakad ku yimid, kadib go’aanka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Greece 11ka Diseembar 2020  Dowladda Greek ayaa Turkey ku eedeysay inay dhiiri-geliso tahriibka Soomaalida, ayada oo sameyneysa olole sare loogu qaadayo, islamarkaana dadka Soomaalida siineysa Visa, kadibna u ogolaata muhaajiriinta inay usii gudbaan Greece.

“Dalka Soomaaliya, waxaan fahamsanahay in mas’uuliyiinta Turkish-ka, wasaaradda waxbarashada, iyo wasaaradaha kale ay dhiiri-gelinayaan in loo tahriibo Turkey,” waxaa sidaas yiri wasiirka socdaalka ee Greece Notis Mitarachi.

Isaga oo soo xiganaya marqaati furayaal la sheegay inay yihiin muhaajiriin Soomaali ah, ayaa Mitarachi waxa uu sheegay in codsiyada dadka lagu fududeeyo xafiis Turkiga ay ku leeyihiin Muqdisho, halkaasi oo ay ka qaataan Visa-ha, oo lagu helo shahaadooyin iyo dokumentiyo ay bixiyaan hay’ado Turkiga ku leeyahay Soomaaliya.

Waxaa ka mid ah isbitaal iyo Jaamacad ku yaalla Muqdisho, sida uu sheegay wasiirka.

“Waxana rumeysanahay in qiyaastii 300 oo qof ay Turkey ku yimaadaan habkan,” ayuu yiri Mitarachi.

“Dadkan waxay si sharci ah u imanayaan Turkiga, ayada oo ujeedkooda uga dambeeya uu yahay inay si sharci darro ah ugu gudbaan Yurub,” ayuu yiri.

“Marka ay Soomaalida yimaadaan Istanbul, waxaa lagu qaadaa baabuur lagu geeyo goobo gaar ah oo ka mid ah magaalada, halkaasi oo ay ku nagaadaan illaa looga sii gudbiyo xeebaha galbeed ee Turkey,” ayuu yiri.

“Waa ay iska caddahay in dadkan aysan halis ku aheyn Turkey, sidaas darteed waa in la siiyaa magan-galyo, haddii ay ku habboon yihiin.”

“Waa arrin walaac leh in Turkey ay u muuqato inay fududeyneyso imaanshaha muhaajiriinta, ayada oo siineysa Visa ay ku safraan,” ayuu yiri Mitarachi.

Xukuumadda Ankara kama jawaabin eedeynta kasoo yeertay Turkey.

Ilo-wareedyo Greece ah ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo ka bad-baaday doon 2-dii December ku qalibantay xeebaha Greece ay bixiyeen xogta uu wasiir Mitarachi u adeegsaday eedeyntiisa ka dhanka ah Turkiga.

Muqdisho 11ka Diseembar 2020 Odayaasha dhaqanka Mudullood iyo siyaasiinta beeshaas ayaa la sheegay in Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) usoo jeediyeen inuu kala diro guddigii uu magacaabay madaxweynihii ka horeeyay ee Maxamed Cabdi Waare, guddigaas oo ah heer dowlad federaal.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in siyaasiinta Mudullood ay Madaxweyne Cali Guudlaawe u jeediyeen inuu kala diro guddigaas ama maamulkiisa ay culeys saari doonaa si lamid ah beesha Xawaadle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa hadda ku dhiban go’aanka ay qaateen qaar kamid ah siyaasiinta Beesha Xawaadle, waxaana aad u adkaan doonto rajadiisa ku aadan sii maamulida HirShabeelle haddii ay ka soo horjeestaan beeshiisa Mudullood oo hadda la dhacsan maamulkiisa.

Waxaa sidoo kale Guudlaawe haysta culeys iyo ballan uu ka qaaday Villa Somalia markii laga dhigayey madaxweynaha, taasi oo aheyd inuu la shaqeyn doono garabna u noqon doono, xilli dalka uu ka jiro loolan siyaasadeed adag.

Guddiyada doorashada HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa la xareeyay waxaana wali soo baxaya doodaha arrintaan ka taagan oo ay muujinayaan siyaasiinta mucaaradka ah.

Ma cadda, go’aanka uu qaadan doono Guudlaawe, waxaase macquul ah inuu muddo lasii shaqeeyo madaxtooyada illaa xaaladda ay ka gaareyso meel sare.

Muqdisho 11ka Diseembar 2020 Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ogolaaday inuu wadahadal la furo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in Guddoomiye Cabdi Xaashi cabashadiisa ka dhageysto kadibna lagu qanciyo inuu ogolaado guddiga ama isbadal lagu sameeyo xubnaha guddiga, si Villa Somalia isaga dejiso culeyska ka saaran dibadda iyo siyaasadda gudaha.

Guddiga doorashada ee heer dowlad gobaleed, islamarkaana ka socda goballada waqooyi ayaan wali lagu darin guddiyada dorraad la xareeyay ee HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaana sababta lagu sheegay inuu wada-hadal jiro.

Xubnaha beesha caalamka ayaa Madaxweyne Farmaajo ku adkeeyay inuu dhageysto doodda Guddoomiye Cabdi Xaashi oo macquul ah sida la sheegay. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa diidan qaabka loo maray magacaabista guddiyada Goballada Waqooyi, waxaana tan iyo markii la magacaabay isa soo tarayay doodda ka taagan.

Villa Somalia ayaa damacsan in heshiiska ay la galeyso Cabdi Xaashi isaga dejiso culeysyada la saaray ee ka imanaya beesha Caalamka iyo siyaasiinta Soomaalida.

Sidoo kale haddii ay guddigaas ay wax ka beddasho waxaa la sheegay in ay dooneyso in aysan beddalin kuwa kale iyadoo sabab uga dhigeysa in ay dhageysatay cabashada guddiyada wixii macquul ahna ay badashay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in saaxiibada mucaaradka looga baahan yahay in ay tilmaamaan dadka ay dooda ka qabaan ee ku jira guddiyada si loo badalo ama leeskula arko. Arrintaas ayaa la sheegay in ay aheyd caalamad muujineysa in Villa Somalia soo dabacday.

Muqdisho 11ka Diseembar 2020 Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay saraakiishii 9-ka bishaan lagu laalayay degmada Balanbal ee dhanka waqooyi kaga taalla gobolka Galgaduud.

Taliyaha ciidamada xoogga Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka aysan laheyn heyb iyo qabiil gaar ah, balse falalkaan ay yahiin falal argagixiso, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ciidamada ay gudan doonaan waajibaadkooda saxda ah ee arintaan ku aadan.

Gen. Odawaa wuxuu sheegay inaan sinaba looga hari doonin wixii dhacay, islamarkaana saraakiisha ciidanka ay ku raad joogaan dadkii falka geystay si loo horkeeno maxkamadda sharciga u leh in lagu ciqaabo dadka geystay falalka nuucaan ah.

“Ciidanka xoogga dalka waxey wadaan hawlgal looga daba-tagaayo laguna baacsanaayo nimankaas sarwadayaasha ah ee dhibaatada u geystay saraakiisha, meelna loogama haraayo, ciidanku waxey heystaan waajibaad qayaxan, waxaana sharciga ku horkeeni doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan, ciidanka waxey ku dhaarteen wax u qabashada dadka iyo dalka,” ayuu yiri Gen. Odawaa Yuusuf Raage.

Dhanka kale taliyaha wuxuu meesha ka saaray in aano qabiil loo beegsaday saraakiisha, wuxuuna sugay in ciidanka aysan laheyn heyb iyo qabiil gaar ah, balse arrimahaan oo kale ay yahiin falal argagixiso oo u baahan in gacan adag looga hortago.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ma ahan qoys, mana ahan Qabiil ama heyb gooni ah, falkaas waa mid ka mid ah falalka ay argagixisada ku daadin jireen shacabka,” ayuu mar kale yiri.

Inkastoo xukuumadda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug ay bixiyeen amar ku saabsan in lasoo qabto dadkii ka dambeeyay falka lagu laayay saraakiisha, hadana Gen. Odawaa wuxuu shacabka ka dalbaday iney kala shaqeeyaan soo qabashada dambiilayaasha.

Maamulka Koonfur Galbeed 11ka Diseembar 2020  Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in degmada Tiyeegloow ee ka tirsan gobolkaas ay maalintii shalay meel fagaare ah ku toogteen dagaal-yahanada Al-Shabaab odey 70 sanno jira.

Al Shabaab ayaa ninka odeyga ah ku eedeyay inuu ka shaqeyn jiray arrimaha sixirka, oo la sheegay inuu u adeegsan jiray sidii uu lacag badan uga sameyn lahaa.

Waxay maxkamadda Shabaabku sheegtay in Ninkaan oo lagu magacaabo Isxaaq Xasan Daa’uud uu qirtay dambiga lagu eedeeyay, isla markaana uu muddo ku siman 20 sanno ku shaqeysan jiray sixirka.

Isxaaq ayaa lagu soo waramayaa in uu sixirka ku kala geeyay lamaanayaal badan, halka kuwo kale oo isugu jira rag iyo dumar iskugu soo dhaweeyay.

Ninkaan ayaa waxa shalay lagu toogtay goob ay ku sugnaayeen dadka deegaanka Tiyeegloow ee gobolka Baay oo ay dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku amreen inay shaahid u noqdaan falkaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan deegaanada ay gacanta ku hayso ka fulisa dilal toogasho, kuwaasi oo ay sheegto in kiisaskooda ay xukumaan maxkamadahooda, kadib marka ay helaan cadeymo ku filan iyo qiraalka eedeysanayaasha.

Xubnaha ay Shabaab ku fuliso dilka toogasho ayaa waxay muddooyinkii dambe u badnaayeen kuwo ay la xiriiriso falal ‘jaajuusnimo’ ah oo ay la shaqeeyan dowladda Soomaaliya iyo dowladaha saaxiibka la ah ee dagaalka xoogan kula jira.

Maamulka Galmudug 11ka Diseembar 2020 Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa magacaabay guddi cusub oo ka kooban Toban xubnood, kuwaasi oo kaalin mug leh ka qaadanaya baaritaan lagu sameyn doono dil maalintii Arbacadii ka dhacay degmada Balanbal.

Guddigan ayaa baaris dhab ah ku sameynaya dilkii degmada Balanbal ee dhanka waqooyi kaga taalla gobolka Galgaduud loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Waxa guddigan uu magacaabay Qoor-Qoor hogaaminaya Wasiirka Amniga gudaha ee maamulkaas, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Dowladaha Hoose, Cabdi Maxamed Jaamac oo isaguna ah guddoomiye ku-xigeen.

Waa kale oo xubno ka ah guddigaas; Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabad-sugidda Galmudug, ku-simaha taliyaha ahna taliye xigeenka ciidanka Booliiska GM, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha Dhuusamareeb iyo Guddoomiyaha Degmada Balanbal.

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo kamid ah guddiga uu magacaabay madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamada amniga soo qabteen qaar kamid ah dadkii fuliyay dilkaasi, iyada oo xusay in lagu dabo jiro kuwa kale ee gacan ka geystay dilkaas.

Maalintii Arbacadii ee 9-kii bishan ayaa waxa maleeshiyaad hubeysan oo haybtooda la garaneyn ay degmada Balanbal ku dileen lix sarkaal oo ka tirsan ciidamada xooga, waxaana bilowday tan iyo markii uu dhacay dilkaas howl-galo lagu baadi-goobayo dadkii ka dambeeyay falkaas.

WARARKA MAANTA 9ka Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa adduunka? Meeqo dowlad ama hay’ad shisheeye ah ayaa lacago been been ah ku cunna inay wax baraan da’ yarta 15-18 #Soomaaliya? Xaggee ku dembaysay lacagihii ay ballanqaadeen dowladdaha daneeya #Soomaaliya? Maxay u shaqayn karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxay Shacabka Somaaliyeed 99.8% ku naceen Madaxweyne Farmaajo? Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo siiso #Soomaaliya? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa ddiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Addis Ababa 9ka Diseembar 2020 Redwan Hussien oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda Itoobiya, ayaa Talaadadi shalay isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa wariyaasha u sheegay, in  ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya dileen shaqaale ka tirsanaa Qarramada Midoobey.

Dhacdadan ayuu sheegay in ay dhacday Axaddii xilli ay shaqaalaha Qaramada Midoobay isku dayayeen in ay gaaraan xerada qaxootiga ee Shimelba oo ay daganyihiin qaxooti Eritrean ah.

Wuxuu sheegay in ciidamo ka tirsan millatariga Itoobiya ay rasaas ku fureen shaqaalaha UN-ka, kaddib marki ay isku dayeen in ay ka gudbaan bar koontarool, waxyar kaddib marki ay soo dhaafeen laba bar koontarool oo kale.

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay in aan la ogoleyn in ay barta koontarool laga gudbo balse waxaa ay go’aansadeen in si qar-iskatuur-nimo ah halkaasi kaga tallaabaan.

Shaqaalahan ayaa la sheegay in ay sidaa u sameeyeen bal si ay u gaaraan gobolka dagaallada ba’ani ka dhaceen ee Tigreyga.

Qarramada Midoobey ayaa marar badan oo hore ku celcelisay in dhabaato dhinaca bani’aadannimada ah ay ka jirto gobolka dagaalladu ka dhaceen ee Tigrayga, lama huraanna tahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka rayidka ah.

Muqdisho 9ka Diseembar 2020 Dowladda Qatar ayaa markii u horeysay iska fogeysay inay taageerayso musharax gaar ah doorashada soo socota, xili ay soo baxayaan warar sheegay inay taageerayso madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Xasan Xamse Maxamed ayaa barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da u sheegay in dowladiisa aysan marnaba ka qeyb qaadan doonin doorashada Soomaaliya, iyada oo taageeraysa musharax gaar ah oo ay wadato, sida uu hadalka u dhigay

Waxa kale oo uu beeniyay in lacag malaayiin doollar ah ay xukuumadiisu ku maal-gelisay doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu ku eedeyay hanti dhowrihii hore ee qaranka, oo la hadlay barnaamijka Galka Baarista

“Taasi run maaha, eedeyntaasi wax sal leh maaha, kamana badna ku-turi ku-teen ujeedkeedu yahay in lagu sumcad tiro doorka wanaagsan ee dowladda Qadar ka ciyaarayso Soomaaliya, waxaana lala wada socdaa inay jiraan dhinacyo lidi ku ah Qatar oo ka shaqeynaya faafinta ku-turi ku-teenta,” ayuu yiri Safiirka Qatar ee Somalia.

Safiirka ayaa ku dooday in Qatar ay qeyb weyn ka qaadaneyso xasiloonada Soomaaliya, isla markaana aysan faro-gelin ku hayn arrimaheeda gudaha oo ay kamid tahay doorashada.

Hanti dhowrihii hore ee qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa dowladda Qatar ku eedeyay inay doorashadii madaxweyne Farmaajo ku maal-gelisay lacag dhan 8-Milyan oo dollar, isagoona sheegay inuu cadeynayo arrintaasi, wallow uusan Galka Baarista usoo bandhigin wax cadeyn ah.

Waxa uu sheegay in lacagtaasi loo adeegsaday laaluushka xildhibaanadii afar sanno ka hor doortay Farmaajo, isla markaana loo isticmaalay sidii uu kusoo bixi lahaa, isagoona xusay in lacagahaasi ay dalka kasoo galeen dhanka Airport-ka oo aysan soo marin hanaanka maaliyada.

Muqdisho 9ka Diseembar 2020 Waxa maalmihii u dambeeyay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ku sugnaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, oo maamulkaasi kala xaajoonayay sii deynta 17 maxbuus oo muddo badan u xirnaa Puntland.

Maamulka Puntland ayaa shuruud ku xirtay xildhibaanada dalbanayay in loo sii daayo maxaabiistaasi oo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Galmudug, isla markaana ay ku wareejiyaan, kuwaasi oo u xiran kiis la xiriira Burcad badeednimo.

Xildhibaannada oo kulamo kala duwan la qaatay Madaxda & Xildhibaannada Puntland ayaa waxa lagu xiray in marka hore dowladda Soomaaliya ay soo qorto codsi ku aadan wareejinta maxaabiistaas, maadama ay mas’uuliyiintu dalbadeen in loogu wareejo xukuumada Muqdisho, si ay ugala xaajoodaan sii deyntooda.

Maxaabiistan oo tiradoodu dhan tahay 17 Rag ah ayaa waxa hore ugu xirnaayeen xabsi ku yaalla jasiirada Seychelles, taasi oo laga soo wareejiyay kadib markii uu heshiis dhex-maray maamulka Puntland iyo Jasiirada Seychelles.

Madaxda Puntland ayaa sheegay inay aqbalayaan codsiga xildhibaanada hadii dowladda Soomaaliya ay ka dalbato in maxaabiista Burcad-badeednimada ugu xiran xabsiga dhexe ee Garoowe loo wareejiyo Muqdisho.

Maxaabista ay Puntland ka madax adeygay sii deyntooda, isla markaana ay shuruud uga dhigtay arrintaasi si ay u wareejiso ayaa waxay muddo dheer ku xiran yihiin Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe, xili ay muddooyinkii dambe maamulka Galmudug ku dadaalayay sii deynta maxaabiistaas.

Muqdisho 9ka Diseembar 2020 Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa markale maanta uu fariisan doonto dhageysiga dacwadda ka dhanka ah dilkii iyo kufsigii Muqdisho loogu geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, 12-kii September ee sanadkan 2020-ka.

Kiiskan ayaa waxaa loo soo qabtay shaqsiyaad uu ku jiro Maxamed Ibrahim Cismaan oo gacanta lagu soo dhigay, isaga oo ku sugan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Maxamed ayaa qirtay in marxuumadda uu geeyey hotelka lagu kufsaday, laguna dilay oo ku yaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa dhowr jeer oo kala duwan fadhiyo ka yeelatay kiiskan oo muddo soo jiitamayey, iyada oo la filaya in maanta oo Arbaco ah ay soo gaba-gabeyso.

Sidoo kale waxaa dhageysiga maxkamadda qeyb ka noqon doono ehellada marxuumada, xildhibaano iyo dadweyne kale.

Allaha u naxariistee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo sanadkan ka qeyb gashay imtixaanka dowladda ayaa falka arxan darrada ah ee loo geystay waxaa si isku mid ah u cambaareeyey dhammaan dadka Soomaaliyeed, kadib markii la’isugu daray kufsi iyo dil.

Muqdisho 9ka Diseembar 2020 General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo wareysi siiyey Radio Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu difaaco Midowga Musharraxiinta, kadib markii isaga & saraakiil kale loo xil-saaray amnigooda.

Indha Cadde ayaa sheegay in iyada oo aan la magacaabin xittaa uu diyaar u ahaa ilaalinta amniga xunbnaha musharraxiinta oo si weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aankan uusan u arkin wax qalad ah, islamarkaana horey sidan oo kaleba uu u difaacay Farmaajo, markii uu ahaa musharraxa.

“Iyadoo aan nala magacaabin inaan difaacno dadkaas musharaxiinta ah ayaa diyaar u nahay, sida shalay u difaacnay Farmaajo markuu musharaxa ahaa ayaa u diyaarsanahay inaan u difaacno Musharaxiinta.”ayuu yiri Generaal Yuusuf Indha Cadde.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha Soomaaliya uusan boobi karin doorashada, wuxuuna ugu baaqay inuu u turo dadkii shacabka ahaa ee shalay u soo banaan-baxay, markii loo doortay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli walaac xoogan iyo tabasho ay ka jirto doorashada 20/21, taas oo ay ku kala aragti duwan yihiin dowladda iyo mucaaradka

Nairobi 9ka Diseembar 2020 Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay dalka Kenya, isaga si weyn loogu soo dhoweeyey gudaha magaalada Moyale ee ku taalla xuduuda dheer ee ay wadaagaan labada wadan.

Booqashada Abiy oo horey loo sii shaaciyey ayaa qaadan doonto muddo labo cisho ah, sida baahisay warbaahinta gudaha ee dalka Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa sidoo kale kulan gaar ah Moyale kula qaadan doono madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale labada hoggaamiye ayaa xariga ka jari doono bar koontarool ku taalla xuduuda dalalka Itoobiya iyo Kenya

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu booqan doono inta uu joogo dalka Kenya meelo ay ka mid tahay gobolka Lamu oo ay ka socoto dhismaha dekedda cusub oo isku xiri doonto wadamada Kenya, Suudaanta Koofureed iyo Itoobiya.

Waxa sidoo kale la filayaa in labada mas’uul ay isku hadal qaadaan arrimo ay ka yihiin, xaaladda Geeska Afrika iyo xiisada u dhexeysa dowladaha Soomaaliya & Kenya.

Si kastaba safarka Abiy ee Kenya ayaa ku soo aadaya, iyada xukuumadda Itoobiya ay soo gaba-gabeysay howl-galkii gobolka Tigray ee ka socday waqooyiga dalkaas

WARARKA MAANTA 8da Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay u noqdeen Maamulka #Somaliland Iyo Maamul #Puntland kuwo laga soo xirxiray beentii ay shacabka ku maaweeli jireen? Maxay u shaqayn karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxay Shacabka Somaaliyeed 99.8% ku naceen Madaxweyne Farmaajo? Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo siiso #Soomaaliya? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa ddiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Somalia Iyo Kenya 8da Diseembar 2020 Xiisadda Diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Somaaliya iyo Kenya ayaa saameyn taban ku yeelatay ganacsatada khaadka Kenya, waxeyna dadka ka ganacsada iyo kuwa tabcadaba ay sheeganayaan nolol xumo aad u liidata.

Xiisada labada dal aad ayey usii xumaatay kadib markii todobaadkii hore ay dowladda Soomaaliya u yeertay safiirkii u fadhiyay dalka Kenya, waxaana xigay in midka Kenya u fadhiyay Muqdisho ay ku amartay inuu tashi ugu laabto dalkiisa.

Horaantii sanadkaan dowladda Soomaaliya waxey joojinta khaadka sabab uga dhigtay jiritaanka xanuunka COVID19, balse waxaad moodaa in bilooyinkii ugu dambeeyay ay soo baxday iney arintu ka weyn tahay maadaama khaad laga keeno dalka Itoobiya la geeyo magaalooyin ka tirsan Soomaaliya.

Marry Ntonja oo ah haweeney dalka Kenya u dhalatay kana mid ah beeraleyda khaadka ayaa BBC-da uga warbixisay xaaladeeda nololeed tan iyo markii la joojiyay khaadka, waxeyna sheegtay iney waayeen wax ay cunaan.

“Dhibaato noolaleed ayaan dareemeynaa, waxaa nasoo wajahay faqri, lacag la’aan darted, in aan wax cunno waa dhib, dharkii way naga dhammaadeen, caruurta wax aan siino ma lahan, dhibaato ayaa inagu habsatay tan iyo markii la mamnuucay in la dhoofiyo jaadka” ayay tiri Marry oo la hadleysay BBC-da.

Beeraleyda Jaadka waa markii labaad oo ay la kulmayaan jab weyn maadaama lix sano ka hor dalweynaha Britain laga joojiyay in loo dhoofiyo khaadka, waxeyna taasi keentay in suuqa ugu weyn oo ay heystaan dadka reer Kenya uu noqdo Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay ururka ay ku midoobeen ganacstada jaadka Kenya, maalintiiba 50 tan oo khaad ah ayey u dhoofin jireen Soomaaliya, waxeyna ka heli jireen lacag lagu qiyaasay 140 kun oo Doolar, balse waxaas oo dhan meesha ayey ka baxeen waxaana soo wajahday nolol xumo baahsan.

Inta la ogyahay Dowladda Soomaaliya waxey Kenya ku eedeysay ineysan dhanka diblomaasiyadda aad ugala shaqeyn, waxeyna hordhigtay shuruudo adag si loo fasaxo jaadka.

Walow ay Kenya beenisay hadana Kenya waxaa lagu eedeeyay iney si dadban faragalin ugu heyso siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan garab siinta kooxaha mucaaradka ku ah dowladda maadaama lugaha lasii galinayo wakhtiyada Doorashada.

Muqdisho 8da Diseembar 2020 Warbixin cusub oo ka soo baxday Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa waxaa si faah faahsan looga hadlay qorshaha ay dowladda Mareykanka kula baxayso ciidameeda ku sugan Soomaaliya.

Amnesty International ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka laga doonayo, ka hor inta uusan la bixin ciidamadiisa inuu bixiyo magta dadkii uu ku dilay gudaha Soomaaliya.

Warbixinta hay’adda ayaa lagu xusay inay jiraan qoysas badan oo dhibanayaal u ah ciidamada Mareykanka, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay duqeymahooda.

Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in inta uu socday howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya lagu dilay dad badan oo rayid ahaa, kuwa kalena lagu dhaawacay, kuwaas oo qaarkood weli jirkooda ay ka muuqata waxyeelada gaartay.Sidoo kale hay’adda ayaa hoosta ka xariiqday in loo baahan yahay in Mareykanka uu bixiyo xuquuqda dadka ay waxyeeladu u geysteen ciidamadiisa.

Deprose Muchena oo ah madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa tilmaamay in Mareykanka ay waajib ku tahay bixinta magdhowga dadka ay dhibaatada ka soo gaartay howl-galkiisa, iyada oo la raacayo shuruucda caalamiga ah.

“Waxa keliya la eegayo waa hubinta cadaaladda iyo ilaalinta shacabka, in magdhaw la siiyo dadka ehelkooda wax ku noqday howlgalka waa mid sharci ah, haddii uu sidaas kusoo afjarmayo howlgalka Mareykanka, balse haddii uu sii soconayo waa in taxadar dheeraad ah loo yeeshaa rayidka ku sugan meelaha la duqeynayo.” ayuu yiri Muchena.

Mareykanka oo Soomaaliya ay ku joogaan ku dhowaad 700 oo askari ayaa qorsheynaya in  bartamaha bisha Janaayo ee sanadka ee 2021-ka uu ciidamadiisa kala baxo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo horey loogu eedeeyey inay waxyeeleeyeen dad shacab ahaa.

Muqdisho 8da Diseembar 2020 Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan oo maanta hadal ka jeediyay Shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka oo muddooyinkii dambe uu ka taagna khilaaf xoogan.

James Swan ayaa sheegay inay muhiim tahay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro arrimaha doorashooyinka, isla markaana la qabto doorasho ay u dhan yihiin saamileyda Siyaasiyada, xilli lasoo warinayo inay Villa Somalia wado qorshe midaasi ka gedisan.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda federaalka Soomaaliya ay isku dayeyso in maamul goboleedyada taageersan ay ka billowdo howlaga doorashada, taasi oo mucaaradka ay ka digeen.

Villa Somalia ayaa dhawaan mucaaridku ku eedeeyeen inay wado qorshaha doorasho boob ah oo aysan raali ka aheyn musharaxiinta mucaaridka, maadama ay dhagaha ka fureysatay cabashadoodii ku aadaneyd guddiga doorashooyinka ee lagu muransan-yahay

James ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay shir la yeelato dowlad goboleedyada dalka, si loo xaliyo tabashooyinka taagan, maadama qaar kamid ah madaxda maamuladu ay cabasho ka qabaan hanaanka dowladda.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in doorashada laga qeyb geliyo cid walba oo xaq u leh, isla markaana ay dalka uga dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Hadalka Swan ayaa imanaya xili uu maanta ra’iisal wasaare Rooble uu shaaciyey in todobaadka soo socda uu Muqdisho ka furmi doono shir u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo looga arrinsanayo doorashada.

Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya xili uu muran xoogan ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay mucaaridku magacaabeen guddi doorasho, halka ay xukuumaddu ku madax adeygayso guddiyada doorashada ee lagu muransan-yahay.

Muqdisho 8da Diseembar 2020 Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo wareysi siiyey warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay inay Somaliland tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, isla markaana leh nidaam dawladinimo.

Wasiir Faratoon ayaa waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay ixtiraamto madax-banaanida iyo jiritaanka Somaliland, oo uu sheegay inay ka gudubtay nidaamkii qabaliga ahaa oo ay u gudubtay nidaamka Axsaabta badan.

“Somaliland waa dal jira, waa dal madax-banaan, waana dal leh nidaam dawladinimo, oo leh Calan uu ku qoran yahay magaca ugu qiimaha badan akhiro iyo adduunkaba oo ah tawxiidka ALLE lagamana yaabo inuu Calankani dhaco, Somaliland waa dal leh Madaxweyne la doortay oo Shacabkiisu si xor ah u doorteen” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Waxa kale oo uu ku dooday inay Somaliland xaq u leedahay aqoonsi caalami ah, isla markaana ay heli doonto, maadama uu sheegay inay wadaan dadaalkii ay ku heli lahaayeen, isagoona carabka ku adkeeyay in la xaq-dhowro qaranimada ay ku doodo Somaliland.

Faratoon ayaa ugu dambeyntiina sheegay in marnaba aysan gor-gortan ka galeyn jiritaanka Somaliland, wuxuuna bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay muujiyaan midnimo, isku duubni iyo wada jir, kana feejignadaan wax kasta oo khatar ku ah masiirkooda.

“Beesha Calaamka waxaanu ugu baaqaynaa inay mar walba tixgeliyaan masiirka umaddayada iyo dawladnimada dalkayaga, maxaa yeelay jiritaanka Somaliland iskamuu iman oo waxaa 97% ugu coddeeyey Umaddayada, cid wax ka beddeli kartaana ma jirto, jiritaanka Somaliland gorgortan iyo shaki lama gali karo, cid galin kartaana ma jirto” ayuu yiri.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, iyada oo inta badan xukuumadeedu ka hor timaada go’aanada dowladda federaalka, taasi oo ay ugu dambeysay magacaabistii Danjire Yuusuf Garaad

Maamulka Galmudug 8da Diseembar 2020 Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ay ku heshiiyeen in aysan Galmudug ka qabsoomin doorashada Aqalka Sare, illaa laga heshiiyo doodaha taagan.

Kulankaan oo habeenkii Sabtida ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay 60 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Galmudug, waxa uuna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre kala hadlay dhibaatooyinka ku gadaaman doorashada Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay, xildhibaanada Galmudug ayaa Kheyre u sheegay in aysan dooran doonin Golaha Aqalka Sare illaa la isku raaco doorashada Soomaaliya.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal haayay in degaanada Galmudug, HirShabeelle iyo Koofur Galbeed laga billaabi doono doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Nairobi 8da Diseembar 2020 Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maalinta beri ah booqasho rasmi ah ku tegaya Kenya, taas oo qaadan doonto labo cisho.

Abiy Axmed ayaa socdaalkiisa ku bilaabi doono magaalada Moyale ee gobolka Marsabit oo ku yaalla xudka ay wadaagaan labada ee Kenya iyo Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in labada madaxweynaha Kenya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ku kulmi doonaan halkaasi, kadibna ay xariga ka jari doonaan bar koontarool ku taala xuduuda labada dal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu gaari doono meelo ay ka mid tahay gobolka Lamu oo ay ka socoto dhismaha dekedda cusub oo isku xiri doonto wadamada Kenya, Suudaanta Koofureed iyo Itoobiya.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale la filayaa in kulankooda ay ku soo qaadaan dagaalka Tigray, xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo xiisada Soomaaliya & Kenya.

Si kastaba safarka Abiy ee Kenya ayaa ku soo aadaya, iyada xukuumadda Itoobiya ay soo gaba-gabeysay howl-galkii gobolka Tigray ee ka socday waqooyiga dalkaasi.

Muqdisho 8da Diseembar 2020 Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, haatana ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galayey dood looga hadlayey arrimaha doorashooyinka dalka ayaa soo hadal qaaday is-mari waaga xoogan ee weli ka taagan arimaha doorashada dalka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaca ka qaaday, haddii ay yihiin xubnaha Midowga musharraiinta inay qaadi doonaan tallaabo adag oo lagu wajayo doorashada, waa hadii aan laga heshiin muranka ka taagan doorashada, gaar ahaan dhismaha guddiyadeeda.

Musharrax Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay haddii aysan is-bedal la imaan dowladdu ay isugu imaan doonaan mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada shir wada-tashi ah oo looga arrinsanayo hannaanka doorashada 2020/21.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay u bannaan tahay madal cusub oo looga hadlayo hannaan doorasho, loogana heshiinayo saddex qariirood oo la sameynayo.

“Waxaa noo bannaan haddii xaalka barako ma leh gaarto oo caqliga talin waayo hannaan kale oo doorasho ah,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cabdkariin.

Ugu dambeyn wuxuu ku goodiyey in ay dhisi doonaan, haddii laga maarmi waayo dowlad cusub oo dalka gaarsiiso doorasho xor iyo xalaal ah, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli dood adag ay ka taagan tahay doorashada Soomaaliya oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Maaulka Puntland 8da Diseembar 2020 8 xildhibaan oo katirsanaa barlamaanka dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo dhawaan xasaanadii laga xayuubiyay ayaa dowladda federalka Soomaaliya iyo beesha caalamka u gudbiyay dacwad ka dhan ah madaxweyne Deni. Waxay ku eedeeyeen inuu soo abaabulay mooshin sharci darro ah  oo iyaga xilka loo xayuubiyay, iyagoo sheegay in loogu hanjabay maxkamadayn iyo xarig sharci darro ah.

Waxay ku eedeeyeen madaxweyne Deni inuu faro galiyay shaqada golaha sharci dajinta uuna ku tuntay isla xisaabtankii dastuuriga ahaa iyo madax banaanida hayadda garsoorka oo uu ka dhigtay kuwa isaga rabitaankiisa ku shaqeeya

Amnesty International 8da Diseembar 2020 Hay’adda u dooda xuuquuqda Aadanaha ee Amnest international ayaa ugu baaqday Milatariga Mareykanka inuusan gacmaha ka laaban waajibaadka caalamiga ah ee ka saaran dhibbanayaasha rayidka ah ee ku waxyeelooba weerarada cirka ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya. Amnesty International ayaa hadalkeeda kusoo beegtay, ka dib markii ay ku dhawaaqday Pentagon-ka in ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya laga saari doono ugu dambeyn Janaayo 2021.

“Ciidamada Mareykanku haka baxaan ama yaysan ka bixin Soomaaliya, AFRICOM waa inay si deg deg ah u hirgeliso istiraatiijiyad lagu hubinayo in  gaaro la xisaabtanka ficillada militariga Mareykanka – oo ay ku jiraan warbixintooda ku saabsan eedeymaha dhimashada ee rayidka,” ayuu yiri Deprose Muchena, Agaasimaha Amnesty Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Amnesty ayaa ka dalbatay AFRICOM in la hubiyo caddaaladda iyo magdhawga dhibbanayaasha rayidka ah ee xadgudubka sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya,

Tan iyo markii madaxweyne Trump uu xukunka qabtay 2017, AFRICOM waxa ay kordhisay dagaalka cirka ee ay ka waddo Soomaaliya, iyada oo wadar ahaan qaadday 196 duqeyn cirka ah, iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Amnesty International waxay baaritaan ku sameysay sagaal duqeyn oo Mareykanku ka fuliyay gobollada Shabeellada Hoose, Galguduud iyo Jubbada Dhexe tan iyo 2017 waxayna ogaatay in 21 qof oo rayid ah la dilay 11 kalena la dhaawacay.

Muqdisho 8da Diseembar 2020 Safiirka Britain ee Soomaaliya  Amb Ben Fender ayaa sheegay in isbadal dhinacyo badan oo la gaaro mar walba ku xiran tahay sida Soomaalidu uga go’an tahay fulinta heshiisyada bulsho.

Isaga oo ka hadlayay shirkii Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka ayuu sheegay Amb, Ben Fender doorashooyinka Soomaaliya mar walba ay ku soo noqnoqdaan arrimo isku mid ah oo labo dhinac ka kala imanaanaya.

”Sanadihii ugu danbeeyay waxaan daawanayay doorashooyin kala duwan oo gobollada dalka ka dhacay, waxaan arkayay arrimo isku mid ah soo noqnoqanaya, waxaa ka mid ah kuwa xafiiska maamula oo faragelinaya shuruucda si ay guusha u gaaraa iyo  kuwa mucaarad ah oo diidaya, carqaladeynaya hannaanka, haddii ay u arkaan in aysan ku guuleysanayn.”

Wuxuu ku baaqay in ay muhiim tahay heshiis isku mid ah oo laga gaaro arrimaha doorashooyinka, isaga oo kula dardaarmay in mar walba la ixtiraamo shuurcada dalka u yaala.

”Waa in la raadiyaa wax-yaabo heshiis lagu yahay oo marka danbana si wadajir ah loo fuliyo, waa in la ogaadaa in guddiyada doorashada aan loo xulan shaqsiyaad loo arko in aysan ku habooneyn shaqadaas oo ay dhaliilsan yihiin dhinaca kale ee qeybta ku leh hannaanka doorashada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Beesha caalamka ayaa siweyn isha uga haya khilaafka ka taaggan doorashada dalka oo ay ku kala fog yihiin dhinacyada ay quseyso, gaar ahaan dowladda iyo mucaaradka oo hadda dhinac walba uu soo magaacabay guddiyo doorasho.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxa’ed Xusseen Rooble ayaa sheegay in mar walba uu soo dhaweynayo musharixiinta cabashada ka qaba doorashada iyo guddiyada dowladdu u saartay.

WARARKA MAANTA 7da Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Meeqo musharax madaxweyne ayaa la khaarajin rabaa? Maxay beesha caalamka ugu diiday in wax dhaqaallo la siiyo xukuummadda “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxay Shacabka Somaaliyeed 99.8% ku naceen Madaxweyne Farmaajo? Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo siiso #Soomaaliya? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa ddiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 7da Diseembar 2020 Musharrax madaxweyne, Xasan Cali Khayre ayaa xalay xaruntiisa ololaha casho sharaf ugu sameeyay in ka badan Lixdan xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, xili uu taagan yahay muran la xiriira doorashada.

Kheyre ayaa xildhibaanadaas kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin doorashada iyo dib-u-dhiskii Galmudug iyo sida loo sii horumarin karo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska musharaxa Kheyre.

“Xildhibaannada oo aad ugu dheeraaday ka sheekeynta dowrkii Xasan Khayre ee dib-u-dhiska Galmudug ayaa uga mahad celiyay kartida iyo adkeysiga uu muujiyay intii uu ku guda jiray dadaallada ka mira dhalinta qorshaha dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay oo ka qeyb qaadata horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xasan Cali Khayre oo hadal u jeediyay xildhibaannada ayaa si weyn ugula dardaarmay in qeybtooda uga aadan ay ka qaataan dib-u-dhiska guud ahaan iyo inay ka shaqeeyaan hannaan doorashada dalka oo muddo yar ay inaga xigto.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in Kursiga uu u tartamayo u raadinayo sidii uu dadka iyo dalka Soomaaliyeed uu wax ugu qaban lahaa, balse uusan u rabin dano gaar ah iyo kuwa shaqsi ahaaneed.

“Aniga waxaan ahay musharrax madaxweyne sida dad kale oo badan ay yihiin, waxaan u raadinayaa Kursiga Madaxweynanimada inaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed wax ugu qabto ee inaan ku fariisto u raadinmaayo, waxaana aaminsanahay in ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay ka faa’iidi doonto hadii Allah igu guuleeyo safarkaas aan u socdo,” ayuu yiri musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre.

Ugu dambeyntiina mudanayaasha ayaa u balan qaaday Kheyre inay qaadan doonaan talooyinkiisa ku aaddan joogteynta dadaallada lagu horumarinayo guulaha la gaaray, iyagoona kula dardaamay marka uu ku guuleysto madaxtinimada dalka inuu dhammeystiro dib-u-dhiskii dowlad gobaleed Galmudug loo siman-yahay

Muqdisho 7da Diseembar 2020 Midowga Musharaxiinta Madaxtiinimada Soomaaliya ayaa qoraal ay Sabtidii soo saareen waxay walaac ka muujiyeen iskudeyga wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay ku dhiiratay iney bixiso ruqsadaha baarista shidaalka, iyagooo ku tilmaamay tallaabadaas mid dhabarjab iyo boob hanti qaran, weliba xilli doorasho iyo kala-guur uu dalka ku jiro.

Hadalkan ayaa waxaa uu yimid kadib safar la sheegay in wasiirka Batroolka iyo saraakiil kale ay ku joogaan dalka Turkiga halkaas oo ay kula shirayaan si fool-ka-fool ah shirkado daneynaya shidaalka Soomaaliya.

Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa shirkadaha doonaya shidaalka:

Liberty Petroleum: Waa shirkad saldhigeedu yahay dalka Mareykanka, waxaa ay aad u daneysaa shidaalka dalalka nugul, horay waxaa ay heshiis shidaal la gashay Liberia xilli uu ka jiray Ebola, hadda waxaa ay ku jiraa shirkadaha daneynaya shidaalka Soomaaliya, waxaa ay dooneysaa 2 blocks.

Coastline Exploration: Shirkaddan oo horay loo yaqaanay Soma Oil waxaa ay tan iyo 2013-kii ku jirtay kuwa ugu horeeya ee daneeya shidaalka Soomaaliya, waxaa ay dooneysaa ilaa lix block oo ah kuwa ugu shidaalka badan Soomaaliya.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa horay uga digtay dowladda federaalka ah iney gasho wax heshiis ah oo la xiriira shidaal inta laga dhameystirayo heshiisyada qeybiga kheyraadka taasi oo ay dowladda ogolaatay.

Muqdisho 7da Diseembar 2020 War-saxaafadeed ka soo baxay golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac looga muujiyey sida ay dowladda federaalku u maareysay dhismaha maamulka HirShabeelle, gaar ahaan tabashada aan weli xalka laga gaarin ee reer Hiiraan, iyagoo si gaar ah ugu eedeeyey Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu walaac xoog leh ka muujinayaa xaaladda xasillooni darri ee ka soo cusboonaatay Gobolka Hiiraan, taasoo ay abuurtay Dowladda Federaalka ah, gaar ahaan madaxweynaha iyo taliskiisa Nabadsugidda,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Sidoo kale waxay hoggaanka dowladda federaalka ku eedeeyeen inay gobolka Hiiraan ka wadaan kicin iyo kala qeybin beelaha dhexdooda ah, iyagoo sheegay in taasi ay liddi ku tahay dhismaha nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed.

“Goluhu wuxuu u arkaa in hoggaanka Dowladda halkii uu ka abuuri lahaa nabadeynta beelaha walaalaha ah ee Hir-Shabeelle uu ku hawlan yahay kicinta iyo kala qeybinta beelaha Gobolka. In la iska horkeeno dadka iyo qabaa’ilka walaalaha ah ee wada dega Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxey liddi ku tahay dhismaha nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed, waxey kale oo ay dhaawaceysaa dadaalka loogu jiro dhismaha Hir-shabeelle loo dhanyahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha midowga musharaxiinta ayaa qoraalkiisa ku xusay seddax qodob oo baaq ah, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada xalinta khilaafka hareeyey maamulka curdunka ah ee HirShabeelle.

“Goluhu isagoo ka walaacsan xaaladaha waddanka ka taagan wuxuu ku baaqayaa”

1- In hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu joojiyo hagardaameynta shacabka Hiiraan, dhageystana tabashada ay qabaan, qaataanna masuuliyadda ka saaran xallinta tabashada shacabka Gobolka.

2- In la dhawro xasilloonida, walaalnimada iyo wada noolaanshaha shacabka HirShabeelle, lana joojiyo wax kasta oo fidno iyo fowdo abuuri kara.

3- Goluhu wuxuu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto xallinta khilaafka taagan si loo helo Hir-Shabeelle loo dhanyahay, xasiloon, nabadna ah.

Muqdisho 7da Diseembar 2020 Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saacadihii la soo dhaafay khadka taleefanka kula hadlay Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani.

Labada mas’uul ayaa isku soo hadal qaaday arrimo ay ka mid ah xiriirka Soomaaliya & Qatar, xaaladihii ugu dambeeyey iyo mashaariicda ay Qatar ka fuliso dalka.

Amiir Tamiin ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay ka go’an tahay xoojinta kaalmaha ay siiso dowladda Soomaaliya & xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay Muqdisho.

Dhankiisa madaweyne Maxamed Cabdullah Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Amiirka Qatar teegaarada joogtada oo ay dowladdiisu siiso Soomaaliya

Muqdisho 7da Diseembar 2020 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe oo maanta ka qeyb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa markale weerar culus oo Afka ah ku qaaday musharaxiinta madaxweyne ee maalmihii u dambeeyay ku shirsanaa magaalada Muqdisho.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in shirarka musharaxiinta madaxweynaha ee mucaaridka ay yihiin kuwo waxba soo kordhineyn, isagoona guddigii ay shalay magacaabeen ku tilmaamay wax uu ugu yeeray, xarako iyo ciyaar ciyaar.”

“Nin weyn oo darajooyinkii dalka ugu sarreeyay soo qabtay oo leh anoo suuqa jooga ayaan guddi magaacabayaa miyaanay ahayn xarako iyo layaab,” ayuu yiri Wasiir Dubbe

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shalay magacabay guddi ka kooban 28 xubnood, oo loogu magac daray Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Dalka, kaasi oo looga dhawaaqay shir ay musharaxiinta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Dubbe ayaa ka hor-yimid guddigaas, isagoona sheegay ‘inay wax lala yaabo tahay mucaarid dibada jooga ay ku dhawaaqan guddi doorasho’, xili uu khilaaf xoogan ka taagan yahay laguna muransan yahay guddigii uu hore ugu dhawaaqay ra’iisal wasaare Rooble.

Waxa kale oo uu si adag uga digay in musharaxiinta kasoo horjeeda dowladda ay dalka ka abuuraan fowdo, iyada oo aan heshiis loo dhameyn laga gaarin arrimaha doorashooyinka iyo guddiga doorashada ee lagu muransan yahay.

Hadalkan ayaa imanaya xili uu sii xoogeystay khilaafka ka taagan Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay, kaasi oo shalay doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Xasan Maxamed ayaa loo doortay Guddoomiye, halka Mowliid Mataan loo doortay guddoomiye ku-xigeen.

Wuxuuna kusoo aadaya xili Musharaxiinta Mucaaradka ay walaac xoogan ka qabaan waxyaabo badan oo dalka ka jira oo ay ugu horreeyan qal-qalka siyaasadeed ee ka jira maamul goboleedyada qaar sida HirShabelle oo ay xaalad xumi ka taagan tahay iyo sidoo kale Jubbaland oo arrimo badani ka jiraan.

Muqdisho 7da Diseembar 2020 Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dacay kulan ay ka qeyb galeen xubno isagugu jira wasiirro, siyaasiyiin kale iyo xildhibaanada labada gole ee baarlamanaka federaalka ee kasoo jeeda gobollada waqooyi.

Shirkan oo soo qaban qaabiyeen dhallinyarada kasoo jeeda gobollada waqooyi ayaa looga hadlay arrimaha doorashada dalka, waxayna dhinacyadii isugu yimid shirkaas sheegeen in ay taageersanyihiin guddiyada lagu muransanyahay ee doorashada oo xubnaha ku metelaya Somaliland ay xukuumaddu magacaawday.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, kan maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo xubno kale ayaa ka soo qeyb galay kulankaas, waxaana dadkii hadalka ka jeediyey ka mid ahaa Mahdi Guuleed oo sheegay in guddiyada doorashada xubnaha ku metelaya Somaliland ay saxiixiisa ku yimaadeen.

“Waxaan arkeynay dad dhahaya cid nagu metelaysay ma jirto heshiiskii laga gaaray doorashada, taasi waa been anigoo idinka idin metelaaya ayaan qeyb ka ahaa saxiixayaasha heshiiska doorashada iyo habraacyada seddaxda ah ee lagu dhisaayo guddiga doorashada heer federal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka ee heer federal, seddaxdaba magaceyga iyo saxiixeygaa ku yaalla, taas macnaheydu waa inaan idinka idinku metelaayey,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxa uu sheegay in habraacaas ay ku kalsoonyihiin, isagoo ka dhawaajiyey in dhalinyarada ay ku soo dhaweynayaan siyaasadda, “Aan tartan walaaleheen cidii ay u codeeyaan xildhibaan qaran ha noqdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay inay aad u jeclaan lahaayeen in madaxweyne Farmaajo uu xukunka ku soo laabto, si taasi u dhacdana ay xod-xodashada sii wadi doonaan.

“Waxaanu diyaar u nahay doorasho, waxaan diyaar u nahay in doorasho loo dareero oo aan is doorano, laguna kala nabad galo. Muran kasta oo yimaada wuxuu dib u dhigayaa doorashada,  Taa macnaheedu ma waxa ay tahay doorasho diyaar uma ahiye dib ha la iigu dhigo, Doorashada wakhtigeeda ayaan ku qabaneynaa, Hadii ay tabasho jirto diyaar baa loo yahay in lagu dhageysto,” ayuu kulankaas ka yiri Mahdi Guuleed.

Muqdisho 7da Diseembar 2020 Xog ay heshay warbaahinta ayaa sheegaysa in dowladda federaalka Soomaaliya qorsheysay in qabashada doorashada dalka laga billaabo degaanada maamulada Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle, 10-ka bishaan.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanadaas laga billaabi doono ururinta iyo diiwaan-gelinta ergooyinka ka qeyb-galaya doorashada xildhibaanada, kuwaas oo ay isla soo xuli doonaan odayaasha iyo maamulka.

Xildhibaanada baarlamaanada labadaas maamul ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in la gudo geli doono hanaanka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, inkasta oo aysan caddeyn waqtiga rasmiga ah.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle ayaa Caasimada Online u sheegay in lagu wargeliyay in ay ku soo laabtaan Jowhar, islamarkaana u diyaar garoobaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare.

Sidoo kale Xubno kamid ah baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in sidaas oo kale lagu wargeliyay in ay diyaar garoobaan.

Guddiga doorashada heer federal ee lagu muransan yahay ayaa guddoomiye u doortay Maxamed Xasan, halka Mowliid Mataan loo doortay guddoomiye ku-xigeen, arrintan oo qeyb ka ah dardar gelinta doorashada.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Soomaaliya ku heshiiyeen in doorashada qabsoonto, islamarkaana wixii tabasho dib laga xaliyo. Doorashada ayaa ka bilaaban doonto oo kaliya HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed halka kuwa kalane ay ku xigi doonaan.

Arintaan ayaa haddii ay dhacdo waxaa laga cabsi qabaa in ay dhaliso halis weyn oo ammaanka Soomaaliya ah. Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqato in ay ka fureysatay doodaha iyo qataraha ku geedaaman doorashada Soomaaliya.

Muqdisho 7da Diseembar 2020 Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shirka madasha Soomaaliya iyo saaxibada beesha caalamka oo loo yaqaano Somalia Partnership Forum, kaas oo lagu gorfeynayo arrimaha doorashooyinka dalka, ammaanka, horumarada la gaaray bilihii u dambeeyey iyo xaaladaha guud ee dalka.

Shirweynahan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan xubno ka socda beesha caalamka, gaar ahaan safiirada jooga magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka ayaa shirkan qeyb ka ah, iyaga ka soo geli doono qadka Internet-ka, gaar ahaan Aaladda Zoom-ka.

Intiisa badan waxaa shirkan oo qaadan doono hal maalin diirada lagu saarayaa xaaladaha siyaasadeed ee dalka, horumarada la gaaray iyo qorshayaasha taageerada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa furitaanka shirka ka jeedin doono khudbad dhinacyo badan taababeyso oo ku aadan marxaladda kala guurka ah iyo doorashooyinka dalka, halka madaweynayaasha maamul goboleedyadu ay iyaguna khudbado ka jeedin doonaa madasha, maadaama ay uga qeyb-galayaan aalada la’sika arko ee Zoom-ka.

Sanadkan wuxuu shirka ku soo aaday, xilki Soomaaliya ay ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana la’isku diyaarinayo doorashada soo socota ee 2020/21-ka.

Muqdisho 7da Diseembar 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland,Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka madasha Soomaaliya iyo saaxibada caalamka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashada 20/21.

Siciid Deni oo shirka uga qeyb-galay Aaladda Zoom-ka ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo la xiriirta qabashada doorashada.

Sidoo kale wuxuu soo bandhigay tabashada ay ka qabaan doorashada, taas oo ay ugu horreyso arrinta gobolka Gedo iyo dooda ka taagan guddiyada doorashada Somaliland.

Madaweynaha dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ciidamadeeda kala soo baxdo gobolka Gedo, si ay Jubbaland doorasho ugu qabato, sidoo kale wuxuu ku taliyey in la-tashi guud laga sameeyo guddiga doorashada ee xildhibaanada gobollada Waqooyi ama Somaliland.

Deni ayaa sidoo kale xusay in xubnaha qaar ee guddiyada doorashooyinka ee walaaca laga muujiyey ay ku jiraan kuwo aan buuxin shuruudihii heshiiska doorashada.

Dhankiisa wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo goobta hadal ka jeediyey ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in doorashada 2020/21 ay noqoto mid xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay u dhan yihiin dhinacyada ay quseyso oo dhan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu weli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka, siiba dhismaha guddiyada ka shaqeynaya.

Muqdisho 7da Diseembar 2020 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta daah-furay shirka iskaashiga Soomaaliya & saaxiibada caalamka ayaa ka warbixiyey dadaalada ay wado xukuumadiisa ee ku aadan doorashada soo socota ee isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Rooble ayaa marka hore shaaca ka qaaday in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loo asteeyey, si looga baaqsado inuu yimaado dib u dhac.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu bilaabi wada-tashiyo guud oo ku aadan doorashada, islamarkaana uu safaro kala duwan ku tegi doono magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, si xal waara looga gaar tabashada qaar ee maamul goboleedyada dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in markale ay shir isugu imaan doonaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka, kaas oo looga arrinsanayo muranka weli ka Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa qabashada doorashada, iyada oo weli ay halkeedii tahay walaaca iyo tabashada ay muujinayaan, Jubbaland, Puntland, guddoomiyaha aqalka sare iyo musharraxiinta ka qeyb-galaya doorashada soo socota.

Si kastaba lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyada oo xukuumadda Soomaaliya ay qorsheyneyso in la bilaabo doorashada xildhibaanada golaha aqalka sare ee Soomaaliya.

WARARKA MAANTA 6da Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay Shacabka Somaaliyeed 99.7% ku naceen Madaxweyne Farmaajo? Maxay beesha caalamka ugu diiday inay wax dhaqaallo siiso #Soomaaliya? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas”? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa ddiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Maamulka Puntland 6da Diseembar 2020 

Taliska Kumaandooska Danab ayaa ka hadlay qorshaha haatan socdo, ee ay dalka uga baxayan Ciidamada Mareykanka, ee saldhigga ugu weyn ku leh Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha xafiiska sii baneynaya Donald Trump ayaa ku amray Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska AFRICOM in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya, horaanta sanadka soo socdo ee 2021.

Ciidamada Mareykanka ayaa Garoonka Ballidoogle ku tababari jiray Ciidamada Kumaandooska Danab, iyagoona siinaayay qalab militari, si ay ugula dagaalamaan maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Kumaandooska Danab, Korneyl Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) oo wareysi siiyay BBC, waxna laga weydiiyay in la heli karo dal kale oo buuxin kara booskii Mareykanka ayaa sheegay inaanu jirin dal lamid ah Mareykanka

Muqdisho 6da Diseembar 2020 Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaallada ay wado ee ku aadan doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa farriin u diray maamullada Jubbaland iyo Puntland oo aan weli soo magacaabin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ee labadaasi maamul, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyeen sidii loo dhaqan-gelin lahaa heshiiskii Muqdisho.

“Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan Dowlad Goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale madaxwweynaha ayaa adkeeyay sida ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uga go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay isaga oo u mahadceliyay Dowlad Goboleedyada fuliyay qaybtii kaga aaddanayd heshiiska doorashada, iyaga oo soo dhammaystiray xubnihii ay ku lahaayeen guddiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee hirgelinta doorashooyinka.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya inay sii laba-jibaarto dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu diyaarin lahaa jawi doorasho oo xasilloon.

Muqdisho 6da Diseembar 2020 Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia ayaa warbaahinta  u sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay qorsheysay inay wada-hadal la furaan madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, si meesha looga saaro awoodda mucaaradka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxtooyada ay rumeysan tahay in haddii lala heshiiyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni uu la heshiin doono Madaxweynaha Soomaaliya, ay keeni doonto in meesha laga saaro mucaaradka oo hadda garabka ugu weyn ka heesto labadaas maamul.

“Waxaa la qorsheeyay in lala heshiiyo labdaas maamul si doorashada loo galo iyadoo ay heshiis yihiin dowlad gobaleedyada iyo dowladda dhexe, markaas waxaa meesha ka bixi doono mucaaradka,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlaywarbaahinta.

“Haddii ay doorashadu isku raacaan madaxda dowladda iyo kuwa kale waxaa laga maarmi doonaa doodda iyo qeylada mucaaradka maadaama heshiiska markii horaba u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamullada dalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaankan oo la hadlay Warbaahinta.

New York 6da Diseembar 202 Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb. Abuukar Daahir Cismaan Baalle ayaa faahin dheeraad ah ka bixiyey qoraal xasaasi ah oo ay dowladda fedraalka ah u gudbisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Baalle oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in dowladda federaalka ay u gudbisay QM qaraar ku aadan in la kala diro guddiga ka hortagga burcadbadeeda Soomaalida

Danjiraha ayaa sheegay in seddexdii sano la soo dhaafay aan xeebaha dalka laga diwaan galinin hal kiis oo afduub ah, islamarkaana laga maarmo guddigaasi.

“Seddexdii sano ee la soo dhaafay xeebaha Soomaaliya lagama diiwaan galin kiis afduub burcadbadeed, taasi badelkeeda dowladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa in laga maarmo guddiga, isla markaana loo baahan yahay in dib -u-eegis lagu sameeyo,” ayuu yiri Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Abuukar Daahir Cismaan Baalle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka dowlad ahaan ay ka go’an tahay sidii looga hortagi lahaa maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga  alluumeysta biyaha Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa wasaqda ku daadiyo biyaha badda Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay ka hortaga kalluumeysiga sharcidarada iyo Maraakibta shisheeye ee wasaqda ku shubayo biyaha badeenna iyo sidoo kale inay muujiso awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha dambiyada ka dhacda badda Soomaaliya gaar ahaa burcad badeedda iyo kuwa kale ee sharci darrada ah,” ayuu markale sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay haatan muuqato in la wiiqay awoodii kooxaha burcadbadeeda ee weerarada afduubka ah ka geysan jiray xeebaha Soomaaliya

Maamulka Puntland 6da Diseembar 2020 Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa saaka isugu soo baxay dadweyne careysan oo banaan-bax ka dhigay halkaasi.

Dibad-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb-galay dadweyne fara badan oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn iyo fagaarayaasha magaaladaasi.

Sidoo kale waxa dibad-baxan looga soo horjeedayu diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah iyo sicirka bararka baahsan ee xilligan ka jira deegaanada Puntland.

Qaar ka mid ah dadka dhigayey dibad-baxa oo la hadlay warbaahinta ayaa dhibaatada jirta ku eedeeyey maamulka madaxweyne Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni), iyaga oo sababta ku sheegay kadib amarkii ku aadanaa inn canshuurta lagu bixiyo Doller.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen xukuumadda Garoowe inay si deg-deg ah wax uga qabato sicir-bararka ka jira halkaasi.

Banaan-baxan ayaa ku beegmaya, xilli uu Puntland ka dhaqan galay go’aan lagu soo rogay shirkaddaha is-gaarsiinta oo ahaa in aan la isku diri karin 1 dollar iyo wixii ka yar.

Muqdisho 6da Diseembar 2020 Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee dalka ee weli lagu muransan yahay, islamarkaana shalay doortay guddoomiye iyo guddoomiye xigeen ayaa haatan wada qorshe lagu dadajinayo doorashada soo socota ee 2020/20-ka.

Warar ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in haatan guddigu ku howlan yahay soo saarista jadwal cusub oo ku aadan doorashda iyo sida loo wajahayo, maadaama maamul goboleedyada qaar aysan weli soo magacaabin guddiyada doorashada 20/21.

Sidoo kale guddiga ayaa wada abaabul xoogan oo ku aadan sidii doorashada aqalka sare looga qaban lahaa, ka hor inta aysan dhimaan bishaan Koonfur Galbeed Soomaaliya, HirShabelle, Galmudu iyo Muqdisho oo lagu dooranayo xubnaha gobollada waqooyi.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya oo maanta qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in la dadajin doono doorashada, si ay ugu dhacdo waqtigii loo asteeyey

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay maamullada Jubbaland iyo Puntland in ay soo magacaabaan guddiyadooda doorashada ee heer dowlad goboleed ee dalka.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada weli halkiisii uu yahay walaaca ay musharraxiinta mucaaradka ka muujinayaan guddiyada lasoo magacaabay, balse Villa Somalia ayaa u muuqata mid dhagaha ka fureysatay dhawaqa ka soo yeeraya midowga musharaxiinta.

WARARKA MAANTA 5ta Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu isku-casili rabaa Raysal Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble “Dhiiqo-Raam-Sade/Dhooqo-Raam-Sade? Dowlad gobal kee/maamul gobaleed kee ayaa raba inay #Soomaaliya ku sii jirto fowdo iyo qalalaaso joogto ah? Yaa #Soomaaliya dhaca? Meeqo shikaddo ayaa dhacay hantida qaranka #Soomaaliya? Maxaad ka ogttihiin inay alaamaha dembi-baarista waddamo farabadan ay daba-gal ku samaynayaa Soomaalida iyo shisheeye ah lacagaha ku dhaca magaca #Soomaaliya? Yaa runta qarin kara? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas”? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa ddiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Maamulka Puntland  5ta Diseembar 2020 Shirkaddaha isgaarsiinta ee ka howgalla Puntland ayaa dhaqan galin waayay amar kasoo baxay golaha wasiiradda Puntland, kaasoo wax looga badalayay adeega lacagaha mobaylka la iskugu diro ee sahalka iyo Edahab. Puntland ayaa shirkaddaha Golis iyo Somtel ku amartay in laga billaabo maanta oo sabti ah ay shirkadduhu joojiyaan in aan wax hal dollar ka yar la isku diri karin.

Tallaabadan ayay Puntland ku sheegtay in ay qeyb ka tahay dadaalo loogu jiro sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka ka jira degaanada Puntland oo gaaray heerkii ugu sareeyay abid, iyadoo weliba lacagtii shilinka Soomaaliga magaalooyinka qaarkood laga diidayo isticmaalkeeda.

Lama oga sababta shirkadduhu u fulin waayeen go’aankaan, iyadoo saakay la filayay inuu dhaqan galo, sidoo kale shirkaddaha isgaarsiinta dhankooda wax jawaab ah kamasoo saarin go’aanka maamulka Puntland.

Muqdisho 5ta Diseembar 2020 Waxaa dib u dhacay shir caadi aheyn oo maanta Golaha Wasiirradda Soomaaliya ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho, kaa oo qorshuhu ahaa in looga wadahadllo xaaladihii ugu danbeeyay siyaasadda guud ahaan Soomaaliya.

Golaha Wasiirradda ayaa xalay lagu war-galiyay qabsoomida shirka, hasse ahaatee mar kale Golaha Wasiirradda ayaa loo diray fariin ah in uu shirku baaqday, sida warbaahinta u sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Inkastoo shirkanni uu qaabday hasse ahaatee arrimaha ugu waaweyn ee qorsuhu ahaa in diirrada lagu saaro ayaa lagu sheegay arrintan Jubbaland iyo khilaafka ka taaggan doorashada oo siweyn uga soo horjeesteen musharixiinta mucaaradka.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay waddo qorshe ka dhan ah Jubbaland oo ay dooneyso in ay u aqoonsato deegaan cadawgu heysto oo aan doorasho lagu qabin karin.

Dhawaan ayeey aheyd markii Dowladda Federaalka ay dalka ka saartay safiirkii Dowladda Kenya oo ay ku eedeysay in ay fara-galin ku heyso arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Maraykanka 5ta Diseembar 2020 Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray Waaxda Gaashaandhigga iyo taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) in inta badan ciidamada iyo hantida Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, horraanta 2021.

Illaa iyo hadda ma cadda tirada ciidamada Mareykanka ee laga soo saarayo Soomaaliya, hase yeeshee Waaxda Gaashaandhigga ayaa u muuqata inay soo jeedineyso in dhammaan ciidamada Mareykanka dib loogu meeleyn doono meelo kale oo Africa ka mid ah, iyo saldhigyo kale oo gobolka ah.

“Mareykanka kama baxayaan Africa, waxaa naga go’an inaan garab taagnaano oo aan teegeero joogto ah siino saaxibadeena Africa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Pentagon-ka.

“Inkasta oo la beddelayo booska ciidamada, ficilkan lama macno ah in la beddelayo siyaasadda Mareykanka. Waan sii wadi doonnaa inaan wiiqno ururada xagjiriinta ah, ee halis gelin kara dalkeena, inaga oo islamarkaana xaqiijineyna inaan ilaashano faa’iidadeyna istaraatiijyadeed,” ayuu qoraalka intaas ku daray.

“Natiijada go’aankan dartiis, qaar ka mid ah ciidamada ayaa la geyn doonaa meel ka baxsan Bariga Africa. Hase yeeshee ciidamadeena laga soo qaadayo Soomaaliya waxaa la gayn doonaa dalalka deriska ah, si taas ay noogu ogolaato inaan sii wadno cadaadiska aan saareyno argagixisada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Pentagon-ka ayaa sheegay inay weli awood u yeelan doonaan inay fuliyaan howlgallo argagixiso la dirir oo bartilmaameedsan oo laga fuliyo Soomaaliya, ayna ururiyaan digniino horudhac iyo tilmaamaha halisaha ku iman kara dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

Inta badan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ah ciidamada howlgallada gaarka ah, waxayna kala joogaan dhowr saldhig oo kala duwan oo ku yaalla dalka

Muqdisho 5ta Diseembar 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danaba ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-galka oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ayaa waxaa lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howl-galkaasi ayaa sheegay in sarkaalka la qabtay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in habeen hore uu soo gaaray degmada Wanlaweyn, kadibna ay ka war-heleen, iyada oo ay ciidamadu u daadeen gurigii uu ku sugnaa.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan soo qabashada sarkaalkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Qaramadda Midooway 5ta Diseembar 2020 Qaramada Midoobey ayaa markale walaac xoogan ka muujisay dagaalka ka socda qeybo kamid ah gobolka Tigray, xili ay xukuumadda Abiy Axmed ay shaacisay in lasoo afjaray dagaalkaas.

Waxay sheegtay in dagaalka ka socda meelo ka tirsan waqooyiga Itoobiya uu saameyn xoogan ku yeeshay howlaha gar-gaarka ee kaalmada bini-aadanimo, ee hay’addu gaarsiin laheyd shacabka gobolka Tigray.

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa xaqiijiyey inay xiligan adag tahay in gudaha loo galo gobolka Tigray, si kaalmo loo gaarsiiyo, xili ay dhawaan dowladda federaalka Itoobiya la saxiixatay heshiis gar-gaar lagu gaarsiinayo shacabka gobolkaas.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay dadka ku nool caasimadda Mekelle ay soo wariyeen in dagaallo ay weli ka socdaan deegaanada dhaca duleedka caasimadda, inkasta oo ay dowladda sheegtay in lasoo afjaray colaadda. Gobolka Tigray ayaa weli ku jira go’doon, xili xukuumadda Abiy ay sheegtay inay si buuxda ciidamadeedu ula wareegen caasimada gobolka Tigray ee Mekelle iyo deegaanada maamulkaasi, isla markaana ay ka shaqeynayso dib u dhiskeena.

Si kastaba, waxa isasoo taraya walaaca laga qabo xaaladaha bini-aadanimo ee ka jira gobolka Tigray, xili lagu soo waramayo inay ka go’an yihiin adeegyadii aasaasiga ahaa ee Korontada iyo Biyaha, iyada oo hore looga jaray isgaarsiinta iyo internet-ka.

Maamulka Puntland  5ta Diseembar 2020 Sideedii xildhibaan ee ka tirsanaa baarlamaanka Puntland, islamarkaana Khamiistii la soo dhaafay lagala noqday xasaanadda ayaa shir jaraa’id oo ay xalay ku qabteen Garoowe, waxay kaga hadleen arrimo dhowr ah.

Xildhibaanada oo kala ahaa ,Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Muuse Siciid Xassan (Jajabsay) ,Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin ayaa marka hore ka horyimid xilka xayuubinta lagu sameeyey, iyaga oo sharci darro ku tilmaamay.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaadeen in weli ay ka tirsan yihiin golaha wakiilada maamulka Puntland, waxayna go’aan ay ku gaareen inay tegaan baarlamaanka.

Waxa kale oo ay ku eedeeyeen in madaxweynaha Puntland uu ka dambeeyey tallaabadii ay qaadeen xildhibaanada golaha, si aan loola xisaabtamin xukuumaddiisa.

Xildhibaan Cabdi Jamaal Cusmaan oo ka mid xubnahaasi ayaa si cad u weeraray guddoomiyaha baarlamaanka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu ahaa Abwaan fanka ku fiican, balse uu soo galay meel aan maqaamkiisu aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“C/rashiid nin abwaana weeye golaha fanka aad buu ugu fiicnaan lahaa, Golihiisii buu ka yimid , mid kaloo aan maqaamkiisa ahayn ayuu soo galay , wuxuuna noqday maykarafoon lagu hadlo oo wax la faro , wixii baarlamaanka ka dhacay wuxuu isagu keenay maaha , ee waa fariin uu soo faray madaxweyne Deni, ”ayuu yiri. Cabdi Jamaal.

Ugu dambyeh sideeda xildhibaan ee laga saaray baarlamaanka Puntland ayaa shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan, islamarkaana ay ilaaliyaan midnimada iyo amniga intaba.

Qatar Iyo Saudi Carabiya 5ta Diseembar 2020  Dalalka xifaaltama ee Qatar iyo Saudi Arabia, oo ay wehliyaan kuwa dhex-dhexaadka ah ee Oman iyo Kuwait ayaa Jimcihii sheegay in horumar laga gaaray sidii loo xalin lahaa xasaradda Khaliijka ee xulufo gobolka ka mid ah madaxa u gelisay Doha.

Xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inuu rajeynayo in Washington ay xal dhex dhigi karto dalalkan, hase yeeshee waxa uu ka digay inuusan sameyn karin wax saadaalin ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Kuwait Sheikh Ahmed Nasser al-Mohammed Al-Sabah, oo dalkiisa uu hoggaaminayo dadaallada dhex-dhexaadinta, ayaa sheegay in dhammaan dhinacyada ay muujiyeen rabitaanka “heshiis kama dambeys ah,” intii lagu guda jiray wada-hadalladii ugu dambeeyey, kuwaasi oo Mareykanka uu qeyb ka ahaa.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa niyad wanaag ka muujiyey in xiisadda oo billaabatay 2017 ay hadda ku dhowdahay inay dhammaato.

“Waxaan sameynay horumar weyn maalmihii ugu dambeeyey,” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan, oo hadlay kadib wada-hadallo dhacay Jimcihii, oo loo qabtay hab online ah.

“Waxaan ku guuleysanay horumar la taaban karno oo aan ka gaarnay qodobada qaar, waxaana hadda socda dhaq-dhaqaaqyo aan rajeyneyno inay soo afjari doonaan xasaradda,” ayuu isna yiri wasiirka arrimaha dibedda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

La-taliyaha gaarka ah iyo wiilka uu sodogga u yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Jared Kushner oo ku sugan gobolka ayaa la rumeysan yahay inuu dalalkan ku cadaadinayo inay heshiis gaaraan kahor inta uusan Trump xukunka ka degin 20-ka Janaayo 2021.

Muqdisho 5ta Diseembar 2020 Golaha wasiirada xuukumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta kulan deg deg ah ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Shirka oo ah mid aan caadi aheyn ayaa waxaa guddoomin doono ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ilo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan si gaar ah diirada lagu saarayo xaaladda Jubbaland iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in goluhu ay soo saari doonaan go’aanno ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe, islamarkaana la xiriiro doorashada 2020/21-ka.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Khamiistii la soo dhaafay uu baaqay shirkii golaha wasiirada, sababo la xariira ka tashiga go’aanada ay maanta soo saari doonaan.

Jubbaland ayaa weli khilaafka salka ku hayo arrimaha gobolka Gedo wuxuu kala dhexeeya dowladda federaalka oo ciidamada badan geysay gobolkaasi

www.wargeyskadalka.com/wararka

WARARKA MAANTA 4ta Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa #Soomaaliya dhaca? Meeqo shikaddo ayaa dhacay hantida qaranka #Soomaaliya? Maxaad ka ogttihiin inay alaamaha dembi-baarista waddamo farabadan ay daba-gal ku samaynayaa Soomaalida iyo shisheeye ah lacagaha ku dhaca magaca #Soomaaliya? Yaa runta qarin kara? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas”? Yaa noqon doona Madaxweynaha soo socda? Meeqo xildhibaan ayeey Ururada argagixisadda ku yeelan doonaan labada aqal? Yaa u sahlay shirkaddo shisheeye ah inay si fudud u dhacaan lacagaha iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed ee ku xaniban bangiyada adduunka? Maxay Wasaaradda Maalliyadda ee #Soomaaliya u soo daabici weysay lacag Soomaali? Yaa ddiday dalka inay lacag Soomali ka shaqayso? Ha wiqleyso! 

Muqdisho 4ta Diseembar 2020 Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladdihii dalka isaga danbeeyay ayaa sheegay in madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi  Xusseen Guudlaawe  u qalmin in uu noqdo hoggaamiye bulsho.

Guudlaawe ayuu sheegay in uu yahay shaqsi sida uu hadalka u dhigay Qabyaaladu ku wayn tahay, inta badanna waqtiggiisa ku soo qaatay Miyiga oo aan wax aqoon ah u laheyn nidaamka dowladnimada.

”Anniga ma xamanayo si fiican ayaan u aqaannaa, hortiisana marar badan waan ka sheegay Cali Guudllaawe ma’aha shaqsi bulsho hoggaamin kara, waa shaqsi ay ku weyn tahay caadifadda qabiilka, waxa taa keenayana wax kale ma’aha oo waa Nin reer Miyi ah oo inta badan waqtiggiisa ku soo qaatay dhulka baadiyaha ah” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladdiisa ayuu sheegay  in muddadii ay jirtayba si gaar ah u beegsanayay hal qabiil oo degga gobolka Hiiraan oo ay ka shaqeeyeen ayuu yiri in laga horkeeno beelaha kale ee la dagga si  awoodda iyo xukunka looga boobo.

”Qabaa’ilada in la handado oo beelaha leyska horkeenno dowladdan ayaa ku caanbaxday, waxaa wax lala yaabo ah in shaqsiyaad Federaalka ka socda iyo kuwa kale oo xildhibaanno sheegayana iyaga oo aan wax Ajande ah laheyn loo dirro magaalada Beledweyne oo loogu sheekeeyo dadkaas cabanaya soo handada ama lacag u adeegsada oo meesha halaga kala dirro’ waxaasi wax soconaya ma’aha caqligana ma keennayo, waa in la dhageystaan waxa ay bulshadu tabanayaan, oo marka hore laga fikiraa in meesha lala taggo ajande soconaya oo meel mar noqon kara” ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in iyadoo uu khilaaf  jiro dhinaca kale  Cali Guudlaawe ku fakaro in uu munaasabadiisa caleemo saarka ku qabsado magaalada Beledweyne, isaga oo arintaan ku tilmaamay in ay ka mid tahay sida uu hadalka u dhigay aqoondarrada ka heysata dowladnimada” Qof inta xaqaagii boobay haddana ku leh madax-shub ayaan gurigaaga ku qabsanayaa maan -gaabnimada ayeey ka mid tahay” 

Xildhibaan Goodax ayaa dhinaca kale  ku eedeeyay Ugaas Xassan in uu gabbay doorkiisii looga baahnaa ee Ugaasnimo, isaga oo sheegay in uu gacanta ku gallay Villa Soomaaliya oo markii danbe-na meel cidlo ah uga tagtay” Waa kaa Ugaaskiina iska aamusay oo xitaa hadda Beledweyne taggi karin, waxaan maqlayay in uu Hargeyso ku sii jeeddo, laakiin micnuhu ma’aha in qabiilkii uu Ugaaska u ahaa iyaguna iska fariisteen –maya ma fariisanayaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Goodax.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ayuu ka dalbaday in aysan ku dhax milmin arrimahan siyaasadeed ee ka taaggan gobolka guud ahaan gaar ahaan magaalada Beledweyne iyaga oo gacan siinaya rag sheegayana siyaasiyiin oo raba in ay caburiyaan sida uu hadalka u dhigay bulshada ku dhaqan gobolka.

Sidoo kale ciidamada militariga Soomaaliya ayuu kula dardaarmay in ay ku ekaadaan doorkooda ah in ay ilaaliyaan nabad-galyada dadka shacabka isagana fogaadaan in loo adeegsado arrimaha siyaasadda oo marnaba ciidamadu wax shaqo ah ku laheyn.

Maamlka Puntland4ta Diseembar 2020 Puntland ayaa ka digay duufaan cusub oo  loogu magac daray “Burevi”, taasoo suurtagal ah in ay kusoo wajahantahay bad-Waynta Hinidiya ayna isku badali karto roobab xoogan oo kusoo beegan  xeebaha puntland

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimiladu oo warkaan soo saartay ayaa kaluumaysatada iyo dadka ku nool deegaanada xeebaha ku wargalisay inay sameeyaan feejignaan iyo diyaargarow asbuuca soo socda.

Puntland ayaa haatan kasoo kabanaysa khasaaraha ka dhashay duufaantii GATI, oo sameyn ku yeelatay 70,000 qoys oo hantidoodii ku waayay.

Dabayaaqada sanad kaste, gaar ahaan bilaha November iyo December, Puntland ayaa dhibbane u noqotay duufaano ka yimaada badweynta Hindia iyo badda cas.

Kenya 4ta Diseembar 2020 Baarlamaanka dowladda Kenya ayaa maanta ka dooday khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhex qarxay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxayna xubnuhu ka doodeen sida ay u arkaan xiriirka xumaaday ee labada dal, waxaana idiin soo gudbineynaa khudbadihii ugu sameynta badnaa ee xildhibaanada.

Dawladda Soomaaliya ayaa todobaadkan u yeeratay safiirkeedii Nairobi, iyadoo kii Kenya dalkiisa wadatashi ugu dirtay, waxayna Soomaaliya ku eedeysay dowladda Kenya inay faro-gelin ku heyso arrimaheeda gudaha, isla markaana ay fashilineyso heshiiskii siyaasadeed ee laga gaaray doorashada.

Dhowr xildhibaan ayaa aragtidooda ka dhiibtay xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya, waxayna qaarkood qabaan in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqday diblumaasiyad qar iska tuurnimo ah, isla markaana aysan Kenya ku dhaqaaqin faro-gelin ka dhacday arrimaha gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan Katoo Ole Metito oo ah gudoomiyaha guddiga baarlamaanka Kenya u qaabilsan gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda ayaa ka hadlay seddax qodob oo ku saabsan xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya, waxuuna yiri, “Mudane guddoomiye waa nasiib darro in arimahaa muhiimka ah la soo hadal qaadayo maalintii ugu dambaysay kalfadhigan. Ilaa haatan ma jiro waxa xiriirka rasmi ah afka diblomaasiyadda lagu yiraa ‘ Note Verbal’ oo ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay uga codsanaysayo danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho inuu Nairobi u tago wadatashi dheeraad ah.”

Ad by Valueimpression

“Tan labaad tallaabada la sheegay in ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qaaday waa wax laga xumaado, maadaama lagu saleeyey sheegasho iyo eedayn aan la caddayn karin oo ah in ay iyagu sheegteen in Kenya farogelinayso arimaha gudaha ee Somalia. Eedahaa lama caddayn.”

“Ta seddaxaad, waxaan doonayaa inaan dhaho Dawladda Kenya way ixtiraamtaa oo ku dhaqantaa mabaadi’da ma dhaafaanka ah ee diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee aayo ka tashiga, madaxbanaanida siyaasadeed iyo dhawrsanaanta dhulka wadamada oo dhan, gaar ahaan kuwa Afrika, waxaanan doonayaa in aan idhaa xidhiidh diblomaasiyadeed oo fiican ayaa Soomaaliya inaga dhexeeya sidaas ayaanu ahaan doonaa,” ayuu yiri Xildhibaan Katoo Ole Metito oo jka tirsan baarlamaanka Kenya.

Sidoo kale guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale aya yiri, “Ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya muu saamayn khilaafkan diblomaasiyadeed. Gaar ahaan qaadka dalku u dhoofiyo iyo waxyaabaha kale ee la dhoofiyo iyo la soo dejiyo ee labada dal ku kala ganacsadaan. Mahadsanid gudoomiye.”

Xildhibaan Aadan Barre oo sii hadlaayey ayaa yiri “Waxaan doonaya inaan u mahadnaqo gudoomiyaha, intaan dhegaysanayey wuxuu ku celiyey oo akhriyey uun warbixintii ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Kenya markii safiirada loo yeedhay. Laakiin waxa jira waxyaabo badan oo labadeena dal mideeya oo ka badan waxa ina kala qaybiya markaa gudoomiye waxaan doonayaa in aan gudoomiye Katoo ugu mahadnaqo jawaabtaa waafiga ah ee uu bixiyey.”

Xildhibaan Cabdullaahi Bashiir Sheekh oo laga soo doorto Mandera North ayaa isna yiri, “Codsiga aan u jeedinayo dawladdeenu waa in ay ma huraan tahay in arintan sida ugu dhakhsaha badan loo furdaamiyo, sababta oo ah waxa jira ganacsi aynu la leenahay iyo dad dalkaa kale ka yimaad oo wadankan maalgashada. Maadaama oo aan ka mid ahay gudidaa gudoomiyaheedu hadlayna waxaan doonayaa inaan idhaahdo waxaynu u baahannahay in aynu xaqiijino in dalkeena iyo Soomaaliya labaduba ahaadaan laba dal oo saaxiiba oo barwaaqaysan.”

Xildhibaan Nuux Juneed Sheekh oo laga soo doorto Suna East ayaa yiri, “Mudane Gudoomiye waxaan doonayaa in aan taageero hadalka gudoomiyaha gudida. Waxa iga yaabiya ee ku saabsan Soomaaliya waa in xiliga doorashada ololaha ka socda halkan Nairobi uu kaga xamaasad badan yahay Muqdisho qudheeda. Oo waxaad is odhanaysaaba malaha doorashadu halkan Nairobi ayay ka dhacaysaa ee kamaba dhacayso Muqdisho.”

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Mudane Gudoomiye hadaad imika magaalada dhex marto hudheelada oo dhami way buuxaan, waxayna noqotay in dhamaan musharaxiinta madaxweynenimo ee Soomaaliya ay Nairobi yimaadaan olole adagna halkan way ka wadaan, markaa waxaynu u baahannahay in gudida gaashaan dhigga iyo arimaha dibadu ay baadhitaan dheer samayso si ay inoogu sheegaan sababta ay musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ololaha ka badan kay Muqdisho ka wadaan uga wadaan Nairobi.”

Maraykanka 4ta Diseembar 2020 Qareen degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu ku lug yeeshay qorshe si khiyaano ah looga soo qaaday hay’ado maaliyadeed lacag gaareysa 12.5 milyan oo dollar, oo ka mid ah hantida dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay boqolaal kun oo dollar siisay shirkad sharci oo qaadatay in ka badan 3 milyan oo dollar oo lacagtaas ka mid ah.

Xeer-beegti federal ayaa Arbacadii kusoo oogtay Jeremy Wyeth Schulman,  oo 45 jir ah, islamarkaana degan magaalada Bethesda, dacwado ay ka mid yihiin musuq-maasuq banki, been xalaaleyn lacag, iyo lacago si sharci-darro ah la isaga gudbiyey banki.

Sida lagu sheegay dacwadda, Schulman iyo xubno kale ayaa isku dayey inay si sharci-darro ah gacanta ugu dhigaan maamulka boqolaal milyan oo dollar ah oo ka mid ah hantida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ee taalla bankiyada caalami ah, taasi oo la hakiyey markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Schulman ayaa bankiyadaas u geeyey dokumentiyo la been-abuuray, si uu gacanta ugu dhigo maamulka malaayiin dollar oo ah hantida dowladda Soomaaliyeed, intii u dhaxeysay 2010 illaa 2014, sida lagu sheegay dacwadda.

Schulman ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu boqolaal kun oo dollar oo magdhow ah ka qaatay shirkad sharci, taasi oo si aan sax aheyn u qaadatay 3.3 milyan oo dollar oo ka mid ah lacagta dowladda Soomaaliya.

Paul Butler, oo ka mid ah qareenada difaacaya Schulman, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay rumeysan yahay in xeer-ilaaliyayaasha Waaxda Cadaaladda Mareykanka ay yihiin “kuwa si qaldan wax loogu sheegay” islamarkaana ay ku guul-darreysteen inay si waafi ah u baaraan una hubiyaan caddeymaha.

“Waxaan ku kalsoonnahay marka fursad loo siiyo inuu sheego sheekadiisa, in Mr. Schulman si buuxda looga beri yeeli doono inuu ku kacay wax fal-dambi ah, iskaba daa khiyaameyn,” ayuu yiri Butler.

Shirkadda sharci ee heshay lacagta, laguma magacaabin dacwadda.

Schulman ayaa hadda ka mid ah maamulayaasha shirkadda Schulman Bhattacharya, wuxuuna maamula qeybta dacwadaha la xiriira ganacsiyada ee shirkadda.

Website-ka shirkadda ayaa waxaa ku xusan in Schulman uu dowladda federaalka Soomaaliya ku matalay kiisas dhowr ah, oo ay ka mid yihiin baaritaanka eedeymo musuq-maasuq oo ay soo jeediyeen kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea).

Butler ayaa sheegay in dowladdii ku-meel garaka aheyd ee Soomaaliya ay Schulman u xil-saartay inuu ka caawiyo in loo fasaxo hantida uga xayiran caalamka, oo ay ku jirto mid taalla dalka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka wax dood ah kama qabto in inka badan 9 milyan oo dollar oo hantidaas ka mid ah dib loogu celiyey Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, sida uu sheegay qareenka difaacaya Schulman.

“Muddo badan afar sano, Mr. Schulman iyo kooxdiisa waxay si aan daal laheyn uga shaqeeyeen inay caawiyaan qaran aad ugu baahan kheyraad maaliyadeed, si loo xaqiijiyo dib uga soo kabashada dowladda Soomaaliya ee inka badan 20 sano oo dagaal sokeeye ah. Mudadaas, Mr. Schulman wuxuu noqday la-taliye la aaminay iyo u ololeeyaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Butler.

Schulman ayaa la filayaa in markii ugu horreysay uu si horudhac ah maalinta Isniinta u horyimaado garsooraha maxkamad federal oo ku taalla magaalada Greenbelt ee gobolka Maryland.

Muqdisho4ta Diseembar 2020 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in saraakiishii ay kala wareegtay ururkii Ahlu-Sunna in dhammaantood laga soo qaado deegaanada Galmudug, isla markaana Muqdisho looga furo tababar, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saraakiil u badan kuwii la shaqeyn jiray Ahlu-Sunna ee dowladdu qarameysay ayaa lagu amray inay ku soo xaroodaan Akadeemiyada Booliska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye, oo ku taalla degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir.

Tirada saraakiishaas ayaa gaareysa 64-qof, waxayna kala heystaan darajooyin kala duwan, iyadoo lagu war-geliyey dhamaantood in 10-ka bishan December ay ku soo xaroodaan dugsiga tababarrada ciidanka ee Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.

Mid ka mid ah saraakiishaas ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan garaneyn sababta ka dambeysa in dhamaantood laga soo qaado deegaanka iyo inta badabar aysan garaneyn heerka uu yahay dib loogu celiyo, isagoo nala wadaagay warqadaha amarkaas lagu bixiyey.

“Ma garaneyno sababta ka dambeysa arrintan, markii aan aragnay warqada ka soo baxday Taliska guud ee booliska, waxaan la xariirnay hoggaanka Akadeemiyada booliska ee Jeneraal Kaahiye oo warqadan lagu socodsiiyey, waxaan ku dhahnay maxay yihiin waxa aanaa aqoon ee aad hadda na bareysaan? Waxayna nagu dhaheen anaga waxaba kalama socono arrintiina, balse waxaa nalaku amray in aan tababar cusub idiin furno,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Caasimada Online oo naga codsaday in magaciisa aanaa adeegsan.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Horta tuhun badan ayaan qabnaa arrintaana laba mid ayey noqoneysaa, in shaqa cusub naloo diri rabo iyo in deegaanka nalaga raafi rabo oo ay tahay qorshe doorashada la xariira.”

Sidoo kale sarkaalkan oo hadda ka tirsan qeybta booliska Soomaaliya ee Galmudug, isla markaana ka mid ahaa saraakiishii ay wareejisay Ahlu-Sunna ayaa noo sheegay inay qabaan tuhun ah inuu ka dacwooday Madaxweyne Qoor Qoor oo qorshaha socda uu yahay dalab isaga ka yimid.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Qoor Qoor iskuma fiicneyn isaga iyo saraakiishii Ahlu-Sunna, taasina waxay ku kaliftay in dowladda dhexe uu ka dalbado ciidamo Haramcad ah, si uu u helo ciidan toos uga amar qaata.

Taliska guud ee booliska Soomaaliya ayaa 29-kii bishii dhamaatay soo saaray warqad lagu amray saraakiishaan inay ku soo xaroodaan dugsiga Jeneraal Kaahiye, iyadoo warqadaas lagu socod siiyey qeybta guud ee booliska Galmudug iyo akadeemiyada  booliska ee Jeneraal Kaahiye.

“Danta shqada Qaranka awgeed, saraakiisha magacyadoodu hoos ku qoranyihiin oo ka kala tirsan mid kasta fadhiga ku hor qoran, waxay tababar ugu xaroo doonaan Akadeemiyada booliska ee Gen. Kaahiye, laga bilaabo 10-12-2020,” ayaa lagu yiri warqadda Taliska guud ee booliska Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha Akadeemiyada booliska ee Gen. Kaahiye ayaa lagu faray warqadaan in saraakiishaas markii ay soo gaaraan uu u xareeyo tababar, isla markaana uu u diyaariyo jiid, cunno, macalimiin, garoon iyo wixii kale ee xuquuq ah.

Arrintan ayaa loo maleynayaa inay la xariirto doorashada ka dhaceysa dalka, waxaana ka dhalatay hadal heyn badan, iyadoo dadka ugu badan ee ka fal-celiyey ay tilmaamayaan in saraakiishaan ay badankood isku heyb yihiin oo ay ka soo wada jeedaan Habargidir.

Saraakiishii la shaqeyn jiray Ahlu-Sunna ayaa aad ugu xeel dheer arrimaha ammaanka, waxayna caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deegaanada kale marar badan ku fashiliyeen qorsheyaal ay wateen Al-Shabaab, taas oo inta badan deegaanada Galmudug ka dhigtay kuwo ka caagan dhagaraha Al-Shabaab.

Sidoo kale intii uu xukunka joogay Madaxweyne Qoor Qoor waxay marar badan ku guuleysteen inay soo qabtaan rag baxsad ah oo qaarkood demiyo ka geystay magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho.

Beledweyne 4ta Diseembar 2020 Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxey saakay ku waabariisatay dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo  ciidamo uu hogaaminayo Janeraal Abuukar Xuud.

Abuukar Xuud wuxuu kasoo horjeedaa dhismaha maamulka Hir-Shabelle iyo in magaalada Baladweyne uu tago madaxweynaha dhawaan loo doortay maamulkaas ee Cali Guudlaawe Xuseen.

Ciidamada uu hogaaminay Janeraal Xuud ayaa la wareegay xaafado ka tirsan magaalada Baladweyne, waxeyna arinta timid kadib markii ay ka warheleen inuu maanta magaalada ku wajahan yahay Cali Guudlaawe.

Inta la ogyahay ilaa iyo laba qofood ayey waxyeelo kasoo gaartay dagaalka, mid ka mid ahna uu yahay kooxahii dagaalamay, waxaana loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.

Ciidamada uu hogaaminayo Janeraal Xuud ayaa sheegtay iney xaafado dhawr ah oo ka tirsan Baladweyne ay heystaan, isla markaana ujeedkoodu yahay iney hor istaagaan imaatinka Cali Guudlaawe ee magaalada.

Muqdisho 4ta Diseembar 2020 Madaxweynaha  dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay iney wiiqeyso heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhawaan.

Axmed Madoobe oo shir gudoominayay shirka golaha xukuumadda Jubbaland ayaa golaha wasiirada uga waramay xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha amniga iyo dhismaha maamulka Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha wuxuu si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo inuu dalka si guud u galo, wuxuuna ku adkeysanayaa in Jubbaland ay xaq u leedahay in loo madax banneeyo guddiga doorashada sida lagu qoray heshiiskii ay dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen Muqdisho bartamahii sanadkaan.

Axmed Madoobe wuxuu si cad u sheegay in ciidamada Soomaaliya ay dhibaatooyin aan loo adkeysan karin ka geysanayaan gobolka Gedo, wuxuuna intaas raaciyay iney caqabad ku yahiin xasiloonida deegaankaas.

Wasaaradiisa arrimaha gudaha wuxuu ku bogaadiyay iney yagleeleen maamul loo dhiso degmada Afmadoow oo ay shacabka soo doorteen, wuxuuna qabaa iney bilow u fiican u tahay dhismaha dowladaha hoose ee maamulkiisa.

WARARKA MAANTA 3da Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa AL-Shabaab canshuurta u gura? Maxayse AL-Shabaab uga qaadaa canshuur in badan oo kamid ah ganacsato iyo madaxda dowladda? Maxay Shacabka Soomaaliya ku naceen Madaxweyne Mdane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.2%? Yaa kamid ah musharaxiinta jaggadda madaxweynaha Soomaaiya ee la khaarajin rabo? Maxuu Madaxweyne Farmaajo oo muddo 4 sanno uu ugu dhammaysan rabaa fashil iyo dembiyo uu ka galay dadka, dalka iyo diintaba? Yaa doorasho qaban doona ma #NISA mise #NIEC? Yaa ah mikiilaha xukuummadda fashilantay ee “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxuu Taliyaha  Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA Fahad Yaasin “Daba-Naasle” uga dhigay xarunta laga shaqaalaysiiyo Argagixisada AL-Shabaab? Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.7%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Yaa muwaadin Soomaali ah u dhiibay #Xabashida? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxuu qaban Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan addunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 3da Diseembar 2020 Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isaga oo ka amba-baxaya magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga uu hoggaaminayo Afrax ayaa haatan si weyn looga dareemayaa gudaha magaaladaasi,

Sidoo kale ammaanka Beledweyne ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaaladaas oo dhacda bartamaha Soomaaliya.

Ujeedka safarka wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ah sidii uu qeyb uga noqon lahaa xoojinta hawlaha dib u heshiisiineed ee maamulka cusub ee HirShabeelle, si gaar ah xiisada ka dhalatay doorashadii lagu qabtay Jowhar ee ka taagan halkaasi.

Wasiirka oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono waxgarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Beledweyne waxaa haatan ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo u tegay arrimo la xiriira xal u helida tabashada ay qabaan beelaha qaar ee degan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo la filayo in dhowaan uu safar ku tago magaaladaasi, madaxweynaha cusub ee HirShabelle, Cali Guudlaawe, walow ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay arrintaasi oo ay is weyn uga soo horjeedaan maleeshiyaad ku sugan deegaanka Ceelgaal oo hoostaga magaaladaasi Beledweyne ee gobolka Hiiraan

Muqdisho 3da Diseembar 2020 Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah Midowga Musharraxiinta mucaaradka ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha dalkeena Soomaaliya, Amb Ben Fender.

Labada mas’uul oo yeeshay kulan saacado badan qaatay ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Mushurrax madaxweyne Cabduqaadir Cosoble Cali oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey kulanka uula yeeshay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyey inuu ahaa mid ah mid ah oo mira dhal ku soo dhammaaday.

“Waxaan kulan muhiim iyo mira dhal ah wada qaadanay Safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Somaliya Ben Fender kaas oo aan isla soo qaadnay arimo badan oo ay kamid tahay xaaladda guud ee Wadankeena Somaliya uu hadda ku suganyahay, si gaar ah Arimaha doorashada ee la filayo dhawaan in dalka ay ka qabsoonto taas oo aragtiyo isku mid ah aan ka qabnay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday dooda adag ee weli ka taagan guddiyada doorashooyinka iyo sidii xal looga gaari lahaa, si ay u dhacdo doorasho or iyo xalaal ah.

Dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa si weyn ugu kala aragti duwan hannaanka loo wajahayo doorashada oo muran oogan uu ka taagan yahay.

Maamlka Pntland 3da Diseembar 2020 Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo goor dhow kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa xasaanada ka qaaday illaa sideed mudane oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka ee maamulkaasi, kadib eedeymo culus oo loo jeediyey.

Kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa ka qeyb-galay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, kaas oo golaha wakiilada ka hor aqriyey eedeymaha ka dhanka ah xildhibaanada xasaanada lagala noqday, waxaana ka mid ah eedeymaha loo jeediyey, falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka iyo anshaxa baarlamaanka maamulkaasi.

Intaasi kadib ayaa la qaaday cod gacan taag ah, waxaana u codeysay in kalsoonida lagala noqdo xildhibaanadaasi illaa 35 mudane, saddex xildhibaan ayaa diiday, halka mid kalena uu ka aamusay, sida uu ku dhowaaaqay natiijada guddoonka golaha wakiilada.

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday oo si weyn uga horjeeday guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa kala ah: Maxamuud Axmed Caalim, Muuse Siciid Xassan (Jajabsay), Suleebaan Faraax Ciise, Cabdiqani Abshir Surato, Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Cabdiraxmaan Maxamud Maxamed (Dhoorre),Cabdicasiis Salaad Gacmay (Baduugaaye)  iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Arrintan ayaa soo socotay todobaadyadii u dambeysay, waxaana ka dhashay buuq iyo fowdo hareysay kulan ay lahaayeen xildhibaanada Puntland oo lagu kala tegay.

Ethiopia 3da Diseembar 2020 Ciidamada dowaldda federaalka Itoobiya ayaa la sheegay inay duqeymo culus la beegsadeen Warshad Sonkorta soo saari jirtay Sonkorta oo dowladda Shiinuhu ay maal-galisay, taas oo ku taalla magaalo lagu magacaabo Guancha oo ka tirsan gobolka Tigray.

Warbaahinta Shiinaha ayaa werisay intii duqeymahaasi ay socdeen in la beegsaday goobo ay deganyihiin dad rayid ah, sidoo kalena la burburiyey inta badan goobihii kaabayaasha dhaqaalaha ee ku yiilay magaaladaas.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in dowladda Shiinaha ay 630 ka mid ah muwaadiniinteeda ka daad gureysay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kaas oo mudo bil ah ay ku hardamayaan kooxda TPLF iyo ciidamada dowladda federaalka.

Magaalooyinka waaweyn ee gobolka Tigray waxaa ka jiray mashaariic kala duwan oo Shiinuhu maal-galiyey, sidoo kale waxaa jiray muwaadiniin badan oo Shiineys ah oo ka howlgeli jiray warshadaha ka shaqeeya gobolkaas.

Safaaradda Shiinaha ee Itoobiya ayaa go’aansatay inay muwaadiniinteeda kala baxdo gobolka Tigray, iyadoo sheegtay inay ka walaacsan tahay bad-qabkooda. Waxaana loo qaaday goobaha nabdoon ee dalka, sida ay ku warrantay warbaahinta Shiinaha.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Itoobiya waxay ahayd mid ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan Shiinaha ee himiladeeda ay ugu magacdareen Belt iyo Road Initiative – oo ah mashruuc balaayiin dollar ku kacaya oo ka kooban dhisidda waddooyin, tareenno iyo dekedo.

Todobaadkan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray gulufkii ka socday gobolkaas, isagoo sheegay in duqeymaha cirka aysan bartilmaameedsan doonin goobaha dadka rayidka ah ay ku noolyihiin. Waxuuna  hogaamiyeyaasha gobolka Tigray ku tilmaamay kuwo qarankooda khiyaamay.

Muqdisho 3da Diseembar 2020 Dhacdo aad u murugo badan ayaa ka dhacday degmada Kaaraan, kadib markii wiil lagu magacaabo Cabsiiye Caddaan uu hooyadiis oo 70 sano jir aheyd si xun u dilay, isla markaana dhaawacay walaalkiis la dhashay iyo wiil kale oo qaraabo ahaayeen.

Cabsiiye ayaa dilka hooyadiis u adeegsaday tooreey kuna dhaawacay walaalkiis iyo wiilka kale ee qaraabada yihiin, kadib markii ay ku murmeen dhaxal dhul oo uu doonayay Cabsiiye in la iibiyo.

Markii uu falkaasi dilka iyo dhaawaca isugu jira geystay Cabsiiye ayaa waxaa goobta yimid ciidamada booliska degmada Kaaraan, halkaasi oo qeybaha danbe ee lugta kaga toogteen markii uu diiday inuu dhigo mindidada uu hooyadiis ku dilay kuna dhaawacay walaalahiis.

Dhaawac soo gaaray kadib ayaa loola cararay isbitaal Keysaney hase ahaatee saacad kadib ayuu ku geeriyooday dhaawacii soo gaaray. Dadka deegaanka ayaa ku waramay in marxuumka dilay hooyadiis uu ahaa qof maandooriyeysnaa oo balwadaha maskaxda dooriya isticmaalay xiligaasi.

Falalka noocaan ah ayaa mudooyinkii danbe kusoo badanayay guud ahaan dalka Somalia

Baacadweyn 3da Diseembar 2020 Gudoomiyaha deegaanka Bacaadweyn ee hoos taga gobolka Mudug Axmed Daahir Macalin ayaa wareysi ku sheegay in dadka shacabka ah ee dagan deegaankaas ay la dagaalameen Al-Shabaab.

Gudoomiyaha oo la hadlayay idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in dagaalyahanada ay banaanka magaalada ka qaateen gaadiidka ay soo bandhigeen, sidoo kalana ay dhaceen dhimashooyin iyo dhaawac, hase ahaatee ay si xun kaga adkaadeen.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay iney ka qabsadeen tiro qoryo ah iyo gawaari dagaal, sidoo kalana ay jab xun gaarsiiyeen dagaalyahanada uu ugu yeeray maleeshiyaad, wuxuuna qiray in saraakiisha iyo ciidamada dowladda ay soo gaareen iyadoo dagaalka lagu kala baxay.

“Dagaalka ka dhacay Bacaadweyn waxaa galay dadka shacabka, Ciidanka & saraakiishu waxa ay nasoo gaareen markii dagaalka uu dhacay kadib, dadka rayidka ah waxey go’aan ku gaareen sidii ay ka yeeli lahaayeen dadka dhiiggooda baneystay,” ayuu yiri gudoomiye Axmed.

Al-Shabaab waxey soo bandhigeen tiro gaadiid ah oo ay sheegeen iney qabsadeen, balse ma inkirin gudoomiyaha wuxuu sheegay iney duleedka deegaanka ka kaxeysteen.

“Dagaalka ka dhacay Bacaadweyn waxaa ka dhashay khasaare naf iyo maal ah, Gaadiidkaas wuu jiraa in ay wateen, meel ka baxsan Magaalada ayay si kedis ah ugu qaateen.”

Dhanka kale dowladda Federaalka ayaa bogaadisay shacabka deegaanka Bacaadweyn iyagoo sheegay iney garab siiyeen ciidamada dowladda oo khasaare gaarsiiyay dagaalyahanada Al-Shabaab walow wareysiga gudoomiyaha uu ku sheegay in saraakiisha iyo ciidankaba ay soo gaareen mar lagu kala baxay dagaalka.

Muqdisho 3da Diseembar 2020 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan magaalada Muqdisho ka ceyrisay safiirka Kenya ee Soomaaliya, kadib markii ay ku eedeysay xukuumadda Nairobi faro-gelin ka dhan ah arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay noqotay meesha looga soo duulo Soomaaliya, isla markaana laga soo abaabulo qorshayaasha ka dhanka ah dowladda.

Waxa kale oo uu sheegay in Nairobi ay tahay goobta lagu bur-buriyo heshiisyada lagu gaaro gudaha Soomaaliya, iyada oo laga waarido rabashadaha siyaasadeed ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inaysan xukuumaddu ku deg-degin go’aanka Kenya, balse dowladda Kenya ay tallaabadaan oo kale qaaday 16-kii Bishii febaraayo sanadkii 2019-kii, hase yeeshe xukuumadda Farmaajo ay markasta muujineysay biseyl siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Wasiir ayaa imanaya xili ay siyaasiyiinta mucaaridku shirar ku yeeshen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyaga oo markii dambena isugu yimid magaalada Muqdisho oo ay ku qaadaceen guddiyada doorashooyinka.

Mucaaridka ayaa inta badan kulamo iyo shirar ku qabsada dalka Kenya, inkasta oo maalmihii u dambeeyay ay u soo wareegen caasimada Soomaaliye ee Muqdisho, halkaasi oo ay kaga arinsanayeen xaalada cakiran ee dalka.

Midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo shalay war-saxaafadeed ayaa waxay walaac ka muujiyeen isku-dayga uu madaxweyne Farmaajo cadaawadda Kenya ugu adeegsanayo ololihiisa doorashada, si la mid ah sidii uu Ethiopia ugu adeegsaday 2016.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa go’aannada Xukuumadda muddo xilkeedu dhamaanayo ka qaadanayso arrimaha muhiimka ah ee saamaynaya danaha Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta midoobey.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in Goluhu uu u arko go’aanka ay xukuumaddu hoos ugu dhigayso xiriirka Kenya in uu yahay mid loo isticmaalayo olole doorasho ee aan loo xeerin danta qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Goluhu wuxuu madaxweynaha uga digayaa in uu siyaasadda arrimaha debedda dalka u adeegsado olole doorasho, nacayb iyo cadaawadna ka dhex abuuro labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka midowga musharaxiinta.

WARARKA MAANTA 2da Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay Shacabka Soomaaliya ku naceen Madaxweyne Mdane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.2%? Yaa kamid ah musharaxiinta jaggadda madaxweynaha Soomaaiya ee la khaarajin rabo? Maxuu Madaxweyne Farmaajo oo muddo 4 sanno uu ugu dhammaysan rabaa fashil iyo dembiyo uu ka galay dadka, dalka iyo diintaba? Yaa doorasho qaban doona ma #NISA mise #NIEC? Yaa ah mikiilaha xukuummadda fashilantay ee “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxuu Taliyaha  Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA Fahad Yaasin “Daba-Naasle” uga dhigay xarunta laga shaqaalaysiiyo Argagixisada AL-Shabaab? Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.7%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Yaa muwaadin Soomaali ah u dhiibay #Xabashida? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxuu qaban Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan addunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 2da Diseembar 2020 In ka badan 57,000 oo carruur ah oo ku nool Soomaaliya ayaa heli doona waxbarashada aasaasiga ah, Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday, ka dib markii ay heshiis wada gaareen Sanduuqa hormarinta Horumarinta Qatar iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Heshiiska waxaa wada saxiixay Khalifa bin Jassim Al-Kuwari, agaasimaha guud ee QFFD, iyo Abdullahi Abuukar Haji, wasiirka waxbarashada ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qeybka ka qaadanaysa inay kumanaan carruur Soomaaliyeed ah helaan waxbarasho aasaasi ah oo tayo leh.

“Dowladda Qatar waa mid ka mid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee Soomaaliya dhinacyada kala duwan, waxbarashada iyo awood siinta dadka Soomaaliyeed si ay gacan uga geystaan dhismaha iyo horumarinta dalkooda waa mid aad muhiim noogu ah”, ayuu yiri Al-Kuwari.

“Waan ku faraxsanahay taageerada Dowladda Qatar ay siisay dalkeyga sannadihii la soo dhaafay,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Xaaji.

Mashruucan ayaa waxaa ka faa’iideysan doona  carruurta dhigata waxbarashada aas aasiga ee gobollada Puntland, Galmudug, Hirshabeele, Jubaland iyo koonfur-galbeed Soomaaliya.

Muqdisho 2da Diseembar 2020 Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya meel looga soo duulo Soomaaliya kaddib markii uu xumaaday xiriirka siyaasadeed ee labada dal.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka hadlay sababta dowladda Soomaaliya ay dalka uga saartay safiirkii Kenya u dhiyay Muqdisho.

“Magaalada Nairobi waxay noqotay meesha Soomaaliya lagaga soo duulo, lagana noqdo heshiisyada lagu gaaray Soomaaliya, lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed oo ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee dalkeena”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya qoddobadan :

!: In Kenya ay dooratay in ay u Shaqeyso sida rajiimkii  TPLF, isla markaana Ciidamada Kenya ee ka Tirsan AMISOM ay degaano dhowr ah ka

baxeen, iyada aan kala tashi kala sameyn dowladda, sida degaannada Buusaar iyo Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

2: In Kenya ay faragelin joogto ah ku heyso Madaxda Maamulka Jubbaland kuna qasabto arrimo ka dhan ah danta iyo wadajirka Ummada

Soomaaliyeed.

3: in dowladda Kenya ay safarka ku dhibaan Shacabka Soomaaliyeed ee Gobolada ka safra oo ay ku qasbaan baaris dheeraad ah iyo inay maraan Magaalada Wajeer.

4: In Kenya aysan daneyn dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gudaha dalkaas,  sidoo kale ay marti geliso dad aan ka Shaqeyneyn danta Soomaaliya.

5: In dowladda Kenya ay had iyo jeer ay burburiyaan Shirkadaha Ganacsiga dalkeena, iyaga oo burburiya Xarumaha Shirkadaha

Isgaarsiinta sida Hormuud iyo Somtel.

6: In Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay noqotay meel looga soo duulo Soomaaliya sidoo kalena lagala noqdo heshiisyada lagu gaaro gudaha Soomaaliya lagana soo abaabulo rabashadaha siyaasadeed ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda mid sii xumeynaya xiriirka aan markii horeba wanaagsaneyn ee labada dowladdoodKenya iyo Soomaaliya.

Maamulka Puntland  2da Diseembar 2020 Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in xalay ciidamada cusub la geeyey xarunta baarlamaanka ee maamulka Puntland.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Booliiska ee maamulkaasi ayaa amniga xarunta waxa ay kala wareegeen ciidamadii horey u joogay halkaasi, kadib codsi ka yimid xildhibaanada.

Qaar ka mid ah xubnaha golaha wakiilada, gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa dhowaan ka dalbaday madaxweyne Siciid Deni in ciidamo Booliis ah oo dhex-dhexaad ah la geeyo xarunta baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa ciidamada horay u joogay xarunta wax ay sheegeen inay ahaayeen kuwo uu guddoomiyaha u adeegsanayey caburinta xildhibaannada ka aragtida duwan, sida ay hadalka u dhigeen.

Tallaabadan loo qaaday dhanka amniga e xarunta golaha wakiilada ayaa ku soo aadeysa, iyada oo maalin ka hor buuq iyo fowdo ay hareysay kulan ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka dowld goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaas oo lagu kala tegay.

Muqdisho 2da Diseembar 2020 Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in loo hanjabay dhowr qof oo ka mid ah maal-qabeenada ka soo jeeda Beesha Hawiye, kuwaas oo ah ganacsato ka qeyb galay shirkii mucaaradka ku yeesheen hoteel Jaziira ee Muqdisho.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ka hor shirka laga soo wacay lagana dalbaday in aysan ka qeyb gelin shirka, waxeyna dadka soo wacay oo ka tirsan dowladda u sheegeen in laga qaadi doono tallaabo adag haddii ay tagaan.

Ganacsatada oo amarkaas diiday ayaa ka qeyb galay shirka inkastoo ay diideen in la duubo ama la sawiro. Maalmo kadib waxaa la soo wacay xubnihii shirka ka qeyb galay qaarkood waxaana loogu hanjabay in tallaabo laga qaadi doono.

Xubno kamid ah mas’uuliyiin hore oo dhanka amniga ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ganacsatada loogu hanjabay la beegsan doono, waxaana sababta loogu sheegay in ay maal geliyaan musharaxiinta.

“Mucaaradku lacag dibada kama soo gasho mana heestaan hanti balse waxaan xaqiijinay in ganacsato Hawiye oo aad ku jirtid maal geliyaan waxaase mari doontaan wado aan ka soo laabasho laheyn,” ayaa lagu yiri dhowr qof oo ka mid ah dadkii kulankaas tagay waxaana laga wacay taleefono aan la aqoon.

“Numberadu iyo dadkaba waa kala duwan yihiin balse hal qaab iyo hal fariin oo isku mid ah ayaa soo gaartay inta ugu badan,” ayuu yiri mas’uulka aan la hadalnay.

Ma cadda, haddii arrintan ay ahayd mid ku kooban hanjabaad iyo cabsi gelin, iyo inay tahay arrin dhab ah oo ay xigi doonto tallaabo, hase yeeshee ganacsatada qaar ayaa sheegay inay aad u walaacsan yihiin.

Muqdisho 2da Diseembar 2020 War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay nasiib darro tahay in madaxda dowladda federaalku ay weli dhegaha ka fureysanayaan baaqa iyo rabitaanka mas’uuliyiinta gobollada waqooyi ee ku aadan hanaanka loo marayo doorashada xildhibaanada ku metelaya baarlanmaanka afarta sano ee soo socota.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu dhaleeceeyey in xukuumaddu ay ku sii dhiirantahay tababaridda guddi aan sharci lagu soo magacaabin, isla markaana la doonayo in doorashada lagu boobo.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare, siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka beelaha gobollada waqooyi, waxay aad uga xunyihiin, in hoggaanka sare ee dalka iska indha tirayo ilaalinta sharciga iyo hanaanka lagu heshiiyey ee loo dejiyey doorashada dalka.”

“Waxaa nasiib darro ah in xukuumaddu weli ku adkeysaneyso oo ay tababareyso guddi sharci darro ah, iyadoo u jeedku yahay inay qabtaan doorasho ku saleysan boob iyo musuq maasuq,” ayaa lagu yiri warkan oo ka soo baxay xubnaha DF ku metelaya Somaliland oo uu ugu horeeyo guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkan in siyaasiyiinta iyo xildhibaanada gobollada waqooyi aysan marti ka ahaan doonin ka talinta masiirkooda siyaasadeed.

“Hadaba iyadoo la raacayo hanaankii doorashadii dadbaneyd ee 2016-kii iyo waaya aragnimadii laga bartay, doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi waxay u baahatay in loo dejiyo habraac u gaar ah oo la isku waafaqsanyahay,  inta aan la bilaabin doorashada oo qeexaya maamulka iyo hufnaanta hanaanka doorashada,” ayaa yiri warkan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi oo ah masuulka ugu sareeya ee la doortay oo ka soo jeeda gobollada waqooyi uu dejiyey habraac dhameystiran oo loogu tala galay in lagu hago habsami u socoda doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi, isagoo kala tashaday arrintan siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Somaliland.

“Guddoomiyuhu waxuu magacaabay guddi doorasho oo lagu soo xulay wadatashi, buuxiyeyna shuruudaha habraaca loo dejiyey oo qaban kara doorasho u dhacda hab cadaalad ah oo daah-furan,” ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyntii qoraalkan ayaa looga digay qaban-qaabada doorasho aan la isku waafaqsaneyn .

“Waxaan ka cosaneynaa xubnaha madasha wadatashiga doorashada dalka,  musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha, bulshada rayidka ah, iyo waxgaradka Soomaaliyeed inay soo faro-geliyaan oo wax ka qabtaan cadaalad darrada socota” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalkan.

Warkan waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ay soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay u xareysnaayeen tababarka, waxaana xusid mudantahay in xubnaha guddigaas ay ka maqan yihiin metelayaashii Jubbaland iyo Puntland.

Iran 2da Diseembar 2020 Iran ayaa “si toos ah” ula xiriirtay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed toddobaadkii tegay, uguna hanjabtay weerar culus oo jawaab u ah weerar kasta oo Mareykanka ay ku qaadaan Tehran, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye.

Iiraaniyiinta ayaa heegan culus ku jira kadib dilkii Jimcihii loo gaystay sanyisyahankii ugu sarreeyey nukliyeerka dalkaas Mohsen Fakhrizadeh.

Inkasta oo sirdoonka Israel ay si qarsoodi ah ugu sheegteen dilkan xiriir ay la sameeyeen wargeyska New York Times, haddana Iran ayaa sidoo kale rumeysan in laga yaabo in madaxweynaha xilka ka degaya ee Mareykanka Donald Trump uu ku qaadi karo weerar ku ciil bax ah ka hor 20-ka Janaayo.

“Mohammed bin Zayed waxa uu hanjabaad toos ah ka helay Iran. Cidna looma soo marin,” ayuu yiri il-wareed sare oo Imaaraati ah oo la hadlay Middle East Eye.

Sida uu sheegay il-wareedkan, Iran ayaa ku tiri Mohammed bin Zayed “Adiga ayaa mas’uul ka noqon doona khaarijinta Mohsen Fakhrizadeh.”

Imaaraadka Carabta, oo 70km oo dhanka badda Gacanka ah u jirta Iran, ayaa xulufo la ah madaxweyna Trump, waxayna dhowaan xiriir rasmi ah la yeelatay Israel.

Sida uu sheegay il-wareedyo, xiriirka ay Iran sida tooska ah ula sameysay Mohammed bin Zayed ayaa yimid saacado ka hor inta aysan Imaaraadka Carabta soo saarin Axaddii qoraal ay wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ku cambaareysay dilka Mohsen Fakhrizadeh.

Iran ayaa wacad ku martay in jawaab cabiran oo aan lagu degdegin ka bixin doonto dilka Mohsen Fakhrizadeh.

Tehran ayaa rajeyneysa in maamulka cusub ee Mareykanka ee Joe Biden uu wax ka beddeli doono xiisadda Bariga Dhexe, ayada oo la rumeysan yahay in Biden uu doonayo in wada-hadal iyo xal wax lagu dhameeyo, si ka duwan Trump oo ay adeegsadaan Sacuudiga iyo Israel.

Maamulka Jubballand  2da Diseembar 2020 Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad u jeedinayey ururada bulshada rayidka ah ee magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka.

Waxa uu sheegay in Jubaland ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada doorasho dalkan uga dhacda qaabkii lagu heshiiyay, isla markaana ay Jubbaland xaq u leedahay inay maamusho doorashada qeybta ka dhaceysa deegaanadeeda, isagoo xusay in dalka ay astaan u tahay afartii sanaba mar inay doorasho ka dhacdo.

“Waxaan dooneynaa gobolka Gedo in gacanta Jubbaland lagu soo celiy… Waxaan rabnaa inaan Soomaali u hor-seedno doorasho xor iyo xalaal ah, waxaan rabnaa in Jubbaland ay la sinaato dowlad goboleedyada, waxaan Soomaali ka dalbaneynaa inay garta nada qaadaan, anaga iyo madaxda dowladda federaalka, in maamullada dhan ay doorashada qeybtooda qabsadaan, Jubbaland-na la dhaho anagaa u qabaneyna ma xaqbaa? Arrintaas waxgaradka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ayaan u deynayaa inay garteeda qaadaan oo sheegaan waxa Jubaland inta kale ay uga duwantahay,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta hadalada xanafta leh ee ay adeegsanayaan madaxda dowladda federaalka,  kuwaas oo diinta ka saaraya dadka ka aragtida duwan, sidii lagu yaqaanay buu yiri “figradaha xagjirka ah ee argagixisada wax loo dulqaadan karana aanay ahayn.”

“War colaad iyo aflagado waan ka soo daalnay, Shabaab ayaa takfiiri jiray cida ka aragtida duwan oo yiraahda waa waajib in la dilo,  maalmahaan waxaad moodaa in warkaasi uu ka bilaawday Muqdisho, waad maqleyseen maalin dhaweed … Dadkii Shabaabku murtadiinta u yaqaaneen haday A iyo B u kala baxayaan soo dhibaato maaha?,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri “Waxaan leeyahay dowladda Soomaaliya haku ciyaarinina dhuxul dab ah ayaad ku cayaareysaane, wax aadnaan garaneyn ayaad ku cayaareysaan, haku cayaarinina meel aadnaan horay u arkin ayaad maanta ku indha dilaacsateene, haku cayaarinina guriga aad ku jirtaan ee askariga AMISOM ilaaliyo, waxaan leeyahay Soomaaliyey gogol nabadeed isugu imaaw oo tasho, doorashadu sidii ay u dhici jirtay ha u dhacdo.”

Maamulka Puntland  2da Diseembar 2020 Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaaradda Air Jabuuti ay shil ku gashay garoonka magaaladaasi, taas oo sidday rakaab fara badan.

Shilka ayaa yimid, ka gadaal markii ay diyaaradda dhulka ku dhufsatay qeyba dambe, balse waxaa la sheegay in duuliyaha uu dadaalay, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga reebo in waxyeelo ay soo gaartay qeybta dambe ee diyaaraddaas oo laga leeyahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in rakaabkii saarnaa diyaaraddaas ay si nabad ah u dageen.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo laga bixiyey shilkaasi diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa garoomada Soomaaliya ku soo badanayey shilalka diyaaradeed, waxaana ugu dambeysay diyaarad siday qaar ka mid ah madaxda HirShabelle oo shalay ciladowday, taas oo markii dalbe si nabad ah uga soo degtay garoonka Muqdisho.

WARARKA MAANTA 1da Diseembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa mucaaradka ka mid ah oo la khaarajin doonaa? Maxay u wadashaqayn waayeen labada aqal ee golayaasha shacabka? Yaa fashilay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” ma Fahad “Daba-Naasle” Mise Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Maxuu Madaxweyne Farmaajo oo muddo 4 sanno uu ugu dhammaysan rabaa fashil iyo dembiyo uu ka galay dadka, dalka iyo diintaba? Yaa doorasho qaban doona ma #NISA mise #NIEC? Yaa ah mikiilaha xukuummadda fashilantay ee “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxuu Taliyaha  Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA Fahad Yaasin “Daba-Naasle” uga dhigay xarunta laga shaqaalaysiiyo Argagixisada AL-Shabaab? Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.7%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Yaa muwaadin Soomaali ah u dhiibay #Xabashida? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxuu qaban Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan addunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 1da Diseembar 2020 Midowga Musharrixiinta Soomaaliya ayaa xalay isugu yimid wajiga labaad ee shirka musharraxiinta oo lagu soo bandhigay warbixin ka hadleysa xaaladda waddanka iyo maareynta marxaladda doorashada.

Shirkan oo uu guddoomiyey guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Sheekh Shariif waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo Raad-raaca go’aannadii lagu xusay war-saxaafadeedkii Midowga uu ka soo saaray shirkii 6-da cesho uga socday magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa faah-faahiyay qodobada looga hadlay shirka Midowga Musharrixiinta Soomaaliya xalay uga furmay Magaalada Muqdisho.

Ridwaan ayaa sheegay in shirka uu kusoo booqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, islamarkaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka iyo doorka Galmudug.

Ridwaan ayaa sheegay in Qoor Qoor ay u sharxeen go’aanadii kasoo baxay shirkii hore, islamarkaana ay ka dalbadeen inuu fuliyo qodobada kaga aadan, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxaa uu tilmaamay in Galmudug ay u sheegtay in ay diyaar u tahay xoojinta geedi socodka Soomaaliya, islamarkaana ay raadin doonto xal waara.

Qoor ayaa laba habeen ka hor waxa uu Villa Somalia kula kulmay madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Rooble iyo Fahad Yaasiin, waxaana jira warar sheegaya inuu si buuxda u taageersan yahay madaxtooyada.

Muqdisho 1da Diseembar 2020 Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa xalay saq-dhexe toogasho ku dilay nin la sheegay inuu miino ka aasayey xaafadda Nation-ka oo ka tirsan degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ninkaasi xilliga la tooganayey uu gacanta ku watay miino, islamarkaana uu damacsanaa inuu ku aaso Waaxda Horseed ee degmadaasi.

Zeynab Xaabsey oo ah guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda ayaa faah faahin ka bixisay, sida uu u dhacay howl-galkaasi, waxaana ay sheegtay in ciidamadu ay ka hortageen in la aaso qaraxaasi, si loogu waxyeelo dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay u mahad-celineyso ciidamada fuliyey howl-galkaasi iyo dadkii shacabka ahaa ee la soo wadaagay xogta ama la shaqeeyey

Qaraxyada nooca miinada ah oo geysta waxyeelo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba ciidamada dowladda ayaa dhankooda xoojiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee caasimada oo marti-gelin doonto doorashada soo socota ee 20/21

Maamulka Puntland 1da Diseembar 2020 Kadib go’aankii xalay ka soo baxay madaxweynaha Puntland, Mduane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ee ahaa in canshuuraha deegaanada maamulkaasi lagu qaado lacagta Doller-ka Mareykanka ah ayaa waxaa arrintaasi ka dhalatay caro dadweyne iyo dibad-baxayo maanta ka billowday deegaanada Puntland.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay magaalooyinka waa weyn sida, Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, kuwaas oo si isku mid ah uga soo horjeeday amarka Deni.

Dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah hoggaanka maamulkaasi, iyaga oo ku eedeeyey inuu uga sii darayo sicir bararka baahsan ee ka jira halkaasi.

Arrinta ugu ee ay salka ku heyso xiisadan ayaa ka soo billaabatay, kadib markii ganacsatada waa-weyn ay ka biyo diideen qaadashada lacagta shillinka Soomaaliga ah, halka kuwa yar yarna ay kasoo horjeesteen adeegsiga lacagta Dollerka Mareykanka ah.

Sidoo kale xeel-dheerayaasha dhanka dhaqaalaha ayaa rumeysan in go’aankan uu uga sii dari karo xiisada dhaqaale ee ka taagan Puntland.

Si kastaba go’aanka xalay kasoo baxay madaxweynaha dowlad goboledka Puntland ayaa maanta oo ay ku beegan tahay 1-da December ka dhaqan-galay maamulkaasi.

Muqdisho 1da Diseembar 2020 Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq ayaa markii u horeysay aragti dabacsan kaga fal celiyay xaalada dagaal ee ka taagan dalka Itoobiya, xili uu Farmaajo taageero buuxda la garab istaagay howl-galka millateri ee toddobaadyadii u dambeeyay ka socday dalka Itoobiya.

Wasiirka, oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay inaysan marnaba xukuumadda Soomaaliya aysan u sacabo tumeyn dagaalo saameyn ku yaalanaya gobolka, isla markaana ay markasta ka qeyb ka qaadanayso xasiloonada mandaqada.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladda federaalku ay faro-gelin ku sameynayn xaaladaha ka taagan gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, sida uu hadalka u dhigay.

“Aragtida ay dowladda federaalka ka qabi karto wax ka socda dal kale gudihiisa ma jiraan, oo aan ka aheyn in aan wal-wal ka qabno dal deris nala ah oo xaalado dagaal ay ka jiraan, ma jeclin in khilaaf siyaasadeed uu ku yimaado Itoobiya, sida aan anagaba u jecleyn,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa keliya muujiyay wal-walka xukuumadiisa ee ku aadan in dagaalka Itoobiya uu sameeyo gobolka, isagoona ka gaabsaday inuu taageero u muujiyo dhinacyada ku dagaalamaya dagaalkaasi ee dowladda dhexe iyo maamulka TPLF.

Sidoo kale waxa uu wasiirku beeniyay inay jiraan ciidamo Soomaali ah oo ka qeyb qaatay dagaalkaasi, taasi oo uu ku tilmaamay “mid aan aheyn caqli-gal”.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa hore garab istaag ugu muujiyey howl-galka millateri ee dowladda federaalka Itoobiya ay ka wado gobolka Tigray, kaasi oo ay dhawaan xukuumada Abiy ay sheegtay inuu soo gaba-gaboobay.

Muqdisho 1da Diseembar 2020 Waxaa dib u dhac uu ku yimid jadwalkii doorashada ee xildhibaanada aqalka sare ee horey loo soo saaray, kadibkii heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Qorshaha ayaa ahaa in 1 December ee 2020-ka oo maanta ku beegan in ay dowlad goboleedyada dalka ka bilaabato doorashada xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya aqalka sare, balse fashil ayaa ku yimid jadwalkii horey loo shaaciyey, sida uu muuqata.

Illaa iyo hadda ma jirto tallaab loo qaaday dhaqan-gelinta jadwalkaasi oo lagu caddeeyey in doorashada aqalka sare ay dhaceyso 1- da illaa 10-ka bisha December.

Sababta ayaa waxaa lala xiriirinayaa khilaafka ka taagan dhismaha guddiyadda doorashooyinka dalka oo ay walaac ka muujiyeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka. Sidoo kale arrinta labaad ee dib u dhigtay jadwalkan ayaa ah in aysan weli maamullada Jubbaland iyo Puntland soo magacaabin guddiyadii doorashada ee heer dowlad goboleed, kuwaas oo mas’uul ka ahaa doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka Soomaliya.

Si kastaba dib u dhacaan ayaa saameyn ku yeelanaya doorashada 2020/21, oo horey jadwalkeeda loo soo saaray, waxaana weli jira is-mari waa ka taagaan hannaankeeda.

Addis Ababa 1da Diseembar 2020  Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa eedeyn culus u jeediyey hoggaanka TPLF ee dagaalka kula jira ciidamadiisa.

Abiy Axmed oo warbixin siinayey baarlamaanka Itoobiya ayaa ku eedeeyey TPLF inay sumeeyeen janaraal ka tirsan ciidamada militeriga ee dalkaasi, kaa oo ka howl-galayey saldhig ku yaalla gobolka Tigray, ka hor inta aysan bilaaban dagaallada labada dhinac.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in janaraalka la sumeeyey oo lagu magacaabo, Diriba Mekonnen uu dhibkii kasoo gaaray sunta uu ilaa iyo hadda kasoo kici la’ayahay isla markaana uu shaqada ku laaban waayay, tan iyo markii la sumeeyey

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in sarkaalkaas la sumeeyey, kaddib markii uu lasoo qadeeyey madaxda TPLF.

Maamulka Jubbaland  1da Diseembar 2020 Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ugu talogalay colaad sokeeye oo ay galaan maamulkaas, balse uu ku fashilmay kadib doorashadii Axmed Madoobe.

Wasiirka wuxuu sheegay in Farmaajo uu si cad u diiday inuu wadahadal la galo Axmed Madoobe, tiiyoo uu ku tilmaamay xarigii loogu geystay Muqdisho iney daba socoto markii uu diiday qorshahiisa.

Sidoo kale marka la tixraaco sheegashadiisa Janan wuxuu qiray inuu taleefoon kula hadlay madaxweyne Farmaajo bartamahii sanadkii lasoo dhaafay, waxaana u xigay kulan uu Fahad Yaasiin kula yeeshay Nairobi taasoo ay ka dhalatay in lagu balamo magaalada Muqdisho.

Isagoo ka qeyb galayay Barnaamijka Hanoolaato ayuu sheegay inuu kulan afara saacadood socday la qaatay Farmaajo isla markaana ay isku fahmii waayeen qorshayaasha loo soo bandhigay oo ay ka mid aheyd sida uu sheegay inuu usoo gacan galiyo gobolka Gedo, si xildhibaano taageersan looga soo saaro halkaas.

Janan wuxuu barnaamijka u sheegay isagoo ka feejigan iska horkeenka labada beelood ee Mareexaan iyo Ogaadeen ayuu diiday go’aankaas sida uu sheegtay, wuxuuna carabka ku dhuftay in madaxda dalka iyo taliyaha nabad-sugidda ay arinkaas hogaaminayeen.

Wasiirka Amniga wuxuu intaas ku daray in Farmaajo uu isku dayay inuu colaad ka dhex abuuro Jubbaland isagoo adeegsanaya odayaal ay isku beel yahiin, wuxuuna sheegay in arinkaas darteed uu u laalay qorshayaashii loo soo bandhigay.

Muqdisho 1da Diseembar 2020 Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacaka baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ka soo jeeda Galmudug ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulkaasi, Axmd Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Mahad Salaad oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa shaaca ka qaaday in Qoor Qoor uu ka mashquulay arrimaha Galmudug, siiba dhinacyada ammaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug uu muddo bil ah u dhexeeyey magaalada Muqdisho iyo dalka Turkiga, islamarkaana uusan waxba u qaban dadkiisa.

“Madaxweyne Qoor Qoor mudo bil ah Xamar, Istanbul iyo Xaafiiska Fahad Yaasiin ayuu u kala gooshayaa,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ammaanka Galmudug uu faraha ka sii baxay, islamarkaana ay isugu darsameen dagaallada Al-Shabaab iyo colaad beeleedyo.

Tusaale wuxuu u soo qaatay amin xumo uu sheegay inay ku soo kororto wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel iyo sidoo kale weeraradii ugu dambeeyey ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha maamulka Galmudug ee Ugaas Nuur.

Degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug weerar shalay Alshabaab ku qaadeen waxay ku dileen shacab iyo ciidan kor u dhaafaya 40 meeyo. Gaadiid dagaalna (Tikniko) waa ku qabsadeen.

Wadada Guriceel iyo Dhuusamareeb isku xirta dhowr iyo toban sano kadib waa markii ugu horaysay oo dadka shacabka ah cabsi Alshabaab la’mari waayaan. Mas’uul xil hayana warkiisaba daay. Taliyaha Xooga Gen Odowaa waa tii maalmo kahor miinada loo geliyay Ilaaheyna ka badbaadiyay.

Airport ka Dhuusamareeb Alshabaab dhowr mar ayay duqeeyeen, diyaaradii Madaxweyne Qoorqoor sidayna dhowr asbuuc kahor waa tii gantaalaha lidka diyaaradaha ku garaaceen mudo yar kadib markii ay ka duushay airport ka Dhuusamareeb.

Ugu yaraan siddeed (8) furimood oo Galmudug dhexdeeda ah waxa ka socda dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo reer Galmudug ah oo ay ugu horeeyaan kuwa uu ka dhashay Madaxweyne Qoorqoor iyo kuwa ka soo jeeda caasimada Galmudug Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor mudo bil ah Xamar, Istanbul iyo Xaafiiska Fahad Yaasiin ayuu u kala gooshayaa, deegaankii loo doortayna waxaas oo dhibaato ah ayaa kajira, maantana magaalada dhexdeeda ayuu ku soo dhajistay boor ay ku qorantahay GALMUDUG WARANKII YAANBAY KA TUMATAY!

WARARKA MAANTA 30ka Nofeembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay tahay sababta loo eryey/cayriyey Safiirka #Kenya ee #Soomaaliya? Yaa Madaxweyne ka noqonaya #Soomaaliya ma qof siyaasadda iyo hoggaanka daka horay ugu soo fashilmay sida Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” mise qof aan dembi ka soo gelin dadka, diida iyo dalka? Yaa fashilay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” ma Fahad “Daba-Naasle” Mise Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Maxuu Madaxweyne Farmaajo oo muddo 4 sanno uu ugu dhammaysan rabaa fashil iyo dembiyo uu ka galay dadka, dalka iyo diintaba? Yaa doorasho qaban doona ma #NISA mise #NIEC? Yaa ah mikiilaha xukuummadda fashilantay ee “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxuu Taliyaha  Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA Fahad Yaasin “Daba-Naasle” uga dhigay xarunta laga shaqaalaysiiyo Argagixisada AL-Shabaab? Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.7%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Yaa muwaadin Soomaali ah u dhiibay #Xabashida? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxuu qaban Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan addunka? Ha wiqleyso!

Maamulka Jubbaand 30ka Nofeembar 2020 Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in aysan gudbin doonin gudiyada doorashada ee laga sugayo inta laga fulinayo ayuu yiri heshiisyadii iyo balanqadyadii ay horey u sameysay dowladda dhexe ee Federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in aysan wali fulin heshiisyadii ahaa in gobolka Gedo loo madax-bannaaneeyo dowlad gobolleedka Jubbaland ka hor doorashada, isaga oo sheegay in dowladda dhexe dabacsan tahay in ay iskeed u maamulato doorashada la filayo in ay ka dhacdo  gobolka Gedo.

”Annaga waxeynu rabnaa in marka hore gobolka gacanteena lagu soo celiyo, dowladdu iyada ayaa ka baxday heshiiskii horey aynu galnay, mas’uuliyada arintanna iyada ayaa qaadeysa ayuu yiri” Maxamuud Siyad Aadan. 

Ma’aha gobolka Gedo oo kaliya sidoo kale Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in dowladda federaalka si guud ugu tumaneyso sharciyadii lagu heshiiyay ee  doorashada oo ay aheyd in laga qeybgalo dhinacyada ay quseyso oo idil, sida siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo si gaar ah u soo qaatay xadgudub uu sheegay in lagu sameeyay guddiyada doorashada gobollada Waqooyi..

”Waa in dhamaan qaladaadka ka jira dhinaca doorashada la saxaa sida guddiyada hadda dhisan oo qeylo badan ka soo yeertay sida guddiyada gobollada Waqooyi oo ay aheyd in loo madax-bannaaneeyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Jubbaland iyo dowladda dhexe ee federaalku muddo dheerba ma fiicneyn xiriirkooda tan iyo wixii ka danbeeyay doorashadii Axmed Madoobe oo aydowladda ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Beledweyne 30ka Nofeembar 2020 Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa salaadii Cishaha ee caawa kadib ka bilaawday banaanbaxyo xoog leh oo rabshado wata, kuwaas oo dadka dhigaya ay ku qeylinayaan erayo ka dhan ah maamulka cusub ee HirShabeelle.

Sidoo kale koox hubeysan ayaa fiidkii hore ee caawa xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baledweyne ku dishay Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur oo loo yaqiinay (Xasan Tiyeegoow) waxaana goobta ka baxsaday raggii geystay dilkaas.

Dadka mudaharaadaya ayaa ka careysan xarig loo geystay xubno ganacsato ah oo lagu eedeeyey horinta banaanbaxyadii shalay ka dhacay magaalada, kuwaas oo lagu diidanaa in la weeraro jabhadda ku sugan duleedka Beledweyne ee uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xuud.

Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa caawa aad u kacsan, waxayna dadka banaanbaxaya gubayaan taagyaro, qaar ka mid ah dadkaasna waxay Caasimada Online u sheegeen in laga cabsi qabo in dabku qabsado goobaha ganacsiga iyo dhismayaasha magaalada.

Sidoo kale qeybo badan oo ka mid ah magaalada waxaa caawa laga maqlayaa rasaas, waxaana haatan Beledweyne ku sugan madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed.

Dadka reer Beledweyne ayaa gadoodsanaa tan iyo markii la gudaga galay dhismaha maamulka cusub ee HirShabelle, waxayna haatan diidanyihiin in Madaxweynaha la doortay Cali Guudlaawe uu tago magaalada Beledweyne

Sacuudiga 30ka Nofeembar 2020 Boqortooyada Sucuudiga Carabiya ayaa shaacisay in la bilaabay baaritaanka lacag lagu qiyaasay 325 milyan oo dollar, taas oo ay lunsadeen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga dalkaas.

Wakaaladda ka hortagga musuq maasuqa ee dalka Sacuusiga ayaa sheegtay in dadka baaritaanka lagu hayo ay ka mid yihiin mas’uuliyiin iyo ganacsato waa weyn.

Sidoo kale dadka lagu hayo baaritaankan musuq maasuqa la xariira waxaa kamid ah xubno ka tirsan wasaaradaha maaliyadda, caafimaadka iyo waxbarashada ee Boqortooyada Sacuudiga.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga ayaa sheegtay in la xaqiijiyey in “dhawr sarkaal iyo shaqaale rayid ah oo ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga lagu helay falal lunsi maaliyadeed ah oo shaki leh iyo sidoo kale in lagu helay laaluush iyo ku takri fal awoodeed oo ay dadkaasi awoodooda u adeegsadeen in ay lunsadaan lacag dhan 229 bilyan oo Riyaal.”

Warbixinta wakaaladdu waxay intaa ku dartay in “48 qof la baaray lana ogaaday in 44 ka mid ah maxkamad la soo taagi doono, sidoo kalana haatan laga shaqaynayo sidii lacagtaa ay lunsadeen loogu soo celin lahaa khasnadda dawladda”.

Waayadan dambe ayaa dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, wuxuu ku faanayey in uu wado olole ballaaran oo ka dhan ah musuq maasuqa, kaas oo ka bilaawday dalkaas, isagoo sheegay inuu taas muhiimadda koowaad siinayo.

Sannadkii 2017-kii ayaa boqolaal qof oo isku jira amiirro, wasiirro iyo ganacsato lagu xiray hoteel ku yaalla magaalada Riyadh, si loogu qasbo in ay lacag malaayiin dollar ah ugu bedeshaan xorriyadooda.

Hoos u dhaca sicirka saliidda, dagaalka Sucuudigu ka wado Yemen iyo duruufo dhaqaale oo kale oo dalkaa ka jira, ayaa khubarada dhaqaaluhu sheegayaan in ay kellifeen in hoos u dhac dhaqaale soo food saaro dalka Sucuudiga.

Xukuumadda ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo ay doonayso in ay ku kordhiso dakhliga, iyadoo la seddax laabay cashuurta iibka ee saaran badeecadaha dadku iibsadaan.

Tallaabadaas ayaa qayb ka ah qorshaha tashiilka ee la doonayo in lagu bari-taaro dhaqaalaha dalka oo Coronavirus ku dhaawacmay.

Sidoo kale Xukuumadda Riyaad ayaa sheegtay in ay joojinayso gunnadii maciishadda ee ay siin jirtay shacabka, si loo yareeyo kharashka dowladda.

Dalkan saliidda hodanka ku ah ayaa tan iyo intii sicirka shidaalka ee caalamku dhulka galay Corona awgii, waxaa burburay dhaqaalihiisii.

Maamulka Puntland 30ka Nofeembar 2020 Beesha Caalamka ayaa war ka soo saartay kulankii shalay xubno uu hoggaaminayey ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga ay magaalada Garowe kula yeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Qoraalka beesha caalamka ayaa looga hadlay arrimaha doorashada guud ee dalka iyo xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyagoo fariin u diray labada dhinacba.

Wakiil ku xigeenka Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Raisedon Zenenga ayaa sheegay in booshadii ay shalay ku tageen Garowe kuwii ka horeeyey ay ku tageen Baydhaba iyo Dhuusamareeb, dhawaana ay tegi doonaan Kismaayo iyo Jowhar, six al buuxa looga gaaro arrimaha doorashada iyo wada shaqeyn yarida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Waxa uu sheegay in kulankii ay la qaateen Madaxweynaha Puntland ay uga wadahadleen muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

“Waxaa dhiirigeliyay soo nooleynta wadahadalka ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, bilihii la soo dhaafay. Tani waxay ku lug lahayd in Madaxweyne Deni uu kaalin firfircoon ka qaatay shirarkii isdaba jooga ahaa ee ka billowday magaalada Dhuusamareeb bilihii Luulyo iyo Agoosto, taasoo horseeday shirarkii wadatashiga ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho bilihii Sebtembar iyo Oktoobar, markaas oo la isla gaaray heshiiskii qaabka doorashada,” ayuu yiri Raisedon Zenenga.

Si loo xaqiijiyo in doorashooyinka qaran ay ku sii socdaan qorshihii loogu talagalay, waxa uu sheegay inay lagama maarmaan u tahay in wadahadalladu ay sii socdaa. Isagoo balan qaada in beesha caalamku ay ka shaqeyn doonto iskaashi dhinacyada Soomaaliya midba midka kale uu la yeesho, inta lagu jiro diyaar garowga doorashada.

“Waxaan rumaysanahay in dib-u-billaabidda wada-hadalladaas, oo joogto ah, ay gacan ka geysan karto xallinta arrimaha taagan. Waxaan rajeynaynaa inaan ku nuuxnuuxsano in qaabka doorasho ee lagu heshiiyay aan dib loo furin laakiin waa in loo hirgeliyo si la aqbali karo, lagu kalsoonaan karo oo daahfuran,” ayuu yiri ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “waxaan adkeynaynaa in tan ay ka mid noqon doonto in la xaqiijiyo in matalaadda qoondada haweenka boqolkiiba 30 ee doorashooyinka baarlamaanka iyo guddiyada hirgelinta laga miradhaliyo, iyo in wixii tabasho ah ee la xiriira xubnaha ka mid noqonaya guddiyada soo xulista ergada, guddiyada doorashada, guddiga Somaliland iyo Gedo lagu xalliyo is afgarad, laguna gaaro qaab lagu xaqiijinayo in guddiyadu aysan dhinacna u janjeerin taasina, taasina waxay ogolaanaysaa matalaad cadaalad ah oo kala duwan.”

Waxa uu sheegay inay rajeyneyaan in Puntland iyo dhammaan dowlad goboleedyadu ay dhowaan soo magacaabi doonan min sideeda xubnood ee ku meteli doona guddiyada doorashada, sidoo kalena baarlamaan goboleedyadu ay billaabi doonaan u diyaar garowga doorashadooda ee xubnaha Aqalka Sare.

“Dhanka arrimaha kale ee mudnaanta leh, waxaan sidoo kale Puntland iyo dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ku dhiirrigelinaynaa inay la hadlaan Dowladda Federaalka si ay heshiis uga gaaraan tallaabooyinka xiga ee ku aaddan Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah, iyo barnaamijka 2021 ee maamulka cusub ee la filayo,” ayuu yiri ku xigeenka wakiilka QM Raisedon Zenenga.

Muqdisho 30ka Nofeembar 2020 Go’aanka Soomaaliya ayaa yimid, ayada oo saraakiisha dowladda Kenya ay dhowaan muujinayeen inay doonayaan in Soomaaliya kala hadlaan ganacsiga, iyo fududeynta dhaq-dhaaqyada shacabka, xilli Soomaaliya ay mamnuucday jaadka Kenya.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo ku dhowaaqay go’aanka Soomaaliya ayaa yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray.”

Kenya 30ka Nofeembar 2020 Dowladda Kenya ayaa jawaab kooban ka bixisay go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku ceyrisay safiirkii Kenya ee Muqdisho, uguna yareetay midkii Soomaaliya ee Nairobi.

Go’aanka Soomaaliya ayaa yimid ayada oo dowladda federaalka ay Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in Nairobi “ay ka xun tahay” go’aanka ay dib ugu u yeeratay safiirkeeda, wuxuuna ballan-qaaday in labada dal ay arrintan uga wada-hadli doonaan hab diblomaasiyadeed.

“Waxaan arrintan uga jawaabi doonnaa marinnada rasmiga ah, sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Mr. Kamau.

Go’aanka Soomaaliya ayaa yimid, ayada oo saraakiisha dowladda Kenya ay dhowaan muujinayeen inay doonayaan in Soomaaliya kala hadlaan ganacsiga, iyo fududeynta dhaq-dhaaqyada shacabka, xilli Soomaaliya ay mamnuucday jaadka Kenya.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo ku dhowaaqay go’aanka Soomaaliya ayaa yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray.”

WARARKA MAANTA 29ka Nofeembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa Madaxweyne ka noqonaya #Soomaaliya ma qof siyaasadda iyo hoggaanka daka horay ugu soo fashilmay mise qof aan dembi ka soo gelin dadka, diida iyo dalka? Yaa fashilay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” ma Fahad “Daba-Naasle” Mise Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Maxuu Madaxweyne Farmaajo oo muddo 4 sanno uu ugu dhammaysan rabaa fashil iyo dembiyo uu ka galay dadka, dalka iyo diintaba? Yaa doorasho qaban doona ma #NISA mise #NIEC? Yaa ah mikiilaha xukuummadda fashilantay ee “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxuu Taliyaha  Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA Fahad Yaasin “Daba-Naasle” uga dhigay xarunta laga shaqaalaysiiyo Argagixisada AL-Shabaab? Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.7%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Yaa muwaadin Soomaali ah u dhiibay #Xabashida? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxuu qaban Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan addunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 29ka Nofeembar 2020 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kulan degdeg ah isugu yeeray laamaha amniga eenka howlgala magaalada Muqdisho, kadib qaraxii xalay ka dhacay maqaayadda Gelato Divino, oo lagu dilay sideed dhallinyaro.

Rooble ayaa saraakiisha ammaanka ka dhageystay warbixin la xiriirta amniga dalka, gaar ahaan falkii xalay lagu beegsaday dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, wuxuuna siiyey amaro la xiriira amniga.

Intaas kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey laamaha ammaanka in ay waajib ku tahay ilaalinta nafta iyo maalka bulshada, isagoo ku amray inay xoojiyaan howlaha sugidda ammaanka caasimadda.

“Waxaa laga sugayaa hey’adaha amniga in ay sii dardar geliyaan dadaallada lagaga hortagayo falalkan xasuuqa ah ee cadowgu ay soo maleegayaan. Argagixisadu waa sii tabar darreynaysaa maalinba maalinta ka danbeysa, kaddib markii ciidamadeenna geesiyaasha ah ay si mugleh uga shaqeeyeen amniga xilli aan furnay jidadkii magaalada,” ayuu yiri Rooble.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka dhegaystay wasiirka amniga iyo taliska ciidanka xoogga dalka warbixinno la xiriira amniga iyo howgallada lagu xoojinayo, isagoo faray in la sii dardargeliyo si aysan cadowgu uga faa’iideysan.”

Mas’uuliyiinta ayaa la wadaagay ra’iisul wasaaraha gurmadka caafimaad ee loo fidideyey dhaawacyadii qaraxii xalay.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaan dadkii ku dhaawacmay falkan wuxuushnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku shahiiday, ehelkoodana uga tacsiyeeyey” ayaa lagu yiri qoraalka.

Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa xalay beegsaday dhalinyaro ku sugneed maqaayad ku taalla meel aan ka fogeyn isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku geeriyootay todoba qof oo dhamaantood ahaa dhalinyaro aqoonyahano ah, halka ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Muqdisho 29ka Nofeembar 2020 Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah uu xalay madaxtooyada Soomaaliya ku dhex-maray madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo madaxwenaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, iyo Fahad Yaasiin oo ah taliyaha nabad-sugidda, kuwaas oo la shiray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Inkasta oo aysan caddeyn wax rasmiga ah ee kulanka looga hadlay, haddana saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa Warbaahinta  u sheegay inay u badan tahay in looga xaajooday arrimaha doorashada, gaar ahaan guddiyada muranka dhaliyey ee musharaxiinta mucaaradka ay kasoo horjeesteen.

Kulanka ayaa imanaya laba maalmood kadib markii mucaaradka ay dalbadeen in guddiyadaas wax laga beddelo, sidoo kalena uu is-casilo Fahad Yaasiin, iyo qodobo kale oo dhowr ah.

Qoor Qoor ayaa horey uga ballan-qaaday musharaxiinta mucaaradka inuu beddelayo guddiyada doorashada ee Galmudug, oo la rumeysan yahay inay soo magacowday dowladda federaalka, balse uu magaciisa un ka saxiixay, balse wuxuu shuruud ka dhigay in maamullada kalena ay sidaas oo kale ay sameeyaan.

Si kastaba, kulankii xalay ka dhacay Villa Somalia ayaa meesha ka saaraya rajadii yareyd ee laga qabay in Qoor Qoor uu kusoo laabto dhex-dhexaadnimo kana soo baxo gacanta Villa Somalia, mana cadda sida ay mucaaradka ugu kalsoonaan karaan tallabo kasta oo uu qaado hadda kadib

Muqdisho 29ka Nofeembar 2020 Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Somalia iyo doorashooyinka, kadib wareysi uu siiyey Telefishinka Al-Jazeera.

James Swan ayaa wareysigan ku sheegay inay muhiim tahay doorashada soo socota lagu qabto waqtigii oo la asteeyey oo ah dhammaanka sanadkan iyo kan xiga ee 2021.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la dhaqan-geliyo heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ku aadan doorashooyinka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo sii hadlayey ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha uu yahay in dhammaadka sanadkan diyaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay inay taasi tahay howsha ugu culus oo haddii laga gudbo doorashada madaxweynaha fududeyneyso.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey jeediyay in si wadajir looga shaqeeyo ilaalinta nabad-galyada iyo in laga wada-shaqeeya doorashada oo afartii sanaba mar la qabto.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli is-mari waa uu ka taagan yahay arrimaha doorashada, gaar ahaan guddiyadeeda oo ay walaac ka muujiyeen midowga musharaxiinta.

Muqdisho 29ka Nofeembar 2020 Midowga musharraxiinta ee u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ee 2020/2021 ayaa haatan kulan xasaasi ah waxa ay ku leeyihiin hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, kaas oo ah mid deg-dg ah.

Kulankan oo ay inta badan ka qeyb-galayaan musharraxiinta dhowaan is-baheysiga sameyntay ayaa waxaa ay kaga hadlayaan waxyaabihii soo kordhay todobaadkan.

Musharraxiinta ayaa si gaar ah diirada u saaraya xaalada cakiran ee doorashooyinka, adkeynta nabad-gelyada iyo sidii ay u xoojin lahaayeen walaaca ku aadan doorashada.

Ilo ku dhow kulankaas ayaa sidoo kale Warbaahinta  u sheegay in midowga musharraxiinta ay qorsheynayaan inay sameeyaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo hor leh, sida banaan-baxyo iyo kulamo siyaasadeed oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah musharraxiinta ayaa sidoo kale laga dhageysan doonaa warbixino ku aadan safaro ay ku bixiyeen qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, waxaana ka mid ah xubnahaasi Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka soo laabtay magaalada Baydhabo.

Sidoo kale wuxuu kulankan ku soo aadaya, iyada ay cirka isku sii shareertay xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda oo maalmihii u dambeeyey hawada isu marinayey dhaliilo xoogan iyo cambaareyn uu midba midka kale u jeeinayo.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa weli cakiran, waxaana muran xoogan uu ka taagan yahay guddiyada doorashada ee ay horey ugu dhowaaqday xukuumadda Soomaaliya

Beledweyne 29ka Nofeembar 2020 Waxaa cirka isku sii shareeraysa xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ee u dhaxeysa ciidmada dowladda federaalka iyo jabhad uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud, iyadoo saakay duleedka magaalada Beledweyne uu ka dhacay dagaal dhex maray labada dhinac.

Jeneraal Xuud oo la hadlay BBC isaga oo ku sugan deegaanka Ceelgaal ee duleedka magaalada Beledweyne ayaa sheegay in maamulka cusub ee HirShabeelle uu ku dhisanyahay sharci darro.

“Maamulka HirShabeelle markii horaba sharci darro ayaa lagu dhisay, iyadoo ay sidaa tahay ayaa hadana la baalmaray heshiiskii hore ee dhinaca awood qeybsiga, kaas oo ahaa in madaxweynuhu ka yimaado gobolka Hiiraan” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay baalmartay heshiiskii markii hore lagu aas-aasay HirShabeelle, isagoo tilmaamay in taas aysan arbali doonin dadka reer Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa mas’uul ka ah arintaan dowladda dhexe ee federaalka oo ujeedada ay ka leedahay oo kaliya tahay in ay halkaa ka hesho xildhibaano marka dambe iyaga dib u soo doorta” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay dhinacyada ay khuseyso uu kala hadlay arrintan, balse xalkeeda cid kala xaajoota uusan weli helin.

“Waxaan la hadalnay doorashadii Jowhar ka dhacday ka hor, laakiin ninkan madaxweynaha sheeganaya waxuu nagu yiri aniga Nabad iyo Nolal ayaa i wadata, marka anigu Cali Guudlaawe madaxweyne uma aqaan, mana iman karo Beledweyne, waxaana leeyahay war iga joog Allahaa haduu Alle yahay” ayuu yiri Abuukar Xuud.

Waxa uu sheegay in uusan hadda dagaal diyaar u aheyn, balse cidii soo waararta uu iska difaaci doono, “Anigu waxaan diyaar u ahay in la wadahadlo oo xaqa meeshaas ku jira banaanka loo soo saaro” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Hadalka Jeneraalkan hoggaaminaya jabhadda ka aas-aasantay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta banaanbax looga soo hor jeedo weerarkii ay jabhadiisa ku qaadeen ciidamada dowladda federaalka uu ka dhacay magaalada Beledweyne.

Dadkii banaanbaxa dhihayey ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah maamulka cusub ee HirShabelle iyo madaxweyne Farmaajo, iyagoo si gaar ah madaxweyne Farmaajo ugu guudiyey inay Villa Somalia ugu tegayaan hadii tabashadooda aan wax laga qaban, sida ay sheegeen.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa beeniyey in maanta magaalada Beledweyne uu ka dhacay banaanbax looga soo hor jeedo HirShabeelle.

Sidoo kale Yuusuf Dabageed ayaa beeniyey in ciidamada dowladda federaalka ay saakay ku duuleen deegaanada ay ku suganyihiin maleeshiyada uu hoggaamiyo Jenaraal Xuud.

“Korneyl Xuud ilma adeer ayaan nahay, korsiga uu u doonayo waa midka aan ku fadhiyo, aniguu Alle ii calfay, isaguna ha sugto, markii Alle u calfo waan kula shaqeyn doonaaye” ayuu yiri Dabageed.

South Africa 29ka Nofeembar 2020 Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay dil iyo dhaawac u geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa gudaha dalkaasi, kuwaas oo ganacsiyo ku lahaa halkaasi.

Weerarkan oo lagu beegsaday saddex dukaan ayaa ka dhacay magaalada Port Elizabeth ee gobalka Eastern Cape, iyada oo halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed, halka lagu dhaawacay mid kale oo lagu magacaabo Sayid Cali, kaas oo la dhigay isbitaalka.

Sidoo kale kooxaha burcadda ee u fuliyey weerarkaasi ayaa boob u geystay dukaamo ay lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku yaalla dalkaasi.

Mid ka mid muwaadiiniinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in meydka & dhaawac mar dambe  goobta ka qaadeen, waxaana meesha gaaray ciidan ka tirsan kuwa Booliiska.

Saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa sheegay inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, inkastoo aan gacanta lagu soo dhigin raggii ka dambeeyey.

Koonfur Afrika waxaa muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida oo dil, dhaawac iyo boob kala kulmo koox burcad Afrikaan ah.

Muqdisho 29ka Nofeembar 2020 Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlayey Telefishinka Universal ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020 illaa 2021-ka.

Dubbe ayaa si gaar ah uga hadlay dib u dhac ku yimaada doorashada, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya, wuxuuna eeda ugu weyn dusha ka saaray qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Wasiirka warfaafinta ayaa shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay la soo daaheen soo dirista xubnaha ku metalaya guddiyada doorashooyinka dalka.

“Wax kasta oo gaabis ah oo yimid xagga xukuumadda kama imaan, waxay ka yimaadeen maamullada qaar oo aan soo dirsan gudii\yada waqtigii loogu talagalay,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaaka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cabaqada labaad ee dib u dhaca keentay inay tahay soo dhisida xukuumadda iyo la wareegida howlaheeda shaqo oo uu hoosta ka xariiqay inay ka dambeeyeen heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho.

Ugu dambeyn wasiira Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda federaalka ay ka go’an tahay sidii ay dalkan uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Doorashada soo socota oo isugu jirta tan iyo baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa waxaa hareeyey buuq siyaasadeed, iyadoona haatan ay dood adag ka taagan tahay dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka oo ay walaac ka muujiyeen musharraxiinta.

Jubbaland State 29ka Nofeembar 2020 Wasiirka amiga dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixiyey kulamo qarsoodi ah oo uu si gaar gaar ah ula qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) & taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Janan oo wareysi gaar ah siiyey Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Fahad Yaasiin uu ka dhacay isla Kenya, bishii March ee sanadkii 2019-kii, islamarkaana uu kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda Jubbaland, gaar ahaan iska horkeen uu sheegay inuu doonayey in lagu sameeyo qabaa’illada dega maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii uu arrintaasi sameeyo in loo ballan qaaday in meesha ay ka saarayaan dacwadda isaga loo heysto.

Wasiirka amniga Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday kulan kale oo dhex-maray isaga madaxweyne Farmaajo, kaas oo xilli habeen ah ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta nabad-sugida, sida uu ku sheegay wareysiga lala yeeshay.

Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa xusay in madaxweynaha uu xilligaan uu kala hadlay arrimaha la xiriira doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, wuxuuna sheegay inuu ka dalbaday in uu la shaqeeyo, balse uu ka ‘diiday’.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Villa Soomaaliya aysan dooneyn inay si dhab ah ula heshiiso Axmed Madoobe, islamarkaana ujeedka uu yahay in meesha laga saaro.

“Waxaan la kulmay Madaxweyne Farmaajo, waxaa ii soo baxday in uusan diyaar u aheyn in uu la heshiiyo Axmed Madoobe, waxaa ii soo baxday khatar ah in  Shacabka Soomaaliyeed ee hal qoys isku ah oo degan Jubbaland in la isku diro oo dhibaato ka imaan karto shaqsiyan, waxaana u sheegay in arrintaasi sax aheyn asigana dani ugu jirin,” ayuu wareysigan ku yiri wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland.

Ugu dambeun wuxuu soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay degmada Beledxaawo ee u dhexeeyey ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda, wuxuuna sheegay in lagu soo qaaday dagaalkaasi, kadibna ay dib isaga gurteen isaga iyo ciidamadiisa.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada weli ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay gobolka Gedo ay ku sugan yihiin degmooyinka gobolkaasi, waxaana marar badan madaxweynaha Jubbaland uu dalbaday in ciidamadaasi dib loogu soo celiyo Muqdisho

Jubbaland State 29ka Nofeembar 2020 Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo mudooyinkii dambe ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, waxuuna ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay doorashada dalka.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn ticsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isaga filanyihiin inay iska qabtaan cawadgooda, balse nasiib darradu ay tahay in ninkii ay doortaanba uusan isku howlin taas.

Arrimaha doorashada dalka ayuu si adag uga hadlay, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo, isagoo sheegay in haatan Gedo laga aas-aasay kuwo ka daran jabhadihii dalka burburiyey sagaashamaadkii, sida uu sheegay.

“Waxaa la yiri doorasho sidaan haloo qabto maamul kastana laba magaalo ha ku qabto, anaga waxaa noo qiran inaan Kismaayo iyo Garbahaarey ku qabano doorashada, marka su’aashu waxay tahay Jubbaland maanta Garbahaarey ma ka talisaa? Jabhado iyo ciidan ayaa lagu sii daayey, maanta jabhadihii sagaashamaadkii ayaa wax lagu raadinayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in madaxda federaalka ay fuliyaan wixii lagu heshiiyey oo gobolka Gedo ay ku soo wareejiso Jubbaland.

“Doorasho kuma dhaceyso noocaan afduubka ah, dalkan waxaa looga baahanyahay wixii lagu heshiiyey in la fuliyo, madaxweynaha iyo madaxda kale ee dowladda federaalka waxaa looga baahanyahay inay kala saaraan, nooca lagu heshiiyey inay doorashadu u dhacdo iyo ololahooda doorasho inay kala saaraan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Sidoo kale waxuu sheegay in doorasho aan heshiis lagu aheyn oo aan loo sineyn aysan dalka ka dhici doonin, “Weli caqabad ayaa gobolka Gedo naga heysata dowladda federaalka ayaa jabhadeyn ka wada, waxaan leeyahay dowladda iska soo wareeji gobolkaas,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dalku u baahanyahay badbaado, isla markaana aan la isugu jawaabin whadallo dalka ku celin kara halkii laga keenay.

“Dadka wax tabanaya hala ixtiraamo, madaweynuhu haduu yahay musharax waa inuu ka dhex baxaa heshiiska doorashada oo uu banaanka ka istaago musharaxiinta kalena uu ula sinaado,” ayuu yiri.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa balan qaaday in xubnaha Jubbaland ku metela guddiyada doorashada hadii ay dalbadaan musharaxiintu uu bedeli doono.

Axmed Madoobe ayaa soo jeediyey in guddoomiyaha Aqalka Sare loo madax baneeyo sidii loo soo dooran lahaa kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi, “Haduu Cabdi maanta yahay masuulka sedaxaad ee dalka ugu sareeya oo aniga uu imetelayo ma waxuu meteli waayey midda uu ka soo jeedo,” ayuu yiri.

WARARKA MAANTA 28ka Nofeembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa qaxiya #Muqdisho? Meeqo Dowladdood ayaa qarxiya #Muqdisho si aysan #Soomaaliya uga samaysmin dowlad hufan? Yaa fashilay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo “Been-Hawaas” ma Fahad “Daba-Naasle” Mise Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Maxuu Madaxweyne Farmaajo oo muddo 4 sanno uu ugu dhammaysan rabaa fashil iyo dembiyo uu ka galay dadka, dalka iyo diintaba? Yaa doorasho qaban doona ma #NISA mise #NIEC? Yaa ah mikiilaha xukuummadda fashilantay ee “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxuu Taliyaha  Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA Fahad Yaasin “Daba-Naasle” uga dhigay xarunta laga shaqaalaysiiyo Argagixisada AL-Shabaab? Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.7%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Yaa muwaadin Soomaali ah u dhiibay #Xabashida? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxuu qaban Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan addunka? Ha wiqleyso!

Beledweyne 28ka Nofeembar 2020 Wararka ka imaanaya magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in shirkad Koronto oo ku taala magaalada Beladweyne ay korontada ka jaratay xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan, Saldhigga Booliska iyo Xabsiga magaalada Beladweyne, kadib markii ay iska bixin waayeen lacag ka badan 300 oo kun oo dollar oo ah lacag isgaareysa illaa 2012-kii.

Wararka laga helayo Beladweyne ayaa sheegaya in maamulka gobalka oo u diyaar garoobaya soo dhoweynta Cali Guudlaawe ay soo gashadeen Koronto kale kadib maalmo ay Koronto la’aan ahaayeen, waxaase wali koronto la’aan labada xarun ee kale.

Maamulka Shirkadda Korontada ayaa ka cabanaya in ay dareemayaan rajo xumo ay ka qabaan in ay helaan lacagta kaga maqan maamulka HirShabeelle.

Gobalka Hiiraan waxa uu ugu horreeyaa gobalada ugu dhaqaalaha badan Soomaaliya. Waa marinka isku xira goballada Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya waxaana maalintii gaadiidka mara laga qaadaa lacag ku dhow 40 kun oo dollar.

Sidoo kale waxaa la canshuuraa qudaarta iyo adeegyada kale ee gobalka, waxaana la sheegaa in lacagtaas aan waxba loogu qaban shacabkii laga qaaday.

Mekelle 28ka Nofeembar 2020 Ciidamada ururka TPLF ayaa xalay mar kale gantaallo ku garaacay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, taasi oo sare usii qaaday cabsida laga qabo in dagaalka Ethiopia uu ku fido gobolka.

Ugu yaraan laba gantaal ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaceen Asmara, kuwaasi oo laga soo tuuray gobolka Tigray, sida ay sheegeen afar diblomaasi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaraaha ka dhashay gantaallada.

TPLF ayaa ku eedeysay Ethiopia inay adeegsaneyso taageerada militariga Eritrea, eedeyntaas oo Ethiopia ay beenisay.

TPLF ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda gantaallo kale oo lagu garaacay Asmara laba toddobaad ka hor, waxyar un kadib markii uu dagaalka billowday.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu Khamiistii sheegay in dagaalka uu ku hayo gobolka Tigray uu galay “wejigii saddexaad.”

Abiy ayaa sidoo kale mar kale diiday inuu wada-xaajood la galo kooxda TPLF, wuxuuna baaqyada arrintaas la xiriirta ku sheegay “faro-gelin” lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Eritrea.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu wadahadal kula jiray saddex ergey oo ka socda ururka Midowga Afrika oo isku dayaya in la dhameeyo dagaalka dhibta badan geystay ee u dhexeeya ciidan federalka ah iyo xoogagga gobolka Tigray.

Saddexda ergey ayaa kala ah madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf, madaxweynihii hore ee Mozambique Joaquim Chissano iyo madaxweynihii hore ee dalka South Africa Kgalema Motlanthe.

Dhinaca kale, dowladda Tigray ayaa Jimcihii sheegtay in ciidamada federaalka Ethiopia ay duqeynayaan magaalooyin iyo xaafado, ayaga oo khasaare xooggan gaarsiiyey shacabka.

Muqdisho 28ka Nofeembar 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan, halka loo yaqaano Laansaleeti.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari uu la socday maareeyaha dekedda weyn ee magaalada Muqdisho Axmed Waashinton, inkastoo uu ka bad-badaay qaraxaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo askari oo ka mid ah ilaalada maareeyaha ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo durbo meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, iyada oo shaacisay inuu si dirqi ah kaga bad-baaday maareeyaha dekedda Muqdisho.

Xalay ayey aheyd markii qarax is-miidaamin ahaa oo dhalinyaro lagu dilay uu ka dhacay wadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maamulka Puntland 28ka Nofeembar 2020 Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa dood adag ka yeeshay heshiiska shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Kulanka oo ahaa kii 18-aad ee ka mid ah kalfadhiga 47-aad golaha wakiillada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa shir guddoomiyey, gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay dhinac fadhiyeen ku xigeenkiisa koowaad, Cabdicaiis Cabdullahi Ismaan iyo ku xigeenkiisa labaad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Sidoo kale waxaa kulanka soo xaadiray illaa 49 Mudane, kuwaas oo marka hore loo gudbiyey codsi ka soo baxay madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo ahaa in uu sii socdo dhameystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee Dekadda Boosaaso.

Dood dheer kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah geliyey in shirkadda DP World ay sii wado mashruuca lagu horumarinayo dekeddaasi, waxaana ogolaatay illaa 38 Mudane, mina jrin cid diiday, balse waxaana ka aamus 11 Mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka sare ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

Go’aanka ka soo baxay xildhibaanada Puntland ayaa u ogolaanayo DP World nay sii maamusho dekedda Boosaaso oo maalmihii u dambeeyey ay cabasho ka taagneyd.

Arrinta ugu daran ayaa ka dhalatay, markii maraakiibta iyo doomaha ay ku xiran waayeen dekeddaasi, kadib markii ay carro badan buuxisay halkaasi.

Beledweyne 28ka Nofeembar 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad culus oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan oo uu wato sarkaal lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Xuud oo ka dhacay duleedka magaalada Beleedweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliiska, nabad-sugida iyo milatariga oo ka baxay Beledweyne ay weerareen sarkaalkaasi iyo maleeshiyaadka uu wato oo ka soo horjeedo maamulka Cali C/lahi Xuseen (Guudlaawe).

Wararka ayaa sheegaya iska hor imaadka uu xoogiisu ka dhacay wadada aada dhinaca deegaanka Ceelgaal oo ay isku uruursanayeen maleeshiyaadkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale Caasimadda u sheegay inay dib u gurteen maleeshiyaadka la wareeray oo baryahan dhaq-dhaqaaqyo ka waday halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada weerarka qaaday ay amar u heystaan inay soo xiraan Xuud oo ah sarkaalka wada abaabulkaasi ciidan.

Dhinaca kale waxaa fashilmay dadaallo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo afjaro xiisadaasi oo ay wadeen wagaradka deegaanka.

Si kastaba waxaa labo goor dib u dhacay safar uu Cali Guudlaawe ku tagi lahaa magaalada Beledweyne oo uu kaga sii horreeyey ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Muqdisho 28ka Nofeembar 2020 Isbitaalka Xoogga waxaa si wadajir ah loogu aasay sideed dhalinyaro ah oo ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay Gelato Devino oo ah goob ay bulshada isugu timaado oo ku talla wadada garoonka Aadan cadde.

Qaraxa wuxuu ahaa mid xoogan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, saameyn ballaaran ayuuna geystay maadaama ay waxyeello kasoo gaartay dad intaas ka badan.

Aaska dhalinyaradaan waxaa kasoo qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, masuuliyiin ka tirsan dowladda, dad shacab ah iyo qaar ka mid ah ehelladda dhalinyarada sida wadajirka ah loo aasayay.

Qaraxaan ayaa kusoo aaday xilli xaalado cabsi leh ay ka jiraan magaalada Muqdisho, taas oo ku saabsan hanaanka doorashooyinka dalka oo aan wali la isku waafaqin, waxaana jirta in dadku ka cabsi qabaan iney khalalaaso dhaliso.

Xubnaha Mucaaradka ayaa Muqdisho ku shiray dhawr maalmood, waxeyna qaadaceen oo ay ku baaqeen in la badalo guddiyadii doorashooyinka oo ay dowladdu magacowday, mana jirto wax la isla fahmay ilaa iyo hadda.

Ugu dambeyntii dhalinyarada geeriyootay mid ka mid ah oo la shaqeynayay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la sheegay inuu shalay uun dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku maqnaa.

WARARKA MAANTA 27ka Nofeembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa fashilay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ma Fahad “Daba-Naasle” Mise Kheyre “Bakhti-Raam-Sade”? Maxuu Madaxweyne Farmaajo oo muddo 4 sanno uu ugu dhammaysan rabaa fashil iyo dembiyo uu ka galay dadka, dalka iyo diintaba? Yaa doorasho qaban doona ma #NISA mise #NIEC? Yaa ah mikiilaha xukuummadda fashilantay ee “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxuu Taliyaha  Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA Fahad Yaasin “Daba-Naasle” uga dhigay xarunta laga shaqaalaysiiyo Argagixisada AL-Shabaab? Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.7%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Yaa muwaadin Soomaali ah u dhiibay #Xabashida? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxuu qaban Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan addunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 27ka Nofeembar 2020 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis cusub oo ku saabsan deyn cafinta la saxiixatay xukuumada Paris, sida uu sheegay wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiir Beyle oo heshiiskan u saxiixay xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Safiirka Dowladda France ee Kenya iyo Soomaaliya, Aline Ménager ay la saxiixdeen heshiis deyn cafin ah, kaasi oo qeyb ka ah go’aankii wadamada Paris Club ee la gaaray March 2020.

Deynta cusub ee laga cafiyay Soomaaliya ayaa dhan Saddex boqol iyo lix milyan (306-Million), sida uu sheegay Wasiirka maaliyada Soomaaliya.

“Waxaa maanta inoo suuragashay in aan si wada jir ah u saxiixno heshiis Deyn cafin ah, aniga iyo Safiirka Dowladda France ee Kenya iyo Soomaaliya Aline Ménager” ayuu yiri Wasiir Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Soomaaliya waxaa sharaf u ah in si rasmi ah looga cafiyay lacag dhan SADEX BOQOL & LIX MILYAN ($306-Million), Heshiis kaan ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee ay gaareen March 2020”.

Ugu dambeyntiina waxa uu heshiiskan deyn cafinta ku tilmaamay mid ah guul taariikhgiya oo ay gaartay dowladda Soomaaliya, isla markaana qeyb ka noqonaya dadaaladii deyn cafinta iyo dib u habeynta maaliyada dalka.

Muqdisho 27ka Nofeembar 2020 Isaga oo wareysi siinayay France 24 ayuu sheegay Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shiddo in dagaalka ka socda gobolka Tigrayga uu yahay mid lagu soo celinayo” Amarka iyo Kala danbeynta gobolka”

Wuxuu sheegay in ciidamada difaaca Qaranka ay la wareegeen maalmihii ugu danbeeyay deegaanno dhowr ah dhawaanna la soo afjari doono dagaalka.

Wuxuu sheegay in howlgalkani yahay mid shacabka looga badbaadinayo sida uu hadalka u dhigay jabhadda TPLF oo uu ku eedeeyay in ay geysteen gaboodfallo kala duwan.

Wasiirka maaliyaddu wuxuu soo qaatay xasuuq la sheegay in 9-kii  bishan November ka dhacay magaalada Mai-Kadre ee gobolka, halkaas oo guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC) uu sheegay in koox dhallinyaro maxalli ah  ay gacan ka geysteen dilka boqolaal rayid ah, eedeymaha oo daba socday warbixintii Amnesty International. tiro, oo ay u badan tahay boqolaal “ayaa la dilay.

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo dhawaan hadlay ayaa sheegay in dagaalka gobolka Tigrayga uu gallay qeybihiisii ugu danbeyay.

Ruushka 27ka Nofeembar 2020 Dowladda Ruushka ayaa markii u horeysay ka hadashay wada-hadaladii fashilmay ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, xili uu dalka ka taagan yahay khilaaf la xiriira doorashooyinka.

Qoraal kasoo baxay ergada Ruushka ee u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ugu horeyntii waxa lagu bogaadiyey horumarka ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gaadhay doorashooyinka soo socda, iyada oo kaashaneysa maamul goboleedyada.

Waxa kale oo qoraalkaasi lagu sheegay inay muhiim tahay dib u bilaabista wada-hadalo dhex-mara dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay ka madax-banaan jamhuuriyada.

Ruushka ayaa sheegay inuu rajenayo in si deg deg ah u bilowdo wada-hadaladaasi dowladda Farmaajo oo xiligan uu kasii dhamaanayo muddo xileedkeedu, isla markaana ay dib usoo celiso xiriirkii wanaagsana ee kala dhaxeeyay maamulka Jubbaland.

“Waxaan bogaadinaynaa horumarka Wada-hadalka siyaasasdeed ee u dheexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedyada ee laga gaadhay diyaarinta Doorashooyinka”.

Sidoo kale waxa lagu yiri “Waxaanu dowladda (Soomaaliya) si dhakhsi ah uga rajeynaynaa inay dib u bilowdo Wada-hadalladii Somaliland iyo inay xiriir caadiya la samaysayo Jubbaland”.

Qoraalkan ayaa imanaya xili ay Soomaaliya wajahayso doorashooyin ay ka taagan yihiin muran badan, isla markaana dowladda talada haysa ay xiisado siyaasadeed kala dhaxeeyaan qaar kamid ah maamulada dalka.

Maamulka Somaliland 27ka Nofeembar 2020 Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka Somaliland Maxamuud Baaruud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin iyo ganacsato lagu helay inay geysteen kufsi, kuwaas oo la iska sii daayey.

Waxa uu sheegay in dadkaas xabsiyada looga siidaayo in uusan ku dhicin xukun maxkamadeed, halka dadka danta yar ee aan laheyn cid u dooda loo maxakamdeeyo dembiyada ay galeen, sida uu sheegay guddoomiye Maxamuud Baaruud.

Hadalkan ayuu ka jeediyey munaasabad lagu xusayey tacadiyada haweenka iyo dadka nogul oo ka dhacday magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in siideynta dadka ladan ay ka qeyb qaataan wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda.

“Waayahan waxaa soo batay dumarka inta la kufsado hadana la dilayo, waxaa kaloo badan dadka tujaarta ah iyo kuwo madax ah oo lagu helay inay ku kaceen dembiyadaas, iyagoo maxkamad xukumin in la sii daayey, marka maxkamadeheenu waxay xukumaan dadka jilicsan, bal u fiirsada dadka xabsiyada ku jira, waa kuwii jilicsanaa ee aan qareenka qabsa karin” ayuu yiri Maxamuud Baaruud.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Ninkii ladan ee qareen qabsa kara dembi laguma qaado, waxaad arkeysaa xildhibaano iyo wasiirro ka daba ordaya, cid walba waxay daba carareysaa qofkaas ladan, waa la sii daayaa dembina laguma qaado.”

Sidoo kale guddoomiye Maxamuud Baaruud ayaa baarlamaanka Somaliland ka dalbaday inay soo saaraan xeer adag oo looga hor tago kufsiga iyo dilka lagula kaco haweenka oo ku soo batay deegaanada Somaliland.

Muqdisho 27ka Nofeembar 2020 Musharaxiinta mucaaridka ee u tartamaya xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota oo maalmihii u dambeeyay ku shirayay magaalada Muqdisho ayaa baaq deg-deg ah kasoo saaray xaalada gobolka Gedo, oo muddooyinkii dambe ay ku muransanaayeen dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Musharaxiinta ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku dalbaday in dowladda federaalka ay la laabato maamulka sharci darada ee ay geysay gobolka Gedo, sida ay hadalka u dhigeen.

War-murtiyeedkaasi ayey musharaxiintu ku fareen dowladda inay si deg-deg ah ugala baxdo gobolkaasi ciidamadeeda ay geysay, xili ay weli taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhex aloosan maamulka Jubbaland iyo madaxda sarre ee dalka.

Waxa kale oo ay soo jeediyeen in maamulka gobolkaasi loo dabo fadhiisto maamulka Jubbaland, isla markaana dib loogu wareejiyo.

Waxay arrintaasi ku macneeyen mid sarre u qaadeysa in deegaanada gobolka Gedo ay ka qabsoomto doorashooyinka, maadama uu gacan ku haynteeda la wareegayo maamulka Jubbaland.

“Waa in dowladda federaalka ay si deg-deg ah ugala soo laabato Maamulka Sharci darrada iyo Ciidamada ay geysay gobolka Gedo si loo ilaaliyo midnimada Jubbaland maamulkana dib ula wareego degaanka si ay ugu fududaato qabashada doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka Musharaxiinta.

Arrintan ayaa imaneysa iyada oo aan weli xal kama dambeysa ah laga gaarin xiisada labada dhinac ee gobolka Gedo, iyada oo la rumeysan yahay in shirkii Muqdisho ee doorashooyinka looga hadlay arrintaasi, oo ugu dambeyntii kusoo dhamaatay natiijo la’aan

Hiiraan  27ka Nofeembar 2020  Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta dalka  u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay shalay waaran soo qabasho ah u jartay Jeneral Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaano Xuud, kaas degaanka Ceel-gaal ee gobalka Hiiraan ku haysta maleeshiyo tobaneeyo ah.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in booliska iyo melitariga gobalka Hiiraan lagu wareejiyay warqada amarka soo qabashada ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidanka la amray in ay xoog ku soo qaban karaan isaga iyo ciidankiisa haddii ay diidaan inay isa soo dhiibaan, ayada oo aan loo haysan wixii dhib ah ee halkaas ka yimaada ee ka dhashay amar diidada.

Jawi colaadeed oo xoog leh ayaa laga dareemayaa guud ahaan gobalka Hiiraan, gaar magaalada Beladweyne oo ay ku dhowaadeen maleeshiyadaan oo mudooyinkaan isku hub aruursanayay degaanka Ceel-gaal.

Jeneral Abuukar Xaaji Warsame oo ka tirsanaa musharaxiintii xilka Madaxweynaha HirShabeelle ayaa diidan doorashadii dhacday waxa uuna ku baaqay dagaal ka dhan ah HirShabeelle.

Tallaabooyinka uu qaaday Xuud ayaa horseeday in laba goor uu baaqdo safar uu magaalada Beledweyne ku tegi lahaa madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mucaaradada Jeneral Xuud ay lacag iyo dhiiri-gelin ku bixinayaan qaar ka mid ah dadka miisaanka ku dhex leh beesha uu kasoo jeedo, oo diidan inay weysay kursigii madaxweyne ee HirShabeelle.

Muqdisho 27ka Nofeembar 2020 Kadib qodobadii ay Khamiistii soo saareen Midowga Musharaxiinta, ee u tartamaya jegada madaxtinimada ee dalka ayaa waxay walaac ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed. Qodobadaasi ayaa xoojiyay dareenkii horaan looga qabay in loolan siyaasadeed oo adag ka dhex bilaaban karo Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Dadkase wax ku qora barraha bulshada waxay qorayaan inaanu xaalka heerkaa gaari lahayn, haddii Dowladda Federaalka si lagu qanacsan yahay u maamuli laheyd doorashooyinka dalka.

Musharaxiinta Mucaaradka oo toddobaadyadii la soo dhaafayba ka biyo diidanaa Guddiyada Doorashooyinka Qaranka ayaa waxaad mooddaa, sidii ku habooneyd inaanay dowladdu uga falcelin.

Diidmada adag ee mucaaradka ayaa soo ifbaxday, ka dib markii ay sheegeen in Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ay qaarkood ka tirsan yihiin Saraakiisha Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka ee Xafiisyaa Madaxda.

Walaaca ay xilligan dadku qabaan ayaa ah in gacan ka hadal uu isu bedelo xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan, haddii dhinacyada ugu tunka weyn siyaasadda aysan xal u helin arrimaha ay isu hayaan.

Haddaba Maxaa looga baahan yahay Dowladda Federaalka?

Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo fallanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegay in dalka uu wajahayo marxalad adag, xilli siyaasadda aanay cago badan ku taagnayn, waxa uu intaa ku daray in ay muhiim tahay in la helo doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda.

“Soomaaliya waxay gelaysaa marxalad aad u adag, Soomaaliya waxay gelaysaa xilli kala guur ah, oo siyaasaddu aysan deganayn.” Ayuu yiri Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Isagoo la hadlayay BBC ayuu yiri “In la helo doorasho xor oo xalaal ah waa muhiim, in la helo doorasho heshiis lagu yahay waa muhiim, in la helo doorasho lagu tartami karo, taa iyada ah waa muhiim.”

Si looga baaqsado dib u dhac markale dalka ku yimaado ayuu sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay dib u eegto waxa socda, oo aanay ku amar taaglayn rabitaankeeda oo qura.

“Dowladda naftigeeda waxaa loo baahan yahay in ay taa ka fekerto, maxaa yeelay dowladda naftigeeda ma wanaagsana inay tiraahdo anaa iri, xilligii keli-talisnimada Soomaaliya way ka dhammaatay. Soomaaliya waxay u baahan tahay in la’isku tanaasulo, Soomaaliya waxay u baahan tahay geedi-socodka nabadda in la tartiibiyo.” Ayuu yiri Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Villa Somalia iyo Midowga Musharaxiintaba looga baahan yahay inay muujiyaan qaangaarnimo siyaasadeed, iyadoo hadafkuna yahay in dalka laga qabto doorasho xalaal ah.

“In la muujiyo qaangaarnimo ayaa loo baahan, dowladdu waa inay qaangaarnimo muujisaa. Nimankan tartamaya waxyaabo runtii sax ah ayay tabanayaan, in waxyaabahaas saxda ah ay tabanayaan dowladdu wax ka qabato. Waxyaabaha ay ku talax taggayaana inaanan laga yeelin, laakiin yoolku waa Soomaaliya oo hesho doorasho xor oo xalaal ah, Soomaaliya oo ka gudubto marxaladaan cakiran, Soomaaliya oo u gudubto hoggaan wanaagsan, kuwaan xilka haya haku soo noqdaan ama mid cusub ogolaado.” Ayuu sii raaciyay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Ethiopia 27ka Nofeembar 2020 Garoonka diyaaradaha ee muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Aksum ee waqooyiga Itoobiya ayaa isku bedelay goob dagaal, kadib markii ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan dowladda federaalka iyo maamulka Tigrayga.

Millateriga dowladda Itoobiya ayaa gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta garoonkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo taabacsan millateriga Itoobiya, taasi oo keentay in ciidamada Tigrayga ay weerar ka geystaan garoonkaas.

Xoogaga gaarka ah ee Tigrayga ayaa weerar aan kala joogsi laheyn ku hayay dhowrkii maalmood ee u dambeeyay garoonkaasi, iyagoo bur-bur xoog leh gaarsiiyay dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa baahisay sawiro u muuqda garoonka magaalada Aksum, kaasi oo uu ka muuqdo bur-bur xoogan, isla markaana laga dheehan karayo dhufeysyo laga sameeyay gudaha garoonka.

Sidoo kale dowladda ayaa hore u baahisay inay gacanta ku dhigtay garoonkaasi, inkasta oo uu hoggaamiyaha Tigray, Debretsion Gebremichael oo 19-kii bishan la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters uu sheegay inay gacantooda ku jirto magaalada Aksum oo ku yaalo garoonku.

Debretsion ayaa si cad u kala sheegin in garoonka uu ku jiro gacantooda iyo in kale, midaasi oo sarre u qaadeysa sheegashada dowladda federaalka Itoobiya oo soo bandhigtay sawirada bur-burka.

Si kastaba, waxa xiligan adag in warbaahinta madax-banaan ay xaqiijiso sheegashada labada dhinac, maadama ay weli go’antahay isgaarsiinta gobolka oo uu ka socdo dagaal xoogan.

WARARKA MAANTA 26ka Nofeembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Ma sharci iyo dastuur baa inuu Taliyaha  Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA Fahad Yaasin “Daba-Naasle” hayo xilka hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka asagoo u ololaynaya Madaxweyne Farmaajo oo muddo 4 sanno ay uga dhammaatay fashil iyo dembiyo uu ka galay dadka, dalka iyo diintaba? Yaa sarkaalka #CIA Maraykanka ku dhex dilay #Soomaaliya? Yaa doorasho qaban doona ma #NISA mise #NIEC? Yaa ah mikiilaha xukuummadda fashilantay ee “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxuu Taliyaha  Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA Fahad Yaasin “Daba-Naasle” uga dhigay xarunta laga shaqaalaysiiyo Argagixisada AL-Shabaab? Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.5%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Yaa muwaadin Soomaali ah u dhiibay #Xabashida? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxuu qaban Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 26ka Nofeembar 2020 Sarkaal ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, ayaa dhowr maalmood kahor lagu dilay Soomaaliya, sida ay saraakiil Mareykan ah u sheegeen wargeyska New York Times.

Sarkaalka ayaa ka tirsan qeybta ciidamada sida militariga u tababaran ee CIA-da, wuxuuna horey uga tirsanaan jiray ciidamada xulka ah ee Mareykanka ee loo yaqaan SEAL Team 6.

Aqoonsiga sarkaalkan ayaa ah mid la qariyey, welina ma hubnaa xaaladda lagu dilay. Ma cadda haddii uu ku dhintay howl-gal ka hortag aragagixiso ama inuu ahaa dhibanaha weerar ka yimid cadowga, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Si kastaba, CNN ayaa sheegay in sarkaalka uu marka hore ku dhaawacmay howlgal, kadibna uu geeriyooday dhowr maalmood kadib, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

CIA-da waa ay diiday inay wax faallo ah ka bixiso arrintan.

Dhimashada sarkaalkan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Trump uu diyaariyey amar ciidamada Mareykanka ee gaaraya 700 looga soo saarayo Soomaaliya, kahor inta uusan xafiiska ka tegin.

Gudaha CIA-da, Soomaaliya waxaa looga arkaa dal halis badan. Qaar ka mid ah saraakiisha sare ee sirdoonka ayaa muddo dood ka qabay in howl-galka ka hortagga argagixisada ee Soomaaliya uu mudan yahay in loo halis geliyo nolosha saraakiisha CIA-da.

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ayaa rumeysan in Al-Shabaab ay tahay kooxda halista ugu xooggan ku haysa danaha Mareykanka ee gobolka iyo meelo ka baxsan, islamarkaana haddii aan laga hortagi ay halisteeda sii ballaaran karto, oo ay noqon karto mid caalami ah sida kooxda Daacish.

CIA-da ayaa Soomaaliya ka fulisa howlgallo qarsoodi ah, oo badankood lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka ee duqeymaha la beegsada haggaamiyayaasha kooxda Al-Shabaab.

Muqdisho 26ka Nofeembar 2020  Faah faahino ayaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhaawac loo geystay dhalinyaro Soomaali ah oo ka dhacay dalka Canada.

Weerarkan oo ay fuliyeen kooxo hubeysan ayaa habeenimadii Talaadada ka dhacay waqooyiga magaalada Edmonton, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga dalkaasi.

Booliiska Canada ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, gaar ahan toogashada loo geystay muwaadiniintaasi Soomaaliyeed.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Xaashi, kaas oo ahaa 25, halka lagu dhaawacay wiil kale oo Soomaali ah oo isbitaalka la dhigay. Illaa hadda lama oga kooxda rasaasta ku furtay dhalinyaradaasi, kuwaas oo goobta ka baxsaday, balse Booliiska ayaa sheegay inay wadaan baaritaano dheeraad ah.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa Canada kuu sii kordhayey is rasaaseyn la xiriirta aargudasho, balse weli ma cadda weerarkan cida fulisay & sababta ka dambeeya.

Addis Ababa 26ka Nofeembar 2020 Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhowaaqay in ciidamadiisa ay bilaabi doonaan dagaalkii ugu dambeeyey ee lagu qaadayo Tigray, si meesha looga saaro ciidamada TPLF ee dagaalka ka wada halkaasi.

Abiy Axmed ayaa dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi uu galay wejigii ugu dambeeyey, isaga oo amary ciidamada inay qaadaan howl-galkii ugu dambeeyey ee lagula wareegayo caasimada Tigray ee Mekelle oo ah meesha xudunta u ah dagaalka.

Ra’iisul wasaarahaha Itoobiya ayaa intaasi ku daray inay ku dadaali doonaan bad-baadinta dadka shacabka ah iyo in uusan burbur soo gaarin magaaladaasi.

“Waxaa dadaal u geli doonaa sidii aan u xaqiijin laheyd in magaalada Mekelle aanay burbur ugu dhici laheyn,” ayuu yiri Abiy.

Sidoo kale waxaa dhammaaday muddadii 72 saac ee loo qabtay inay isku soo dhiibaan ciidamada deegaanka TPLF, iyada oo hoggaanka jabhaddaasi ay ku gacan seereen.

Xaaladd Itoobiya ayaa haatan ah ah mid aad u adag, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay inay si weyn uu uga walaacsan tahay xaaladda gobolka Tigray ee dalkaasi.

Itoobiya ayaa xiisad dagaal iyo colaad sokeeye gashay, kadib markii todobaadyo ka hor ciidamada federaalka ay duulaan ku qaadeen gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Puntland Iyo Jubbaland 26ka Nofeembar 2020 Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ogolaaday codsigii ka yimid musharaxiinta madaxweynaha ee ku shirsan Muqdisho, ee ahaa inay wax ka bedelaan xubnaha guddiyada doorasho ee heer federal ay soo magacaabeen, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Musharaxiinta ayaa qoraal ay soo saareen 22-kii bishan uga codsaday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni inay dib u eegis ku sameeyaan, oo ay soo bedelaan xubnaha ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee ku jira labada guddi, midka doorashada iyo midka xalinta khilaafaadka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Axmed Madoobe iyo Deni ay aqbaleen codsigaas, diyaarna u yihiin in shaqaalaha rayidka ay ka saaraan xubnaha ay soo magacaabeen.

Afarta xubnood ee midkiiba ay soo magacaabeen Puntland iyo Jubaland ayaa waxaa ku jira xubno xilal ka haya maamulladaas, sida agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Puntland iyo hanti-dhowrka guud ee Jubaland.

Caasimada Online ayaa ogaatay in codsigii loo diray Jubaland iyo Puntland uu kusoo bixi doono war-murtiyeedka shirka Muqdisho, ayada oo diri doono dhammaam maamullada iyo dowladda federaalka.

Puntland iyo Jubaland ayaa kadib qaadi doono tallaabo ay ku saaraayaan shaqaalaha rayidka, si ay tusaale ugu noqdaan maamul goboleedyada kale, islamarkaana cadaadis u saaraan dowladda dhexe.

Xubnaha Puntland iyo Jubaland ay soo magacaabeen ayaan weli soo gaarin magaalada Muqdisho, waxaana la rumeysan yahay in labadan maamul ay saluugsan yihiin sida ay wax u waddo dowladda dhexe.

Waxay sidoo kale sidan u sameeyeen inay waqti siiyaan musharaxiinta, oo aan loo guda gelin doorasho, taasi oo ah waxa ay raadineyso dowladda dhexe.

Muqdisho 26ka Nofeembar 2020 Ciidamada Somaliland ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fuliyey lix nin oo lagu eedeeyey inay horey dilal uga geysteen maamulkaasi.

Lixda nin ee toogashada lagu fuliyey saaka oo Khamiis ah ayaa waxaa horey xukun dil ah ugu riday maxkamadaha Somaliland oo la horgeeyey marar kala duwan.

Sidoo kale waxaa saxiixay dilkooda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo ugu dambeyn lagu fuliyey xunkunkaasi waxaana lagu toogtay fagaare ku yaalla duleedka xabsiga deegaanka Mandheera gobolka Saaxil.

Waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, ehelada dadka la dilay iyo kuwa wax dilay.

Lixda qof ee la toogtay ayaa waxa ay kala ahayeen:- 1- Yaasiin Maxamed Yuusuf, 2-Sharmaarke Sahal Oogle, 3- Quulle Maxamed Cilmi, 4- Khaalid Cabdi Xaydar, 5- khadar Maxamed Warsame iyo 6- Cabdikariim Maxamed Mahdi.

Dhinaca kale ehellada qaar ka id ah ragga la toogtay ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ka cabanayey in si sharci darro ah loo xukumay raggaasi.

Falka toogashada ah ee Somaliland ku fulisay lixdaan qof ayaa noqonaya kii labaad inta la xasuusto taariikhda casriga ah, waxaana aheyd markii sidan oo kale 15-kii bishii January ee sanadka 2020-ka xabsiga weyn ee Mandheera loogu toogtay lix nin oo iyana lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen gobollada Sool, Sanaag, Maroodi-Jeex iyo sidoo kale Gabilay.

Muqdisho 26ka Nofeembar 2020 Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyey shirkii musharraxiinta ee lixdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, iyada oo laga soo saaray war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha laga wada-hadalay.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa illaa 18 qodob ayaa waxaa inta badan looga hadlay doorashada Soomaaliya 2020 iyo walaaca ay muujinayaan musharraxiinta.

Go’aannada shirka ka soo baxay ayaa waxaa loo kala qaaday 1- go’aanka maamulka doorashooyinka, 2- go’aanka ammaanka doorashooyinka &  3- go’aanno guud.

Sidoo kale waxaa murtiyeedka ka mid ah qodobo si gaar ah loogu dhaliilay dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo musharrax ah.

Musharraxiinta ayaa sidoo kale ka horyimid guddiyada doorashooyinka ee la dhisay, iyaga oo dalbaday in dhammaan la-kala diro.

Qoraalkan oo saddex bog ka koobnaa ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka looga baahayan inay Cabdi Xaashi u deyso xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi ee guddiyada doorashooyinka, halka ay dalbadeen in xubnaha ka imaanaya beelaha Banaadiriga ee doorashada loo daayo odayaasha iyo waxgaradkooda.

Sidoo kale musharraxiinta ayaa ugu baaqay taliyaha NISA, Fahad Yaasiin inuu baneeyo xilkaasi, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada madaxweyne Farmaajo.

WARARKA MAANTA 25ka Nofeembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa doorasho qaban doona ma #NISA mise #NIEC? Yaa ah mikiilaha xukuummadda fashilantay ee “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxuu Taliyaha  Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA Fahad Yaasin “Daba-Naasle” uga dhigay xarunta laga shaqaalaysiiyo Argagixisada AL-Shabaab? Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.5%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Yaa muwaadin Soomaali ah u dhiibay #Xabashida? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxuu qaban Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 25ka Nofeembar 2020 Ridwaan Xirsi Maxamed oo horey Ra’iisal Wasaare ku-xigeen uga soo noqday dalka Afhayeenka musharixiinta ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shakiga laga qabo doorashada iyo hannaanka ay wax u maamuleyso madaxtooyada cid walba gaartay.

Wuxuu sheegay in kulan ay la yeesheen Guddoonka Sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya ku soo bandhiggeen xaalada guud ee dalku marayo iyo walaaca laga qabo in ay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah Isaga oo yiri ” Waxaa xusid mudan in Guddoonka Golaha Shacabku naga ajiibeen martiqaadkii aynu u dirnay si fiicanna  inoo dhageysteen iyaga laftirkoodu cabiray in ay qabaan dareen la mid ah kan aynu ka qabno doorashada”

Ridwaan ayaa intaa ku darray in shirkan oo maalintiisii shanaad galay ay ku soo biireen dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada oo ku soo booqanayay sida uu hadalka ku dhigay madasha ay ku shirsan yihiin ee Hotelka Jazeera.

”Waxeynu la kulannay Ururradii bulshada rayidka, waxaan is aragnay, Culimada, Waxgaradka, Haweenka iyo Dhalinyarrada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan khadka ku wada hadalnay xubnaha beesha caalamka oo dhamaantood aan la wadaagnay rabitaanka ah in ay dalkan ka dhacdo doorasho leysla ogol yahay” ayuu yiri Ridwaan Xirsi.

Dowladda Soomaaliya wali wax war ah dhankeeda kama aysan soo saarin shirarka Muqdisho uga soconaya siyaasiyiinta mucaaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaa oo dhamaantood looga hadlayo arrimaha doorashada iyo in dowladdu ay u maamuleyso si aan isku dheeli-tirneyn.

Sacuudiga 25ka Nofeembar 2020 Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii u horeysay ka hadashay kulan qarsoodi ah oo ay baahisay warbaahinta Israel, kaasi oo sheegayay in kulan hoose uu dhex-maray ra’iisal wasaaraha Israel, Netanyahu iyo dhaxal-suhgaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan.

Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan ayaa gebi ahaanba beeniyay inuu jiro kulan qarsoodi ah oo maalintii Axadii magaalada Riyadh ku dhex-maray Netanyahu iyo Maxamed Bin-Salaam.

Waxa uu sheegay in uu jiray oo keliya kulan dhex-maray saraakiil Mareykan ah oo uu hogaaminayey xoghayaha arrimaha dibedda dalkaasi, Mike Pompeao iyo kuwo Sacuudiyaan ah.

“Waxaan arkay wararka warbaahinta ee ku saabsan kulan la sheegay inuu dhex-maray dhaxal-suge Maxamed Bin Salman iyo saraakiil Israa’iiliyiin ah intii lagu guda jiray booqashadii uu Pompeo. Wax kulan noocaas ah ma dhicin. Saraakiisha rasmiga ah ee joogtay waxay ahaayeen Mareykan iyo Sacuudiyaan” ayuu ySida ay shalay baahisay warbaahinta Israel, ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa safar qarsoodi ah ku tagay dalka Sacuudi Carabiya, halkaasi oo uu kulan qarsoodiya kula qaatay dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salman.

Kulanka ay beenisay Riyadh ayey warbaahinta Israel ku sheegtay inuu ahaa mid looga hadlay xiriirka labada dhinac iyo sidii uu Sacuudigu dib u eegis ugu sameyn lahaa xiriirka Israel, xili ay dalalka carabtu ay heshiis nabadeed la galeen Israel oo ay kala dhaxeysay xiisada Falastiin, midaasi oo uu gadaal ka riixayay Donald Trump.

iri Amiir Faisal qoraal ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Maamulka Koonfur Galbeed 25ka Nofeembar 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo khudbad ka jeedinayey munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka & doorashooyinka.

Ugu horreyn Lafta Gareen ayaa weerar afka ah ku qaaday musharraxiinta ku shirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aan loo baahneyn inay wax weliba ka eegaan dhanka xumaanta.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday inay dib u eegaan wixii ay horey u soo sameeyeen, si ay u ogaadaan xaqiiqada jirta, sida uu hadalka u dhigay.

Madaweynaha Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan ay ku qanacsan yihiin guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay.

“Dadka ka cabanaya Guddiyada ee u badan madaxdii hore waxaan ka codsanayaa inta ay kaligood meel fadhiistaan hasoo xusuustaan wixii ay soo sameeyeen, waxa aan hubaa in guddigaan lagu qanacsan yahay marka la eego reer Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Lafta Gareen.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay madaxdA maamul goboleedyadu ay doorashada ka yihiin dhex-dhexaad, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan horumarka & danaha dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli dood adag ay ka taagan tahay dhismaha guddiyada doorashooyinka oo ay cabasho ka keeneen midowga musharraxiinta dalka.

Muqdisho 25ka Nofeembar 2020 Madaxa ciidamada AMISOM, Amb Francisco Madeira oo sidoo kalena ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaciyey doorka ciidamadooda uga aadan doorashada dalka, oo lagu wado inay dalka ka qabsoomto horaanta sanadka cusub.

Amb. Francisco oo warbixin ka siinayey golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay si balaaran uga qeyb qaadan doonaan doorashada amaankeeda.

Waxa uu xusay inay bilaabeen qorshaha ay ku taageerayaan amaanka doorashada, isagoona sheegay inay arrintani qeyb ka tahay gudashada waajibaadka ay AMISOM u joogto dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay AMISOM markasta dowladda Soomaaliya ay garab ku siineyso si loo diyaariyo, isla markaana loo qabto doorashooyinka kusoo fool leh dalka.

Francisco ayaa bogaadiyey qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba ah, midaasi oo ay uga qeyb-galayaan doorashooyinka soo socda, isagoo xusay in lagu guuleystay hirgelinta qoondadaasi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay AMISOM dowlada ka taagerto dhinacyo badan oo ay kamid yihiin; howl-galada wada-jirka ah iyo qorsheynta amniga, iyada oo xiligana ay ka caawinayaan tababarka amniga doorashada ee booliska Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha lagu qabanayo doorashada.

Muqdisho 25ka Nofeembar 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho & Afgooye.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tabaran ee loo yaqaano Haramcad oo marayey halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada la qarxiyey ay ilaalo ka hayeen Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya wadada isku xirta labad Muqdisho & Afgooye.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaartay ku dhowaad 5 askari, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo muddo kooban hakad galiyey dhaq-dhaqaaqa halkaasi.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale qaraxyo loogu weeraray Injineerada & shaqaalaha dhisaya wadadaasi oo muhiim u ah isku socodka gobollada Banaadir & Sh/Hoose

Muqdisho 25ka Nofeembar 2020 Wasiirkii hore ee warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle oo haatan ah musharax madaxweyne,isla markaana ka mid ah midowga musharaxiinta ee shirku Muqdisho uga socdo ayaa sheegay in waxa ay ka shirayaan ay ka mid tahay maslaxadda madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay in kali-talisnimadu markii laga soo tago dadka kale ay u darantahay qofka markaas xilka haya, isla markaana uu Farmaajo hadda u baahanyahay in lagala taliyo kaligi talisnimada.

“Naga rumeysta waxa aan u taaganahay waxaa ka mid ah, maslaxadda madaxweynaha xilka haya, kali-talisnimadu inteysan khatar ku noqon muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta kale, waxay khatar ku tahay qofka markaas xilka haya,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii xukunku halaabo ay is aaminidu yaraaneyso wax kastana halaabayaan.

“Anagu hadda makarafoon ayaan wax ku sheegeynaa, holl kan oo kale ah ayaan wax ka soo abaabuleynaa, laakiin xeryaha iyo qoryaha in wax lagu abaabulo ayey isku bedeleysaa, taas ayaan ka hor taaganahay Farmaajo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Muqdisho 25ka Nofeembar 2020 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyey magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay walaaca weli ka taagan guddiyada doorashooyinka dalka ee uu horey ugu dhowaaqay.

Rooble ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo tabashada ay guddiyadaas ka muujiyeen musharraxiinta mucaaradka ee shirarka ku leh magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto musharraxiinta, si uu uga dhaac-dhiciyo waxa ay yihiin guddiayda la magacaabay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in hoggaamiyeyaasha mucaaradka uu la yeelan doono wada-tashiyo gaar ah, si xal mideysan loo wada-gaaro.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey inay muhiim tahay in la fuliyo heshiisyadii laga gaaray doorashooyinka oo uu sheegay in lagu soo dhisay guddiyada lagu muransan yahay.

Dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaaa weli isku hayo, sida loo wajahayo doorashada soo socota, gaar ahaan dhismaha guddiyada maamulaya doorashada.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho la qabanayo dhammaadka sanadkan iyo ka xiga ee 2021-ka, taas oo isugu jirta tan baarlamaanka & madaxweynaha.

WARARKA MAANTA 24ka Nofeembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxuu #Muqdisho ka soo doonay La-Taliyaha Amniga ee dalka #Ethiopia Gedu? Maxay tahay sababta Korontada Iyo biyaha looga goostay Xarunta Maamulka Banaddir? Yaa ah mikiilaha xukuummadda fashilantay ee “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxuu Taliyaha  Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA Fahad Yaasin “Daba-Naase” uga dhigay xarunta laga shaqaalaysiiyo Argagixisada AL-Shabaab? Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.5%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Yaa muwaadin Soomaali ah u dhiibay #Xabashida? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxuu qaban Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 24ka Nofeembar 2020 La-taliyaha amniga qaranka ra’iisul wasaaraha Ethiopia Gedu Andargacho ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, oo uu kula kulmay madaxweyne Farmaajo, isaga oo soo gaarsiiyey farriin ka timid Abiy Ahmed

Gedu Andargacho oo maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kuso dhoweeyay La-taliyaha Amniga ee Madaxweyaha Cabdi Siciid Maxamed Cali iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaduliin Mustafa.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Jamaludin ayaa goordhow bartiisa Facebook ku shaaciyay kulanka La Taliyaha Amniga Qaranka iyo Madaxweyne Farmaajo, ayna is weydaarsadeen waxyaabo kala duwan sida hawlgalka sharci fulinta ee dowladda Itoobiya ka wado waqooyiga Itoobiya.

La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka wada-hadlay howlgalka ee dowladda Itoobiya Gobolka Tigray, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo taageero u muujiyay howlgalka.

Amb. Jamaludin ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo u muujiyay midnimo iyo taageero ku aadan hawlgalka sharci fulinta ee socda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin kulanka, iyadoo Itoobiya ay hore ergooyin ugu dirtay dalalka Bariga Afrika si ay uga sharxaan mowqifka Itoobiya ee dagaalka ka socda Gobolka Tigray.

Socdaalka La Taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii Wasiirkii Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad xilka looga qaaday war saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Dibadda uga hadashay xaalada Itoobiya, iyadoo markii dambe bartiisa Twitter-ka ku beeniyay inuu jiro war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay oo ku saabsan dagaalka Itoobiya.

Muqdisho 24ka Nofeembar 2020 Khilaafka ka dhashay guddiyada doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi ee labada gole ayaa sarre usii kacay, kaasi oo hadda ka dhex aloosan ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka iyo guddoomiyaha golaha aqalka sarre ee baarlamaanka.

Mahdi Guuleed oo xukuumada u hadlay ayaa dhowr jeer weerar culus ku qaaday Cabdi Xaashi oo isagu ku doodaya inuu mudan-yahay in guddiyada doorasho ee xildhibaanada waqooyi uu soo magacaabo, taasi oo ay ku taageeren mucaaridku.

Haddaba, guuxa khilaafkaasi ayaa gaaray deegaanada Somaliland, iyada oo qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaankaasi ay ka digeen in murankaasi uu horseedo tafaraaruq kala qeybiya bulshada waqooyi.

Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo arrintaasi ka hadlay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegay in khilaafka ka dhexeeya guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya uu yahay wax laga xumaado, maadama labadii mas’uul ee ugu sareeyay la iska soo horjeediyay.

“Muqdisho sida aad ogtahay calankii shanta gees ee shanta Soomaaliyeed ka dhexeeyey ayaa Dastuurka ugu qoran, in Soomaali shanta Gobol calankaasi ka dhexeeyo, reer Jabuuti ayaa Barlamaanka ku jira, kuwa Itoobiya ka tagay baa ku jira, kuwa NDF Kenya ka yimid ayaa ku jira, iyo kuwii Soomaaliya ayaa jooga, shantii Soomaaliyeedba Barlamaanka Soomaaliya way ku jiraan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas raaciyey “Haddii qabiil loo eego waan ka xumahay in labadoodii ugu sareeyey ee mid ahaa  guddoomiyaha guurtida ee aqalka sare ee Soomaaliya, midna ahaa Ra’iisal wasaare ku-xigeen in la iska soo hor jeediyey, waxay ku tahay gunimo, waxay ku tahay fool xumo, waxaan leeyahay waar labadiinu ha wada hadlina.”

Siyaasiga ayaa taageero u muujiyey Cabdi Xaashi oo uu sheegay in uu xaq u leeyahay in wax laga weydiiyo xulista guddiyada gobolada waqooyi, maadama uu yahay mas’uulka u sareeya ee metela, sida uu hadalka u dhigay.

“Cabdi Xaashi haddii uu yidhi ‘Haddii gobol lagu sheegayo iyo haddii qabiil la eegayaba, waxaan ahay ninkii ugu sareeyey ee wax ha laga iga weydiiyo’ xaq buu u leeyahay, Mahdi-na waxaan leeyahay is kaashada oo ha kala baydhina, anigu waxaan idiin arkaa niman shaqo tagay, Soomaali oo dhan baa u shaqo tagta meesha oo anigu idinku eedayn maayo ee iska shaqaysta, laakiin idinku ha iska hor imanina.”

Sacuudiga 24ka Nofeembar 2020 Wasiirka Arrimaha Dibbadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan Al-Sacuud ayaa sheegay in dawladiisu ay hadda wado qorshe ay kula heshiinayso dawlada Qatar oo uu xiriirkoodu go’ay saddex sanno ka hor.

Amiir Faysal oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters inay hadda raadinayaan waddo lagu dhamaynayo khilaafka Sacuudiga iyo Qatar, waxaana uu intaa ku daray inuu sii jiri doono shuruudahoodii illaa khilaafka laga dhamaynayo.

“Waxaan sii wadaynaa inaan diyaar u ahaano la xiriirida walaalaheena Qatar waxaanna rajeynaynaa in ay si dhab ah uga go’antahay kaqeyb qaadashadaas,” ayuu yiri. “Laakiin waxaan u baahannahay inaan wax ka qabanno welwelka amni ee sharci ee afar geesoodka waxaanna u maleynayaa inay jirto waddo taas loo maro,” oo lagu xallinayo “mustaqbalka dhow”.

Wasiirkaan waxaa uu sheegay inuu hadda jiro wada hadalo si hoose u bilowday labada dhinac inkastoo uu faafaahin uu ka bixin halka ay marayaan.

Wasiirka Arrimaha Dibbadda Qatar Sh. Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa todobaadkii hore sheegay inay jirin cid ka faa’iday go’doomintii Qatar la saaray sanadkii 2017 ee ay dawladaha Khaliijka xiriirka ugu jareen isagoo intaa ku daray in dalkiisa uu ku rajo weyn yahay in khilaafku dhamaan doono daqiiqad kasta.

Balse  Yousef Al-Otaiba, oo ah danjiraha Imaaraadka ee Mareykanka, ayaa u sheegay warbaahinta Israa’iil inuusan rumeysnayn in heshiisku uu soo dhowaanayo. “Uma maleynayo in si dhakhso leh loo xaliyo sababtoo ah uma maleynayo in ay jiraan wax wax isdhaafsi ah,” ayuu yiri al-Otaiba

Muqdisho 24ka Nofeembar 2020 Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Kelly Craft ayaa ka hadashay xaaladda Soomaaliya & arrimaha doorashada soo socota, gaar ahaan dooda ka taagan guddiyada doorashooyinka.

Kelly Craft oo hadal ka jeedisay kulan ay golaha ammaanka ee QM ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay muhiim tahay in ay wada-hadallo yeeshaan hoggaanka dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka, si xal wadajir ah loo gaaro.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in loo baahan yahay in doorashadu ay noqoto mid wada-ogol ah oo ay u dhan yihiin dhinacyada oo dhan.

Ergeyga gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo hadalkeeda sii wadata ayaa tusaale u soo qaadatay muranka ka taagan guddiyada maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka oo haatan si weyn la’isugu hayo.

“Waxa aan u jeedinayaa DFS & Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan wada-xaajoodyadda lagu saldhigayo Geedi socodka Doorashada 20/21, wax waliba waa in ay noqdaan mid wada ogol & is faham ku dhamaada, sida gudiyada maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka,” ayey tiri Kelly Craft.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Soomaaliya laga dareemayo xaalad siyaasadeed oo ku aadan doorashooyinka dalka, waxaana haatan gudaha magaalada Muqdisho ka socdo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo shirar ay leeyihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Muqdisho 24ka Nofeembar 2020  Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in mar kale adeegga korontada laga jartay xarunta maamulka Gobalka Banaadir.

Korontadaan ayaa la jartay Sabtidii waxayna shalay maqneyd maalintii saddexaad. Goobaha ay ka maqan tahay ayaa kala ah Aqalka Dowladda Hoose, Xarunta ururka Dhalinyarada iyo Xarunta laga qaato Dhalashada iyo Sugnaanta ee dad dhigista.

Xubno kamid ah maamulka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in lacag ki dhowaad $500, 000 lagu yeeshay dowladda Hoose, lacagtaas oo ah mid is gaar-gaartay.

Hore ayaa sidaan oo kale looga jartay Korontada iyo Biyaha waxeyna ka maqaneed muddo aan ka yareen 6 maalmood, markaasi oo wada-hadal kadib dib loo soo daayey.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhaqaale la’aan iyo maamul xumo, waxaana la sheegayaa in si qaldan loo isticmaalo lacagta canshuurta ah ee soo gasho gobalka Banaadir, oo markii horeba aad u yareyd.

Gobolka Banaadir ayaa soo xareeya dhaqaale malaayin dollar ah, hase yeeshee waxaa kasoo gaara kaliya 15%, waxaana inta kale qaata dowladda federaalka, maadaama aysan lahayn il kale oo dhaqaale oo gobollada dalka ah.

Muqdisho 24ka Nofeembar 2020 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo shalay khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Golaha Ammaanka, ayaa sameeyey ballan-qaad la xiriira doorashada xilli ay jiraan walaacyo badan.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa ku gacan seeray sida uu ku socdo hanaanka doorashada iyo guddiyada la magacaabay, waxayna shir ka fureen Muqdisho, ayada oo la filayo inay qaadacaan.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorasho xor ah, isla markaana ku dhacda waqtigeedii.

Wuxuu intaas ku daray inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda. 

Qoondada haweenka ee 30% ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in la xaqiijin doono doorashada dhacaysa, waxa uuna yiri “Way naga go’an tahay in aan ilaalinno qoondada haweenka ee 30%, xeer hoosaadkii baarlamaanku dhawaan ansixiyay ayaa si cad u qeexaya in ujeeddada loo socdaa tahay in matalaadda haweenku gaarto 50%.”

Dhanka amniga ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka soo hoynayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

Ra’iisul Wasaarre Rooble ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay horumarrada ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca dhaqaalaha iyo dakhli ururinta, taas oo uu sheegay horumar wanaagsani ka jiro.

Mar uu ka hadlayay dhinaca xorriyatul qowlka iyo saxaafadda waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu garawsan tahay kaalinta muhiimka ah ee saxaafaddu ku leedahay geeddi socodka qaran dhiska, isagoo intaa ku daray in la ansixiyay xeerka saxaafadda oo warfidiyeenka u dammaanad qaadaya in ay xorriyad ku shaqeeyaan.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu intaa ku daray in dowladdu dib u habeyn ku sameysay habka xiriirka warbaahinta ee xafiisyada muhiimka ah, si ay saxafiyiintu u helaan xogo ku saabsan qorsheyaasha iyo howlaha dowladdu hayso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka uga warbixiyay xaaladda xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladdu kula tacaaleyso.

Muqdisho 24ka Nofeembar 2020 Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey gaadiid ay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku gubeen duleedka degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool ee koonfurta Somalia.

Gaadiidkan oo ahaa nooca qaada xamuulka, islamarkaana u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa ka amba-baxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna ku sii jeeday dhanka magaalada Xudur, sida lagu sheegay warka Booliiska.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in gaadiidkaasi oo gaarayey illaa todobo dab la qabad-siiyey xilli ay marayeen deegaanka Emed Kooeey ee gobolka Bakool.

“Abaare 08:00 fiidnimo Alshanaab ayaa ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Beledweyne kuna sii jeeday Xudur” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka Booliiska.

Al-Shabaab ayaa horey u go’doomiyey degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Inta badan dagaalyahano Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fuliya deegaanada maamulka Koonfur Galbeed oo ay weli ka heystaan degmooyin iyo deegaano dhowr ah.

WARARKA MAANTA 23ka Nofeembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Yaa ah mikiilaha xukuummadda fashilantay ee “Kuf Iyo Kala-Carar”? Maxuu Taliyaha  Hay’adda Nabad-Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka #NISA Fahad Yaasin “Daba-Naase” uga dhigay xarunta laga shaqaalaysiiyo Argagixisada AL-Shabaab? Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.5%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Yaa muwaadin Soomaali ah u dhiibay #Xabashida? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxuu qaban Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 23ka Nofeembar 2020 Xildhibaano iyo Senataro ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalane qeyb ka ah xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran oo ay kala hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, ayaa wali muujinaya walaac xoog leh oo ay ka qabaan musharax Xasan Cali Kheyre.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in wali xubnaha xisbiyadaan dalbanayaan in Kheyre ooh adda musharax madaxweyne caddeeyo mowqifkiisa ku aadan saaxiibadiisa hore ee Viila Somalia.

Xubnahaan ayaa sheegay in Kheyre uu wali saaxiib la yahay Villa Somalia, gaar ahaan agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, Fahad Yaasiin iyo Madaxweyne Farmaajo islamarkaana uu yahay dhagax lagu soo dhax tuuray mucaraadka.

Xildhibaanada qaarkood ayaa dalbaday in uusan ka mid noqon midowga musharaxiinta ilaa uu caddeeyo mowqifkiisa halka qaarkoodna ay dalbadeen in aad looga fiirsado.

Tuhunka ayaa sii xoogeystay kadib markii Kheyre khudbaddii uu jeediyey Jimcihii markii uu kusoo laabtay Muqdisho uu ka fogaado inuu si toos ah u dhaliilo madaxweyne Farmaajo ama Fahad Yaasiin.

Waxaa sidoo kale jirta in Kheyre ay diiwaanka ugu jirto inuu 2016-kii isaga oo ka mid ah xubnaha sare ee ololaha Xasan Sheekh, uu haddana si hoose ula shaqeynayey ololaha madaxweyne Farmaajo.

Xasan Cali Kheyre ayaa wajahaya cadaadis badan oo dhanka muacaaradka ah, inkastoo uu ka qeyb galay shirka musharaxiinta, kadib markii uu ka gudbay shuruud lagu xiray oo ahayd inuu raali geliyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Maraykanka 23ka Nofeembar 2020 Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa in la-taliyihiisa muddada fog Antony Blinken uu u magacaabo inuu noqday xoghayaha arrimaha dibedda, sida ay sheegeen saddex qof oo xog-ogaal ah.

Biden ayaa sidoo kale la filayaa inuu Jake Sullivan, oo ka mid ahaa kaaliyayaashii ugu dhowaa Hillary Clinton, u magacaabo la-taliyaha amniga qaranka, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg oo soo xiganeysa dad xog ogaal ah.

Labada qof ayaa la filayaa in la magacaabo Talaadada.

Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad ee maamulka Biden, Ron Klain ayaa Axaddii sheegay in madaxweynaha la doortay uu Talaadada magacaabi doono qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, hase yeeshee waxa uu diiday inuu shaaciyey boosaska.

Sullivan oo 43 jir ah, iyo Blinken oo 58 jir, ayaa labaduba laba xilli oo kala duwan ahaa la-taliyayaasha amniga qaranka ee Biden, intii uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka.

Waaxda Arrimaha Dibedda waa tan ugu sarreysa wasaaradaha Mareykanka, waxaana xoghayaha arrimaha dibedda uu yahay qof haga siyaasadda arrimaha dibedda.

Blinken ayaa ahaan jira ku-xigeenka xog-hayaha arrimaha dibedda, xilligii Obama.

Sidoo kale, la-taliyaha amniga qaranka waa mid ka mid ah jagooyinka ugu muhiimsan uguna awoodda badan Aqalka Cad, wuxuuna hogaamiyaa xubno isugu jira khuburo militari, diblomaasiyiin iyo sirdoon, kuwaas oo hormariya siyaasadda arrimaha dibedda iyo militariga.

Muqdisho 23ka Nofeembar 2020 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday magaalada Baydhabo ayaa kulamo kala duwan ka bilaabay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Rooble ayaa si gaar ah kulan ula qaatay golaha wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana goobjoog ahaa xubno ka mid ah golihiisa wasiirada.

Kulankan oo uu wax ka guddoomiyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira wada-shaqeynta Koonfur Galbeed & dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday muhiimada ay leedahay isku xirka hay’adaha maamulkaasi iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad wadashaqeyn wanaagsan yeelataan, iskana kaashataan howllaha muhiimka u ah dadka aad matashaan iyo tan guud ee Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale waa in la xoojiyaa wada shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada Baydhabo oo uu kala hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Ing. Rooble ayaa kula dar-daarmay inay qaataa doorkooda ku aadan taageerada dowladda iyo nabad-gelyada, si dalka uu uga gudbo marxalada kala guurka ah.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee uu Rooble ku tegay magaalada Baydhabo, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha bishii September ee sanadkan 2020-ka.

Muqdisho 23ka Nofeembar 2020 Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka wada-tashiga musharraxiinta oo galay maalintiisii 3-aad.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya illaa 14 musharrax oo u taagan xilka madaxweynaha, kana qeyb-galaya tartanka doorashada ee 2020/21.

Wararka ayaa sheegaya in shirka lagu daray maalin dheeri ah, islamarkaana la soo xiri doono beri oo Talaado ah, iyada oo la filayo in laga soo saaro war-murtiyeed & go’aano la xiriira waxyaabaha laga wada-hadlay.

Saxaafadda ayaa sidoo kale loo diiday inay galaan hoolka, waaana kulanka maanta uu yahay mid ka duwan kuwii hore ee ay yeesheen musharraxiintu.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saaray doorashada soo socota, gaar ahaan muranka ka taagan dhismaha guddiyada ka shaqeynaya doorashadaasi.

Musharraxiinta ayaa walaac xoogan ka muujinayo guddiyadaasi oo ay dhowaan ku dhowaaqday xukuumadda Soomaaliya, iyaga oo dalbanaya in is-bedal lagu sameeyo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirweynahan uu maanta ku biiro guddoomiyaha golaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo si weyn uga soo horjeedo, sida ay wax wado xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale musharraxiintu ay wada-tashiyo gaar ah la yeesheen ururada bulshada rayidka ah iyo culimada u diinka, si ay doorashadu u naqato wada-ogol.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan mareyso meel xasaasi ah, waxaana meel aad u fog kala joogo hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda dowladda dhexe

Muqdisho 23ka Nofeembar 2020 Cabdullaahi Abyan Nuur iyo Yuusuf Maxamed Khayr ayaa loo doortay in ay si ku-meel gaar guddoomiyeyaal uga noqdaan guddiga xallinta khilaafaadka iyo guddiga doorashooyinka heer federaal.

Labadan mas’uul oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa hore xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii ku-meel gaarka ahaa iyaga oo xilliya kala duwan ahaa xildhibaanno heer federaal ah.

Cabdullaahi Abyan Nuur oo ah ninka ugu da’da wayn guddigan ayaa hore u ahaa wasiirkii caddaaladda iyo arrimaha diinta ee xukuumadihii madaxweyneyaasha Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana loo doortay guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee guddiga xalinta khilaafaadka.

Yuusu Maxamed Khayr, oo loo doortay guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee guddiga doorashooyinka heer federal, wuxuu laba jeer soo noqday wasiir ku-xigeen, guddoomiyaha gobolka Bakool iyo xubin ka tirsan guddigii fulinta ee ururukii RRA.

Tababarka guddiyada doorashooyinka ee heer federaal ayaa shalaygalay maalinkii labaad iyada oo uu si rasmi ah u furay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Khamiista soo socoto la qabanayo doorashada guddoonka labada guddi oo ay wali ka maqan yihiin xubnaha Puntland iyo Jubaland.

Tirada guddiga doorashooyinka ee Muqdisho ku sugan waa 20 halka guddiga xallinta khilaafaadka ay yihiin 17 qof. Xubnahan ayaa haysta kooram ku filan oo ay doorasho ku galaan balse lama hubo tallaabada ay qaadi doonaan Jubaland iyo Puntland haddii la gaaro go’aano aysan qeyb ka ahayn.

Maamulka Galmudug 23ka Nofeembar 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ee 2020/21.

Kulanka oo ka dhacay guriga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay Qoor Qoor, islamarkaana ay qeyb ka aheyd casho sharaf uu madaxweynaha Galmudug u sameeyey musharraxiinta ayaa waxaa ka qeyb galaya ra’isul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, hogggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.

Intiisa badan waxaa kulankan diirada lagu soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan doorashada, siiba muranka ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka.

Qoor Qoor oo madasha ka hadlay ayaa u ballan qaaday musharraxiinta labo qodob oo kala ah:1-inuu diyaar u yahay inuu qeyb ka noqdo dadaalada lagu xalinayo dooda ka taagan guddiyada doorashada ee heer iyo heer dowlad goboleed intaba.

2-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu waa-waan ka dhex bilaabi doono musharraxxiinta iyo madaxda dowladda dhexe.

Waa kulankii labaad ee ay yeesheen labada dhinac, waxaana dhammaan looga wada-hadlay sidii loo xalin lahaa tabashada ay muujinayaan musharraxiinta mucaaradka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh iyo shirar u dhexeeya hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee dalka.

Maamulka Puntland 23ka Nofeembar 2020 Waxaa saacadihii la soo dhaafay deegaanada Puntland ka da’ay roobab dabeylo wata oo ku dhufay xeebaha ku yaalla maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dabeylahaasi oo horey looga digay ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan shan ruux oo kalluumeysato ahaa ayaa ku dhintay roobabka ka da’ay xeebaha maamulka Puntland, gaar ahaan gobolka Bari.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa shaaciyey in kalluumeysatada geeriyootay ay la rogmatay doonidii ay saarnaayeen, xilli ay ka jalaabayeen xeebaha maamulkaasi. Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in haatan ay socdaan gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Sidoo kale wuuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah ee degan agaarka xeebaha inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

“Degmada Xaafuun waxaa ka da’ay Roob Dabayla wata oo aan ka dignay maalmihii lasoo dhaafay, xaaladdu ma wanaagsano, maadaama isgaarsiintu aan la heli Karin, balse baadi-goob ayaa socda si gurmad loo gaarsiiyo dadka halkaas ku sugan ay u nugul yihiin Roobabka laga digay,” ayuu yiri waxaa yiri guddoomiyaha gobolka Karkaar.

Shalay ayey aheyd markii ay digniin ku aadan dabeylahan soo saartay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo farriin u dirtay dadka degan xeebaha Puntland.

Maamulka Hirshabelle 23ka Nofeembar 2020 Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay xalinta xiisad beryahan dambe ka taagneyd gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taas oo ka dhalatay tegista safar uu magaaladaasi dhowaan ku gaarayo madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlaawe).

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha nabad sugida gobolkaasi Colaad Cabdullahi Dalabey ayaa booqasho ku tegay deegaanka Ceelgaal oo ku yaalla duleedka Beledweyne, halkaas oo ay isku aruusanayeen maleeshiyaad iyo saraakiil hore oo ka soo horjeeday, sida loo wajahay dhisida maamulka HirShabelle.

Labada dhinaca oo kulan yeeshay ayaa ka wada-hadlay, sidii meesha looga saari lahaa xiisadaasi, islamarkaana looga shaqeyn lahaa horumarinta HirShabelle.

Saraakiisha gadoodka waday ee kulanka ka qeyb-galaya ayaa waxaa hoggaaminayey sarkaal lagu magacaabo Janaraal Abuukar Xuud oo ka mid ahaa musharaxiintii ka hartay tartanka doorashadii dhowaan ka dhacday gudaha magaalada Jowhar. Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Caasimada Online u sheegay inay labada dhinac isku afgarteen in laga wada-shaqeeyo nabadda, wada-hadalna lagu dhameeyo arrinta.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha iyo maleeshiyaadka hubeysan ee abaabulka ka waday Ceelgaal lagu soo celiyey Beledweyne, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Si kastaba saacadaha soo socdo ayaa waxaa la filayaa in gobolka Hiiraan uu gaaro madaxweyne Guudlaawe waxaana kaga sii horreeyey ku xigeenkiisa Dabageed.

Muqdisho 23ka Nofeembar 2020 Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi, guddoomiyihii hore maxkamadda sare, Ibraahim Iidle Suleymaan iyo wasiirkii hore warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku biiray shirka musharraxiinta oo galay maalintii 3-aad.

Shirka oo lagu waday in maanta la soo gaba-gabeeyo ayaa dib loo dhigay, waxaana la soo xiri doonaa maalinta beri ah oo laga so saari doono war-murtiyeed.

Cabdi Xaashi, Ibraahim Iidle iyo Maareeye ayaa shirka siin doono warbixin ku aadan khilaafka ka taagan doorashada, gaar ahaan guddiyada doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah ay mas’uuliyiintan uga hadli doonaan muranka ka taagan guddiyada doorashada ee gobollada waqooyi ku metalaya doorashada. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa horey wada-tashiyo gaar ah ula yeeshay ururada bulshada rayidka yo culimada, si ay doorashadu u noqoto wada-ogol.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan mareyso meel xasaasi ah, waxaana meel aad u fog kala joogo hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda dowladda dhexe.

WARARKA MAANTA 22ka Nofeembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” 99.5%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Yaa muwaadin Soomaali ah u dhiibay #Xabashida? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxuu qaban karaa Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Ha wiqleyso!

Muqdisho 22ka Nofeembar 2020 Doodda ka taagan guddiyada doorashada Soomaaliya ee la xiriirta in xubnaha ku jira qaarkood ay yihiin askar, ayaa waxaa saacidaya dhanka sharciga.

Aqoonyahanada qaarkood ayaa sheegaya inay tahay in dhammaan xubnaha ciidanka ee eek u jira guddiyadan ay is-casilaan, maadaama dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in ciidamada qalabka sida aysan qeyb ka noqon karin siyaasadda, sidoo kalane shaqaalaha dowladda aysan siyaasada qeyb ka noqon karin ilaa ay shaqada ka tagaan.

Aqoonyahan Maxamed Maxamuu Cadde oo ah weriye hore oo ka tirsan BBC, hadana darsa arimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay ciidamada in aysan ka mid noqon siyaasadda, haddii ay hada ku jiraana ay iska casilaan xubinimada guddiga.

“Waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan dastuurka, ciidan iyo shaqaale kama mid noqon karaan siyaasadda, dhalinyarada ciidamadu waa in aan la qaldin, fadlan ka baxa guddiyada sharci ma ahan, mustaqbilkiina yuusan ku ciyaarin rag daneestayaal ah,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde.

Sidoo kale Maxamed Maxamuud Cadde ayaa dhinaca kale madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka ka dalbaday in aysan dalka gelin qalaalaaso amni iyo mid siyaasadeed.

Dowladda Soomaaliya waxay diiday doodad ah in xubno ka tirsan sirdoonka ay qeyb ka yihiin guddiyada doorashada, waxayna meesha ka saartay in isbeddel lagu sameeyo.

Mucaaradka ooh adda shir uu uga socda Muqdisho ayaa wacad ku maray inaysan ka qeyb gali doonin doorashada, haddii aan guddiyadaas isbeddel lagu sameyn.

Muqdisho 22ka Nofeembar 2020 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah galabta la qaatay masuuliyiinta ugu sarreysa maamulka gobolka Banaadir, kaas oo la sheegay in lagu dardar-gelinayo howllaha ay bulshada caasimadda u hayaan.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa, Rooble ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta cusub ee dhowaan loo magacaabay maamulka gobolka Banaadir inay la yimaadaan qorshe cad oo lagu horumarinayo Caasimadda.

Si gaar ah waxaa looga hadlay kulankaas dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii maalmo ka hor ka da’ay magaalada Muqdisho oo saameyn ballaaran ku yeeshay waddooyinka, danyarta iyo bilicda caasimadda.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in la sameeyo daraasad lagu qiimeynayo khasaarooyinkii ka dhashay roobabka, gaar ahaan burburka jidadka, isagoo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaataan horumarinta bilicda iyo amniga caasimadda,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku celceliyey in xukuumaddiisu ay mudnaan gooni ah siin doonto amniga caasimadda, isagoo xubnaha uu la kulamay ee maamulka gobolka Banaadir faray inay dib u habeyn ku sameeyaan leyrarka waddooyinka ku xiran, si buu yiri “aysan uga faa’iideysan mugdiga kooxaha nabad diidka ah.”

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha kulankan muhiimka ah, isagoo sheegay in Maamulkiisu uu ka howlgeli doonno sidii wax looga qaban lahaa bilicda, amniga iyo dib u dhiska caasimadda,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Maamulka Puntland 22ka Nofeembar 2020 Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey xaafado dhoww ah oo ka tirsan magaaladaasi oo xarun ganacsi u ah Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in baaritaanadaasi ciidamadu ay ku soo-qab qabteen hub fara badan oo sharci darro ah oo lagu heystay Boosaaso.

Taliyaha Booliiska qeybta gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali maxamuud oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay in hubkaasi ay gacanta ku soo dhigeen, kadib xoh ay ka heleen shacabka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan hubkaasi iyo goobaha laga soo qabtay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidanka amniga Puntland ayaa xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga ee ay ka wadaan deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso, Qardho iyo Garoowe.

Muqdisho 22ka Nofeembar 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo u dhexeeyey musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2020/21, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Galmudug & madaxweynaha maamulkaasi Axmed Qoor Qoor oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa wuxuu u dhexeeyey musharraxiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Kheyre, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mustaf Dhuxulow iyo madaxweyne Qoor Qoor.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan diirada looga saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dooda ka taagan guddiyada ka shaqeynaya doorashooyinka 2020/2021.

Ilo ku dhow kulankan ayaa sheegay in musharrxiintan ay la wadaageen madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug dareenkooda iyo walaaca ay ka qabaan doorashada. Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in musharraxiinta ay ka dalbadeen Qoor Qoor inuu dib ugu noqdo guddigii uu soo magacaabay oo la sheegay inay ku jiraan xubno ay soo qorotay dowladda federaalka oo isugu jira shaqaale dowladeed iyo nabad sugid.

Dhankiisa Qoor Qoor oo madasha ka hadlay is-difaacay, wuxuuna ugu baaqay musharraxiinta inay kalsooni muujiyaan, islamarkaana ay isagu aaminaan.

Intaasi kadib labada dhinac ayaa ku ballamay kulamo kale, gaar ahaan casho sharaf uu gurigiisa ugu sameyn doono madaxweyne Qoor Qoor, si loo sii wado wada-hadallada.

Arrintan ayaa ka dambeysan, kadib markii musharraxiinta uu shalay shirka uga furamay magaalada Muqdisho ay isku qeybiyeen labo garab, kuwaas oo kala wajihayo maamullada Galmudug iyo HirShabelle, gaar ahaan guddiyada ay soo magacaabeen.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa mareysa meel xasaasi ah, waxaana caasimada ka socda shirar siyaasadeed oo iska soo horjeedo, loogan arrinasano doorashooyinka dalka.

Muqdisho 22ka Nofeembar 2020 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ayaa soo hadal qaaday arrimaha ku aadan doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa farrin u diray xubnaha guddiyada doorashooyinka ee dalka, isaga oo uga digay in aan lagu qaldin wax aysan shaqadoodu aheyn.

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ayaa xusay in xubnaha la soo xulay qaarkood ay yihiin ciidan, islamarkaana ay dambi galayaan haddii ay ku milmaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka ee soo socda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha iyo taliyaha nabad-sugida inay dhuujiska kaa daayaan siyaasadda, islamarkaana ay ka shaqeeyaan doorasho wada ogol ah.

“Wiilasha & Gabdhaha Soomaaliyeed waxa aan leeyahay yaan la idin qaldin oo ku shaqeeya waxa uu idiin fasaxay Qaanuunka, Ciidan ayaad tihiin, dambi ayaad galeysaan oo waxaa idin raaceysa eed aan dhamaan, madaxweynaha & milkiilaha waxa aan ugu caqli celineynaa ka daaya dhuujiska aad ku heysaan yaan la kala go’inee,” ayuu yiri.

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in kaliya dowladda federaalka ay isku hayaan jabinta dastuurta iyo qaanuunka dalka.

“Maanta waxa aan isku heysanaa dowladda federaalka ma ahan wax la garan waayay, wax waliba oo duruufo ah waala aqbali karaa balse kamid ma ahan wixii ka baxsan qaanuunka, guddiyada la magacaabay dastuurka raad kuma leh, qawaaniinta sal kuma lahan, Dowladnimo waa qaanuun, ceyb & cilad weyn ayay ku yihiin dimuqraadiyadda Soomaaliya” ayaa markale yiri madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha’ahaatee musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa walaac xoogan iyo kalsooni darro ka muujinayo guddiyada la soo dhisay ee doorashooyinka dalka, iyaga oo shaaciyey inay u badan shaqaale dowladeed iyo ciidan ka tirsan NISA.

“Wiilasha & Gabdhaha Soomaaliyeed waxa aan leeyahay yaan la idin qaldin oo ku shaqeeya waxa uu idiin fasaxay Qaanuunka, Ciidan ayaad tihiin, dambi ayaad galeysaan oo waxaa idin raaceysa eed aan dhamaan, madaxweynaha & milkiilaha waxa aan ugu caqli celineynaa ka daaya dhuujiska aad ku heysaan yaan la kala go’inee,” ayuu yiri.

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in kaliya dowladda federaalka ay isku hayaan jabinta dastuurta iyo qaanuunka dalka.

“Maanta waxa aan isku heysanaa dowladda federaalka ma ahan wax la garan waayay, wax waliba oo duruufo ah waala aqbali karaa balse kamid ma ahan wixii ka baxsan qaanuunka, guddiyada la magacaabay dastuurka raad kuma leh, qawaaniinta sal kuma lahan, Dowladnimo waa qaanuun, ceyb & cilad weyn ayay ku yihiin dimuqraadiyadda Soomaaliya” ayaa markale yiri madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha’ahaatee musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa walaac xoogan iyo kalsooni darro ka muujinayo guddiyada la soo dhisay ee doorashooyinka dalka, iyaga oo shaaciyey inay u badan shaqaale dowladeed iyo ciidan ka tirsan NISA.

WARARKA MAANTA 20ka Nofeembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay sababta Wasiirka Arrimaha Dibadda Denjire Axmed Cawad shaqada looga cayriyey.eryey? Yaase ku xiga Wasiir Cawad Ma Wasiirka Maalliyadda Mr. Bayle oo beentiisa xitaa aan wax shilin Soomaali ah dalka ka hirgelinin? Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” 99.1%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Maxay wax u qaban karin xukuummadda “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxayse tahay warqada loo dhiibay Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Ha wiqleyso!

WHO 20ka Nofeembar 2020 Madaxa hay’adda Caafimaadka Aduunka  WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn uga timid dhinaca dowladda Itoobiya oo ka dhan ah dagaallada ka socda gobolka Tigrayga.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Dr Tedros in uu u shaqeyso sidii Diblomaasi Tigray ah oo kale islamarkaana taageerro militari iyo mid dhaqaale caalamka uga raadinayo Jabhada gooni u goosadka TPLF.

Hasse ahaatee Tedros ayaa sheegay in warkaasi yahay waxba kama jiraan, islamarkaana uu taageersan yahay oo kaliya  Nabadda iyo la joojiyo qalalaasha ka jira gobolka.

”Warka ku saabsan in aan dhinac taageersannahay ma’aha mid sax ah, Annniga hal dhinac oo kaliya ayaa taageersanahay waana dhinaca Nabada” ayuu yiri madaxda hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa horaantii bishan weerar ku qaaday saldhigyada xoogagga TPLF ee Ismaamulka Tigrayga waxaana muuqata in dagaalkan oo wali soconaya uu yeeshay saameyn amni iyo mid siyaasadeed intaba.

Muqdisho 20ka Nofeembar 2020 Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya iyo sida ay wax u socdaan ayaa dowladda dhexe ku eedeeyey inay maamul goboleedyada qaar ku khasabtay inay guddiyada doorashada u soo magacaabaan xubno ka tirsan NISA.

“Runtii dalku heerka uu marayo walaac badan ayaan ka qabaa, mudo dheer ayaan ka soo shaqeynayey dalkan, waxuuna hadda marayaa markii ugu adkeyd abid, waxaana jirata kheyru masuulnimo weyn oo ay sameeyeen Madaxweynaha iyo Taliyaha NISA oo aan ka fikireyn duruufihii adkaa ee dalku soo maray,” ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Dhuxulow oo wareysigan siiyey VOA ayaa sheegay in fikirka Farmaajo iyo Fahad ee ah in maanta xubno la yaqaano oo ka tirsan NISA ay u qortaan guddiga doorashooyinka, iskuna dayaan inay u soo boobaan doorashada uu keeni karo xaalado adag iyo siyaasadda dalka oo cakiranta.

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayuu Mustaf Dhuxulow ku taageeray go’aanka ay ku diideen inay soo magacaabaan xubnihii ku meteli lahaa guddiyada doorashooyinka, isagoo maamullada kale iyo gobolka Banaadir ku dhaleeceeyey rabitaankooda ah inay xukunka ku soo laabtaan Fahad iyo Farmaajo.Mar wax laga weydiiyey sababta uu uga soo hor jeestay dowladda madaxweyne Farmaajo oo seddax sano iyo bar uu soo taageerayey ayuu sheegay in Farmaajo uusan ula dhaqmin sidii ay ka mudnaayeen dadkii ku soo dhaweeyey xukunka dalka.

Hadalkii shalay ee ra’iisul wasaare ku xigeenka ayuu ku macneeyey mid baqdin ay ka keentay, isla markaana uu Mahdi ku qasbanaaday inuu daacad u noqdo xukunka madaxweyne Farmaajo.

“Mar hadii qaar ka mid ah dowlad goboleedyadii lagu qasbaayo inay xubno la wato guddiyo u magacaabaan, waa dareemi kartaa Mahdi Guuleed wax meesha u yaalla in aysan jirin, marka hadiiba dowlad goboleedyadii is dhiibeen, isaguna inuu is dhiibo waa ku qasbanaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa u arkaya hanaanka ay dowladda dhexe u maamuleyso doorashooyinka soo socda iyo guud ahaan siyaasada xiligan, inay tahay mid caqabad ku keeni karta hanaanka doorashada iyo amniga Qaranka.

Muqdisho 20ka Nofeembar 2020 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u hadlay markii ugu horreysay tan iyo markii la soo magacaabay guddiyada doorashada ee heer federaal iyo dowlad gobaleed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo wareysi siiyey idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in aysan waxba ku darsan doonin guddiggan iyo Madaxweyne Farmaajo ilaa xal loo helo doodaha ka taagan guddiga kadib wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

“Marna wax ku darsan meyno guddigaan oo ah ii camir mana ka yeeleyno Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan cabsi ka qabaa in ay dalka u harsoodaan in talada faraha ka baxdo oo xaaladu adkaato” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay in maamulada Puntland iyo Jubbaland aysan wali soo magacaabin guddiyada ka dhiman doorashada Soomaaliya.

“Waan ku dhiiri gelinayaa waliba waa talaabo fiican waayo qoladaan wax lagu darsan karo, waa fowdo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadaya iyadoo wali ay taagan tahay dooda guddiyada doorasahda Soomaaliya oo u badan ciidamo ka tirsan NISA iyo taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo.

Ethiopia 20ka Nofeembar 2020 Itoobiya waxey ku jirtaa xaalad dagaal oo culus, gantaallo ayaa lagu garaacay caasimadda gobolka amxaarada ee Bahirdar sida ay warbaahinta gobolkaas shaaca ka qaadeen.

Waxey noqoneysaa markii labaad oo gantaallo lagu garaaco Bahirdar tan iyo markii ay aad u xoogeysteen dagaallada ka socda gobolka Tigraay.

Warbaahinta waxey sidoo kale warisay in gantaalladii lagu tuuray Bahirdar aysan wax khasaare ah geysan, waxaana la leeyahay waxaa soo tuuray dagaalyahanada TPLF inkasta oo warkaas aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin.

Dagaalka wuu xoogeystay, eedo ayaa hawada la isku marinayaa, inkastoo ay dowladda mar dambe beenisay hadana TPLF waxey ka dhawaajiyeen iney ciidamada dowlada Itoobiya ay gobolka Tigraay ku beegsanayaan dadka rayidka ah.

Muqdisho 20ka Nofeembar 2020 Beesha Caalamka ayaa qoraal ay ka soo saartay doorashadii dhawaan ka dhacday caasimadda dowlad goboleedka HirShabeelle, waxay ku shaacisay inay si dhaw ula socotay, xilli madaxweyne Cali Guudlaawe uu sheegay in beesha caalamka aysan door ku laheyn doorashadii uu ku soo baxay.

Qoraalka beesha caalamka waxaa lagu sheegay inay la socdeen heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay doorashada maamulkaas, isla markaana ay hadda si dhow ula socdaan u diyaar-garowga doorashooyinka heer federaal ee deeganada HirShabeelle.

“Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya waxay si dhow ula socdeen dhisiddii golaha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Dowlad Goboleedka iyo u diyaargarowga socda ee loogu jiro doorashooyinka federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha cusub ee HirShabeelle Cali Xuseen Guudlaawe ayaa dhawaan magaalada Jowhar ka sheegay in doorashadii ka dhacday maamulkaas ee isaga madaxweynaha loogu doortay aysan wax door ah ku laheyn beesha caalamka, balse hadda kadib maamulkiisu uga baahanyahay garab istaag.

Qoraalkan ka soo baxay beesha caalamka ayaa maadxweyne Cali Guudlaawe loogu balan qaaday garab istaag iyo xal u raadinta caqabadaha ku hor gudban maamulkas cusub.

“Waxaan ku hanweynahay inaan Madaxweynaha Hirshabelle ee dhowaan la doortay Cali Guudlaawe kala shaqeyno horumarinta dib u heshiisiinta, isu keenidda dhammaan beelaha iyo bulshada reer Hirshabelle, la dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata iyo wax ka qabashada arrimaha dowlad-dhisidda iyo dhaqan-dhaqaale ee hortabinta u leh HirShabelle,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

War-saxaafadeedkan waxaa wadajir u soo saaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Muqdisho 20ka Nofeembar 2020 Wasiirkii caawa xilka laga qaaday ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn xilka kale ee loogu magacaabay isla wareegtadii xilka looga qaaday.

Qoraal uu soo saaray ayuu ugu horeyn wasiir Cawad ugu mahadceliyey madaxweyne Farmaajo intii uu hayey xilkaas oo ku siman laba sano.

“Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa,” ayuu Axmed Ciise Cawad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Dikreetadii xilka looga qaaday Cawad waxaa lagu sheegay in loo magacaabay safiirka dal aan la shaacin magaciisa, balse waxa uu ku sheegay qoraalkan in uusan diyaar u aheyn xilkaas.

“Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad.

WARARKA MAANTA 18ka Nofeembar 2020 Sir Culus!

Su’aalaha Maanta: Maxay shacabka Soomaaliyeed ku naceen Madaxweyne Farmaajo “Been-Hawaas” 98.8%? Yaa kaligiis-taliye ah maanta? Yaa xil korarsi sharci-darro ah raba? Maxay beesha caalamka ugu diiday in wax dhaqaallo ah la siiyo xukuummadda cusub ee “Kuf Iyo Kala Carar”? Maxayse tahay warqada loo dhiibay Raysal Wasaare Mohamed Rooble “Dhooqo-Raam-Sade/Dhiiqo-Raam-Sade”? Yaa noqday Madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan #Soomaaliya Farmaajo “Been-Hawaas” iscasil! Maxaa weli loo samayn waayey lacag Soomaali? Yaa qof halgamaa ah u dhiibay cadowga oo hadda sidii ilma yar oo saqiir ah golaha shacabka uga dhex qirtay? Yaa khaa’inul waddan ah maanta? Yaa khaldi kartaa khaa’inul waddan Farmaajo? Yaa #Soomaaliya ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka? Ha wiqleyso!

Addis Ababa 18ka Nofeembar 2020 Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay kusii siqayaan caasimadda gobolka Tigray, kadib markii laga gudbay waqti laba toddobaad ah oo ay u qabatay ciidamada TPLF inay isku soo dhiibaan.

“Ficilka ugu dambeeya ee fulinta sharciga waxaa la fulin doonaa maalmaha soo socda,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare Abiy Ahmed

Guddiga Abiy u xil saaray dagaalka Tigray ayaa dhankoodana ku eedeeyey Tigray inay burburiyeen buundooyin isku xira magaalada caasimadda ah ee Mekelle iyo qeybaha kale ee dalka, si ay u joojiyan ciidamada federaalka ee kusoo siqaya.

“Fallaagada TPLF waxaa dhowaan lagula xisaabtami doonaa burburinta kaabayaasha iyo dambiyada ay ku kacayaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga

Ma jiro illaa iyo hadda wax war oo kasoo baxay TPLF oo la xiriira sheegashada dowladda.

Ciidamad federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay “xoreeyeen” deegaanada Raya, Chercher, Gugufto iyo Mehoni oo ku yaalla qeybaha bari ee gobolka Tigray, iyo deegaanada Shire oo ku yaalla dhinaca galbeed.

Ciidamada federaalka ayaa sidoo sheegtay inay burburiyeen saldhigyo militari xilli ay kusii socdeen Mekelle.

“Ciidamada fallaagada waxay hadda ku jiraan dib u gurasho, waxaana ku siqaya kuwa federaalka si cadaaladda loo mariyo,” ayey tiri dowladda.

Hoggaamiyayaasha Tigrayga ayaa ku eedeeyey ciidamada federaalka inay burburiyeen biyo xireen iyo warshad sonkor, ayaga oo si “arxan darro ah” u weeraraya shacabka shanta milyan ah ee Tigray-ga.

Dowladda waa ay beenisay inay beegsatay shacab.

Muqdisho 18ka Nofeembar 2020 Madaxtooyada Galmudug ayaa ka hadashay wararka sheegayo in mooshin ka dhan ah madaxweyne Qoor Qoor laga abaabulayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Cabdiweli Jaamac Barre oo ah Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug  oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyey in mooshin ka ah madaxweyne Qoor Qoor laga wado Muqdisho.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug ayaa xusay in madaxweyne Qoor Qoor uu magaalada Muqdisho kulamo kula qaatay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Cabdiweli Jaamac ayaa ujeedada kulamada uu Madaxweyne Qoor Qoor kula qaatay Magaalada Muqdisho xildhibaanada laga soo doorto Galmudug ku sheegay inay tahay tabasho la xiriirta Guddiga doorashada.

Agaasimaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in mucaaradku ay cadaadis  saareen Madaxweyne Qoor Qoor iyo in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha laga abaabulayo magaalada Muqdisho.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu baahiyey in Qoor Qoor laga wado mooshin xilka looga tuurayo,  kadib markii siyaasiyiinta mucaradka ah ay ka horyimaadeen xubnaha guddiyada doorashoyinka ee dhawaan uu soo magacaabay.

12 musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya  ayaa qaadacay guudiyaada doorashooyinka ee magacaaban, kuwaas oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, markii laga reebo Jubbaland iyo Puntland oo weli diidan soo magacaabidda xubnihii ku meteli lahaa guddiyadaas.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la rumeysan inay ka hor yimaadeen inta badan xildhibaanada laga soo doorto Galmudug ee ku jira labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, waxayna ku eedeeyeen madaxweynaha inuu guddiga doorashada kusoo daray xubno ka tirsan hey’adda NISA.

Muqdisho 18ka Nofeembar 2020 Warbaahinta Dalka  ayaa ogaatay in mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay ka dambeeyeen in la baahiyo warqadii ay Odayaasha Hawiye u dhibeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xogo muhiim ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka ay warqadaan gacanta u geliyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe, waxaana garab fadhiyay shan wasiir oo Hawiye ah.

Nabaddoon Muxiyaddiin Xasan Afrax oo ka mid ah odayaasha Hawiye ayaa sheegay in warqadda aysan xitaa lahayn nuqul kale, ayna u dhiibeen Rooble, balse ay la yaabeen inay ku dhex-arkaan baraha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warqadaan ku wareejiyay Xoghayaha Joogta ee Xafiiskiisa, waxaana la sheegay inuu isagana la sii wadaagay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyn gaartay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. Amarka ah in la-baahiyo warqadaan ayaa la sheegay in laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya kadibna lala-wadaagay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, kadibna waxay gaartay warbaahinta.

Baahinta warqadaan ayaa loo maray shaqsiyaad caan ka ah baraha Bulshada ee Internet-ka, waxeyna ugu dambeyn ku faaftay Social Media-yaha oo dhan. Odayaasha dhaqanka ayaa daqiiqado kadib loo sheegay in warqadii la baahiyay waxaana dusha laga saaray mas’uuliyada baahinta warqadaas.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa dorraad magaalada Muqdisho ka sheegay in warqadaas ay geliyeen gacan amaan ah balse markii dambe loo soo sheegay in la faafiyay.

Maraykanka 18ka Nofeembar 2020 Dowladda Mareykanka ayaa liiska argagixisada ku dartay hoggaamiyaha ciidan xul ah oo ay leeyihiin Al-Shabaab, kaasi oo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii bishii Janaayo ka dhacay saldhig ku yaalla Kenya, oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay Macallin Ayman oo ah hoggaamiyaha ciidanka Jaysh Ayman, iyo sidoo kale Cabdullaahi Cusmaan Maxamed, oo maamula qeybta qaraxyada iyo warbaahinta, ay ku dartay liiska caalamiga ah ee argagixisada.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in cutubka Jaysh Ayman ay fuliyeen weerarkii Janaayo ee ka dhacay xerada Camp Simba ee xeebta waqooyi ee Kenya, kaasi oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah, laguna burburiyey diyaarad.

Sanaddii 2018, daraasad ay sameysya hay’adda Jamestown Foundation ayaa Jaysh Ayman ku qeexay dadaal ay Al-Shabaab gudaha Kenya uga sameyneysay ciidan si wanaagsan u tababaran, una qalabeysan oo Kenyan ah. 

Muqdisho 18ka Nofeembar 2020 Faah faahinno kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay waddada ka baxda isgoyska Fagax ee aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xilli ay mararayeen agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada AMISOM ee lala bartilmaameedsaday miinadaasi. Inta la xaqiijyey illaa afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay rasaasta ay fureen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo kala ah aabe, xaaskiisa, gabar yar oo uu dhalay iyo wiil farmashiye ku leh halka uu qaraxu ka dhacay.

Waa qaraxii labaad ee 24-saac gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoona shalay weerar is-miidaamin ah uu ka dhacay nawaaxiga iskuul Buluusiya, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo isugu jira askar & dad rayid ah.

Muqdiaho 18ka Nofeembar 2020 Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh, kaas oo ku aadan u diyaar garowga doorashooyinka soo socda ee la filayo in dalka laga qabto sanadkan 2020 illaa 2021-ka.

Siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa wada abaabul xoogan, iyaga oo shirar siyaasadeeed ka bilaabi doono Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay caasimada soo gaari doonaan siyaasiyiinta mucaaradka kuwooda ka maqan dalka, waxaana xubnahaasi ka mid ah:-

Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir iyo Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa wasiirkii hore warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa haatan Muqdisho ku sugan oo dhaq-dhaqaaq culus ka wada madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo maalmo ka hor dib uga soo laabtay safaro ay ku kala tageen wadamada Jabuuti, Kenya iyo Masar.

Sida ogaatay Caasimada Online waxaa socda qorshe gaar ah oo musharraxiintan oo dhamaan u taagan xilka madaxweynaha ku ‘sameysanayaan’ gole ay ku mideysan yihiin oo la filayo in looga dhowaaqo Xamar, waxaase ka horreeya shirar ay yeelan doonaan.

Ujeedka loo dhisayo golahaasi ayaa ah in musharraxiintu ay si isku mid ah ugu wajahaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo doorashooyinka 2020/2021-ka.

Si kastaba ha’ahaatee inta badan musharraxiinta ayaa horey uga horyimid dhismaha guddiyada doorashada, iyaga oo shaaciyey in lagu soo daray shaqaale ka tirsan madaxtooyada iyo askar ka tirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliyeed.

Muqdisho 18ka Nofeembar 2020 Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya, Xamse Saciid Xamse ayaa magacaabay guddiyo kala duwan oo maamulaya tartanka maamul goboleedka iyo gobolka Benaadir ee sanadkan 2020-ka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay toddoba gudi oo cusub oo qeyb ka noqonaya maamulka tartanka furmaya, kaasi oo ay kasoo dhex muuqdeen shaqsiyaad aad loo yaqaano.

Guddiga cusub ayaa waxa kale oo ku jira qaar kamid ah ciyaartooyadii horee ee dalka, iyo dad kale oo ehel u ah arrimaha Isboortiga.

“Guddiyadaas kala duwan waxaan ka sugayaan in ay la yimaadaan wax qabad wanaagsan iyo in ay dar dar geliyaan howlaha loo igmaday” ayuu yiri Wasiirka ciyaaraha oo ka hadlay magacaabista guddiyadaasi.

Tartanka maamul goboleedyada oo labadii sano ee hore la qabtay 2016 iyo 2017, ayaa waxa keliya uu ku koobna kubada cagta, halka sanadkan lagu soo kordhiyay ciyaaraha fudud iyo kubadda koleyga.

Hoos ka aqriso guddiyada la magacaabay:

Guddiga Kormeerka Guud

1 – La Taliye Sare Maxamed Xuseen Haadi –Guddoomiye

2 – Saciid Jaamac Qorsheeel                        Ku-Xigeen

3 – Yuusuf Maxamed Cabdi Yuusuf             Xoghaye

4 – Xildhibaan Cumar Cusmaan Waasare    Xubin

5 – Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamed   Xubin

6 – Amb – Cabdiraxmaan Diinaari                   Xubin

7 – Farxaan Xasan Amed                            yoXubin

Guddiga Farsamada

1 – Prof – Muuse Maxamed Naasir      Guddoomiye

2 – Cabdiqaadir Ibrahim Gacal      Ku-Xigeen

3 – Dr – Yuusuf Shaqaaq                  Xoghaye

4 – Dr – Cali Cusmaan Cali            Kaaliye-Xoghaye

5 – Maxamed Cabdo                         Xubin

6 – Ibraahim Xuseen Rombe              Xubin

7 – Saciid Maxamed Xasan              Xubin

8 – Cabdiqani Saciid Carab              Xubin

9 – Khadiija Aadan Daahir                Xubin

10 – Cabdullahi Nuur Maxamed         Xubin

11 – Xasan Maxamed Maxamuud        Xubin

Guddiga Martigelinta,Dejinta Iyo Gaadiidka

1 – Isaaq Xaashi Jimcaale           Guddoomiye

2 – Basma Caamir Shakeeti        Ku-Xigeen

3 – Ikraam Cabdullahi Joogow        Xoghaye

4 – Cali Xsan Axmed                         Xubin

5 – Xasan Cabdi Abuukar                 Xubin

6 – Mulki Nuur Muudey                      Xubin

7 – Maxamed Maxamuud Samatar   Xubin

Guddiga Habmaamuuska Iyo Nabadageliyada

1 – Abuu Sheekh Axmed             Guddoomiye

2 – Cali Amin Xaaji Axmed              Ku-Xigeen 

3 – Cabdiraxmaan Cali Muuse      Xubin

4 – Nasr Maxamed Maxamuud     Xubin

5 – Xubno Ka Socda Wasaarada Amniga Gudaha  Xubin

Guddiga Maaliyadda

1 – Sadiiq Maxamed Maxamuud                Gudoomiye

2 – Abshir Cabdiraxmaan Maxamed         Ku-Xigeen

3 – Cabdiqani Maxamed Jeylaani               Xoghaye

4 – Yuusuf Maxamed Xasan                          Xubin

5 – Ismaaciil Maxamed Cabdi                      Xubin

Guddiga IT,Warfaafinta Iyo Xayeysiiska

1 – Ayuub Ismaaciil Cali                   Guddoomiye

2 – Maxamed Cusmaan Xassan         Ku-Xigeen

3 – Maxamed Cabdi Muudey                 Xoghaye

4 – Maxamed Cabdullahi Digarey              Xubin

5 – Maxamed Cabdiraxmaan Warsame     Xubin

6 – Cumar Ibrahim Cabdirsalaam              Xubin    

Guddiga Anshaxa Iyo Racfaanka

1 – Muxyidiin Maxamed Farqajaan           Guddoomiye

2 – Saaci Axmed Abuukar                           Ku-Xigeen

3 – Xamse Xaaji Cabdi                                Xoghaye

4 – Maxamed Xaaji Cali                                 Xubin

5 – Yuusf Maxamed Jaamac “Jaymis”            Xubin